en
Feedback
Hamda_ Nourツ‍

Hamda_ Nourツ‍

Open in Telegram

اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.  🤍

Show more
6 351
Subscribers
No data24 hours
-207 days
-11330 days
Posts Archive
AYADA!..... Ayada waxa aad moodaa cadceedda arooryaad ee soo bixideeda kuwa aadka u yari arkaan. waxa ay u egtahay wabiga niil ee cid kastaa darsato biyihiisa ayada oo aysan cidina wax iska waydiinayn waxa gudihiisa ku qarsanaan kara. Sariirta waxa ay seexataa ayada oo illintu indhaheeda ka buuxdo. subixiina waxa ay soo kacdaa ayada oo dhoola-cadayntu bushimaheeda ku sawiran tahay. Ninkastaa raba jidhkeeda bal se ninna ma awoodo in uu indhaha inta ka eego u sheego in uu diyaar u yahay in uu dhayo dhaawaceeda. İn aad aragto ayada oo xaaladeedu xuntahay kuna sugan mawqifyada daciifnimada waxaa ka fudud in aad aragto soomaali wayn oo mid noqotay. Wadada marka ay marayso marna niyadaadu ma sawiran karto in ay mararka qaar ku dhawaato in ay jidhkeedaas u quudho in ciida loogu aaso si naxariis la'aan ah. Wajigeedu waxa uu u dhalaalayaa sida ubaxa guga, qalbigeeduna waxa uu u cadyahay sida geedka suufka, ruuxdeedu waxa ay u carfaysaa sida ubaxa yaasmiinka, haddana saas oo ay tahay dhiigeeda waxaa qulqulaya qurunka iyo carunka nacaybka. Ma ay laha awood ay ku caddayso dhibaatooyinka haysta bal se waxa ay leedahay karti ay ku daboosho in ruuxdeeda murugadu haraysay. Waxa ay ku nooshahay guryaha cadaabta, waxa ayse u labbisataa sidii in ay hoy u tahay jannadu. Ayada waligeed waa aad iska matali kartaa bal se ma awoodi kartid in aad ayada oo kale noqotid. si aad ayada oo kale u noqotid waxa aad u baahan tahay in aad cantuugtid dhiigaaga oo weel ku jira adiga oo iska dhigaya in aadan wax khaldan dhadhamin. si'aad ayada ugu ekaatid waxa aad u baahantahay in aad tuftid waxa guusha la dhaho, kana dharagtid guuldarada. Si aad ayada oo kale u noqotid waxa aad u baahantahay in khadda qalinkaagu noqoto dhiigga dareemahaaga. si aad ayada oo kale u noqotid waxa aad u baahan tahay in aad ruuxdaada u hibayso murugada kana samirtid in aad dib u hanato. Ayada waxa aad mooddaa meydka dhintay saq dhexe habeenkii ee aysan cidina ogaan doonin dhimashadiisa kahor waabariga. waxa aad mooddaa raha ku nool biyaha ceelasha iyo barkadaha la'aantoodna carrabkiisu qalalayo. Si sidaas u eg ayay murugadu u tahay waxa u ah qalbigeeda dhayaha ka dhowra dhaliisha farxaddu ku keeni karto. Ayada waxa aad moodaa gabadha ninka aroosayaayi uu filanayo in uu isagu nin ugu horrayn doono. ayaduse la noolaan jirtay saaxiibkeedii hore. si sidaas u eg ayay quus uga joogtaa in wax qariya xaaladaas facsharka leh ee ay ku jirto soo baxaan. Ayadu waxa ay qalbiga uga egtahay hooyada gablanka ah ee carruurta ay habaryarta u tahay carruurta ka dhigatay balse walaasheed marwalba kula kaftanto dhibta ciyaalku ku hayaan iyo sida ay u jeclaan lahayd in ay ayada oo kale noqoto. Ayadu waxa ay rajo xumada uga egtahay Aabaha korinaya carruur uu ogyahay in uusan dhalin kadib marka uu si kadis ah ku ogaaday in aysan ayagu isaga ciyaalkiisa ahayn, diyaarkana aan u ahayn in uu cidleeyo carruurtaas haddii uu dhiigga la wadaagi waayay uu dareenka qalbiga ah la wadaago. Ayadu waa astaanta murugada, waa astaanta ku tusaysa macno darrada dunida, waa tusaalaha nool ee beenta jacaylka caddaynta u ah, waxa ay ku tusinaysaa in aysan jirin wax la yiraahdo jacaylka aan shuruudda lahayn iyo in ay jiraan dad sabab la'aan kugu jeclaanaya cidda ay doonaan ha ahaadeene. W/Q: Fatma Mehmut Alimaad

