QORMO
Open in Telegram
"لا تتكلم عما قرأت بل تكلم عما فهمت." البداية كانت ٢٠٢٢/٣/٢٥ 🖤
Show more5 220
Subscribers
-424 hours
-187 days
-6930 days
Posts Archive
5 220
Cadceedo—Nuur Ileeye, 10.Aug.2025
Cadceeddaan kugu salaamay
Caddada waan kaa waraystay
Ciiddana waan kugu saxiixay!
Cindiga waan kaa dugaalay
Carriga waan kaaga heesay
Cirkana waan kaa baxnaanshay!
Caqliga waan kugu xurmeeyey
Quruxda waan kugu ciseeyey
Carfina waan kugu majeertay!
Cillaan waan kugu xariiray
Caleen waan kugu hadheeyey
Curadna waan kugu ammaanay!
Cawada waan kugu rajeeyey
Calafka waan kugu sugaalay
Caruusna waan kuu asteeyey!
Cidlada waan kaala joogay
Hiddaha waan kula cayaaray
Farxadna waan kula caweeyey!
Xumaha waan kaala caagay
Cudurka waan kaa xijaabay
Ceebtana waan kaa fogeeyey!
Cadarka waan kula dalxiisay
Cosobka waan kaaga foodhyey
Colkana waan kaa ilaashay!
Caashaqa waan kuu hibeeyey
Camalka waan kuu wanaajay
Calanna waan kuu hagoogay!
Cidaha waan kaa dhawaystay
Caanaha waan kula wadaagay
Cimrina waan kula dhammaystay!
5 220
Awdal laga keenyey
Ololog dheerey
Il bari lagaga oriyey;
Geesi geel keeniyo
Gaari xirataa
Galool lagu daahyay
Geedba geedka u dheer
Laga garaacyeey
Galool muray mullaaxdiisey;
Waa hees-hawleed.
5 220
Repost from N/a
𝗠𝗮 𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗷𝗼𝗼𝗴𝘁𝗲𝘆 𝗔𝗮𝗹𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗼𝗼 𝘄𝗮𝗾𝘁𝗶 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗺𝗮𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 𝗯𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗿𝗮𝗮𝗱𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮𝗻𝗻𝗮𝗮𝗹𝗼 𝗳𝗮𝗮𝗶𝗱𝗼 𝗨'𝗹𝗲𝗵 𝗻𝗼𝗹𝗼𝘀𝗵𝗮𝗮𝗱𝗮, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗻 𝗵𝗮𝗹𝗸𝗮𝗻 𝗸𝘂𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝘂𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗹𝗮𝗹, 𝗸𝗮𝗻𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝗳𝗮𝗮𝗶𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗼𝗼 𝗻𝗼𝗼𝗰 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗹𝗲𝗵, 💯
𝗦𝗵𝗮𝗿𝗮𝗳 𝗶𝘆𝗼 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮𝗺𝗼, 𝗡𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗶𝗶𝗿 𝗔𝗾𝗿𝗶𝘀𝘁𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮𝗺𝗶𝗱 𝗻𝗼𝗾𝗼 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗼 𝘄𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗻𝗮𝗴𝘂 𝘅𝗶𝗿𝗮𝗻 👇
@dhiiriye
@Enjoy_boy1
@wadnojacayl
@LAMAANe24h
@Cilmu_nafsi_10
@HoygaShekoyinka
@Saxiibka_Nolosha
@udhawoow_allaah
@HOYGAJACAYLKA
@Aqoonta_kaa_maqan
@Xikmadoiyodhiirigalin
@Jowharadi_qalbiga143
Admin - @Zaxiibka_nolosha
https://whatsapp.com/channel/0029VbBOipoEquiVwbpZGE1Z
5 220
Muhiimadu waa in aan salliga nabiga badino Swc.
اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.
5 220
Murugada, walwalka iyo qalbiga oon xasilneyn waa waxa ugu xanuunka badan oo qofka ka tira farxada iyo macaanka nolosha, waa waxa qofka ku keena in uusan arkin waxyaabaha badan uu heysto kaliyana uu kafikiro waxaas dhibta kuhaaya Waxaa jira qof nolol sare ku nool hadane ciriiri iyo welwel kunool iyo qof nolol dhexdhexaad ah ama hooseysa ku nool oo qanacsanaan iyo farxad heysta.Waxa ugu badan ee walwalka sababa waa kafikiridda iyo saadaalinta wax aan waqtigooda la gaarin hadana kaa saameeya xaalada aad hadda kujirto oo ah mid wanaagsan, waxaa dhacda in adiga oo wax aad uga murugsanaa marka waqtigeeda lagaaro ay sifudud kugu dhaafaan oo aad dib iska dhahdo ma intaan ayey waxaas oo murugo ah kuu haayeen
Majiro aduunkaan wax mudan in lagasii cabsado oo mustaqbalka ah aan ka ahayn cadaabta maalinta qiyaamo taasoo been been la isku moodsiin karin, sidaas darteed waqtigaaga badankiis uga faa'ideyso aaqiro si aad ugu noolaato farxad iyo qanaaco dhan walba ah..!!
