Hamda_ Nourツ
Open in Telegram
اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد. 🤍
Show more6 351
Subscribers
No data24 hours
-207 days
-11330 days
Posts Archive
6 351
Cishadii wacad keenu
Caashaqeenu dhamaaday
Ka sakoow illaa caawa
Maaha caadi naftaydu
Murugtaa u ah caado
Cidladaa u ah joogto
Caways fiidka ma aaddo
Asxaabtii cid ma raacdo
Fikir baan la catoobay
Maskaxdayda cusleeyay
Waxa aan la cirraystay
Cudur kaad igu beertay
Cirbad baa igu taagtay
Caqligayga sumaysay
Curuuqdaydiyo jiidhka
Caabuqeedu ku faafay
Niyaddii ku cisaysay
Markii aad ku ciyaartay
Sidii aad u canaaday
Cuqdad bay igu reebtay
suhayb- farro
6 351
Dadka Lama Yaraysto
Waligaa qofna nooca uu doono ha kuula muuqdee ha yaraysan, waayo ma ogid waxa u qarsoon. Dadka lama yaraysan karo, waayo, mucjiso ayaa ku jirta, qaarbaa kaa dhaqaale badan, qaarbaa kaa garaad badan. Adigu, dadka sidaa ay yihiin ku ixtiraam, oo ha ku dagmin. Waxyaabo badan oo kula weyn adiga qaarbaa si hoose waa hore u sameeyay, sidaa awgeed dadka arag oo dhaaf adoon quudhsan.
6 351
aaminaaduba waa in gabadhi kasoo tagto gurigoodii oo timaado guri nin islaameed ku gama'ado oo si aamin ah u seexato dhiniciisa, se' ninka gabadha ilaa heerkaas aamintay xumeeyay wuxuu qaatay heerka u saraysa ee fulaynimada iyo doqoniimada.
6 351
Mid baa hanti raba, mid baa xaas wanaagsan raba,mid baa ubad baari ah raba,mid baa caafimaad raba midkalana kurbo haysata in laga faydo ayuu rabaa.midkalana qalbiga in ilaahay uxasiliyo ayuu rabaa.
midkood ayaa luuqadda Ingiriisida ku baryaya midkalana ruush,mid ayaa af-carabi ku xanshaashaqaya midina af-hindi ayuu kor ugu qaylinayaa.midkood ayaa si dhex-dhexaad ah u hadlayaa midna oohin darteed baryadiisa fahmi maayaan inta udhawi. Mid ayaa madow, midkood ayaa caddaan ah mid kalana waa isku jir.
Ma mashquulinayaan luuqadaha iyo dhalashooyinka Kala duwani isagaa xumaan oo dhan kanasahane.dhamaantood wuu arkaa, dhamaantood wuu maqlaa, dhamaanteenna waa rabbigeen.♥️🥹
Ilaahayow maalinkan iyo ajiibka ducooyinkayaga.🤲🏻🥹
6 351
Bilaha iyo todobaadadda iyo maalmaha ugu khayrka badan ayay ka mid yihiin maalmahan aynu ku jirnaa. Khaasatan berri oo maalin af-xidhasho ah waxa la aqbalaa ducooyinka, waana maalin dambi dhaaf. Waa maalin ay tahay in la badiyo istiqfaarta iyo adkaarta.
Waa maalin mudan in laga ducaysto faqriga jahliga iyo colaadda iyo naarta. Waa maalin mudan in ilaahay gacmaha kor loogu taago oo loo bandhigto hamiyadda aduunyo iyo kuwa aakhiraba. Waa maalin loo duceeyo maytidda.
Ilaahay naxariistii jano haka waraabiyo aabbahay , hooyaday , ayeeyday iyo awoowayaashay iyo dhammaan ummadii islaamka ahayd ee dhimatay. innagana ilaahay khayrka ha inna waafajiyo. Kuwa ilaahay jecel yahay ee uu u gargaaro ha innaga yeelo,ilaahayna khaatumadda khayr ha innoogu khatimo .
