en
Feedback
SomaliTej

SomaliTej

Open in Telegram

SomaliTech channel aad kala socon doontid wararkii & warbixinadii u danbeeyey ee Technologyada. Waxaadna halkan oga bogan doontaa saamaynaha & faaiidooyinka Technologyada - @somali_tech

Show more
The country is not specifiedThe category is not specified
2 067
Subscribers
No data24 hours
No data7 days
No data30 days
Posts Archive
Siyaabaha aad ku ilaalin karto ammaanka Koombuyuutarkaaga. Ilaalinta ammaanka kombuyuutarku aad bay muhiim u tahay sababtoo ah waxay ilaalinaysaa macluumaadkaaga. Waxa kale oo ay muhiim u tahay caafimaadka guud ee kombuyuutarkaaga; Waxay sidoo kale kaa caawinasaa ka hortagga fayraska iyo malwareka(software loogu talagalay in lagu waxyeeleeyo ama si aan sax ahayn loogu galo nidaamka kombuyuutarka), taas oo u oggolaanaysa barnaamijyada inay si degdeg ah oo sahlan u shaqeeyaan. Tabahan hoos ku xusani waxa ay ka mid yihiin qaababka aad ku ilaalin karto ammaankaaga: 1. Iska saar cover Kamarada: Kombiitarada Desktop ah badankoogu ma laha kamaradan oo la yidhaa (webcam) kuna taala qaybta sare, balse Kombiitarada laptopka ah badankoogu way leeyihiin, waxa laga yaabaa inaad aragtay filimo ay hackerada kombuyuutarku si fog wax u basaasayaan iyagoo jabsanaya webcamerada laptop-ka ama taleefanka qofka ay beegsanayaan. Kumanaan qof ayaa si joogto ah loola socdaa maadaama aysan wax badan qaadanayn in la waxyeeleeyo amniga kamaraddaada. In ay haakaradu kugu basaasaan kamaradaada ma aha shay kaliya ka dhaca filimada, balse waxa ay waxyeelayn kartaa ammaanka qofkasta. Haddii aad danaynayso ilaalinta sirtaada had iyo jeer waa fikrad wanaagsan inaad daboosho kamaradaada. Waxay ka joojin doontaa tuugada internetka in ay ku basaasaan. 2. Ku xidho password: Dadka badankoogu way ku xidhaan password balse waxa dhacda in dadka qaarkood bilaa password ku isticmaalaan ama password fudud ku xidhaan taasi oo horseedi karta in xogtaada oo dhan la helo hadii ay dhacdo in uu furnaado. 3. Ku shubo Antivirus: In aad Antivirus ku shubataa waxa ay kaa badbaadin kartaa in ay ku soo gaadhaan khataro hor leh oo sababi kara in xogahaaga la helo ama loo dhaco kombuyuutarkaaga gabi ahaantii, Softwareda Antiviruska ah waxa shaqadoodu tahay in ay baadhaan,ka hortaagaan tirtiraana waxyaabaha khatarta kugu ah, Antivirusyada casriga ah sida Norton,Kaspersky,Avast waxa ay isku update gareeyaan si iskood ah si ay kaaga ilaaliyaan weerarada fayrasyada ama noocyada kale ee malwareka. 4. Xogtaada Kaydi(Backup Data): Kaydinta xogtu waa hab lagu nuqulaynayo ama lagu l xogta si loogu ogolaado in dib loo soo celiyo nuqulka la sameeyay ka dib dhacdo xog lumis ah. Maanta, waxaa jira noocyo badan oo adeegyo kaydin ah oo ka caawin kara in ay hubiyaan in xogtu sugan tahay iyo in macluumaadka muhiimka ahi aanu ku lumin xaalad dhibaato oo dabiici ah, xaalad xatooyo ama nooc kale oo xaalad degdeg ah. Waxa jira habab badan oo aad ku kaydsan karto xogtaada waxana ka mid ah in aan isticmaasho hard drive dibada ah (aan ahayn ka Kombuyuutarka kuugu jira), in aan isticmaasho USB flash, ama in aad ku kaydsato Cloud Storageyada caanka ah sida Dropbox,OneDrive,Drive. 5. Isticmaal Shabakad gaar loo leeyahay (VPN): Virtual Private Network oo loo soo gaabiyo VPN waa adeeg kaa caawinaya inaad onlineka qarsooni ku ahaato, waxa uu sameeyaa xidhiidh ammaan ah sidoo kale sir ah oo u dhaxeeya kombuyuutarkaaga iyo internetka.Waxa uu wado khaas ah u abuurayaa xogtaada inta aad isticmaalayso shabakadaha dadweynaha tusaale Wifiga goobtaada shaqada. Faaiidoyinka uu kuu leeyahay waxa ka mid ah in aan la ogaan karin IP adresskaaga oo ah cinwaanka aad internetka ka soo gashay, sidoo kale waxa faaidooyinkiisa ka mid ah in aad isticmaali karto website aan laga ogalayn in lagu isticmaalo deegaanka aad ku nooshahay balse marka aad VPN isticmaasho si fudud ayaad u gali kartaa.

