DHEG-MAAL
Open in Telegram
3 657
Subscribers
No data24 hours
-127 days
-6830 days
Posts Archive
3 657
Shay kasta waxa jirta xikmad ka danbaysa oo uu eebe swt ugu talo galay, nolosha adduun qof kasta waxuu siiyaa in isaga u gaar ah.
Haddii aadana oo idil la siin lahaa waxa hanti dunida taal, wax qiimo ah muu sameeyeen maalku, haddii la sii lahaa caafimaad dhamaystiran oo abadi ah, qiimo ma yeesheen caafimaadku, haddii la siin lahaa cilmi oo idil, wax qiimo ah muu yeesheen cilmigu.
Sirta noloshu waa in aadanuhu mid ba midka kale dhamaystiro, waana xikmad Eebe ee aanu caqliga yar ee aadanuhu fahmi karin.
Maalka, Caafimaadka, Mansabka iyo wax kastoo Eebe ku siiyay, wuxuu ka leeyahay xikmad, wax kasta oo aad doonaysay dabadeed aad wayday, waxa ka danbaysa xikmad Eebe.
#WACYI ------- 06
3 657
Ninka Ragga ah waa qeyb ka mid ah Abuurta Alle ee quruxda badan.
Wuxuu bilaabaa dhex-dhexaadnimo isagoo aad u yar.
Wuxuu wax ay naftiisa u baahnayd siiyaa Walaashii.
Wuxuu isagoo yar ku riyoodaa siduu kaalinta Aabihii u geli lahaa oo u nasin lahaa.
Wuxuu u huraa waqtigiisa siduu Waalidkii u caawin lahaa
Wuxuu ku bixiyaa lacagtiisa xaqul-jeebka ah inuu hadiyad ugu iibiyo haweeneyda uu jecel yahay si uu u arko iyadoo faraxsan
Wuxuu dhalinyaranimadiisa oo dhan ka fakiraa siduu Guri iyo reer u dhisi lahaa
Wuxuu u shaqeeyaa si uu u daryeelo kuwa mas’uuliyada ka saaran tahay.
Wuxuu dhisaa mustaqbalkooda isagoo Bankiga deyn ka soo qaata taasoo ku qaadata inuu dib isaga bixiyo mudo badan
Wuxuu dhididkiisa iyo wixi uu soo shaqeeyay ula soo cararaa kuwa uu jecel yahay
Wuxuu la soo jeedaa xilli dambe habeenki fakir mustaqbalka ubadkiisa iyo siduu meel uga soo saari lahaa
Dadka oo hurda ayuu u istaagaa in uu Salaada ugu yeero.
Wuxuu u fariistaa Geed hoostii si uu Nabad uga shaqeeyo, arrin adagna u dhameeyo.
Wax badan ayuu halgamaa wuxuuna u dulqaataa canaanta madaxdiisa, qoyskiisa iyo waalidkii
Wuxuu ku jiraa halgan aan dhamaad lahayn si uu dhaxal wanaagsan uga tago dunida
Noloshiisa wuxuu ku dhameystaa inuu u adeego naftiisana u huro farxadooda
Astaamaha ninka ragga ah lagu gartaa waa lix astaamood:
𝟏. 𝐇𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐲𝐚𝐫𝐚𝐚𝐧:Raggu kolkay gole isugu yimaaddaan ninka ragga ahi ma hadal badna, mana qosol badna.
𝟐. 𝐇𝐨𝐠𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐥𝐚'𝐚𝐚𝐧:Ninka ragga ahi madaxiisa hoos ma geeyo oo ma hogto. Ninka ragga ahi waxa uu leeyahay haybad oo cid walba hadalka kula ma dhacdo, laftarkiisuna wax haybaddiisa hoos u dhiga ma faloo cid walba lama hadli karo, sidoo kale meel walba na lagu ma arko oo waxaan isaga dani ugu jirto ama looga maarmiwaayay uun baa lagu arkaa.
𝟑. 𝐇𝐢𝐛𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐥𝐚'𝐚𝐚𝐧:Ninka ragga ahi ma gocdo, oo maanataba kama faalloodo wixii layeelay, ama lagu sameeyay, waxa agtiisa ka shaqeeya xeer la yidhaahdo «wixii dhacay way dhaceen waanay dhamaadeem».
𝟒. 𝐇𝐢𝐛𝐨 𝐛𝐚𝐝𝐧𝐚𝐚𝐧:Ninka ragga ahi waa qof hibo badan oo gacan furan.
𝟓. 𝐇𝐨𝐠𝐚-𝐭𝐮𝐬 𝐛𝐚𝐝𝐧𝐚𝐚𝐧:Ninka ragga ahi marka uu dadka la hadlaayo hoga tus buu leeyahay, dadka marka uu la hadlaayo hadalkiisu waa suntanyahay, ereyadiisuna waa tirsan yihiin.
𝟔. 𝐇𝐚𝐰𝐥 𝐛𝐚𝐝𝐧𝐚𝐚𝐧:Ninka ragga ahi waa hawl badan yahay oo markastaba waa mashquul san yahay oo hawl buu gacanta ku hayaa, naftiisa ha u hayo ama umaddiisa ba ha u hayee.
