cookie

We use cookies to improve your browsing experience. By clicking ยซAccept allยป, you agree to the use of cookies.

avatar

Noqo mufakir

Degelkaan waxaan kugu soo gudbin doonnaa qoraallo maalinle ah sida ; Xikmado | ooraahyo | dhiira-gelin | Iyo sheekooyinka la xiriira arrimaha nolosha| iyo dhammaan mowduucyada aan u aragno kuwo faa'iido leh . 15/6/2021 @Noqomufakir44

Show more
Finland1 140The language is not specifiedReligion & Spirituality15 937
Advertising posts
6 082
Subscribers
+624 hours
+187 days
+11530 days

Data loading in progress...

Subscriber growth rate

Data loading in progress...

Photo unavailableShow in Telegram
App-kan waxbadan ayuu Ku tari doonaa wuxuuna Kaa saacidi doonaa in salaadahaaga aad joogteysid kuna tukatid wakhtigooda, waxaa jadwal kadhex samaysan karta app-ka gudihiisa adiga oo Kula soconaya isbuuca marku dhamaadaba sida ay ahayd salaadaada isbuuci lasoo dhaafay. sidoo kale waxaa Ku jira guduhiisa ducooyinkii dhamaantood, tasbiixdii, sidoo kale waxa kujira qur,aankii oo aad maqal kudhageysan kartid sidoo kalana af-somaali kugu fasiraya. Taleefankaagu miyuu kuugu jiraa Aapkan?
Show all...
โค 3
Dab la kala qaato goormee ayaa kuugu dambeysay inaad aragto? Goobtan waa : kismaayo
Show all...
Adduunyadan waxaadan arkeyn malaha! Mid aniga oo meel iska fadhiyo inta uu isoo kor istaagay kuye" wallaahi itoobiyaan baan kuu moodayay, ee waad iga badbaadday cawada mooyee kurgaaga iyo madaxaaga iskuma yaalli laheyn neef yahow!" War bal maxaan ka galabsaday...! Lol
Show all...
๐Ÿ˜ 8
Nolosha ayaamaheedu marba waji ayeey ku iman doonaan. Waji kasta oo yimaadaana waxa uu ku barayaa cashar. Maalmaha fudud iyo kuwa adagba haladayg iyo ragganimo ku waajah. Waa kii Imaamu Shaafici RX uu lahaa isaga oo ka warramaya in maalmaha laysku adkeeyo oo aan loo jilcin: โ€œุฏูŽุนู ุงู„ุฃูŽูŠู‘ุงู…ูŽ ุชูŽูุนูŽู„ู ู…ุง ุชูŽุดุงุกู ูˆูŽุทูุจ ู†ูŽูุณุงู‹ ุฅูุฐุง ุญูŽูƒูŽู…ูŽ ุงู„ู‚ูŽุถุงุกู ูˆูŽู„ุง ุชูŽุฌุฒูŽุน ู„ูุญุงุฏูุซูŽุฉู ุงู„ู„ูŽูŠุงู„ูŠ ููŽู…ุง ู„ูุญูŽูˆุงุฏูุซู ุงู„ุฏูู†ูŠุง ุจูŽู‚ุงุกู ูˆูŽูƒูู† ุฑูŽุฌูู„ุงู‹ ุนูŽู„ู‰ ุงู„ุฃูŽู‡ูˆุงู„ู ุฌูŽู„ุฏุงู‹ ูˆูŽุดูŠู…ูŽุชููƒูŽ ุงู„ุณูŽู…ุงุญูŽุฉู ูˆูŽุงู„ูˆูŽูุงุกู.โ€ โ€œIskaga tag aayaamuhu ha sameeyaan wixii ay doonaane Naftana wanaaji kolka qadarka la xukumo Hana u jilcin gadgoonka habeenada Dhacdooyinka adduunkana waxba kaama baaqi ahaadaan Nin rageed ka noqo xaaladaha adag Dheeftaadana waxa aad ka yeeshaa cafis iyo ballan oofin.โ€
Show all...
๐Ÿ™ 4โค 2
Taleefanka ka naso; adna halagaa nastee baraha bulshada iska yaree
Show all...
๐Ÿ‘ 6๐Ÿ˜ 3
Geeridu maโ€™aha marka ay ruuxdu innaga baxdo oo keliya, waxaa jira geeriyo ka horreeya, waxaa ka mid ah; marka ay isu wada ekaadaan maalmahaagu, ee isbeddel oo dhan aad joojiso, marka waxa keliya ee kuu kordhayaa uu noqdo sannadaha daโ€™daada io miisaanka jidhkaaga.! "Dhimashadu xabaashiyo Kafan laba dhudoodiyo Iil dhexdiisa maahee Dhilashada jidhkaagiyo Sharafkoo dhantaalmiyo Dhegxumaanta weeyaan." โ€” Hadraawi.
Show all...
Nolosha oo dhan ayaa wedlakulan ah"! Runtii geerida wax ka xanuun iyo murugo badan Aadanaha ma wajaho, qofka isaga oo og ayay mararka qaar filanwaa ku noqotaa.ย  Galabta xilli aan ka soo laabtay goob waxbarasho, baa aniga oo degdeg iyo xawaare sare ku ordaya luuqtaha uga soo dhex baxaye. Waxa aan ballan laheyn macallin ka mid ah macallimiinteyda in aan ka raagana ka cabsi qabay. saddex luuq markaan si xawli ah u soo jaray baa dukaan dhinaca bidix iga xiga gabar aan ku qiyaaso 18_sanno jir ka adeeganeysay. Deris iyo ardayba waan wada aheynee aniga oo is leh bal salaan oo xaal wareyso, hana ku raagin.