— sadaad |
5 220
Dabeecadu waxa ay inna siisaa farxad bilaash ah marka loo eego waxa inagu hareeraysan!.
🌿🌱
5 220
''Isagu aniga iima ahaan''
Dhammaanteen waxaynu la kulmi doonnaa adduunkan qof aanay xusuusteenu weligeed iloobi doonin, arrinta la yaabka lehna waxa ay tahay in aanu annaga noo ahaan doonin. Waad u bogi doontaa isaga, wuxuu yeelan doonaa dhammaan sifooyinka uu qalbigaagu ku xardhay maskaxdaada.
Se waxa aad ku kala noolaanaysaan hirrar kala duwan , ma awoodid inaad ka ag dhawaatid kana durugtid , mar waa saaxiipkaaga marna waa wehelkaaga ,
Maalmuhu way socdaane waxa aad ka baqaysaa in aad dareemadada oo dhan isaga u hibayso run ahaantii waabad u hibaysay'e
Mar mar ayuunbaad umalaysaa in uu kaagii yahay , se adigoo hoos iskula shawraya ayuunbaad odhanaysaa:''Isagu aniga iima ahaan!!''.
~Turjumid
5 220
Marar badan somaalinimadu waa nacayb dhiilo iyo siifad isbiirsaday, qabiilo xagxagad koogu bilow iyo dhamaad toona lahayn, jaahilnimo dhuux ruug ah, isreeraysi wax ku ool ahayn, caqli macangag ah, itaal aan wax qabadbad lahayn, kas iridda reekooga soo dhaafayn, hiilin xaqa meerin karin oo meel dhawraya, damiir abkiisa uun xaq soorka ka dheehda, aaadame duudsiga ku mudhxay, dad qolfoofku uun ka baaqi yahay, dadnimo duugawday, isa soor laabahooga daxaleeyay.
Waa micnaha soomalinimo ee loo badheedhin miyaynu ugaryeelanaynaa inaan muslinnimo ku faano iyagoo xaqiiqoyin nuucasa dhaxdeena wadhan yihiin.
Hebel muxuu ku dhintay wax aan la garanayn gar iyo gawrac gardaro ka uu ahaa ma rabno inaan cidhifkaas wax iskaga iftiimino se waa waxa aan nahay.!!!
Qalinka :- Dowsah
5 220
Repost from QORMO
Meesha uwayn ee jidhka laga xukumaa waxay noqonaysa ''Qalbiga'' , kaaso isagna ka baxsan dedaalkeena se waa mid ku jira gacanta rabigeen , nabiguna marwali waxa uu ku ducaysan jiray يا *مقلب القلوب ثبت قلبي على دينك*,.
Mar kale waa kii ina lahaa أَلَا وَإِنَّ فِي الْجَسَدِ مُضْغَةً، إِذَا صَلَحَتْ صَلَحَ الْجَسَدُ كُلُّهُ، وَإِذَا فَسَدَتْ فَسَدَ الْجَسَدُ كُلُّهُ، أَلَا وَهِيَ الْقَلْبُ " -Jidhkeena waxa ahaatay waslad, hadii ay hagaagto jidhkoo dhan ayaa hagaaga (toosnaada) , hadii ay xumaatana jidhka oo dhan ayaa xumaanaya ( qaloocsnaya) Hooyee taasi waa Qalbiga,.
Hadiiba Qalbigu noqday midka gadh wadeenka ka ah jidhka intiisa kale , isagna uu ku jiro gacanta rabi, waa in aan ka ag dhawaana rabigeen si uu noogu toosiyo xubinkaas xukunka jidhka haya ,ugu danbayna inoo jiheeyo rabigeen.
Ramadan muparak.
❤️🤍
5 220
Xabbad caleen ah oo geed ku taal xidhiidh ma la lee dahay caleemaha kale? Marka ay go'do geedku ma tabaa, iyadu se geedka ma tawdaa? Miyay ka raysataa mise waa ay u darsataa, mise waa ay macno beeshaa oo luntaa? Hore macno ma u lahayd?