3 657
#SUUGAAN ----- 02
❀ꗥ~ꗥ❀༻꧂
● 𝐋𝐢𝐛𝐚𝐚𝐱 𝐜𝐢𝐦𝐢𝐫 𝐤𝐮 𝐣𝐢𝐫𝐚 𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐝𝐮𝐠𝐚𝐚𝐠, 𝐰𝐚𝐚 𝐤𝐚 𝐜𝐚𝐫𝐚𝐫𝐚𝐚𝐲𝐞 ● 𝐊𝐚𝐲𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐮𝐮 𝐤𝐚 𝐜𝐚𝐫𝐭𝐚𝐦𝐨, 𝐧𝐞𝐞𝐟 𝐜𝐚𝐦-𝐜𝐚𝐦𝐢𝐧𝐚𝐚𝐲𝐨 ● 𝐂𝐨𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐡𝐢𝐢𝐧𝐫𝐚𝐚𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐰𝐚𝐚, 𝐥𝐚𝐥𝐚 𝐜𝐚𝐣𝐢𝐢𝐛𝐚𝐚𝐲𝐞 ● 𝐂𝐚𝐛𝐬𝐢 𝐰𝐞𝐞𝐲𝐞 𝐟𝐢𝐢𝐧𝐭𝐮𝐧𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐲, 𝐮𝐠𝐚 𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲𝐬𝐚𝐚𝐲𝐞 ● 𝐀𝐭𝐨𝐨𝐫𝐤𝐮𝐧𝐚 𝐦𝐚𝐫𝐛𝐮𝐮 𝐜𝐢𝐝𝐡𝐢𝐛𝐬𝐚𝐝𝐚𝐚, 𝐠𝐞𝐞𝐝 𝐜𝐚𝐥𝐞𝐞𝐧 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧𝐞 inta badan suugaanta soomaalida marka aan dhagaysanayo waxa aan ku arkaa mar kasta, hal-abuur hor leh oo aad la ashqaraaraysid Shantaa meeris ee aan kor ku qoray waxa curiyay abwaan 𝐃𝐡𝐞𝐠𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐞𝐫𝐞. Way adagtahay inaad isku gayso ereyo noocaas ah ayadoo waliba xaraf raaca iyo Allanka gabaygaba lagu ilaalinaayo. 𝗠𝗲𝗲𝗿𝗶𝘀𝗸𝗮 𝟭𝗮𝗮𝗱 waxa uu sheegay Libaax xanaaqsan oo xayaawannadii oo dhan ka carareen (Habar dugaag) 𝗠𝗲𝗲𝗿𝗶𝘀𝗸𝗮 𝟮𝗮𝗮𝗱 waxa uu ku sheegay kaymuhu inay yihiin meesha inta badan uu libaaxu wax ku ugaadhsado, kadibna meeshaas aanay xayaawannadu u dhowaan 𝗠𝗲𝗲𝗿𝗶𝘀𝗸𝗮 𝟯𝗮𝗮𝗱 waxa uu ku sheegay isla markaas uu kaynta wax ku cunaayo in hiinraagiisa «¹» iyo guryankiisa oo dhan bannaanka laga maqlaayo 𝗠𝗲𝗲𝗿𝗶𝘀𝗸𝗮 𝟰𝗮𝗮𝗱 waxa uu ku sheegay in shinbirtu ay ayadoo baalal ay ku duusho leh cabsi ay dareento isla xilligaas, oo waliba geedka ay saarantahay ka cabsanayso inay ka soo dhacdo ayada oo aan la socon. 𝗠𝗲𝗲𝗿𝗶𝘀𝗸𝗮 𝟱𝗮𝗮𝗱 na waxa uu ku sheegay in atoorkuna «²» uu geed hunbule ah oo caleen badan hoos galo si aan loo arag. Way adagtahay in la tiriyo ereyo gabay oo waliba ah kan hal-dhaca dheer in sidaa la iskugu aadsho, hal marna la soo tufo. _______ «¹» Hiinraag: codka libaaxa «²» Atoor: sakaarka labka ah
3 657
#SUUGAAN ----- 01
❀ꗥ~ꗥ❀༻꧂
● 𝐇𝐚 𝐱𝐮𝐦𝐚𝐲𝐧𝐢𝐧 𝐚𝐚𝐝𝐦𝐢𝐠𝐚
● 𝐇𝐚𝐧𝐚 𝐧𝐨𝐪𝐨𝐧 𝐪𝐨𝐟 𝐱𝐚𝐚𝐬𝐢𝐝𝐚
● 𝐂𝐢𝐝 𝐤𝐚𝐬𝐭𝐚𝐧𝐚 𝐱𝐚𝐛𝐢𝐢𝐛𝐢𝐲𝐨
● 𝐇𝐚 𝐤𝐚 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐧 𝐱𝐢𝐬𝐤𝐚𝐚𝐠𝐢𝐢
● 𝐃𝐚𝐝𝐤𝐮 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐱𝐮𝐥 𝐦𝐚𝐚𝐡𝐞𝐞
● 𝐗𝐚𝐧𝐚𝐟-𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐞𝐫𝐨𝐨𝐰
● 𝐍𝐢𝐧 𝐤𝐚𝐬𝐭𝐚𝐧𝐚 𝐮 𝐱𝐞𝐞𝐫 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐨
3 657
Nolosha quruxda badani waa ta aad ku seexato nabad, ku toosto rajo, kuna socoto iimaan, adigoo og in alle kula jiro tallaabo kasta oo aad qaadayso.
Nolol qurux badani waa nolol leh cibaado, mahadnaq, dulqaad iyo qaddarin.
Waa nolol isu dheelli tiran oo qofku uu u noolyahay si fudud, dareemayo degannaan maskaxeed iyo qanacsamaan.
#WACYI ------- 05
3 657
Talo walaalnimo iga qaata walaalahay wiil iyo gabadhba:
1: Salaada ilaali.