ย  bay gadaal gadaal halmar si lama filaan ah dhulka oogu dhacday! Gadaalse waxaa ka xigay dhagxo iyo bullaacade, markiibaa waxaan arkay dhiig ka qulqulaya madaxeeda garbasaartii ay wadatana maasheeyay! Hadal waa uu iga soo bixi waayay, waxa aan mooday dunidu in ay halmar ila wareegtay. " ladaney, abbaayo maxaa ku helay" ayaan cod maahsanaan ku dheehan oogu hadaaqay. Balse weli dhulka ayay taallaa. Waxaa u soo baxday maamadii dukaanka gadeysay, gabar kale oo iyada saaxiibteed ahna soo raacday. Halmar ayay dadkii ku soo xoonsameen meeshii. " Alla! Waa ladan" ayay deriskii afka la heleen." Isbitaalka oola carara" baa oday waayeel ah dhinaca kale ka yiri, markuu arkay silac gabadha iyo argaggaxa dadka. Sidii ayaa la yeelay, inta labadeedii lugood la isku laabay, baa taksi yar lagu riday. Nasiib darro se dhexda iyaga oo sii maraya ayay naftii ka baxday, halkaana ku galbatay ladan gurigeedii saxda ahaana aadday.ย  Adeeg casho ayay reerka u dooneysay, balse qaddar alle ayaa ku dhacay! hadda ayaana ka nimid aaskeedii! Alla geeridu innoo dhawaa, oo dhawaa!!
Show all...
๐Ÿ˜ข 12
Jacayl: Erey dhadhan ahaan macaan se macnaha laga haystaa dhimaad yahay "naag iyo nin galmo ku gacalloobay oo gawdaas iska saaray, gabar qaawan, wiil noloshiisuba tahay iska dhaadhicinta naag yar. gabar shaqaddeeduba tahay inay jirkeeda kusoo jiidato doobabka birta afaystay ee dhareerku dibnaha ka daadanayo. wiil hawl-galkiisuba yahay inuu shilimaad yaryar ama gaari uu saaxiibkii kasoo amaanneystay intuu isku macaaneeyo kula shukaansi tago foodleyda. ุชุจุฃ ู„ุญุจูƒ ู‡ุฐุง Jacaylku wuxuu ahaa macnawi balse waxay ka dhigeen maaddi. wiilkii wuxuu rabaa jir, gabadhiina jeebka ayey ku maqan tahay.! Biyo dhac bahalkii. Lol
Show all...
๐Ÿ˜ 4
Dawaashada kubbaddu mar bay ii ahayd waxa u weyn ee aan ku xisaabtamo xagga fanka maddedaalada. Kubbaddu sideeda faa'iido way u leedahay sida is dhexgalka bulshada iyo jimicsi se, dadka ciyaaraya iyo kuwa dalalkooda laga qabanayo ayaa faa'iidadaa hela. Halka daawadaha indhuhu cadaadaan oo dareenkiisa uun laga ganacsado. Ma leh faa'iido wadareed daawadaha iyo ciyaaruhu helaan, halkaas filimada ayaa ku dhaama oo aan berri danbe bartay. Iyaga ugu yaraan xigmado maankaaga koriya ayaad ka heli, sida oo kale luuqadaha kala duwan baad ka baran. Filimadu mar bay buug dhan kuu soo koobi karaan, oo ay itus oo itaabsii kaaga dhigi karaan. Aragti iyo qaab nololeed bay sidaan se, kubbaddu waa hal ficil oo lagu soo celcelinayo uun sidii qof waalan. Waa halkii uu Enishtayn ka odhan jiray "Waalidu waa in aad hal shay oo isku mid ah ku soo celceliso, kadib aad filato natiijo ka duwan" waa sidaas oo kubbad shabag dhex marta uun weeye filishada maalin kasta loo fadhiyaa, wax ka duwan lama helo. Waa xaalad waali oo kale ah. Ciyaarta aad toban sanno ka hor daawatay iyo ta caawu waa isku mid. Intii danbe sida ugu xun baan u nacay daawashada kubbadda oo haddaan ugu bato faynalada waaweyn baan daawadaa ama highlights-ka daqiiqadaha kooban ah baan meelahaas ka daawadaa marmar. Waa daal iyo tacab natiijo la'aan ah. Sida aad u caashaqsan tahay ee aad daqiiqadaha ka hadhay hoosta ugu tirinayso uun baa marka ay dhammaato niyad jab kugu soo xaadirayaa. Sida oo kale dhaawacyo maskaxeed iyo mid nafsadeed ayaa laga qaadi karaa maaddaama oo qofku iska dhaadhiciyey inuu qayb kamid ah yahay kooxda ciyaaraysa, maalinta laga badiyo waa u khalkhal iyo naxdin weyn. Waliba si gaar kuwaasi waa kuwa xagjirka ku ah taageerada koox gaara balse, dad si guud oo maddedaalo uun ah iskaga daawada baa jira oo jacayl kubbaddeed hayo, kuwaasi way ladan yihiin.
Show all...
๐Ÿ‘ 7
Photo unavailableShow in Telegram
Subax ayay cadceeddu soo bixi doonta adiga oo maqan.๐Ÿ‘‡
Show all...
๐Ÿ‘ 6๐Ÿ˜ข 2
Choose a Different Plan

Your current plan allows analytics for only 5 channels. To get more, please choose a different plan.