cookie

We use cookies to improve your browsing experience. By clicking «Accept all», you agree to the use of cookies.

avatar

Dareen

Faldan channel ka sii faafi, Isku day ugu yaraan in aad hal qof nagu so biiriso adigoo sii gaarsiinayo linkiga channel ka Oo ah Dareen.👇 Kuso dhawow Dareen. Dareen Dhab ah.

Show more
Finland1 170The language is not specifiedReligion & Spirituality19 313
Advertising posts
4 932
Subscribers
No data24 hours
No data7 days
-630 days

Data loading in progress...

Subscriber growth rate

Data loading in progress...

Waagii Uu Noolaa Sheekh Cumar Faaruuq Alle ha u naxariistee ayaa waxaa suuq guur Ragga soomaalida oga furmay wadanka Hindiya gaar ahaan koonfurtiisa siiba magaalada Hyderabad, waxaana aad ugu xoomay Rag badan oo soomaali ah kadib baa waxay gaartay in culimada lala wadaago arinkaas waxaana la weydiiyey Shiikha Waxaa la yir " Shiikh Raggii soomaaliyeed baa cabasho ka ah dumarkii soomaalida oo Madax adayga, buuq iyo arimo kale ayay kaga cabanayaan, sidaas darteed waxay u jiheysteen Dhankaas iyo Hyderabad oo lagu sheegay hablo wanaagsan, baariyaal ah quruxna badan , bal arinkaas ka waran?" Wuxuu yiri : " Waxaa la sheegaa in Dameer Hadda kahor lagu yiri War dameerow maxaa kugu qasbay Jugtaan iyo haraantidaan afkaaga ku dhacayso xiliga aad dameerta u galmoonaysid inaad u samirto ? Maad is raadsatid fardaha oon ku dilayn jugna ku gaarsiinayn?! Dameerkii baa wuxuu yiri "Waxaan dhibkaas u marayaa fir dameer yaan la waayin" Kadibna shiikha hadalkiisii halkaas buu kasii waday asagoo u duurxulaya in haddii Hindiya hablo loo doonto la Dabar go'ayo qarniyada soo aaddan. Hadda kahor Oday Jarmal ah iyo xaaskiisa oo jarmalad ah oo Beer dalxiis waqti iskula qaadanaya ayaa arkay wiil Madow iyo Gabar cadaan ah oo isla baashaalaya jacaylna isku muujinaya, wiilkii ayuu u tagay wuxuuna weydiiyey Halkuu kasoo jeedo asal ahaan wuxuuna u sheegay inuu soomaali yahay. Markii dambe ayuu yiri "In aan si gaar ah kuula hadlo ayaan rabaa markaad waqti soo hesho ii kaalay ciwaankayga waa kan" maalin dambe ayuu wiilkii soomaaliga ahaa u yimid odaygii cadaanka ahaa is bariidin kadib odaygii jarmalka ahaa baa yiri "Ninyahaw Naag cadaan ah intaad xoog iyo Hanti leedahay unbay kula joogaysaa ka afrikaan ahaan , mar haddii aad gabowdo ama cayrowdo kulama joogayso kuugumana tureyso sida ay ninka Jarmalka ah ugu tureyso, Bal jarmal oo dhan kusoo wareeg car bal soo hel Nin madow iyo naag cadaan ah oo isla gaboobay sida aniga iyo xaaskayga, masoo heleysid si kaste ood u raadiso, markaa waxaan ku leeyahay arinkaas si fiican oga fakar oo Oga fiirso"
Show all...
5👍 1
"تكلم حتى أراك" "Bal hadal aan ku gartee/ku arkee" ! Waa hadalkii caanka ahaa ee faylasuufkii waynaa socrates u adeegsaday mar uu ardaydiisa cashir u meerinayay nin u yimi isagoo iskala taagtaagaya oo faan iyo faakh ka muuqato oo labis iyo agab qaalli ah ku sharraxan, micnuhu waa muuqaalkaagan baarka sare saaran micne wayn samayn maayo oo kaa wada turjumi maayee bal hadal aad isu sheegtide, qofku isla marka uu hadlo wuu iska hadlaa, wuu isqeexaa oo is micneeyaa, sida uu u hadlayo iyo waxa uu qofku ku hadlayo waa halbeegyada lagu ogaado waxa uu yahay ama aaminsayahay, Waxaa jirta murti kale oo carbeed oo oranaysa : "وكم من صامت ترى لك معجب * زيادته أو نقصه فى التكلم" ! Qof hadii aad rabto inaad yool baarto ka hadal sii ama aad u dhagayso waad baran doontaaye, macquul inaad ka shallaydo inuu hadlay Iyo inaad ka xumaato sababta uu u aamusnaan jiray.!. Xigasho