2: Soonkana badi.
3: Sunadii suubanaha scw raac.
4: Dadka waaweyn iyo caruurta ixtiraam.
5: Hadalka wanaagsan afkaga bar.
6: Dadka xun oo fisqiga badan ka fagow.
7: Goobaha kheyrkana uu badnow.
8: Waalidkaaga ubaarinimo samee.
9: Wixii adduun iyo aakhiraba ku anfacayana ku dadaal.
10: Tani waa Adduun qof ku sii waarayo maleh ee talada iga qado walaalahay aan jeclahay
Walaalahygaaa/teeda kle waxan Rabaa inaa janada meesha ugu sareyso ku kulano ee taladan iga qaaata i.a illaahay ha iddin dhawree!
#WACYI ------- 04
3 657
Alle la hadal oo hadal, Alle waa kaa yaqaan xaaladdaada, laakiin wuxuu jecel yahay inuu ku maqlo.
8- Niyada waa in aad ku haysaa awoodda Alle si kasta oo Alle u barido wuu fahmi doonaa waxaad rabto, dhibkaagu siduu doono ha u weynaado ama u adkaado, marka aad dhammayso salaaddaada waxaad dareemi doontaa raaxo aan caadi ahayn, sababtoo ah si niyad ah oo qirsantahay awooda Alle ayaa ugu dhiibtay arrimahaaga xagga Rabbigaaga. “لانك سلمت امرك لرب العباد”.
9- Markaad dhameysato salaada salaantaada ha noqoto mid degan gacalnimo leh, oo gudbinaysa dareen ah “waan ku xiisi doonaa Rabbiyow, iyo inaan kula hadlo, Rabbiyow, salaadda xigta ha timaado si aan u soo noqdo oo aan mar kale kula kulmo, weli waxaa qalbigayga ku jira erayo badan oo aan doonayo inaan kuu sheego”.
10- Salaada kadib waxaa dareemi doonta raaxo dhan nafsadeed iyo dhan jirba, biyaha kaliye ee aad ku weesaysatay raaxo ku dareensiinaya, xilliga salaada jirkaagi sidii mashiinka u shaqeenayay ayaa nasiino yar ka galaya adduunki, culayskii ku hayay ayaa Alle u sheegatay, jirkaagi ayaa sifiican wareegu dhiigu u shaqeeynayaa.
War waxuu isugu dhammaaday salaada waa mid qofka dantiisa ku jirta oo Allahii ina abuuray naga ogyahay naftaan waxa u roon. Ilaahay aniga iyo idinkaba ha ina waafajiyo khushuuc xagga salaadda, waxaa Alle ku sheegay liibaan.
بقوله: ( قَدْ أَفْلَحَ الْمُؤْمِنُونَ )( الَّذِينَ هُمْ فِي صَلاتِهِمْ خَاشِعُونَ )
Ha lumin rajada Alle laakiin dadaal.
ربنا يرزقنا وإياكم الثبات والخشوع في الصلاة
#WACYI ------- 03
3 657
Waxaa jira hab aad u dhaqmi karto oo kaa dhigi doonaa inaad jeclaato salaadda oo noqota mid khushuuca joogteeyana salaadda, waayo waa shidaalka naftaada ka dhigaya qof niyad wanaagsan oo dareemaya degganaan insha Allaah.
1- Qaado mabda'a ah salaaddaadu inaysan qasab ahayn oo ka ilaali inaa tiraahdo waa iska bixinayaa, balse waxaa ogaataa inay tahay kulan qiimo leh oo Rabbigaaga la yeelaneeso salaad kasta (shan daqiiqo).
2- Isku diyaari sidii adigoo la kulmaya qof aad aad u jeceshahay, waa in socodkaaga laga dareemaa sida isku jeegareenayso in arrin muhiim kuu ah u socoto, Haddii uu qof ku weydiiyo halka u socoto? dheh waxaa kulan la leeyahay Alle si farxad leh, waxaa gudahaaga u gudbay dareen xiiso leh, Maqalka adinkana u fahan in laguugu yeeray xilligi aad Alle la kulmi lahayd oo Alle uu horay kuugu sheegay.
3- Haddaa awoodo gurigaaga ka sameyso dhinac lagu tukado, carruurtu way ku barbaarayaan in salaada ahmiyad gaara ah la siiyay oo goob loo gaar yeelay, dumarkana waxa ay goobtaas sii dhigan karaan dhar u gaar ah salaada, markasta oo goobtaas ishaadu ku dhacdo waxaa xasuusanaysaa salaada,
4- Marka ugu horraysa ee aad gacanta kor u taagto ee xiranayso salaada oo tiraahdo (الله أكبر) u dhoola caddee (waxaa uga jeedaa wajigaaga ha dabacsanaado) oo muuji in Alle u hiloobayso, haddaba wax kale ee kugu soo dhaca sida arrin adduun, ogow in (الله أكبر) ay tahay Ilaah baa weyn wax kasta ka weyn, ee xilligaas iska ilow adduunka oo dhan dhibkiisa iyo welwelkiisa, waayo waxaa la joogtaa Alle wax kasta suuragaliya. Markasta oo Allaah Akbar aad tiraahdo si niyad leh u dheh, oo haddii wax fakar ah aad gashay haku soo celiso oo xasuus hakuu noqoto in Alle ka wayn yahay in wax kale laga fakaro adiga oo Alle hor taagan, awooda Allena tahay (كن فيكون).
