Hamda_ Nourツ
Open in Telegram
اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد. 🤍
Show more6 351
Subscribers
No data24 hours
-207 days
-11330 days
Posts Archive
6 351
Heloo. Ma tihid qofkii u gu horreeyay ee noloshu ku ciirtay, mana tihid kii u gu horreeyay ee nasiibku ku wacadfuray, qulubna jahawareeriyay. Ma tihid saboolka keliya ee nool, mana tihid bukaanka keliya ee jira. Sidoo kale ma tihid mucaashaqa qudha ee jacaylkii ka gaagaxay, ubixii rejaduna ka qaadhay. Mana tihid kan keliya ee saaxiibadii ay qiyaameeyeen ama qoyskiisa ka fantoobay. Ma tihid agoonka qudha ee nolol la gu og yahay ama rajayga keliya ee jira. Burburka baahsan ee ku gu dhacay waan arkaa. Waxaa kale oo aan arkaa guntimooyinka caadifadeed ee marba midi ku gu furmayso. Waan kuu jeedaa. Waxaan arkaa dhaxanta wajigaaga saarsaaran, waxana aan maqlaa neefta culus ee sambabadaada ka soo baxaysa. Waan ku fahmi karaa. Aad baan kuu fahmi karaa. Wax se aniga oo ka xun sida xun ee aad u dhiigbaxayso ku gu lee yahay:
"Walbahaarka waan ku la qabaa wahanna ii dheer".
kaamil shukri
6 351
Waliga ma ogaan doontid waxyaabah so socda, taasina waa nolosha quruxdeeda, sababtoo ah haday wax walbah u dhacaan sida aan rabno ama qorsheyney waxan lumin doona qaybta ugu fiican ee rabigeen inoo qorey iyo farxada kediska ah …😇❤️
6 351
Murtida Weedhsame
Abwaan Xasan Daahir "Weedhsame" waxa uu iigu jiraa baarka sare ee suugaanta qarnigan. Waa nin ereyadiisu si weyn saamayn naftayda ugu yeesheen, suugaantiisana aad baan u raacraacay; ma raacraacin uune waanba la noolahay oo maalinba hirka nolosha ayaan dhawr meeris oo uu leeyahay kaga gudbaa.
Suugaanta Weedhsame waxba ka odhan maayo oo waa la iga yaqaan, ama qof sida aan anigu u macnaysto si ka xeeldheer u macnaysta ayaan ka xumayn murtida. Laakiin, dhawr meeris oo aan marar badan la keliyaystay ayaan idiin qodobayn e iga qabta.
"Gacmahaba nimaan kuugu jirin laabta lama geeyo
Qof aan guulba moodayn wadnaha looma wada gooyo
Ilmadaada ruuxaan ka guban looma gobo’siiyo
Galladaada ruuxaan ka talin looma godoboobo
Gelin qudha nimaan kuu gilgilan looma jiro geela
Garowshiyo ruux aan aqoon looma gogal xaadho
Weedhaadu ruuxay gashaa kaama guri waayo
Gibilkiisa ruuxaad ku taal guunyo kuma siisto
Gidigood addoomaha qof xumi kaama wada gooyo
Gobonnimo markay kaa dhabtahay kaama wada guurto
Adigoon gabood falin nafluhu kaama wada giigo
Gurdanraaca ruux kugu yaqaan geesi kuma moodo."
"Wuxuu hebal ruuxu yahay
Intaanu heshiis la gelin
Hawaawiga laacdanka ah."
"Indhaha lagu halacsadaa
Naflaha lagu horawsadaa."
"Adduun waa wiigba cayn
Dharaaruhu waa warside
Wacdina iyagaa ku filan."
"Ninkii ku haleeli jiray
Hadduu ku hareer mar maro
Hal baa jira kaa dahsoon."
"Allaha weyn baa rogrogga
Wacnaantiyo dhiilladoo
Mid uun kuma waaro ruux
Wedkiyo noloshaa isxigga."
"Qabkiyo isla weynidii
Fircoon waydii baddaa
Nabruudkii igu wardiya
Naflaha ku wareemi jiray
Kaneeco yar baa wadhee
Miyuu kibir waarayaa?"
"Waqii ruux duul wax bidday
Wareemoo wada wanjalay
Waxyeellana hoos u falay
Tariikhdaan qarin wagdaha
Baalalka wasakhaysan bay
Far waaweyn ugu qortaa."