Noloshu sidii hore maaha, laysumana cabsi galin karo. Way casriyowday waliba xawaare ayay ku socotaa. Diin iyo maadiba waa loo sinnaaday kasbasho ogaaleedkooda, qof walbana sadka uu laqinto ayuu golaha la imanayaa. Wixii aan u cuntaminna ku diidaya wixii uu u qalmana u dow marayaa oo u halgamayaa. No more jaahilyad danbe oo la diimeeyay fasir khaldanna la saaray oo laysu afjigo. Si weynbaan ugu faraxsanahay horumarka dumarku wadaan ee dhanka fikirka iyo fahanka nololeed ah ee sida hilaaca u mudhayay maalmahanba. Naagnimo is ahbaa na deeqda.❤️

Soo daa❤️ Hasoo dayn👎
Soo daa❤️ Hasoo dayn👎

Buuga Magaalada Jacaylka ee ka caagan waxgaradka.pdf8.04 KB

Nabad korkooda ha ahaato kuwa garab muuqda iyo gaashaan bir ah inoogu nogda bilaa sabab, xaalad kasta oo wehel aynu u baahnayn.🤍

Soo daa❤️ Hasoo dayn👎
Soo daa❤️ Hasoo dayn👎

Ku qurxista habeenkiinan saliga nabiga.

اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد. 🤍

اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد. 🤍

🤍
🤍

اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد. 🤍

Dhamaan ardayda uu berri u soo dhamaanayo imtixaanka dawladu,waxaan idin leeyahay guulaysta. Waxaad tihiin dad kuwa ugu samir
Dhamaan ardayda uu berri u soo dhamaanayo imtixaanka dawladu,waxaan idin leeyahay guulaysta. Waxaad tihiin dad kuwa ugu samirka iyo dulqaadka badan. Ila guulaysta gacalleyaal.♥️🎊

اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد. 🤍

Sow adoo i dhaafsaday cid kale maan ku dhigi waayin Sow ka dhiidhi ficil kaan ku qaban maan ku dhici waayin Sow dhawaaqa hadalkaaga kulul maan dhibsani waayin Adna sow dhab baan kuu jeclee maad i dhayi waayin. suhayb- farro

اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد. 🤍

-FALANQAYN KOOBAN. -HEES : WACAD. 2013. -UBAX FAHMO. -Anaa kuu war waraayoo - Waayahaaga doonnee - Ma adaa war iga hela - I waydiiya ruux kale - Waxa aan ku sugan ahay. -Waase caadadiisoo , -Jacaylkaa wax saarka leh. "LABA WACAD DHEX YAALANA , MID UUN BUU KU WEYN YAHAY." Dhab heesta , markaad si xeel dheeri leh u falagtooo aad dhex tagto ; waxad arkaysaa in uu qofka dhibanaha ahi yahay mariil aan loo ogayn dhibtiisa. Waxay inna leedahay meel dheerna inooga soo waaliday UBAX erayo laab kac leh. Dee haa aniga uun baa kaa war wara , raadiya noloshaadu siday tahay ; se' adigu wacaal iyo war toona igama heshid oo sidaan kuu goobo adigu iima baafisid. Waase iska xaal jacayl oo isaga dhibtaas oo dhan leh. Haa laba uu xidhiidh ama jacayl ka dhexeeyona kollayba mid baa uu ku badan yahay. - Ku walaacin maayee , - Nasiibkaaga waad heli - Anna kayga waan sugi - qof samraa ma waayee. Waxba kuma dhibi doono kuma jaah wareerin doono , waad heli ayaankaa iyo nasiibkaa. Anna waan iska naawili , ayaamhaygana waan sugi oo waan u samri. Ma waayo qof samraa rajadiisa e. - Intaad weedh i damqadiyo , - Igu tidhi war ii daran - Anna wada jirkeeniyo - Waday uun danteenii - Waana taagtay kugu ifhi - Geyaan kale ma waayine - Jacayl baan la wiiqmee - Ma waqtaa ikaa baday - Caqligaad ka weyn tee. Imisa , oo imisa ayaad i tidhi erayo igaga kulul , dhimbiisha dabka. Hadal ii holac ah oo aanay ka raali ahayn naftaydu. Anigu se' aan ahaa mid wadda wada noolaanshaheenii iyo libinteenna. Ahaana mid iskaa siiyey oo ku dul dhigay nafta. Runtii maan waayin geyaankay , iyo qof ii qalmaayey ; balse waxa i ragaadiyey ayaa ahaa jacaylkaaga. Ma allaa i kaa baday toloow oo ma sidan baan kugu sii ag ahaan doonanaa.

Waxaan u ducaynayaa dhamaan ardayda u fadhiisanaysa imtaxaanka shahaadiga, alle ha ku asturo.🤍

اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد. 🤍

Ku qurxista habeenkiinan saliga nabiga.

اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد. 🤍