5-U akhri aayadaha suuradda Al-Faatixa si cad oo aad u fahansan tahay macnaheeda, faruurahaagana waa in aad nuuxnuuxsaa oo aqrinta muuqataa, ha boobsiin ee hakad samee si adiga oo maqalaya jawaabta Eebahaa ee aayad kasta.
قسمت الصلاة بيني وبين عبدي نصفين ولعبدي ما سأل ، فإذا قال العبد : الحمد لله رب العالمين ، قال الله تعالى : حمدني عبدي ، وإذا قال : الرحمن الرحيم ، قال الله تعالى : أثنى علي عبدي ، وإذا قال : مالك يوم الدين ، قال : مجدني عبدي ، وقال مرة : فوض إلي عبدي ، فإذا قال : إياك نعبد وإياك نستعين ، قال : هذا بيني وبين عبدي ولعبدي ما سأل ، فإذا قال : اهدنا الصراط المستقيم ، صراط الذين أنعمت عليهم ، غير المغضوب عليهم ولا الضالين ، قال : هذا لعبدي ولعبدي ما سأل )
- Khushuuca waxaa ka mid ah in aadan dhaqaaqin ama aadan fiirin hareerahaaga.
- Waxaa kale oo khushuucaaga ku dhici kara markaad salaadda ku jirto in aad ka fakarto wax Eebbe raalli ka yahay, sida la soo wariyey in Khaliifa Cumar bin Al-Khadaab markuu hayay khilaafadda uu salaada ku dhex fakaray asaga oo ciidmada kala hagaya, kadibna saxaabadii la wadaagay, waayo salaada kadib ayuu hogaaminayay jayshka taas ayaa ku keliftay naftiisa. Waxa kusoo aroortay Saxiix Al-Bukhaari.
- Waxaa kale oo dhici karta in niyadda wax aanad xakamayn karin, sida qof imtixaan galaya ama hooyo ka welwelaysa ilmaheeda yar, ee waxaa nalaga rabaa dadaal iyo in aan u fiirsano markasta Allaahu Akbar dhahno in wax kasta naga mashquulinaya khusuuca Alle uu awoodo in uu xal u keeno, oo ka weenyahay oo dib ugu soo noqono fahanka aayadaha aan Alle ku hor aqrinayno.
6- Marka aad si quman u rukuucdo oo tiraahdo, “سمع الله لمن حمده “ ee macnaheedu tahay “ Ilaahay wuu ajiibaa kuwa ku mahadiya”, u mahad naq Alle, waliba waa badin kartaa mahadcelintaada, waxaadna oran kartaa:
ربَّنا ولك الحمدُ حمدًا كثيرًا طيِّبًا مُبارَكًا فيه
الحمدلله على كل النعم التي أنعمت علي" … "الحمدلله حمدًا طيبًا مباركًا كما ينبغي لجلال وجهك ولعظيم سلطانك ".
7- Markaad gaarto sujuudda waxaad xasuusataa in addoonku Rabbigiis ugu dhow yahay marka uu sujuudsan yahay, markaad tasbiixda dhameesato, bilow inaad Alle u sheegto waxa qalbigaaga ku jira, adigoo ku leh, “Rabbiyow, waan ku jeclahay, Rabbiyow waan lumay ee jidka toosan igu hanuuni, Rabbiyow …. “. Waa haba waxii adiga markaa uga baahantahay Alle.
3 657
𝐃𝐨𝐪𝐨𝐧 𝐦𝐚𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐮 𝐭𝐚𝐪𝐚𝐚𝐧?
Anigu 𝐃𝐨𝐪𝐨𝐧 waxaan u aqaan:
𝟏. 𝐐𝐨𝐟𝐤𝐚 𝐚𝐚𝐧 𝐠𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐝𝐚𝐧𝐢𝐡𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐦𝐮𝐬𝐭𝐚𝐪𝐛𝐚𝐥𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚.
Qof walba waxa uu nolosha ku leeyahay waajibaad, rabitaan iyo rajo uu naftiisa u hayo; laakiin dadka qaar ayaa u nool si ay keliya u jiraan, iyaga oo aan garanayn sababta ay u jiraan.
𝟐. 𝐃𝐨𝐪𝐨𝐧𝐤𝐮 𝐰𝐚𝐚 𝐪𝐨𝐟 𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐠𝐚𝐲𝐧 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐧𝐨𝐥𝐨𝐬𝐡𝐮 𝐤𝐚 𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲.
Waa qof aan waydiin naftiisa:
- Maxaa ii wanaagsan?
- Maxaan u dhashay?
- Maxaan rabaa in la igu xasuusto?
- Halkee ayaan rabaa in aan gaadho?
𝟑. 𝐃𝐨𝐪𝐨𝐧𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐡𝐞𝐥𝐢 𝐤𝐚𝐫𝐚𝐚 𝐤𝐮𝐫𝐬𝐢 𝐪𝐚𝐚𝐥𝐢 𝐚𝐡
Wuxuu ku bilaabaa subaxdiisa tilifoonka gacanta oo uu ka raadinayaa waxa ay dadka kale sameeyaan, wuxuuna galabtiisa ku dhameeyaa isaga oo eegaya waxa dadka kale gaadheen. Naftiisa marna ugama fikirayo horu socod, ismana waydiiyo:
𝐀𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐦𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐢 𝐫𝐞𝐞𝐛𝐚𝐲?