6 351
Ma xasuusataa duco aad u ducaysay qof si niyad ah, dabadeed loo aqbalay oo laguuso sheegay inay qofkii gaadhay ducadaadii? Hadday jirto oo aad aragtay marar hore ducooyin lagaa aqbalay uga faa’iidayso maalinta “Carafo” intaad naftaada u ducayn lahayd ka badan u ducee dadkaaga aad la jeceshay wanaaga sababta oo ah ducada aanu qofku ogayn ee aad u ducayso waa la aqbalaa.❤️
6 351
Naftaydaay dhaawiciisa
Qofkii muddo aad dhayaysay
Haddii aad ku dhaadanaysay
Rumayso inuu dhaqaaqay
Haddii aad dhowranaysay
Dhalliil ka illaalinausay
Xidhiidhkii aad dhisaysay
Xasuuso inuu dhamaaday
Intaad dhooldhoolinaysay
Qayrkii aad dhaafinaysay
Si dhaba kuumuu jeclayne
Ogsoonoow waad dhibaysay
suhayb- farro
6 351
Ugu dambayntii wax walba way hagaagi doonaan; Si kasta oo aad fikradaas u tabaysay, ha iloobin, wax walba way gudbi doonaan, waxaadna si fiican u ogaan doontaa in aanay ahayn markii ugu horreysay ee aad murugooto! Mana noqon doonto tii ugu dambaysay!! Laakiin mar kasta oo aad mooddo in aanad sii socon karin, waad sii socotay, mar kasta oo aad dareentay inaad qarqoontey waad badbaaday.
6 351
10 maalmood ee u horeeya bisha dil-xija waa tobon maalmood oo mudnaan gaar ah leh,waana tobbonki maalmood ee uu eebe weyne ku dhaartay habeenadeeda,
{وَالْفَجْرِ وَلَيَالٍ عَشْرٍ}
Nabbi Muhammed na (scw) uu yidhi tobbanka maalmood acmaasha saalixa ah ee la sameeyo ayuu alle ka jecelyahay waxa kale oo dhan,si gaara uga faa'idaysta maalmahan barakada badan eebe ha ina waafajiye.
ducaysta oo kuwii idinka dhintay,kuwa idin la jooga iyo kuwa aad jeceshihiin ba u duceya.❤️
6 351
Inaga oo dad ah, kama sinnin dannaha, riyooyinka, dareenka, iyo doorashooyinka nolosha. ma wadaagi karno waxyaabaha aan jecelnahay, waynnu ku kalaa fog nahay sidaan u fikirno. Tani waa xaqiiqo nololeed oo aan la iska indho tiri karin, waana mid ka mid ah quruxda uu Alle (SW) ku sameeyey abuurka banii'aadamka.
"Isku dan ma nihin, isku doonis ma nihin, isku wax ma jeclin, isku meel uma socono, isku riyooyin ma nihin."
Dadka kala duwanaanshahooda ma aha cillad, ee waa calaamad muujinaysa xikmadda Eebbe. Ilaahay wuxuu Qur’aankiisa ku yiri:
"Dadka Ilaahay wuxuu ka abuuray labiyo dhedig , wuxuuna idiinka yeelay dadyow iyo qowmiyado si aad isugu garataan."
(Surat Al-Hujurat: 13). Haddaba Siddaa jinsiga loogu kala duwanyahay ayaa doonistanna loogu kala duwan yahay .
Marka ay dadku is garanayaan, waxay noqonayaan kuwo is ixtiraama, is fahma, kuna wada noolaadda dulqaad iyo tixgelin . Ma aha in qof walba inoo ekaado si aan u nabadgalno , waxaa la rabaa in qof walba lagu ixtiraamo waxa uu yahay.
Waxaynu aragnaa in xataa nebiyada Ilaahay ay kala duwanaayeen habdhaqanka iyo dad la macaamilka. Qaar baa sabir badnaa sida Nabi Ayuub (CS), qaar kalena cod dheer iyo xoog, sida Nabi Muuse (CS). Tani waxay tusinaysaa in kala duwanaanshuhu yahay wax dabiici ah, oo Eebbe ka yimid.