photo content

#Whatsapp Shirkada leh Whatspp ee Lagu magacaabo (Meta) ayaa sheegtay in adeega Fariimaha ee Whatsppka uu shaqeyn Doono Bilaa
#Whatsapp Shirkada leh Whatspp ee Lagu magacaabo (Meta) ayaa sheegtay in adeega Fariimaha ee Whatsppka uu shaqeyn Doono Bilaa internet ama internet La'aan iyadoo la isticmalaayo adeega (Proxy Server). Waxeey hadalkeeda ku soo koobtay hadii xanibaad xaga dawlada internet ku sameyso ama internetka gabi ahaanba qadka ka baxo waxeey isticmalayasha awoodi donaan ineey Fariimo iskugu diraan Appka Whatspp. #whatsapp #somtech #techhouse

Hacktronian Hadii aad tahay qof raadin jirey mid kamida script yada ugu fiican ee ethical hacking termux dhexdiisa hadaba hac
Hacktronian Hadii aad tahay qof raadin jirey mid kamida script yada ugu fiican ee ethical hacking termux dhexdiisa hadaba hacktronian waa scriptga kaliya ee adiga kugu fiican Hacktronian waxaad ka helaysaa tool & script walpa kaas oo faaiido kuuleh , oo u wanaagsan , white hackerska ama hackerska dhaqanka wanagsan . Tools aad hacktronian ka helaysid waxaa kamida , postyada in aad like saartid. , jabinta ama bur burinta wireless ama tijaabinta wirelesska , xog aruurinta , iyo kuwo kale oo badan. Sida Sniffing & Spoofing. Hadaba amarada aad ku kicinaysid waa kuwan: $ pkg install git $ pkg install python $ git clone https://github.com/thehackingsage/hacktronian.git $ cd hacktronian $ chmod +x hacktronian.py $ python2 hacktronian.py

Hadii aad tahay qof jooga somalia , ama meelaha uusan ka shaqayn ChatGPT waxaa isticmaali kartaa Telegram botkan yar , oo maa
Hadii aad tahay qof jooga somalia , ama meelaha uusan ka shaqayn ChatGPT waxaa isticmaali kartaa Telegram botkan yar , oo maalinkii waydiin kartaa ilaa 50 suaal , sidoo kle features kle ayuu leeyahay , sidoo kle kor waxaad ka aragtaan waa su'aalo yar yar oo aan waydiiyey 👇Hadaba botka waakan 👉 @JWGPT3_bot