𝟒. 𝐃𝐨𝐪𝐨𝐧𝐧𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐪𝐝𝐚 𝐚𝐡𝐢 𝐰𝐚𝐚 𝐢𝐧𝐚𝐚𝐝 𝐧𝐨𝐥𝐨𝐬𝐡𝐚 𝐤𝐚 𝐧𝐨𝐪𝐨𝐭𝐨 𝐪𝐨𝐟 𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐨 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐣𝐢𝐡𝐞𝐞𝐲𝐨
Wuu la kulmaa dadka, la qoslaa; laakiin wali waxa uu yahay qof aan ogayn waxa uu rabo.
Marka ay dadku ka hadlayaan guusha doqonku waxa uu eegaa sawirka ciddii guulaysatay, marka laga hadlayo fikradaha cusub, doqonku waxa uu sugaa inta la isku raaco.
Marka laga hadlayo tallaabada xigta doqonku wuxuu dhahaa:
𝐖𝐚𝐲 𝐢𝐠𝐮 adag 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧, waxba kama qaban karo?
Doqonnimadu ma aha 𝐌𝐚𝐚𝐥 𝐥𝐚'𝐚𝐚𝐧, ma aha 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐥𝐚'𝐚𝐚𝐧, ma aha 𝐗𝐨𝐨𝐠, 𝐁𝐚𝐥𝐬𝐞 𝐰𝐚𝐚 ka dhuumasho masuuliyad nololeed.
𝐃𝐨𝐪𝐨𝐧𝐤𝐮 waa qof 𝐇𝐨𝐫𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 ka baqaya, waa qof la yaabban 𝐂𝐢𝐝𝐝𝐢𝐢 𝐝𝐞𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐲𝐬𝐚, cayna ku fura 𝐑𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 dadka kale. Waa qof la nool 𝐖𝐞𝐥𝐢,
𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧 𝐝𝐚𝐧𝐛𝐞 iyo 𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐫𝐚𝐛𝐚𝐚 in aan sameeyo; laakiin weligii aan qaadin tallaabo keliya.
#WACYI -------- 02
3 657
Laga soo bilaabo 1967-kii ilaa 2011 maansooyinkii iyo gabayadii uu curiyay abwaan hadraawi ayaynu dhawaan soo bandhigi doonnaa, waxaanaynu u soo bandhigin qaab farshaxamaysan, oo aan hore loogu soo bandhigin, waxaanaynu isugu xigsiin sida ay sannadada la curiyay ay u kala horreeyaan.
insha alaah
3 657
Ð𝐚𝐫𝐚𝐣𝐚𝐝𝐚 𝐚𝐚𝐝 𝐬𝐡𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐣𝐨𝐨𝐠𝐭𝐚𝐲, 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐰𝐚𝐚 𝐢𝐧𝐚𝐚𝐝 𝐤𝐚 𝐬𝐚𝐫𝐚 𝐦𝐚𝐫𝐭𝐚𝐚.
Maalin walba waa fursad cusub oo aad ku korodhsan karto aqoon, wacyi iyo fahan maskaxeed. Nasiib darro, dad badani waxay xoogga saaraan hormarka jidhkooda oo keliya, iyagoo iska illooba kobcinta maskaxda iyo naftaba – taasina saa hoos u dhac aan la dareemin.
Laakiin; noloshu waxay u baahan tahay dheellitir. Waa inaad si gaar ah u hoggaamisaa naftaadajihada wax tar u leh, oo kuu horseedaysa hormar adduunyo iyo mid aakhiro.
Kobcinta dhabta ahi waa markaad aqoon u leedahay jidka toosan, kuna socoto dhabbaha hanuunka rabbi swt tilmaamay.
Maanta samee go'aan: kor u kac! Wax baro! Baraarug!
#WACYI -------- 01
3 657
Repost from AL: FURQAN ONLINE TEACHING ACADEMY
Fursadii Qarniga🎯
BUSHAARO BUSHAARO BUSHAARO
Dhammaan bulshowaynta soomaaliyeed ee ku dhaqan dunida daafaheeda, waxa kuliyada wayn ee ALFURQAN ONLINE SCHOOL idinku war galinaysa inay qaadanayso fasalo cusub bishan 6aad ee sanadka 2025
oo kala ah.
1) Quraanka iyo axkaamtiisa.
2) Barashada carabiga.
3) Barashada Englishka.
4) Barashada combuterka iyo isticmalkiisa oo bilow ah .
♨️ computerka waa bilaash kaliya diwan galinta ayaad 6 dollar bixinaysaa.
5) xisaabta( dadka wawayn )
6) Higaadda oo bilow ah
7) cv writing
8) pharmacology(barashada daawoyinka)
9) public health (caafimaadka bulshada)
10) photoshop
11) American english
Dhamaan courseskan waxad qaadanaysa markaad dhamayso shahaado dilloma ah cadaynaysa inaad dhamaysay cilmigaas.
Ku baro cilmiga adoo
# Gurigaaga jooga
# Adoo shaqadaada jooga
# Adooo ciyaalkaga dhex jooga
# Adoon daal iyo tacab iyo bas fuulid umarin aqoonta.
# Adoo shaqynaya baro cilmiga .
Halkan hoose iska diwaan
👇👇👇
@UstaadAbdurisaaq
@UstaadAbdurisaaq
3 657
“Aniguba tib culusiyo Tukubaan cuskanayaa Kuma taagni lugehee Haygu tiirsan laangadhe”Hadraawi AHUN.
3 657
【𝐓𝐚𝐧𝐢 𝐰𝐚𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐪𝐚𝐝 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱 𝐡𝐞𝐥𝐚𝐲 𝐪𝐨𝐥 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝𝐚 𝐜𝐢𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐝𝐡𝐢𝐦𝐢𝐫𝐤𝐚】.