"Ma joogo halkii shalay
Gadaal uma haysan karo
Hankaygu wuuxuu ka koray
Misana ma hilmaami karo
Xusuusaha heerinka ah."
"Duruufaha kugu hurdaa
Awood hinjisay raban
Umaad dhalan hootadee
Hilaadaha kaa gadmaa
Hareeryaha kugu dhigee
Adiyo hoos kaad rabtana
Haadaan baa kala dhex taal
Kartiyo waa hawl karnimo
Buundada lagu halabsadaa."
"Aadmigu wuxuu haysto
Ma arkoo ma eebeeyo
Mana oga ma weyneeyo."
Intan waxa aan ka soo guray saddexda maanso ee aan ugu jecelahay maansooyinka abwaanka iyo meeriska u danbeeya oo ku jiray hees uu qaado Maxmed Bakaal. Haddii aan isdhaho wax ka dheh suugaanta Weedhsame kuwa igaga wacan ayaa xanaaqi, se intani waa ii gaar.
6 351
{ مَّنْ عَمِلَ صَـٰلِحًا فَلِنَفْسِهِۦ ۖ وَمَنْ أَسَآءَ فَعَلَيْهَا ۗ وَمَا رَبُّكَ بِظَلَّـٰمٍ لِّلْعَبِيدِ }.
Ruuxi camal fiican fala wuxuu u falay Naftiisa, Ruuxii xumaan fala wuxuu dhibay Naftiisa, Eebaheena ma aha dulmiyaha Addoomada.
6 351
Is moogayaal is gacalsaday
Way qaraartahay soomahan gacalo! waa ay dhawyihiin hadana dheeryihiin kuma nugla oo goorta aad bogga qabsateed dareen hadasho adigaa baahday,adigaa cabiwaaye,adigaa qarsanwaaye! Haa waa sidaa magaranaayo sababta aan ugu soo lunay inagoo ka gadisan! Sax kama fiicnin,kama naxariis badnin,kama ixtiraam badnin,kama aqli badnin. Laakiin saaxiib nabad galyada soo diinta kama hadlin, is-daaya,ha isku caroonina,ha is xasdidina,ha isdhibina.... halkay ka martay diintaasi horta! ma waxay bartaan uun dhala oo dhiiqa,dhinta oo rafaada iyo eedayn aanan waxba ka ogeen! Horta dadka yaa ibaray gacalooy! Aamuus ima garanayaane, waxay yaqanaan "warsan" mise "wadhi"! Tee bay garanaayaan horta? Anigu "warsan" maahi soo ma ogid saaxiib! Waxaan ahay wadhi, wadhi cusub ay magaceeda la yaabeen! Waxaan ahay wadhi cusub ay fakarkeeda diiden, waxaan ahay wadhi cusub anan jeclaysanin dhaqankoodas,waxaan ahay wadhi diiday amarkooda! Haa kuligood ma doonaayo, waa nacay saaxiib laakiin waan jeclahay waxay iiga aadanyihiin!
Waan rabaa inaan badda aado,waan rabaa inaan bodbodo qolkeyga anigoon culeeys daramaynin, waan rabaa inaan u sheekeeyo balse marabo iyaga! Si cad ayaan u nacay gacalo kaliya waxaan doonayaa inaan magangalyo kahelo! Inaanu wada noolaano, inaanu ila sheekeysan waayo ima fahmaayan fakar ayey uxeren yihiin, waxaan doonayaa nabadii ay diintu sheegtay! horta wax qasaba miyaa jira? Somahan inaan kali noolado ayaan rabaa! Horta saaxiib maxay dulmi iyo gardaro u yaqanaan?! "Garan maayo garan maayo" see waxay u muuqataa kaduwanaanta,ka aamusnaanta,ka leexashada! Hye saaxiib iska bax caawa waynu is arki wad iyo waayo haday ina daayaan!