​​Waa idin salaamay Android Users😎 -Caawa Waxaan Kuu wadaa Appka Ugu -Fiican Ee aad Ku baran kartid Luuqada -python Sidoo kale Waxaad Ku kicin -kartaa Amarada python ku kaca oo idil -Aan si kale Kuugu sheegee waaba -Luuqadii python oo socota Looguna -Tala galay Android users😎 Hadaba Kala soo dag Playstoreka adiga Oo Taabanaya Halkaan -Markii aad dagsatid Fadlan Groupka ku soo qor DONE👈 Si aan Kuu Siiyo Amaro Aad Ku Tijaabisid Sida Uu u shaqeenayo🥲

✨Waa maxay Farqiga u dhaxeeya HDD & SDD ✨ Ka Faaiidayso Muuqaalkaan oo kala baro✅ By - suldaan aadam :

♋️ 𝗧𝗼𝗽  sᴏᴍᴀʟɪ  ᴛᴇʟᴇɢʀᴀᴍ ♋️                      🕌 Dɪɪɴɪ 🕌 ♋️: @Daarul_hidaya ♋️: @Kalimakariim ♋️: @Quruxdaislaamka ♋️: @Daarulkheyr ✅╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾✅                            📚 Bᴜᴜɢᴀᴀɢ 📚 ♋️: @Somalibooks ♋️: @Somalilibrary ✅╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾✅                           📲  Sᴏᴍᴀʟɪ Tᴇᴄʜ    🖥 ♋️: @Liibaanpro ♋️ : @Somali_tech ♋️: @Somsoft ♋️: @Freepreset13 ✅╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾✅            💎 Xɪᴋᴍᴀᴅᴏ 💎 ♋️: @Som_Motivation ♋️: @Al_xakiim ♋️: @Albaanichannel252 ♋️: @AishaAhmed99 ♋️: @Xigmadoiyoxaqiiqo ♋️: @Dareen2021 ♋️: @Dareen_side ♋️: @daren_jaceyl ♋️: @DhamBaal123 ♋️: @xaqiiqadanolosha ♋️: @Xikmadosom ♋️ @ZamzamSooyaal ♋️: @Nololifeysa ♋️: @KobciAqoontaada2 ♋️: @dhaqan_wanaag ✅╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾✅               👨‍🦱 Qɪsᴏᴏʏɪɴ 🧑‍🦰 ♋️: @qalbiyadeena ✅╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾✅                📽 Aғʟᴀᴀᴍ 📽 ♋️: @Som_Flims ♋️: @Musalsalo1 ✅╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾✅              😂 Qᴏsᴏʟ & Qᴀʀᴀᴀxᴏ     😂 ♋️: @Ilaqosal ✅╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾✅               🎤 Dʜɪɪʀɪɢᴀʟɪɴ 🎤 ♋️: @Dunidii_Dacarta ♋️: @Cilmiraadis ♋️: @Hogaan_Dumar ♋️: @Hagaha_Nolosha ♋️: @xafso143 ♋️: @Jiilka_wacyiga1 ♋️: @Hogaan_bulsho ♋️: @Dhiiragaliye ♋️: @bqgrsh ♋️: @Noqoxiddig ♋️: @Rajadenna ♋️: @QalbiDhaye143 ♋️: @Hidaayatu_Rabi ♋️: @Fajru_Somali ♋️: @Ruuxda ✅╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾✅             🎓   Aǫᴏᴏɴ  & Fᴀsᴀʟᴏ 🎓 ♋️: @Hasancaashaq ♋️ @dareen_dahson ♋️: @Farsamada ♋️: @baroafkaga ♋️:@TilmameCafimad ♋️: @DunnidaSuugaanta ♋️: @haqabtire1 ✅╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾✅                       ⌛️🪧⌛️ ✅━━━━━━🕯━━━━━━✅                   📌   ᴍɪᴅᴏᴡɢᴀ  ༎   📥   Telegramerska Soomaalida                1 Team Somali Admins. _✅_ ╔═ ══ ══•|  ❄️  |•══ ═══ ═╗ 𖤓↬Channel ku Daridda iyo faah-faahin dheeri ah Ka Eeg                          @Somali_Admins↫⎉     ☀️━━━━━━🕯━━━━━━☀️ 𖤓↬Haddi Aad Rabto Inaad Wax       ku xayaysiisato Ka Eeg wixii warbixina            ⎙ㅤ @SomTelegramAds↫⎉ ☀️━━━━━━🕯━━━━━━☀️ •━━━  ☀️🔝☀️  ━━━• ꜱᴘᴏɴꜱoʀᴇᴅ ʙʏ: ❶ @Somalibooks ↫ ❷ @Dunidii_Dacarta ↫ ❸ @Xikmadosom ↫ ❹ @Hidaayatu_Rabi↫ ❺ @somalilibrary↫ ⭐️↬❢ ┇ᴇɴᴅ┇ ❢↫⭐️