𝐓𝐚𝐧𝐢 waa warqad laga dhex helay mid ka mida cusbitaalka dhimirka, ka dib markii uu dhintay bukaankii qolkaas ku xidhnaa.
Sidan ayay ku bilaaban tay:
Fiid wanaagsan 𝐇𝐨𝐨𝐲𝐨.
𝐇𝐨𝐨𝐲𝐨 waxaan doonayaa inaan kula hadlo, waanan kuu soo koobayaa hadalkayga hooyo macaaneey
𝐇𝐨𝐨𝐲𝐨 qaalidaydiiyay kuwan [maamulka cisbitaalka dhimirka] ee aan la noolahay aad baan ugu cadhaysnahay, xoogna waan uga cabanayaa oo uga eed sheeganayaa.
Cuntada milix iigu ma daraan, daaqadda iga ma furaan, dharka aan xidhanahay oo aad iigu wasakhoobay igama beddalaan, laydhkana iga ma bakhtiiyaan habeenkii.
Miyaanad u sheegin hooyo inaan laydhka necbahay oo aanan iftiinka ku gam'i karin.
Dhibaatadan ma sii xamili karo. 𝐇𝐨𝐨𝐲𝐨, haa waa iga dhab wallahi. Ma sii xammili karo 𝐇𝐨𝐨𝐲𝐨 dhibtan aan ku jiro!
Aad baan ugu xiisay 𝐇𝐨𝐨𝐲𝐨 caraftii udgoonayd ee gacantaada ka soo bixi jirtay, kolka aad madaxa ii salaaxayso, aniga oo dhabtaada barkan, si aan u seexdo.
𝐇𝐨𝐨𝐲𝐨, waan ogahay inaad jeceshahay caafimaadkayga, aniguba waan jeclahay inaan caafimaaddo oo aan noqdo sida walaalkay Axmed oo kale.
Waan rabaa 𝐇𝐨𝐨𝐲𝐨 in dadkoo dhan i jeclaadaan, sida walaalkay ayu jecelyihiin oo aan fariid caafimaad qaba noqdo, balse halkani ma aha 𝐇𝐨𝐨𝐲𝐨 halkii aan caafimaadkaas ka heli lahaa.
𝐇𝐨𝐨𝐲𝐨 ma ogtahay, habeen kasta kuwan qolkayga ilaaliya waxa ay igu seexiyaan inaad berri ii imaan doonto oo aan subaxa ku arki doono.
Balse 𝐇𝐨𝐨𝐲𝐨 waxa galab kasta gabbalku ii dhacaa, waaguna ii baryaa aniga oo kaligay ah, adiguna aadan weli ii imaanin.
𝐇𝐨𝐨𝐲𝐨 goorma ayaad ii imaanaysaa? Waan ogahay 𝐇𝐨𝐨𝐲𝐨, inaan wax badan ku dhibay, guriguna la'aantay uu yahay mid deggan oo aan qaylo iyo buuq toonna lahayn, albaabadana habeenkii aan si adag loo xidhin ama aan silsilad iyo quful aan lagu giijin.
Jaaarkii goor walba iga soo caban jirayna, ay haatan iga nasteen, oo si wayn iiga raysteen; laakiin 𝐇𝐨𝐨𝐲𝐨 waxaan ahay wiilkaagii oo dhimanaya, wax wayn uma baahni 𝐇𝐨𝐨𝐲𝐨, keliyaata
Usheeg 𝐇𝐨𝐨𝐲𝐨 wacaneey
Nimanka qolka cidlada ah igu soo xidhay, inay wax yar oo milix ah iigu daraan cuntada, habeenkiina laydhka iga bakhtiiyaan, marka aan seexanayo. Waayo; iyagu ma oga hooyo inaanan gam'i karin ama ba si wacan u seexan karin inta uu laydhku baxayo.
Waan jeclahay 𝐇𝐨𝐨𝐲𝐨, waliba in badan.
Ka timid: Wiilkaagii yaraa ee waalnaa
#TURJUMID : (نَوادِرُ الأَدَبِ والفَلسَفَة)
3 657
𝐌𝐀𝐂𝐀𝐋𝐋𝐈𝐍𝐈𝐌𝐀𝐃𝐔 𝐖𝐀𝐀 𝐃𝐀𝐃𝐍𝐈𝐌𝐎
Nin dhallinyaro ah ayaa la kulmay nin oday ah, wuxuuna waydiiyay:
– 𝐌𝐚 𝐢 𝐱𝐚𝐬𝐮𝐮𝐬𝐚𝐭𝐚𝐚?
Odaygii wuxuu ku jawaabay: «𝐌𝐚𝐲𝐚 𝐤𝐮𝐦𝐚 𝐱𝐚𝐬𝐮𝐮𝐬𝐭𝐨»
Markaas ayuu wiilkii yidhi: «𝐀𝐧𝐢𝐠𝐮 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡𝐚𝐚 𝐚𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚𝐚𝐝𝐢𝐢»
Macallinkii odayga ahaa wuu dhoolla caddeeyay, waxaanu ku yidhi: «𝐑𝐮𝐧𝐭𝐢𝐢? 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐡𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐪𝐚𝐛𝐚𝐭𝐚𝐚?»
Wiilkii ayaa ku jawaabay: «𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐧𝐨𝐪𝐝𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧»
«𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧!? 𝐬𝐢𝐝𝐚 𝐚𝐧𝐢𝐠𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐞?» ayuu odaygii wiilkii yaraa ugu jawaab celiyay.