Show all...
😢 2
Rajab waa bisha 7aad ee tirsi sannadeedka Hijriga, waxaana ay ka mid tahay 4ta bilood ee xurmada goonida ah leh. Bilahaa qiimaha badani waa: ▪︎Rajab رَجَب ▪︎Dul-qacda ذُو ٱلْقَعْدَة ▪︎Dul-xij ذُو ٱلْحِجَّة & ▪︎Muxarram مُحَرَّم Ilaaheey sw, ayaa yiri: [ مِنۡهَاۤ أَرۡبَعَةٌ حُرُمࣱۚ. ] صدق الله العظيم. [waxaa ka mid ah [bilaha], 4 xurmo gaar ah leh.] Aayadda 36aad ee suuradda Toowba. Rasuulkuna scw, waxaa uu ku duceeysan jirey: [ اَللّهُمَّ بَارِكْ لَنَا فِى رَجَبَ وَ شَعْبَانَ وَ بَلِّغْنَا رَمَضَان. ] [Alloow noo barakee Rajab & Shacbaan, oo na gaarsii Ramadaanka.] Xalay ayayna curatey bishii Rajabku. Daa’uud Cumar
Show all...
6
Maalin jimceed : Salaatu duxaa 🌇 Suuratu kahf.📖 Duco galabtii 🌄 Saliga Nabigana (SCW) Ha moogaanin
Show all...
👍 4
Gabar: Waxay ku tiri: "i waani". Wiil: Wuxuuna ku yidhi: ilaahayna ka cabso, roobku markuu da'ayana ha dhax socon, sababto ah sonkortu biyaha way ku milantaa. Micnaha ku jira miyad fahamtay.
Show all...
6👍 2
Dadka Laga Yaabe Inay ilaawan Dhibaato Qabsatay Laakiin Waligooda Ma Iloobayaan Wax La Dareensiiyay.
Show all...
😢 9👍 1
Usheega Quruxdeeda Inay Gaartay Xadkii Laga Rabay Inay Zakada Ka Bixiso, Zakada Loga Baahanyahayna Quruxdeeda Waa In Ay Dhoola-Cadeyso, Hadaba Zakadeyda Isii Waxaadna Ogaata Cid Aan Aniga Eheyn Inaad U Dhoola-Cadayso Inay Tahay Xaraam.
Show all...
👍 10😁 1
" وإن أعادوا لنا الأماكن، فمن يعيد لنا الرفاق " - محمود درويش. "haddii ay noo soo celiyaan ama la helo goobihii, yaa noo soo celin doona saaxiibadayada?" ~Mohamud Darawiish.
Show all...
👍 3
Waxa La Yiraahda Xiisuhu Maaha Kaliya In La Dhaho Hebel Waa U Xiisay Ama Wax Layska Dhaho Balse Waa Sheeko Dheer Oo Jaceyl Ah Xaqna U Leh In Loo Xiiso Qofka Mudan. Hada Kahor Waxa Sheega Mid ba Saxiibkiisa Ku Dhahay "Iyada Waan U Xiisay" Waxuuna U Raacsiiyay Xiisaheeda Zaaidka Ah Waxuu Iga Dhigay Ina Zaaid Usii Jeclaado, Ee Kaasi Ma Jeceyl Ba Mise Waali. Waxuu Kugu Jawaabay Inaad U Xiistay Maxumee "Ma U Xulatay Marka Hore Inay Tahay Qof Loo Xiisi Karo Iyada".
Adigana Ma UXulatay Qofka Aad Jeceshahay in Loo Xiisi Karo Ama Mudan Yahay😁?
WELCOME BACK SAAXIIBADA❤️.
Show all...
5👍 1
Waqtiyo badan Qosol ayaad is qaban weyday, laakiin waqtiyo kale uurka ayaad ka ooynaysay, indhahana ilmo kaa qubanaysay Waxaa jiray maalmo wacan oo aad dareentay Jaceyl saa’id ah laakiin waxaa kuugu xigay maalmo naceyb kaa buuxsamay Waxaad ku dhowaatay in aad Nolosha ka quusato laakiin rejo ayaa ku gashay, Dhamaan waxaani waxay u dhacayaan sababtoo ah waad Nooshahay, Noloshuna waa Imtixaan!.
Show all...
4
Choose a Different Plan

Your current plan allows analytics for only 5 channels. To get more, please choose a different plan.