@xisaabiyeBot 🥇- Waa Simple Telegram bot oo aad wax ku xisaabsan karto adiga oo aan Telegram ka bixin Kaliya waxaa ku xisaab
@xisaabiyeBot 🥇- Waa Simple Telegram bot oo aad wax ku xisaabsan karto adiga oo aan Telegram ka bixin Kaliya waxaa ku xisaabsan kartaa xisaabaha fud fudud , sida 👍: 💡 Ku dar 💡 Ka jar 💡 Ku dhufo 💡 U qaybi @somali_tech 👍 -

(The Hidden Wiki) Marka Aad Lasoo Dagto Tor Browser, Ee Aad Ku xidhmato Taa Macnaheedu Maaha Inaad Ku Dhexjirto Enternetka Madaw amabase Dark web. Waxa Jira Links/Sites Laga Sii Dhex Galo Tor Browser ka Oo Ku Gaynaya Dark web. Hadaba website ka Magiciisa Aan Kor Kuso Xusay Ee "The Hidden Wiki " , Waxaad Ka Helaysah Dhamaan Linkska Ku Gaynaya Dark Web ka., Waliba Kuwooda Ugu Xiisaha badan. Hadii Aan Qaar Kaaga Taabto Websites ka Halkaa Ka shaqeeya sido kale Enternetkan Caadigah Ka Shaqeeya. Waxa Jira Website aad Linkgisa Ka Heli doonto The Hidden wiki , Kaas Oo Marka Aad Gasho Aad Kasoo Booqan Karto ,Websites Ki Ka Jiray Enternetkeena Caadiga ah, Sida Udemy I.w.m Xittah Halkaa Waxad Kasoo Isticmaali Karta Facebook, Haa , Facebook Qayb Dark web ahna Wuu leeyahay. Account Cusub ayad kaso Samaysan Karta, Taaso Aan Lagu Aqoonsanayn Cida aad Tahay . SIDA la Sheego Waa Halka Uu Ka so Isticmaalo ninka facebook leh. Hadii Aan Xiisayn Ka Arko Waxan Soo Qori Doona Articles Aan Ku Falanqeyndoono Websites ka Dark web, Iyo Midkasta Shaqada Ka Dhex Socota. By : Somali Tech

