en
Feedback
QORMO

QORMO

Open in Telegram

"‏لا تتكلم عما قرأت بل تكلم عما فهمت." البداية كانت ٢٠٢٢/٣/٢٥ 🖤

Show more
5 220
Subscribers
-424 hours
-187 days
-6930 days
Posts Archive
QORMO
5 220
Noloshu waxay noqotaa habeen madow waabarina usoo cadayn goorta aan ka dhex wayno WAALID aan lugihiisa naxariista ka hoos raa
Noloshu waxay noqotaa habeen madow waabarina usoo cadayn goorta aan ka dhex wayno WAALID aan lugihiisa naxariista ka hoos raadino,. Wayna duugowdaa jeerka aynu iska ag wayno SAAXIIP kaaso inna garab taagan xiliyada cidhiidhtoonka nooguna laab qabooja ha murugoon saaxiip alle ayaa maceena ah'e,. Wayna foolxumaataa xilliga uu noo muuqan waayo GACALIYE aynu laabtiisa ku dareemno xasilooni kuna ilowno dhibaalaha aduun kaaso inna leh, xilli waliba adigii uunbaad ii tahay anniga!

QORMO
5 220
صلّوا على النبي ﷺ، لعلّها تكون سببًا في تفريج الهموم ورفع البلاء ❤️ اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

QORMO
5 220
Asalka aynu ka midaysanahay waa laf-dhabarta jiritaankeena, halka kala duwanaanshuhu yahay naqshado rabaaniya kuwaasoo lagu x
Asalka aynu ka midaysanahay waa laf-dhabarta jiritaankeena, halka kala duwanaanshuhu yahay naqshado rabaaniya kuwaasoo lagu xardhay kawnkan, asalka aynu dhawrano kala duwanaantana ubogno!.

QORMO
5 220
QOOMAMADII JAMES. James waa oday da' ah, oo dib u milicsi ugu safraya maalmihiisi tegay ee Qoomamada iyo caloolyogwa ku laran. Wuxuu ka cabanayaa in Awoodiisa iyo kartidiisa uusan Maalin, iyaga oo inta u irmaanaaday u dhalayan. Waxa uu isugu wanqalayaa "Ninkii wax Noqon lahaa" laakiin aanan waxba noqon. Waxa uu yiri James; "Aroor walba kolka aan hortago muraayadda, kuma farxo qofka ii muuqda. Tan iyo barbaarkeygii, waxaan ahaa qof aad u daneeya hab-muuqaalkiisa, waxaanan lahaa dhadhan heer sare ah oo ii dhameystiraya. Inkasta oo kolkaa iyo hadaba aanan hantiile ahayn, haddana dadaalna iguma yara, oo wali sidii ayaan hab-muuqaalkeyga ku sii mammanahay. Waxay ahayd in aan guulo badan gaaro; marka loo eego cararkeygii, asalkygii iyo fursadihii aan haystay, waxay ahayd in aan noqdo xirfadle heer sare ah—sida qareen—oo haysta hanti sugan. Fursadaas gabi ahaanba way i seegtay. Muraayaddaa waxaa iiga muuqanaya qofka ugu fashilka badan dunida guudkeeda - Haa waa aniga, oo waayo? Xataa ma aanan gaarin yoolalka aasaasiga ah ee nolosha, xataa ma aanan guursan. Waxaan isu aqaan 'Ninkii wax noqon lahaa' aanse waxba noqon. Waxaan isku dayay in aan naxariis ku noolaado, marnaba ma aanan doonayn in aan qofna dhibaateeyo ama aan dhib u geysto. Haddii aan milay tegay dib u soo celin karo, waxaan ahaan lahaa qof dareen-hadla oo aad u soo bandhiga waxa uu tabanayo. Noloshaydu waxay ku taagnayd soocanaan; in kasta oo aan ku noolahay magaalo ay sagaal milyan oo qof deggen yihiin, haddana muddo laba iyo labatan sano ah saaxiib ma yeelan. Maskax ahaanna, waxaan ahaa keligi-nool tan iyo afar jirkaygii. Waxaan xasuusan karaa oo taa hogga-tus uga dhigi karaa in kolkii aan kasoo laabanayey Maraykanka in aan qofna iigu imaan garoonka diyaaradaha ee London bal uun si ay daalka iiga dejiso. Waqtigaygii waxaan ku qaatay qorista laba riwaayadood oo muddo labatan sano ah qabyo ii ah iyo in aan dadka u maadeyn karo - labadaa ayaa ah hantida ugu weyn ee aan ku faano. Laabtayda ciil iyo caloolyow kuma hayo; inkasta oo ay jiri karaan sababo aan intaaba u dareemi karo - haddane ma qabo uurkutaallo."