«𝐇𝐚𝐚! 𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐫𝐮𝐧𝐭𝐢𝐢 𝐦𝐚𝐜𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧 𝐮 𝐧𝐨𝐪𝐝𝐚𝐲 𝐚𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐫𝐭𝐚𝐚, 𝐚𝐝𝐢𝐠𝐚𝐚 𝐢𝐠𝐮 𝐝𝐡𝐢𝐢𝐫𝐢 𝐠𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐲».
Odaygii ayaa la yaabay wuxuuna yidhi: «𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐜𝐚𝐲 𝐨𝐨 𝐠𝐨'𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚𝐚𝐬 𝐤𝐮𝐠𝐮 𝐫𝐢𝐢𝐱𝐚𝐲?».
Markaas ayuu wiilkii ka sheekeeyay qissada.
Maalin maalmaha ka mid ah, saaxiibkay ayaa iskuulka yimid isagoo wata saacad cusub oo aad u qurux badan, aad baan u jeclaaday, markaas ayaan ka xaday jeebkiisa oo iska qaatay.
Dhowr daqiiqo kadib, wiilkii wuu ogaaday in saacaddii laga xaday, wuu kuu sheegay, adigana waxaad tidhi: «𝐐𝐨𝐟 𝐛𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐜𝐚𝐝 𝐤𝐚 𝐱𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐟𝐚𝐬𝐚𝐥𝐤𝐚, 𝐟𝐚𝐝𝐥𝐚𝐧 𝐡𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐜𝐞𝐥𝐢𝐲𝐨».
Anigu ma awoodin celinta saacaddii; sababtoo ah ma doonayn in aan qirto denbigii aan galay.
Markaas ayaad albaabkii xidhay oo aad nagu amartay inaa dhamaantayoo istaagno, waxaad noo sheegtay inaad jeebabkayaga baadhi doonto si aad u hesho saacadda, laakiin marka hore waxaad nagu amartay inaan dhamaantayoo indhaha xidhno si aan loo ogaanin qofka qaatay.
Dhamaantayoo indhihii waanu xidhnay, adiguna jeeb jeeb baad u baadhay, markaad i soo gaadhay ayaad iga heshay saacaddii. Laakiin halkaas kumaad istaagin, jeebabka ardayda oo dhan waad sii baadhay, markaas ayaad tidhi: «𝐰𝐚𝐚𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲, 𝐢𝐧𝐝𝐡𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧𝐧𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐡𝐞𝐥𝐚𝐲» .
Marnaba ma aadan sheegin qofka aad ka heshay, waxaanad ii ilaalisay sharaftaydii.
Waxay ahayd xilligii ugu adkaa ee aan noloshayda dareemo ceeb.
Waxaad i tustay sida qof loo saxo, si naxariis leh.
Maalintaas ka dib waxaan go'aansaday inaan aniguna adiga oo kale noqdo, taas awgeed ayaan u noqday macallin.
𝐌𝐚 𝐱𝐚𝐬𝐮𝐮𝐬𝐚𝐭𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚𝐚𝐬?
Macllinkii wuu yara aamusay markaasuu yidhi: «𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐱𝐚𝐬𝐮𝐮𝐬𝐭𝐚𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝐥𝐚 𝐱𝐚𝐝𝐚𝐲, 𝐢𝐲𝐨 𝐢𝐧𝐚𝐚𝐧 𝐣𝐞𝐞𝐛𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐝𝐡𝐚𝐲, 𝐥𝐚𝐚𝐤𝐢𝐢𝐧 𝐚𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮𝐦𝐚 𝐱𝐚𝐬𝐮𝐮𝐬𝐭𝐨; 𝐰𝐚𝐚𝐲𝐨 𝐚𝐧𝐢𝐠𝐮𝐛𝐚 𝐢𝐧𝐝𝐡𝐚𝐡𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚𝐚𝐬 𝐬𝐢 𝐚𝐚𝐧𝐚𝐧 𝐮 𝐨𝐠𝐚𝐚𝐧»
3 657
𝙈𝙖 𝙭𝙞𝙨𝙖𝙖𝙗𝙞𝙨𝙖𝙖 𝙉𝙖𝙛𝙩𝙖𝙖𝙙𝙖?
La xisaabtanka nafteennu waa shay mudnaan wayn inoo leh aadane ahaan. Xisaabinta naftu waa inaad naftaada kula xisaabtantaa ficil kasta oo ay fashay iyo samaynta qorshayaashii aad u dajisay inaad dhaqan galiso.
In hawlahaaga si dar-dar leh aad u wadato waxa tiir dhexaad u ah la xisaabtanka naftaada oo «mar kasta oo aad naftaada iska dhiciso waa markasta oo aad hore u soconayso» .
Dabcan sida nusuusta diiniga ah ku cad naftu waa mid xumaan farid badan una baahan inaan jihaad adag la galno, «jihaadka ugu waynina waa ka nafta lala galo».
Anigoo qoraalka soo koobaya waxaan qormadan kugu la wadaagayaa sida aad naftaada u xisaabin lahayd.
𝟏. 𝐖𝐀𝐀𝐉𝐈𝐁𝐀𝐀𝐃𝐊𝐀Shayga ugu horreeya ee mudan inaad naftaada ka xisaabiso waa shaqooyinka rabbi SWT kugu waajib yeelay oo ay (SALAADDU) ugu horrayso, maxaa yeelay; waa shaqada koobaad ee maalinta qiyaame lagaa xisaabin doono.