"Aramidaan i heyso iyo
naxligaan Jiifo aagahayga
Urugadaa badnaate
Jiifto aagahayga
Niyadeydaan aaya xun leh
Agagaf deegaanshay
Ma ilaawo nooluhu
Wuxuu yeelo admigiyo
Maanta iga adkaatoo
Waqtigu aabe kuu noqoyee
Markaasan aarsan doona
Hadaanu mawdku ii imaane"
Qalinka:suuban diiriye
6 351
"Inaad labaatan jir tahay waxaa kuu dheer inaad ku nooshahay dhul naagnimada laga takooro oo ninimado muqaddas tahay. Dhul gabadha Soomaaliyeed cadaab u ah. Dhul ay ku dadnimo tirantay jeer ay walaxoowday. Se adigu nidaamkaas nineed dhibbane uma tihid, waad xoroowday oo heeryada dulmiga tuurtay. Middaas na waxaa ku garansiisay dhiiraantaada gabashada lahayn. Amarada iyo yulqanka ninmanka ka soo yeedha dhegjalaq uma siisid, la murankoodana is kuma lurtid. Caqabadaha jiraaleed ee dhiddignimadaada ku gudban waad la halganta oo ka halgantaa, iskuma dhiibtid. Intaasiba waxa ay kaa dhigeen oo kugu sunteen shakhsiyad dhiggeed ka duwan. Ka duwanaan taas bulshada waad kaga soocan tahay oo xayntii bulshaynta ayaad mudh kasoo tidhi. Naf xeerarka u hoggaansamin oo keenadiidnimo leh baad tahay. Waaxid iyo waddar yimaa waalan baa lagu gu wacdiyaa. Uma joojisid oo ma xaallaysid.
Bulshaynta iyo buuqa waad ku qaloota oo ku diiqadoota, kelinimada ayaad se ku naaloota oo ma cidlootid. Sifadaas hablaha gayaankaaga ahi waxay u arkaan kibir iyo islaweyni, qoyskiinuna waxay kugu canaantaan iskeliyayntaada. Se ma tixgelisid siday dadku kuu arkaan, oo dhaqankaas waad ka kortay. Qof is yaqaan oo is ah baad tahay. Naftaada waad jeceshahay oo waad daryeesha jidh ahaan iyo nafsad ahaan ba.
Dabci lagu soo hirto ayaad leedahay, ogobeey cid si qoto dheer kuu taqaan baa ogee, ruux arxan badan oo anshax dadnimo leh baad tahay.
Naag qurux badan baa tahay. Magool baad tahay. Anigu se waxaan u hanwaynahay oo la riyaaqsanahay hab feker kaaga weyn ee xaladda leh. Layaab ma laha haddaan ku idhaa aadbaan u jeclahay aragtiyaha cajabta leh ee maskaxdaada ku curiso. Waan bogtaa oo la sakhraamaa. Mararka qaar ku kacsadaa.!!
Waad ogsoon tahay harjadka nolosha ku gadaaman iyo in asalnimada jiraalku yahay rafaad joogta ah. Adigu se nolosha iskuma adkaysid kama na cabatid. Waad aqbashay dabciga jiraalka. Halgan baad go'aan santay. Mafhuuhmka fududaysiga ayaa afkaartaada udubdhexaad u ah. " letting go" ayaa miiska akhris kaaga ku daabacan. Waa falsafad aad si dhab ah u dabaqdo. Waxaad beri hore naftaada wacad kula gashay in aadan isku lurin wixii awooddada ka baxsan. Waad ogtahay sidaad u gu liibaantay falsafaddaas.
Basarka akhriska keliya kuuma aha xog ogaalnimo, waxaad se kaga gaashaamataa eelka jiraalka. Buugga aad daalacataaba cullays kugu rarnaa ayuu kaa ridaa. Muusigga, suugaanta iyo fan kuba waa luuqadda aad kula xidhiidho dabeecadda, mar kalana waa salaan kugu xidha duunkaaga hoose.
Rugta ay naftaadu ku xasisho waa xeebaha. Waan ka dharag sanahay sidaad u riyaaqdo marka cagahaago dhex jibaaxayaan xeelliga badda. Waa goob aad u irkato oo kaga dhumato hoogga yaal dhulka sida shilka ah u gu dhalatay.!
Naftaada waxaa ka soo kaahaya ruux gobannimo, ruux yool iyo himilo sare leh. Ruux ku taamaysa hiigsi fog. Laabtaada waxa ka buuxa dareen ayoosan leh oo wada barwaaqo ah. Se ruuxdaas waxa shaabug la dhacaya oo himilooyinkeeda burburinaya dhulkeeda.! Gabadha Soomaaliyeed ee u tabaabushaysanaysaa inay carada Soomaalida ku fuliso himilooyinkeeda waa ubax ka dhexbaxay ban geeriyaad.