QORMO
5 220
photo content

QORMO
5 220
Soomaali inaa tahay Saxar igama saarnee Soo dhawaw suleekhaay Adigaan ku sugaayee! Sirtii aan qarsanayiyo Sidii beerku uu rab
Soomaali inaa tahay Saxar igama saarnee Soo dhawaw suleekhaay Adigaan ku sugaayee! Sirtii aan qarsanayiyo Sidii beerku uu rabay Saatirkay i siiyoo Sii dayni maayee! Buurta saw dusheeda Saxan saxa maraysaa Seerihii dhulkeenaa Sidoodii udgoontoo. Sumadii islaamkiyoo Siday diintu tiribaad Sifadoodii leedahoo Marna kuma saluugine! ✨🤍

QORMO
5 220
Soomaali inaa tahay Saxar igama saarnee Soo dhawaw suleekhaay Adigaan ku sugaayee!
Soomaali inaa tahay Saxar igama saarnee Soo dhawaw suleekhaay Adigaan ku sugaayee!

QORMO
5 220
Repost from Fahan Guud
Arrimihu ma cuslaan doonaan , cidda loo bandhigayaaye hadday tahay cidi inna jirsiiyay , waynaga kala daadsanyihiine Rapiyow
Arrimihu ma cuslaan doonaan , cidda loo bandhigayaaye hadday tahay cidi inna jirsiiyay , waynaga kala daadsanyihiine Rapiyow inoo ururi! ✨🤍

QORMO
5 220
وظَلَّ يُصلِّ علىٰ النّبي حَـتىٰ تلاشىٰ هَمهُ وغَمهُ وقضىٰ الله حاجتهُ . اللّهُمَّ صَلِّ عَلى مُحَمّدٍ وَآلِ مُحَمّدٍ 🤍'

QORMO
5 220
اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلَّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمد ﷺ كَثرةُ الصَّلاةِ علَى النَّبيِّ ﷺ تُكثرُ الأرزاق والبركات ♡゙