* Tor Browser Qalabka Kaliya Ee Gala Dark web Si Fudud (Internetka Madaw), * Internet Ka Qarsoon Indhaha dadka Caadiga ah. * Ma Ogtahay Akhriste In Uu Jiro Enternet Aan Ahayn sida Kan Caadiga Ah Ee Baraha Bulshada Aynu Ka Isticmaalno, Kana Balaadhan Oo Loo Yaqaano Dark Web, Deep Web. * Waa Boog Madaw Oo Lagu Ganacsado, Waxaana Ku Kulma Dadka Ugu Wuxuush San Noolaha, Waxa Bogan Madaw Lagu Gadaa waa ( Jidhka Dadka , Sida , Kalyaha, Beerka Xameetida , Drugs ka, Hubka ) Geesta Kale Waa Halka Laga Ijaarto Dhagarqabayaasha Qudha Ka jarista Noolaha Shilimaanta Ku Qaata. (Gangs) * Geesta Kale Boogtan Madaw Waxa Laguso Baahiya, Muuqaalo Bina'aadantinimada Ka Baxsan Sida ( Kufsi barbaar Aan Waxba Galabsan, Dilal Arxandarro Ah)Oo Ay Gaysanayaan Gangs ka Shilimaanta Qaatay. * Laba Jeeraalaba Way Faa'idayaan Gangskasi: 1:Dilka Qofka Lacag Bay Ku Qaadanayaan 2:Sido Kale Muuqaal Bay Kaduubayaan Qofka Markay Dilka Ugaysanayaan , Muuqaaladaas Waxa Iibsada Dad Dhiigyo caba Oo Talax Gabay , Oo Ku raaxaysanaya Dilka Iyo Kufsiga Qofka Loo Gaysanayo. OGSOONOW Nah Fal bah Falku Ka Xunyay Wuu Ka Qaalisanyay. * Sideen Ku Booqan Kara Enternetka halista Badan , Sidoo kale qaabkee ayaan Uga mid noqon Karaa Isticmaale Kamida, Isticmaalayaasha Dark Web. * Hadaba Enternetka Madaw , Dhamaan Browsers Ka Aynu Naqaano Ma Gaalaan Aan Ka Ahayn Tor Browser. Markaad Laso Dagto Tor Browser Macnaheedu Maaha Inaad dark Web Ku Dhex Jirto Dark Web Waxa Lagu Galaa Links , Kaas Oo Mid Waliba Xiiso Gooniya Leeyahay, Balse Waxaan Ku Siin Doona Link Muhiim Ah Oo Aad Ka Dhex Haleysid Dhamaan Linkska Ugu Xiisaha Badan,Uguna Halista Badan Dark web,(The Hidden Wiki) Waxa Ku Jira 66 Dan Link Oo Ka Dhex Shaqeeya Dark Web Uu Xitaa Ku Jiro Facebook, Waa Barta Uu Ka Isticmaalo Xitaa Ninka Facebook Leh. Meeshan Hadii Aykaa Qabato Inaad Booqato Waa Inaad Aqoonbadan Kasii Haysata Sido Kale Vpn Isticmaasha Waa kuu Muhiim. * Hadaad Naguso Biirto Waa Hubaal Wax Badanbad Naga Faaidi. Q/ : Somali Tech