Qofka kaa duwanaada ama uu kaa duwanaado waxa uu jecel yahay – maaha inaad necebaatid ama cadho uu kaa mudnaado . Waa inaad aqbashid in dadku kala aragti iyo rabitaan yihiin.
"Majirto sabab aad iigu cadhooto, ma dhacayso innaynu isku mid noqono."
Xikmadda Ilaahay ayaa ah in uu idiin kala duwo si uu idiin tijaabiyo
Kala duwanaanta ma aha in la is nacayo, balse waa in la isku aqbalo sababtoo ah dunidaan waxaan u joognaa in aynu is dhameystirno, ee uma joogno innaynu isku ekaanno.
Ugu dambeyntii:
“Isku mid ma nihin, isku waxna ma jeclin. Taasi waa quruxda abuurka Eebbe.”
6 351
Duceeya,isku duceeya, wada ducaysta,kala ducaysta,maalmihii khayrka badnaabaa lagalay e,yaanay ku seegin.
6 351
Laba odhahyood oo aad u cajiiba ayaan markasta oo aan hawl ka daalo so xasuusta.
1-aad
”Dadaalka aad gasho markaad jirto labaatameeyadda kama qomameyn doontid markaad gaadho afartameeyada.”
2-aad:
“Ha raadin nasasho adigoo weli ku jira da’da dadaalka iyo raadinta nolosha.”
6 351
—Subax wanaagsan, qofkasta halkan saaxiib ku nahay waxan saaka leeyahay.
Walaal mustaqbalkaagu wuu barakoobi doonaa, dedaalkaaga aduunyo ma khasaari doono, caafimaad iyo farxad joogto ah ayaan ku rajaynayaa—hawlahaaga Allah kuu fududeeyo, guul iyo horumar ayaadna ku tallaabsan doontaa insha allah, waydhacdaa mararka qaar in aad bilaa tamar tahay ama niyad jabsantahay oo culayso aduun iska jiraan laguma sii waarayo midaas waxa iman maalinkale oo qurux badan—fursado cusub ayaa kuu iman doona oo maalmuhu waxay ahaan doonaan kuwa wacnaada walaal, nabad iyo barwaaqo ayaan kuu rajaynayaa.
Illaahay subaxdan mid barakaysan haynooga dhigo.❤️
6 351
Dear, dabacsanoow. Haa, kaknaanta natiijadeedu waa uun wareer iyo nafsad xanuun. Ha cabsan waxba haka cabsan tijaabada kadib waa laba mid uun; guul ama khibrad. Dear nolosha u qosol, shuruud la'aan gargaar, taakulee, caawimo bixi. Dear iska warhay, gudahaaga aad u ogoow, la soco oo wixii duugoobay iska qub, wax cusub baro, fidradaada ma guuraanka ahna tognaan ku ilaali. Dear haka cabsan inaad caawimo dalbato waa caadi, noloshu mar walba ma sama, maalmaha kakan hala kaknaan ee sidooda u dareen kadibna siidaa, haa haddii aad la adkaato waxa ay kaa qasi doonaan maalmaha badhaadhaha. Gacaliye ha luminin astaanta ragganimada. Qunyar nooloow, tartiib waayahaaga ula xaal. Ugu danbayn, SAMAAN ku caanbax.❤️
Farriin gacaltooyo.❤️
6 351
Su’aal.
Maxaad jeceshahay in laguu sameeyo, oo aad ku dareemaysaa in lagu jecel yahay, qofkaaguna uu yahay qof kuu wanaagsan adiga, ama uu yahay qofkaagi saxda ahaa?
Xilliga haasaawaha.
6 351
—Qofku markuu ogyahay hadaad kala tagtaan iyo haddii kaleba in aad tahay qof kaaftoomi kara oo aanad u liicayn iswagaa dhexdiina ku yimaada haday dhacdo, waxa ugu wayn ee aad fa'iidaysaa waa inta mudada xidhiidhku idinka dhexeeyo inuu si dadnimo leh kuu ixtiraamayo oo si wanaagsan uwada dhaqmaysaan.
Isaanku maalinta uu nugayl kaa arko buu ugu akhlaaq xunyahay, waxna ma xeeriyo.