QORMO
5 220
Guudmar Buugeed. Waa maalin Jimce ah bishii 8 20keedii 2026  goor sheegtuna ku beebantahay 11:45 dharaarnimo aana sagootiyay buug yare 536 page ahaa , ka hadli kari mayno mugiisa , ha u arkaan iyagu sheeko madadaalo waxayse baal wali oo kamid ah xanbaarsantahay cuduro fidsan oo ku dhexbaahay bulshadeena , gaar ahaan Soomaalida, haah waa xanuun aan daawo lahayn misaba leh!. Qodobada ugu faca wayn  uu ku dul wareegayi waa ; Aqoonsiga (Identity) , Midab takoorka, Jaahwareerka diimaha , Reer Galbeedka iyo Reer Bariga , IWM. Si dhawrsoon aynu udhadhansano. Aqoonsi (Identity) Majirto qof la waydiiyay doonistiisa kahor inta aanan la keenin aduunkan, doorasho kuma lihin Qoyska aan ka dhalanayno, Dhulka aan ku dhalanayno amaba abtirsiinta aan dhaxli doono midna!,Haah Dhalashadu waa qaddar rabaani ah, midabkuna waa rinjiga uu abuuruhu u doonay oo waa kala cayn cayn , kala midab, kala diin , dhaqan , dhul, af, sidaas ay tahayna kala afkaar. Se dadku waxaas oo dhan waxa ay ka dhigteen danbi laga galay xeerarka ay dhigteen iyagu, iyaga oo kugu eedaynaya reerka aad ka dhalatay sidii aadadigu xor u ahayd doorashadaas. Uma noolnaho sida aan rabno waxaanse unoolnahay sida ay rabaan, annaga oo og, ogaansho uun ma' ihine yaqiinsan in ayna jirrin kala sarayn aadame islaam ah ayaan uhogaansamaynaa xeerarka bulsho waayo iyagaa rabba!. Jaahwareerka Diimeed. Diintu waa waxa haqabtirta , quluubta haawanaysa, maskaxda jaahwareersan ee wada su'aalaha iyo jidhkan gubanaya goorta uu u waayo jawaabo qanciya maskaxda! Si walba way isku dhaamaan dadka diinlawaayaashu iyo kuwa diimaha haysta waxay dooniba ha haystaane,. Ilaahay swt ma go'doomin caqligeena oo marwali aayadka waxa kusoo noqnoqda , miyaadan ahayn kuwa fikiraya! Ma aha in diinta uqaadano si indho la'aan ah siday gaaladu odhan jireen goorta hanuunku uyimaado وإذا قيل لهم تعالوا إلى ما أنزل الله وإلى الرسول قالوا حسبنا ما وجدنا عليه آباءنا ) " Waxa innagu fillan waxa aan  ka dhaxalnay aabayaasheen" oo haddayba aabayaashood khaldanaayeena?" Diinta aynu ku qaadano qanaaco jeerkaas waan ku xasilaynaa , kuna degaynaa degenaansho abadiya!. Bal qoraaga dhugo kolka uu halkan marayo ee uuleeyahay, :-"Waxay tukanayaan salaadda, haddana waxay igu eegayaan indho ay ka buuxdo quudhsi iyo kala-sarreysiis. Ma diinta ayaa sidaas baraysa mise waa iyaga oo garaadkoodu kooban yahay?" Diinta waa aynu ku dheelnay haddaynu magac ahaan u sidano se aynu dabaqin dhabnimada ay ku diimawday!. Maalin aynu wada fadhinay gu'yaal badan ka hor ayay saaxiipaday itidhi :-" Ninbaa ilaahay raadinayay 30 sanno" Kolkaasan si degdeg ah uyidhi Dee muu hellay? Waan la yaabanaa haah , haddana odoygaas alle haraxmada'e dhiganayashiisu waa kuwa ugu macquulsan maanta, waayo 30 sano ayuu fikiray , baadhay ku laamay ugu danbayna si raaxo leh ayuu inoogu reebay dhaxal, Kalinimadu waa gees yar oo uu qofku is hortaago caqliyaddiisa, halkaas oo aan laga baxsan karin iska hor-imaatadka... Miyaadan ahayn kuwa fikiraya!! HamdaOrah.

QORMO
5 220
photo content

QORMO
5 220
Repost from Fahan Guud
Su'aalaha qaar xataa khayaalkaagaan ku dhiiranayn waaqicaagaba ka sokow. Marar badan dareenka wacan ee xaadirka ah waxaa xumeeyaa ka fikirka waxa ka danbayn doona marxalada hadda lagu suganyahay, mararka qaarna waxaad dareemaysaa inaad ubaahantahay in aad la yeelato mid ka mida dadka kuugu dhaw wada hadal qoto dheer iyadooy muhiim ay ahayn mawduuca laga hadlayo, falanqaynta dhacaysa iyo in natiijo laga gaadhaba, xataa maankaagu uu rabin in lagu xukumo ama laguu tixraaco hadaladaadaas. Magaranayo fikirkaas waxay dadka qaar ka qabaan se waxaan aaminsanahay inta aan nool nahay qofkasta oo inagga mid ah inuu uqalmo qof dawrkaas ka ciyaara noloshiiisa, qofkasta wuxuu uqalmaa in la dareensiiyo inuu joogo deegaan amaan ah oo la khalad fahmayn xataa haday cabirka erayadu ka khaldamaan, mid kastoo innaga mid ah wuxuu uqalmaa inuu helo daryeel ka imanaya cid nafsadiisa ka baxsan, cid kastoo innaga mid ah waxay uqalantaa inay hesho wehel garabkiisa ahaada xiliyada uu dareemo inay tamartiisu marayso gabagabo, qofkasta oo innaga mid ahi wuxuu uqalmaa qof aysan erayadiisa tiro beel ahi ay culays ku noqonayn. Waxaynu uqalanaa cidna fahanta xataa marxaladaheena go'doonsan ee qeexidu na dhibayso. Alxamdullilah ilaahay uu ku galadaystay noloshayda midaas. Qalinka:- dowzah

QORMO
5 220
Dareenada qaarkood erreyada ayaa qaadi kari waaya markaasay isku duubaan aamusnaanta! ✨
Dareenada qaarkood erreyada ayaa qaadi kari waaya markaasay isku duubaan aamusnaanta!