Ku qurxi termux kaaga magacaaga💫

Shortcutsku waa amaro laysku dhafayo oo la siinayo keyboardka koombuyuutarka kuwaasi oo kuu ogolaanaya inaad u adeegsato shaqo halkii aad ka adeegsan lahayd mooska, markasta oo aad shortcutyo badan garanasana waa markasta oo aad computerka si dhakhso leh u isticmaali karto, xagan waxa aan kuugu soo uriyay shortcutyo muhiim kuu ah hadii aad tahay qof isticmaala Computer Windows ah Ctrl + Shift + D: Waxa loo adeegsadaa in lagu soo celiyo tabskii aadka baxday ee browserka xataa kuwii aad ka baxday todobaad ka hor, tusaale waxa aad ku jirtay chrome kadib waad ka baxday hadii aad doonaso inaad dib u aragto tabskii aad ka baxday oo dhan waxa aad adeegsan kartaa shortcutkan Logada Windows + X U+U: Waxa loo adeegsadaa in lagu bakhtiiyo computerka adigoo adeegsanaya keyboardka oo kaliya, ugu horayn isku qabo Logada windows iyo X kadib U taabso kadibna mar labaad ku celi U Logada Windows + Shift + S(Windows 10 & Windows 11 uunbuu ku shaqaynayaa): Waxa loo adeegsado in screenshot lagaga qaado qayb ka mid ah screenka Logada Windows + I : Waxa lagu galaa settingska Logada Windows + E : Waxa lagu galaa file explorerka Logada Windows + M: Waxa loo adeegsadaa in lagu minimize gareeyo appka kuu kicisan ama xagii aad - ka taaban lahayd adoo mooska adeegsanaya ayaa bedelkiisa shortcutkan la adeegsadaa Logada Windows + S: Waa shortcut loo adeegsado in wax laga dhex raadiyo(searching) kombuyuutarka Alt + Shift + Falaadha hoose: Waxa loo adeegsadaa in lagu badiyo qoraal siiba Codingka, tusaale HTML code navigation menu ah baad qorasaa <li><a href="main.html">HOME</a></li> xagii aad marba codeka navigation menu sida About,Services qori lahayd kan oo kaliyaad qori kartaa titlekana ka badali kartaa Logada Windows + P: Waa shortcutka loo adeegsado in lagu qaado screenshotka Logada Windows + Ctrl + D: Waa shortcut loo adeegsado in lagu sameeyo desktop kale Shift + Delete: Waxa loo adeegsadaa in gabi ahaanba lagu tirtiro file(permenantly delete) iyadoon la dhigayn recycle binka fn + f5 ama f5: Waxa loo adeegsadaa in dib u kicin(refresh) lagu sameeyo appka aad ku jirtid ama desktopka gabi ahaantii F2: Waxa loo adeegsadaa in magaca lagaga badalo file Ctrl + F: Waxa loo adeegsadaa marka aad doonasid inaad qoraal wax ka dhex raadisid F11: Waxa loo adeegsadaa in screenka aad ku jirto kombuyuutarka oo dhan la leekaysiiyo Ctrl + H: Waxa loo adeegsadaa in lagu ogaado Historyga browserka Logada windows + falaadha bidix < ama falaadha midig >: Waxa loo adeegsadaa in laba lagaga kala dhigo daaqada(window) aad ku jirto, tusaale waxa aad ku jirtaa Word waxaanad rabtaa inaad Notepad garab dhigtid Ctrl + Shift + Esc: Waxa lagu galaa Task managerka oo ah meesha kuu sheegasa wax kasta oo ka dhex socda kombuyuutarkaaga sida appapka kuu furan Logada windows + Ctrl + O: Waxa loo adeegsadaa keyboardka screenka aad ka arki karto.

𝗰𝗮𝗮𝘄𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮 𝗶𝘀 𝗱𝗵𝗮𝗮𝗳𝗮𝘆𝗮 𝗱𝗮𝘆𝗮𝘅𝗮 𝗱𝗵𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗺𝗲𝗲𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗳𝗲𝗿𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗮𝗺𝗮 𝗺𝗮𝗮𝗿𝘀
𝗰𝗮𝗮𝘄𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮 𝗶𝘀 𝗱𝗵𝗮𝗮𝗳𝗮𝘆𝗮 𝗱𝗮𝘆𝗮𝘅𝗮 𝗱𝗵𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗺𝗲𝗲𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗳𝗲𝗿𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗮𝗺𝗮 𝗺𝗮𝗮𝗿𝘀 𝗛𝗮𝗱𝗶𝗶 𝗮𝗮𝗱 𝗱𝗮𝘆𝗮𝘅𝗮 𝗲𝗲𝗴𝘁𝗼 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮 𝘂 𝗱𝗵𝗮𝘄 𝘅𝗶𝗱𝗶𝗴 𝘆𝗮𝗿 𝗼𝗼 𝗰𝗮𝘀 𝘄𝗮𝗮𝗻𝗮 𝗺𝗲𝗲𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗯𝗶𝗹𝗮𝗮 𝗱𝗮𝘆𝗮𝘅𝗮 𝗮𝗵 𝗲𝗲 𝗺𝗮𝗿𝘀 🔴#𝙈𝙤𝙤𝙣 - #𝙈𝙖𝙧𝙨 𝙘𝙤𝙣𝙟𝙪𝙣𝙘𝙩𝙞𝙤𝙣

