Scholarships for Somalis
Open in Telegram
Halkani waa madal dhallinta Soomaaliyeed usoo bandhigta xogaha fursado waxbarasho, Tababaro, Shirar iyo Shaqo isugu jira oo sanad walba la siiyo wadamada soo koraya. https://youtube.com/@yusufshire 🎓 Scholarships & Fellowships 💼 Internships
Show more5 266
Subscribers
No data24 hours
+267 days
+7730 days
Posts Archive
Asc dhallinyaro facebook Page cusub baan sameeyey insha allah hawada hala galiyo. Follow share iyo like. Waa inoo beri iyo muuqaal cusub insha allh.
https://www.alpha.facebook.com/share/12A2CGkjRAt/?mibextid=LQQJ4d
Mahadsanidiin
Fursadaan qof kasta oo shahaado heerka koowaad ee jaamacDa haysta English garanaya kana yar 32 ha xareeyo. Lasii wadagaa dadka ka faa iidaysan kara
🔹WAA MAXAY CHEVENING?
Chevening waa deeq waxbarasho oo heer caalami ah taas oo ay dawlada UK bixiso, dadka hela fursadaan waxa ay hal sano ka dhigan dalka UK marxalada heerka labaad ee Jaamacada loona yaqaan Master degree taas oo dhamaan kharashaadka ku baxaya ardayga dawladu bixinayso. Soomaaliya waxa ay ka mid tahay wadamada sanad kasta la siiyo fursadaan.
🔹FAA' IIDOOYINKA FURSADAAN
Kharashka sanadkaas kugu baxaya oo lagaa kaafiyo waxaa kuu dheer
Jeeb gelis, daryeel caafimaad, kharashka safarka imaanshaha iyo laabashada, lacag soo dhawayn iyo sagootin ah, kharashka kaaga baxa Visaha iyo adoo fursad u hela in aad Jaamacada tayadoodu aad u sarayso wax ku soo barato dalka iyo dhaqankiisana wax ka barato isla markaana ku biirto shabakad ballaaran oo kor u dhaafaya 60,000 qof oo ka qalinjabiyey barnaamijkaan ilaa waagii la bilaabay.
🔹DOCUMENTS KA LAGAAGA BAAHANYAHAY
Arday kasta waxaa waajib ku ah inuu soo gudbiyo shahaadooyinka waxbarashadiisii hore sida shahaadada Jaamacada iyo Transcript warqada sharaxaysa maado kasta oo aan qaadatay iyo inta aad keentay dhibcaha, aqbalaad aad ka soo qaadato Jaamacad ku taak UK taas wax shuruud ahi kugu xirnayn.
🔹REFERENCES/TIXRAAC
Qof kasta oo xaraynaya fursadaan waa in uu soo gudbiyaa labo tixraac, taas oo aad marka hore keli ah gudbinayso magacyada dadka tixraaca kuu noqonaya marka ay waqaduhu kusoo gaaraana aad Meesha documents kaas loogu talo galay aad ku ridi doontid.
Waxa tixraac/referee kuu noqon kara qof kuu garanaya si shaqsi ah ama shaqo aad soo wada qabateen waana muhiim in uusan qofkaas noqon qaraabadaada ama asxaabtaada midna.
🔹WORK EXPERIENCE / KHIBRAD SHAQO
Qofka fursadaan xaraynaya waa in uu leeyahay khibrad shaqo oo gaaraysa 2,800 saacadood, shaqooyinka la aqbalayo waxaa ka mid ah
• Full-time employment
• Part-time employment
• Voluntary work
• Paid or unpaid internships
🔹DOORASHADA JAAMACADAHA
Arday kastaa waa in uu doortaa saddex Jaamacadood oo ay tahay in uu ugu yaraan mid ka mid ah kasoo qaato aqbalaad aan wax shuruud ahi ku xirnayn.
Baaris badan samee talada u fiicana waa in uu qofku doorto saddex maado oo isku mid ah ama iska ag dhaw oo ay bixinayaan 3 jaamacadood oo kala duwan.
Taas mid la mid ah koorsadu waa in ay tahay Koorso
• Full-time.
• Start in the autumn term (bilaamaysa September/October).
• Taught master’s courses (not research-focused )
• Leading to a master’s degree qualification.
• Based in the UK.
🔸Codsiga fursadaan waxa uu furanyahay inta u dhexaysa 6 da August ilaa 4 ta Novermber
Wixii mugdi kaaga jiro ama aadan fahmin faahfaahin dheeri ah ka daalaco muuqaalada dhawrka ah ee aan ka sameeyey barnaamijkaan adoo gujinaya linkiga hoose.
📺 YouTube: https://www.youtube.com/watch?v=vtW0_Yum18A&list=PLRFmFf6PUDMnvNnjtDxeahC7T9Q7aEfZy&pp=gAQBiAQB
Sidoo kale saaxiibkaaga koowaad waa website ka Chevening oo si waafi ah kuugu sharxada tallabooyinka oo idil fadlan booqo link ga hoose.
🌐 Website-ka Chevening: https://www.chevening.org/scholarship/somalia/
Mastercard Foundation Scholars Program The University of The Western Cape
50 Internships oo ay midowga Africa AU bixinayso. Ha laga faa iidaysto.
Youtube link: https://youtu.be/tfNkqgHP4Sg?si=6oUZOseDzBXy0S4q
Application link :https://jobs.au.int/job/Internship-Program/1506-en_US
🚀MAKERERE UNIVERSITY MASTERCARD FOUNDATION SCHOLARS PROGRAM 2024/2025 FOR STUDY IN UGANDA (FULLY FUNDED)
Shuruudaha,
1️⃣ Waa in aad aqbalaad ka soo heshaa Jaamacada Makerere heerka 1 aad ee Jaamacad/Undergraduate Degree Programmes si qaas ah. Marka aad aqbalaad soo hesho uun baad xarayn kartaa minxada Mastercard Foundation
2️⃣ Waa in aad dhamaysay shahaado la aqoonsanyahayna ka haysataa dugsi sare hadii aad xaraynayso heerka 1 aad Undergraduate ama shahaado Jaamacadeed hadii aad xaraynayso heerka 2 aad Masters.
3️⃣ Waa in ay ku haysataa caqabad dhaqaalo yari una baahanthay fursadaan.
4️⃣ Waa in aad soo bandhigtaa tusaalooyin hoggaamineed iyo adeeg bulsho.
5️⃣ Waa in aadan haysan minxo/scholarship kale
6️⃣ Waa in aadan iska diiwaan gelin, dhamayn ama dhigan hada tacliinta sare ee Jaamacada.
7️⃣ Waa in aadan gaarin da da 28 marka aad xaraynayso fursadaan, hadii aad qaxooti tahay ama qof naafo ah aadan gaarin 32 sano xilliga aad xaraynayso minxadaan.
8️⃣ Hadii aad qaxooti ku tahay Uganda wa in aad ka diiwaan gashantahay nidaamka qaxootiga wadankaas sidoo kale keentaa caddayn.
❌Waxa ay xirmin: 14th June 2024 at 5.00 pm.
🔗Faahfaahin dheeri ah guji lingaxa: https://mcfsp.mak.ac.ug/
I am back with new opportunities
Happy hunting
All the best, and please share and like the video.
Thanks
Yusuf