QORMO
5 220
008 Taxliilinta- Aayadaha ...إِنَّهُمْ فِتْيَةٌ آمَنُوا بِرَبِّهِمْ وَزِدْنَاهُمْ هُدًى ﴿١٣﴾ وَرَبَطْنَا عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ..
008 Taxliilinta- Aayadaha ...إِنَّهُمْ فِتْيَةٌ آمَنُوا بِرَبِّهِمْ وَزِدْنَاهُمْ هُدًى ﴿١٣﴾ وَرَبَطْنَا عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ.... "Dhabtii waxay ahaayeen dhalinyaro rumeeyay rabigood waan ugu siyaadinay annagna Iimaan, waanan ku xoojinay (Sugnay) quluubtooda.. Alle swt wuxuu inoogu tilmaamay aayaadkan dhallintaas jeerkii ay buuxiyeen shardiga ah in ay rumeeyeen alle , in uu allena swt usiyaadshay iimaankoodi , abaalmarin dheeriyana uga dhigay in lagu negaadiyo (Sugo) qalbiyadooda iimaankaas!

QORMO
5 220
Qaar baad mooda inaa tikidhadii jannada iyo kuwii naartaba intaa faraha laga saaray in qaybsha la yidhi se xaqiiqdaa ah inay
Qaar baad mooda inaa tikidhadii jannada iyo kuwii naartaba intaa faraha laga saaray in qaybsha la yidhi se xaqiiqdaa ah inay qofkastoo inagga mid ahba tiisa fari ku godantahay.

QORMO
5 220
Repost from N/a
𝗠𝗮 𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗷𝗼𝗼𝗴𝘁𝗲𝘆 𝗔𝗮𝗹𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗼𝗼 𝘄𝗮𝗾𝘁𝗶 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗺𝗮𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 𝗯𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗿𝗮𝗮𝗱𝗶�
𝗠𝗮 𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗷𝗼𝗼𝗴𝘁𝗲𝘆 𝗔𝗮𝗹𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗼𝗼 𝘄𝗮𝗾𝘁𝗶 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗺𝗮𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 𝗯𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗿𝗮𝗮𝗱𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮𝗻𝗻𝗮𝗮𝗹𝗼 𝗳𝗮𝗮𝗶𝗱𝗼 𝗨'𝗹𝗲𝗵 𝗻𝗼𝗹𝗼𝘀𝗵𝗮𝗮𝗱𝗮, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗻 𝗵𝗮𝗹𝗸𝗮𝗻 𝗸𝘂𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝘂𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗹𝗮𝗹, 𝗸𝗮𝗻𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝗳𝗮𝗮𝗶𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗼𝗼 𝗻𝗼𝗼𝗰 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗹𝗲𝗵, 💯 𝗦𝗵𝗮𝗿𝗮𝗳 𝗶𝘆𝗼 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮𝗺𝗼, 𝗡𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗶𝗶𝗿 𝗔𝗾𝗿𝗶𝘀𝘁𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮𝗺𝗶𝗱 𝗻𝗼𝗾𝗼 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗼 𝘄𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗻𝗮𝗴𝘂 𝘅𝗶𝗿𝗮𝗻 👇 @dhiiriye @Enjoy_boy1 @wadnojacayl @LAMAANe24h @Cilmu_nafsi_10 @HoygaShekoyinka @Saxiibka_Nolosha @udhawoow_allaah @HOYGAJACAYLKA @Aqoonta_kaa_maqan @Xikmadoiyodhiirigalin @Jowharadi_qalbiga143 Admin - @Zaxiibka_nolosha https://whatsapp.com/channel/0029VbBOipoEquiVwbpZGE1Z

QORMO
5 220
مَّ صَلِّ وَسَلَّمْ عَلَى نَبِيِّنَا مُحَمَّدٍ وَعَلَى آلِ مُحَّمَد🤍.