𝟐. 𝐐𝐎𝐑𝐒𝐇𝐀𝐘𝐀𝐀𝐒𝐇𝐀𝐀𝐃𝐀Naftaada markii aad waajibaadka ka xisaabiso, waa inaad eegta dhankii qorshayaashii aad noloshaada ka lahayd sida ay ka yeeshay, haddii ay si habsami leh uga soo baxdo dhiiri gali, haddii kalena ciqaab u samee.
𝟑. 𝐖𝐀𝐗 𝐐𝐀𝐁𝐀𝐃𝐊𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐍-𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐇Maalin kasta waxaad leedahay jawdwal aad ku socoto iyo hawlo kuu qorshaysan, naftuna ma rabto inay wax qabato oo waxay kuu weecinaysaa dhanka caajisnimada, laakiin jidka kaliya eed naftaada kaga adkaan karayso ayaa ah in si maalin le ah aad u xisaabiso.
𝟒. 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐀 𝐊𝐔𝐔 𝐐𝐀𝐁𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐘, 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐀𝐒𝐄 𝐊𝐀𝐀 𝐐𝐀𝐁𝐘𝐎𝐎𝐁𝐀𝐘?Waa laga-ma maarmaan inaad ogaatid waxyaabihii kuu qabsoomay, si aad naftaada ugu mahad celiso, aadna u dhiiri galiso, dhanka kale inaad daalacato wax-qabad yadaadii kaa qabyoobay oo u baahan inaad dhamaystirto.
𝟓. 𝐖𝐈𝐗𝐈𝐈 𝐒𝐈𝐗𝐈𝐃 𝐔 𝐁𝐀𝐀𝐇𝐀𝐍Waa lagama maar-maan naftaadu inay khaladaad galayso, waxaa se lagaa rabaa inaad adigu dib u saxdo casharna aad ka barato, wax sidaa u wayn maaha in khalad kaa dhaco, balse waxaa doqonnimo ah inaad ka soo laaban kari waydo. «Xisaabi naftaada intaan lagu xisaabin, kula xisaabtan naftaada waxay labada galin fasho». ✯ ━━━━━━ ✧ ━━━━━━ ✯ FAA'IDOOYINKA AY LEEDAHAY XISAABINTA NAFTU. ✯ ━━━━━━ ✧ ━━━━━━ ✯ 𝟏. 𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐧𝐨𝐪𝐨𝐧𝐚𝐲𝐬𝐚𝐚 𝐪𝐨𝐟 𝐢𝐬𝐮 𝐝𝐡𝐞𝐞𝐥𝐥𝐢 𝐭𝐢𝐫𝐚𝐧. 𝟐. 𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐠𝐚𝐚𝐧𝐚𝐲𝐬𝐚𝐚 𝐡𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐚𝐚𝐝 𝐤𝐚 𝐭𝐢𝐦𝐢𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐦𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐚𝐚𝐝 𝐮 𝐬𝐨𝐜𝐨𝐭𝐨. 𝟑. 𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐤𝐚 𝐚𝐝𝐤𝐚𝐚𝐧𝐚𝐲𝐬𝐚𝐚, 𝐭𝐚𝐫𝐛𝐢𝐲𝐚𝐲𝐧𝐚𝐲𝐬𝐚𝐚, 𝐚𝐚𝐝𝐧𝐚 𝐡𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐚𝐲𝐬𝐚𝐚 𝐧𝐚𝐟𝐭𝐚𝐚𝐝𝐚. 𝟒. 𝐖𝐚𝐤𝐡𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐤𝐮𝐮 𝐭𝐚𝐬𝐡𝐢𝐢𝐥𝐦𝐚𝐲𝐚, 𝐰𝐚𝐱 𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝-𝐲𝐚𝐝𝐚𝐚𝐝𝐮𝐧𝐚 𝐬𝐢 𝐰𝐚𝐜𝐚𝐧 𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐮 𝐟𝐮𝐥𝐢𝐧𝐚𝐲𝐬𝐚𝐚, 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝 𝐚𝐡𝐚𝐚𝐧𝐚𝐲𝐬𝐚𝐚 𝐪𝐨𝐟 𝐱𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐭𝐚𝐦𝐚. Ugu danbayntii naftaada edbi Waxa la soo wariyaa dadkii hore ee wanaagsanaa habeenkii intay qol isku soo xidhaan inay naftooda garaaci jireen hadday qalad yar ku arkaan. Kollay heerka maynaan gaadhin oo nafta garaaci maynee qalinka iyo warqadda aynu la daba taagnaanno ilaa garaacid aynu ka gaadhayno.
3 657
Repost from SOMALI LIBRARY
📕 10ka dul xijjah
✯ ━━━━━━ ✧ ━━━━━━ ✯
🔐Join us ➠: @Somalilibrary
🔐Join us ➠: @somsoft
🔐Join us ➠: @somsports
🔐Join us ➠: @somgames
🔐Join us ➠: @ilaqosal
🔐Join us ➠: @XikmadoSom
🔐Join us ➠: @taariikh_somali
🔐Join us ➠: @somalienglish
🔐Join us ➠: @som_flims
🔐Join us ➠: @Som_Soft
🔐Join us ➠: @Farsamada
🔐Join us ➠: @somalibooks
❤️Codso ➠: @Buugaag_bot
✯ ━━━━━━ ✧ ━━━━━━ ✯
3 657
#Khudbad_jimce 02
【Laba Xeer oo haddii aad ku dhaqanto If iyo Aakhiroba aad guulaysanaysid 】
Masjid Faaruuq — Berbera —