Inkastood dhulkaaga hagardaamo badan ka tirsanayso haddana waad jeceshahay oo horumar inuu ku tanaado ayaad u rajaysaa, waxaad se dhibane u tahay tacaddiyo badan oo nin ku falay dushiisa. Inkastoo halkan iyo xaggaasba haweenka la xumeeyay, haddana waxaad naawisha inaad mar uun carro beddalato si aad u ga raysato hagardaamooyinka daadsan dhulkaaga hooyo."
Qoromadaan waa hadiyad iiga timid saaxiib aan jeclahay!
"Weligaa u noolow
Nebi Khadar sidiisii!"
6 351
"Dharbaaxooyin yaryar oo ay noloshu kugu soo dhowaynayso ayaad xanuunkooda dareentay se kumaad baraarugine waad is dhigatay. Arrimo qoys, ummuuro jaceyl iyo nolol qadhaadh oo aanad filayn ayaad madaxa la gashay. “Soo dhowoow!” Ayay ku tiri noloshii iyadoo af ballaadhan kuu kala jiidday. Waad wareertay oo jiho ay noloshii aad ku riyoon jirtay kaa xigto ayaad garan wayday!
“ Allahayoow dal ma aqaan
Allahayoow dad ma aqaan
Qori daad wadaan ahee
Dawyo hayga raaridin”
Ayaad ku baryootantay oo adiga iyo Magool in isku meel ducadiinna lagu aqbalo rajaysatay. Cidna ugamaad warramin xannuunkaaga iyo waayaha murugada leh ee kugu dul habsaday, si kasta oo aad naag adag iskooga dhigtay haddana waxaad is aragtaa adigoo habeen madow ku dhex ilmaynaya qol madow!
Waad waynaatay. Markii ugu horraysay ayaad si buuxda u yaqiinsatay in xanuunku aanu joojin nolosha, noloshuna aanay u joogsan xanuun dartii. Markan waxaad dhexda u xidhatay rumaynta riyooyinkaagii adigoo hareerahaaga isaga indhotiraya sida inaanay waxba ka dhicin oo kale. Naag soomaaliyeed baa tahay, waxa lagaa filanayaa waa inaad Naag adag noqoto. Ammaan ma aha sababtoo ah Naagta Soomaaliyadda ah waxaa adkeeya waa xaaladaha ay bulshadeedo baddo, sida uu ninku ula dhaqmo iyo furista xadhkaha adag ee qofnimadeeda lagu dabrayo. Kusoo dhowoow nolosha Naagaha nool ee Soomaaliyeed" Ikyaar Ahmed ❤️
6 351
“Waxaan rajaynayaa in aanad ilaawin sida aan kuu jeclaa. Sidoo kale waxa aan rajaynayaa in aanad ilaawin sida aynu u wada qosli jirnay. Waxaan rajaynayaa in aanad ilaawin sida aynu isku eegi jirnay iyo sidaynu u wada hadli jirnay. Waxaan rajaynayaa in aanad ilaawin dhammaan wakhtiyadii quruxda badnaa e aynu wada wada nay💔.”
—Dunida Suugaanta.
6 351
Waan
ogaa inaanay cidna ii
dulqaadan karin, sidoo kale waan ogaa inaan ahay qof aysan cidna agl ali doonin oo lagu caajiso.
6 351
Dhacdaba waa maalinteede
Dhibaato xalkeedu muuqdo
Haddii lagu kala dhaqaaqo
Xidhiidhku ma sii dhisnaado
Waxaan duluc dheer lahayni
Hadduu ina kala dhantaalo
Waxaan baryo soo dhisaynay
Ku baaba'o maalmo dhawra
Xidhiidhku ma sii dhisnaado
Haddaan loo dhabar adaygin
La dhawrin heshiisyadiisa
Dhawraarimo loo samaynin
Dharaarta xun laysku dhaadan
Wakhtiga adag lays dhagaysan
Xidhiidhku ma sii dhisnaado
Dhawaaqiyo ereyadaada
Dhaliili hadday ka buuxdo
Haddana isu soo dhawaansho
Intaa dhabbadiisa hayso
Adaa dhammac sii shidaaya
Dhaleecayntuna xal maaha
Qofkaad sababtii u dhaaftay
Dookhaagiyo dhawr gaayaana
Hadduu si cad kaaga dhuunto
Dhambaalkiyo weedhahaaga
Hadduu dheel dheel u qaato
Hirkiyo dhalanteedka raaco
Ma foga kala dhimashadiinu