Haddii aad indho beeshid arag la'aantu miyaa ay tahay in ay dunidu mugdi noqotay? Haddii se aad dhego beeshid aamusku miyuu yahay in ay sanqadhu go'day? Dhegoole onkod ma yaqaan, indhoole se hillaac? Labadaas xaaladood ee ay mid waliba ka kale xaqiiqadiisa ka baxsan tahay ka indhaha iyo dhegaha qaba sow xaqiiqadiisa ku ma wada jiraan? Sidaas sow garashu ku noqon mayso hirar ka la shisheeya oo marba hirka muuqdaa yahay waxa sugan, wixii kale oo dhamina male male iyo hummaag?
Ma jirtaa xaqiiqo ka baxsan aragga, maqalka, dhadhanka, urinta iyo taabashadu? Riyada, mala'awaalka, farshaxanka iyo afshaxanku, tusaale ahaan, xaqiiqada ma ku lid baa mise waa hirarkeeda fogfog oo dirqi ku muuuda?
Buuga: Aanadii Nageeye
Ibraahim-Hawd.
5 220
Mararka qaar Ilaahay wuxuu dib kuu dhigaa wax aad rabto si uu waqtiga ugu habboon kuugu siiyo.
❤️✨
5 220
هُوَ الَّذِي يُرِيكُمُ الْبَرْقَ خَوْفًا وَطَمَعًا وَيُنْشِئُ السَّحَابَ الثِّقَالَ ﴿Waa aayad aad ucajiib badan , waxa ay xanbaarsantahay micno aad uwayn. Waa dareen hal ilbidiqsi gudihiisa dhacaya mar waxa aan ka baqaynaa odkodkaas iyo hilaacaas gurxaamaya annaga oo rabna roobka iyo neecawdiisa,. Cabsidaas iyo Rajadaasna waa mashiinka dhaqaajinaya qofka mu'minka, haddaynu ugo'no rajo kaliya waxa aan ku dhiiranaynaa dunuub idelkeed , lidikeed hadaan ku noolaano cabsidaas waxa aan ku noolaanaynaa nolol cidhiidhi ah oo aan naxariis alle ka fillanayn, asalka iyo micnuhuna waa isku dhafkaas!. Alle mahadii Dir-Dhaba oo rooban. ✨💦🩵
5 220
Cadceeda haddaad ka waydo
Cirkiyo samaday ku taalay
Adoon caddibayn naftaada
Dayaxa la cawee markiisa
Cidhiidhigu wuu jiraaye
Cutubka noloshaa dhigaaya
Inaad murugada casuunto
Cishana farxad aad ciyaarto
Cidlada jawigaad dareento
Marbay dhaantaa cawayska
Qofaan ku cisayn la joogto
Cindiga adigoon ku eegin
Culayskiyo arrimihiisa
Marbaa lays caawiyaaye
Cabasho weligaa ha muujin
Hadda eeg.
~Yool-Sare.
5 220
Repost from MUFAKAR
Mararka qaar qof ayaad si lama filaan ah isu barataan. Wadahadalladii ayaa noqda kuwo qalbiga taabta, waxaana dhexdiinna ka dhasha ballan ah in maalin la kulmi doono. Laakiin noloshu mar walba ma raacdo qorshaha dadka.
Qofkii wuxuu u safraa magaalo fog, masaafaduna waxay kala dhex dhigtaa jid dheer. Ballantii la sugayay dib bay u dhacdaa, maalmo ayaa isu beddela toddobaadyo, toddobaadyana bilo. Inkasta oo wakhtigu dheeraado, rajadu ma dhamaato. Farriin kasta iyo xusuus kasta waxay sii hurisaa rajadii ahayd in maalin uu la kulmi doono.
Waxaa la yidhaahdaa: "Masaafadu waxay kala fogeysaa jidhka, balse haddii qalbiyadu is doonayaan, ballantu way timaaddaa xitaa haddii ay raagto."
Kayd.
❤️✨
5 220
Xilli aduunka dhanka kale kasoo rogmayo Gaza na gumaad xun ka socdo, barlamaanka dalka Urdun wuxuu goobjoog u ahaa dhacdo jaceyl oon horey loo arag.
أيا نبضي بحبٍ بادليني ***ولطفاً بالفؤاد إذا دعاكِ
Xildhibaan ka tirsan barlamaanka ayaa jeclaadey xildhibaanad uu ka dhex bartey barlamaanka taaso qurxdeeda iyo qoodheeda jiif iyo joogba u diidey samaaleylka, ilowsiisey mooshinada iyo sharciyada barlamaanku dajinayey.