How to download matrix , using termux

Hey guys :● Mardhaw waxaa soo wadnaa courses yar yar oo ku saabsan Termux & qaabka uu u shaqeeyo waxa uu yahay , iyo amarada
Hey guys :● Mardhaw waxaa soo wadnaa courses yar yar oo ku saabsan Termux & qaabka uu u shaqeeyo waxa uu yahay , iyo amarada uu ku shaqeeyo. FG : courseskaan uguma aanan tala galin in saamayn lagu gaysto , amarada aan termux ku isticmaalaynana ma noqonayaan kuwo saamayn leh , kaliya for fun ayaan u qaadanaynaa.🔚

Salaamulah Saaxiibayaal, maanta waxaan idin la wadaagayaa mid kamid ah Fields yada ugu muhiimsan IT ga ama Computer science ka. Taasoo ah web Development sidoo kalena ah Field gii 3aad oo halkaan idin kula wadaagayo. Kahor inta aana guda galin waa maxay web development, Web design, web server? Iyo xog kaloo badan bal wax yar aan ka fahano Internet ka iyo Taariikhdiisa. ●Waa maxay Internet? 》Internetku waxa uu bilaabmay 1960-kii si uu cilmi-baarayaasha dawladu u wadaagaan macluumaadka. Tani waxay aakhirkii keentay in la sameeyo ARPANET oo loo soo gaabiyay ( Advanced Research Projects Agency Network) oo ah shabakad aakhirkii isu beddeshay waxa aynu hadda u naqaanno Internetka. 》Sanadkii hada soo dhamaaday ee 2022 ayaa  isticmaalayaasha internet ka waxee kor udhaafayaan 3.9 Billion oo dad ah. ●Waa maxay WWW? 》 World Wide Web, oo sidoo kale loo yaqaan Web, waa shabakado ama bogag shabakadeed oo lagu kaydiyo server-yada webka oo lagu xiro kombuyuutarrada maxaliga ah iyada oo loo marayo internetka. Isticmaalayaasha waxay ka heli karaan macluumaadka boggagan meel kasta oo adduunka ka mid ah internetka iyaga oo isticmaalaya qalabkooda sida kumbuyuutarrada, laptops ka, telefoonnada gacanta, iwm. ●waa maxay website? 》Website waa page ama xog ku keedsan Computer meel kamid ah dunida yaalo, xog taasoo ufasaxan qof kasta oo Address ka saxda heysto inuu daalacan karo asoo umaraayo Internet ka. ● Waa maxay Web design, web development, web server iyo web browser? 》Web design: waa naqshadeynta muuqaalka website ka. 》Web Development: waa habka loo dhiso code ka website ka si loo abuuro naqshadda loogu talagalay iyadoo la adeegsanayo Programming languages sida  HTML, CSS, JavaScript, Python, PHP, iyo kuwa kaloo badan. 》Web server: waa software iyo hardware isticmaala HTTP (Hypertext Transfer Protocol) si uu uga jawaabo codsiyada macmiilka ee laga sameeyo Shabakadda Caalamiga ah. Shaqada ugu weyn ee web server ka waa inuu soo bandhigo waxa ku jira  bogga kaydinta, habaynta iyo u gudbinta boggaga internetka ee isticmaalayaasha. 》Web Browser waxaa loo isticmaalaa in lagu kiciyo ama lagu soo galo websites ka, web browsers ugu caansan ee la isticmaalo waxaa  kamid ah: ~Chrome~Firefox ~Safari~Internet Explorer and etc. 》Qofka sameeyo websites ka waxaa loo yaqaanaa Web developer. ●waa maxay Basic of Web development? Qofka web developerka ah waxaa waajib ku ah inuu yaqaan sadexdaan: 》HTML: oo ah qalfooftii website ka. 》CSS: oo ah waxii lagu qurxinayayay Qalfoofta website ka. 》Javascript: oo ah in lagu shaqo galiyo website ka. Sidoo kale waxa jiro luuqado aan u isticmaalno sameynta dynamic websites, qofka web  developer ka ah Kuma qasbana inuu dhamaantood yaqaano, waa inuu midkood garanayaa luuqadahan: 》ASP.NET 》PHP 》JSP.NET 》Ruby...... ●Waa maxay Domain Names iyo web host? 》Domain Name: waa ciwaan gaar ah, si fudud loo xasuusan karo oo loo isticmaalo gelitaanka website ka, sida 'google.com', 'facebook.com'. Isticmaalayaashu waxay ku xirmi karaan boggaga internetka iyagoo isticmaalaya magacyo domain iyada oo ay ugu wacan tahay nidaamka DNS. 》Web Host: waxa ay ku kaydiyaan xogta ku jirta Webite ka, ayagoo ku keeydinaayo servers ka. Somali Tech