QORMO
5 220
Sixir aan ogayn! 001 Soo koobida Buugaagta. Dunidii aan cududeeda lahayn ,maamulkeeduna inoo taxna qarniyo , xataa daruurteeda aan ku lahayn "أَمْطِرِي حَيْثُ شِئْتِ، فَسَيَأْتِينِي خَرَاجُكِ "Meeshii aad doonto ku dhibic (ku da' ), way ii iman doontaa canshuurteeda iyo khayraadkeeguba"   ma sixir aan ogaynbaa yimid?, halkee lanooga yimid?, yaa noo yimid? sidee lanoogu yimid? Maxaa muslimiinta dib dhigay? , maxaase horrow mariyay qayrkood? لماذا تأخر مسلمون؟ ولماذا تقدم غيرهم؟ Hal minute gudaheed ayaan ku sheegi karnaa 1milyan oodhibaato , taasna waxa ay ku tusaysaa dhibta jirta baaxadeeda! 1. Waxa uhoreeya ee dib dhigay muslimiinta waa jahli taas oy ku wareereen kala saarida khamriga iyo khalka! ,jaahilnimada dhabta ah ee qofku ka arradanyahay waxwali waxa ka dhib badan jaahilnimada nuska ah , waayo qofka jaahilka ah ilaahay marka uu usoo diro qof caalim ah oo hagga wuu adeeca, laakiin qofka jaahilnimo-nuseedka ahi ma oga in uu wax ka dhimanyahay , mana aqbalo in uu yidhaah xaqiiqda ah "ma aqaan" , Inlagugu fidneeyo qof wada waalan ayaa ka khayr roon in lagugu fidneeyo qof nus waalan ,.   2. Buun-Buuninta Madaxda iyo is hoosaysiinta culimada, Madaxda qaarkood oo marray hillin wixii ay doonayaan waafajiya diinta , una dhexmara culimada iyaga oo fatwoonaya , cidii ka hor imatana ladilayo ama xabsi guntii la dhigayo , culimadii qaarna waxa ay mareen wadadaas liidata oy noqdeen "link" dhexdhexaadiye sidda hadaladii madaxda , una tanaasula madaxda halka uu islaamku u igmaday culimada in ay toosiyaan madaxda iyo amiirada , barisamaadkii waxa ay utaagnaayeen culimadu sida ay maanta madaxdu utaaganyihiin baarlamaanka casriga ah ; waxa ay hagayeen umadda; waxa ay xakamaynayeen talaabooyinka boqorka; waxa ay kor uqaadi jireen marka ay Dawladu ku xadgudubto sharciga , kamana biqi jirrin in ay walwal galiyaan madaxda!   3. Quusta iyo Baqdinta balaadhan ee gudaha muslimiin badan ku baahday! Fullaynimada iyo Quustu waa laba cudur oo aad uxunxun , waxaana dhashay muslimiin umaleeya una arka yurubiyaanka kuwa kasareeya lagana guulaysan karrin marwali , una haysta iska caabin wali oolagula kaco gaalada ay tahay mid ku danbaynaysa dhicisow , wayna addag tahay in ay guulaystaan dad horaanba aaminsan in ay kasarrayn karrin qayrkood, waxa aana cudurdaar ka dhiganaa in ay iman doonto maalin ka wacan sidan!.   4.  Muslimiintu waxa ay lumiyeen sababtii ay ku hantidayeen hoggaanka kuwii ka horreeyay , waxa ay yimaden dhulkii oo asnaab iyo jahli qarqiyay 50 sano gudaheenda waxa ay qabsadeen kala nus dunida . Hadii aan si dhab ah ubaarnana waxa aan ogaanaynaa waxaas halkaas gaadhsiiyay in uu maanta maqanyahay si magac uyaal ah haba iskaga yaalee ,. Waxa ay ku odhanayaan sawka alle swt yidhi   " waxa uu ahaaday xaq in aan ugargaarno mu'umininta"  وكان حقا علينا نصر المؤمنين aaway haye gargaarkii?  Hadii alle swt uyidhi aayada shuruud la'aan oo ka baxsan in ay noqdeen muslimiin waxa ay noqon lahayd yaab dullaysigan maanta umada ku habsaday , laakiin aayadaha Qur'aanka ku jira ma aha kuwo iska hor imanaya, Ilaahna ma ahha mid baajiyay ballankiisii, Qur'aankuna ma beddelmin se Muslimiinta laftooda ayaa ah kuwa isbeddelay, maxayna noqon kartaa ugargaarida dad aan shuriidiiba buuxin.Waxa aan ku gunaanadi hadalkii ibnu sucuud "Waxa aan ka cabsanayo ma aha dadka shisheeyaha ah, ee waxa aan ka cabsanayo waa Muslimiinta laftooda."

QORMO
5 220
photo content