Wuxuu subax walba usoo kalihi jirey golaha si uu ugu il qabowsado xildhibaanada qalbigiisa degtey ee habeen walba ku galgalato. Wuxu hilmaamey dadkii soo doortey duruufta ay ku sugnaayeen markuu heley wuxuu sanado raadinayey.
Markey xildhibaannadu codeenayaan oo la yiraahdo mooshinka yaad u codeeneysaa suu dhahayaa ayada ayada.
Majnuunu leyla ayaa la weydiiyey yaa khilaafada u xaq leh: Umawiyiinta mise Cabaasiyiinta.
markaasuu ku jawabey Leyla ayaa u xaq leh. ( waa gabadha uu jeclaa) jah.
Markey golaha ka dhex hadleysana codkeeda ayuu macaansan jirey taasoo galin jirtey jawi jaceyl oo ilowsiin jirtey duruufaha uu wadanka ku sugan yahey iyo sawaxanka golaha barlamaanka. Jah
Ugu dambeyn wuxuu go’aansadey inuu hadyad uga dhigo fargashi oo u ka dalbo guur iyo reeren.
Yaaaaa Alllaaaaaah! jaceylku cajiibsanaa. Aduun rogmayo ayuu kuu qurxiyaa. Duruufaha iyo dhibaatooyinka caalamul islaami heystana sidaa ayaa lagu ilaawey
Shib dheh hadaadan wax jeclaanin.
~Ibnu sayid
5 220
+1
Bal kawaran inakoo is gacloonay hadaynu midba mid ka kale utanaasuli waayo , innaga oo qalnigeenu gaydhanayo bal kawaran hadaynu afka u diidno in uu tabiyo waxa uu tabanayo , bal maxaynu ka dheefaynaa midaas?, bal kawaran hadii uu iswaageenu kala aamusnaani sabab unoqoto jeerkaas maxaynu noqonaynaa ? Dhankayga doqomo madax adag magaca jaceylna meel uga dhacay!!
Bal adna?
5 220
Awoodahaaga wax ka baxsan hadii aad ku xidho yoolalkaaga ideylkood waxa aad dhex ahaan doonta maalmo ay kamaqanyihiin ideyl ahaanba farxadu, xasiloonidu iyo qanaacaduba. Sida ayna ujirrin madhnaan badhax tiran ayayna ujirrin dhamaystirnaan nolosha ah , waxa aan ka dhaxlaynaa raadinteedana isku yaac maskaxeed iyo walbahaar laabeed. Inta aan hantinay buuni aynu ka noqono , inta maqana aan udadaalno iyadoon naga qasayn maalmaheena!.
✨❤️
5 220
Repost from N/a
𝗠𝗮 𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗷𝗼𝗼𝗴𝘁𝗲𝘆 𝗔𝗮𝗹𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗼𝗼 𝘄𝗮𝗾𝘁𝗶 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗺𝗮𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 𝗯𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗿𝗮𝗮𝗱𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮𝗻𝗻𝗮𝗮𝗹𝗼 𝗳𝗮𝗮𝗶𝗱𝗼 𝗨'𝗹𝗲𝗵 𝗻𝗼𝗹𝗼𝘀𝗵𝗮𝗮𝗱𝗮, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗻 𝗵𝗮𝗹𝗸𝗮𝗻 𝗸𝘂𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝘂𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗹𝗮𝗹, 𝗸𝗮𝗻𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝗳𝗮𝗮𝗶𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗼𝗼 𝗻𝗼𝗼𝗰 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗹𝗲𝗵, 💯
𝗦𝗵𝗮𝗿𝗮𝗳 𝗶𝘆𝗼 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮𝗺𝗼, 𝗡𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗶𝗶𝗿 𝗔𝗾𝗿𝗶𝘀𝘁𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮𝗺𝗶𝗱 𝗻𝗼𝗾𝗼 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗼 𝘄𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗻𝗮𝗴𝘂 𝘅𝗶𝗿𝗮𝗻 👇
@dhiiriye
@Enjoy_boy1
@wadnojacayl
@LAMAANe24h
@Cilmu_nafsi_10
@HoygaShekoyinka
@Saxiibka_Nolosha
@udhawoow_allaah
@HOYGAJACAYLKA
@Aqoonta_kaa_maqan
@Xikmadoiyodhiirigalin
@Jowharadi_qalbiga143
Admin - @Zaxiibka_nolosha
https://whatsapp.com/channel/0029VbBOipoEquiVwbpZGE1Z