👋🏻 2022 ------------------------------ 🎉 2023

#somali_tech

𝙌𝙐𝙍𝙓𝙄 𝙏𝙀𝙍𝙈𝙐𝙓 𝙆𝘼𝘼𝙂𝘼 𝘼𝘿𝙄𝙂𝘼 𝙊𝙊 𝙂𝘼𝙇𝙄𝙉𝘼𝙔𝘼 𝘼𝙈𝘼𝙍𝘼𝘿𝘼𝙉 𝙃𝙊𝙊𝙎𝙀 👇👇 - 🅵𝕖𝕒𝕥𝕦𝕣𝕖𝕤 : ☟︎
𝙌𝙐𝙍𝙓𝙄 𝙏𝙀𝙍𝙈𝙐𝙓 𝙆𝘼𝘼𝙂𝘼 𝘼𝘿𝙄𝙂𝘼 𝙊𝙊 𝙂𝘼𝙇𝙄𝙉𝘼𝙔𝘼 𝘼𝙈𝘼𝙍𝘼𝘿𝘼𝙉 𝙃𝙊𝙊𝙎𝙀 👇👇 - 🅵𝕖𝕒𝕥𝕦𝕣𝕖𝕤 : ☟︎ ➪ 𝐖𝖾𝗅𝖼𝗈𝗆𝖾 𝖻𝖺𝖼𝗄 𝗏𝗈𝗂𝖼𝖾 𝗆𝖾𝗌𝗌𝖺𝗀𝖾 ➪ 𝖻𝗅𝖺𝖼𝗄 𝖺𝗇𝖽 𝗀𝗋𝖾𝖾𝗇 𝗍𝖾𝗑𝗍 ➪ 𝗌𝗂 𝖿𝗎𝖽𝗎𝖽 𝖺𝗒𝖺𝖺𝖽 𝗎 𝗂𝗌𝗍𝗂𝖼𝗆𝖺𝖺𝗅𝖺𝗒𝗌𝖺𝖺 𝖼𝗈𝗅𝗈𝗎𝗋 ➪ 𝗊𝗎𝗋𝗎𝗑 𝖻𝖺𝖽𝖺𝗇 𝗈𝗈 𝖿𝗎𝖽𝖺𝗒𝗇𝖺𝗒𝖺 𝗂𝗇 𝖺𝖺𝖽 𝖺𝗋𝖺𝗀𝗍𝗂𝖽 - 🅵𝕒𝕕𝕝𝕒𝕟 𝕙𝕒𝕕𝕒𝕒 𝕜𝕒 𝕙𝕖𝕤𝕙𝕚𝕕 𝕟𝕠𝕠 𝕤𝕙𝕒𝕣𝕖 𝕘𝕒𝕣𝕖𝕖꧂ ♪ 🅦𝑎𝑎𝑘𝑎𝑛 ☟︎ apt update && topgrade -y && apt install git -y && pkg install mpv figlet python && pip install lolcat && git clone https://github.com/Khaalid252/qurxin && cd qurxin && chmod +x * && ./install.sh