en
Feedback
DHEG-MAAL

DHEG-MAAL

Open in Telegram

«Wax dhagaysigu wuxuu kaa dhigayaa qof ka wayn da'diisa»

Show more
3 657
Subscribers
No data24 hours
-127 days
-6830 days
Posts Archive
𝐒𝐡𝐢𝐢𝐤𝐡 𝐁𝐚𝐬𝐡𝐢𝐢𝐫: 𝐗𝐚𝐚𝐣𝐢 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐀𝐟-𝐐𝐚𝐥𝐨𝐨𝐜 Gabaygan waxaa tiriyay Xaaji Aadan Axmed Af-qalooc sannadku markii uu ahaa 𝑘𝑢𝑛 𝑖𝑦𝑜 𝑠𝑎𝑔𝑎𝑎𝑙 𝑏𝑜𝑞𝑜𝑙 𝑖𝑦𝑜 𝑎𝑓𝑎𝑟𝑡𝑎𝑛 𝑖𝑦𝑜 𝑡𝑜𝑑𝑑𝑜𝑏𝑎𝑑𝑖𝑖 (1947), isaga oo dadka Soomaaliyeed wax u sheegaayey isla markaana, canaan iyo guubaabiba u dhammaynaayey, ayaa uu Shiikh Bashiir iyo geesiyaashii la mid ahaa ugu soo hal qabsaday, Xaajiga waa Aadan Af qalooce waa lagu xidhay gabaygaas, gabaygu waa dheeryahay waanan soo gaabiyay, Xaaji Aadan waxa uu yidhi: 1. 𝐃𝐮𝐡𝐮𝐫 𝐛𝐚𝐚 𝐁𝐚𝐬𝐡𝐢𝐢𝐫 ¹ 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐪𝐚𝐲 ² 𝐝𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐠𝐭𝐢𝐢𝐧𝐧𝐚 𝐚𝐡 𝐞 2. 𝐃𝐚𝐡𝐫𝐢𝐠𝐚 ³ 𝐢𝐲𝐨 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐫𝐚𝐬𝐚𝐚𝐬 𝐤𝐚𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐨𝐨𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧𝐞 3. 𝐈𝐬𝐚𝐠𝐚 𝐨𝐨 «𝐝𝐞𝐦» ⁴ 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐡𝐢𝐢𝐠 𝐥𝐞𝐡 𝐨𝐨 𝐦𝐚𝐫𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐮𝐮𝐝𝐮𝐮𝐛𝐚𝐧 4. 𝐃𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢 𝐮𝐮 𝐧𝐞𝐜𝐛𝐚𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐤𝐮𝐟𝐫𝐢 𝐛𝐚𝐚 𝐝𝐚𝐚𝐰𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐲𝐢𝐦𝐢𝐝𝐞 5. 𝐌𝐞𝐲𝐝𝐤𝐢𝐢 𝐨𝐨 𝐃𝐚𝐚𝐡𝐢𝐫 𝐚𝐡 𝐦𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐝𝐞𝐛𝐞𝐝𝐝𝐚 𝐥𝐨𝐨 𝐭𝐮𝐮𝐫𝐚𝐲, 6. 𝐄𝐞 𝐚𝐚𝐬𝐤𝐚 𝐥𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐢𝐝𝐞𝐲 𝐰𝐚𝐚𝐝 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐮𝐥-𝐣𝐨𝐨𝐠-𝐭𝐞𝐞𝐧𝐞, 7. 𝐃𝐚𝐫 𝐤𝐚𝐥𝐨𝐨 𝐜𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐝𝐢𝐥𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐚𝐰𝐠𝐚𝐥 ⁵ 𝐛𝐚𝐚 𝐣𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐞, 8. 𝐎𝐨 𝐚𝐚𝐧𝐚𝐲 𝐝𝐞𝐞𝐫 𝐝𝐞𝐞𝐫𝐨 𝐮 𝐡𝐢𝐫𝐝𝐢𝐲𝐢𝐧 ⁶ 𝐝𝐮𝐝𝐮𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐤𝐨𝐨𝐝𝐢𝐢𝐲𝐞, ⁷ 9. 𝐌𝐚 𝐝𝐮𝐮𝐠𝐨𝐨𝐛𝐢𝐧 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐝𝐢𝐢𝐝 ⁸ 𝐥𝐚𝐟𝐮𝐡𝐮 𝐰𝐚𝐚𝐧𝐚 𝐝𝐮𝐱𝐚𝐲𝐚𝐚𝐧𝐞, ⁹ 10. 𝐃𝐚'𝐝𝐢𝐢 𝐮𝐮 𝐚𝐡𝐚𝐚 𝐅𝐚𝐚𝐫𝐚𝐱 ¹⁰ 𝐛𝐚𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐥𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐫𝐚𝐲𝐞, 11. 𝐈𝐦𝐦𝐢𝐧𝐤𝐮𝐮 𝐬𝐢𝐝𝐮𝐮 𝐝𝐚𝐰𝐫𝐢 ¹¹ 𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐛𝐞𝐝𝐝𝐚 𝐦𝐞𝐞𝐫𝐚𝐚𝐲𝐞, 12. 𝐋𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐢𝐝 𝐝𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢 𝐮𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐥𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐮𝐮𝐧𝐲𝐚𝐝𝐮𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐲𝐞, 13. 𝐃𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐢𝐝𝐢𝐥𝐢 𝐬𝐨𝐨 𝐞𝐫𝐢 𝐧𝐢𝐧𝐤𝐢𝐢 𝐝𝐚𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧𝐤𝐚 ¹² 𝐚𝐡𝐚𝐚𝐲𝐞, 14. 𝐈𝐧𝐠𝐢𝐫𝐢𝐢𝐬 𝐰𝐮𝐱𝐮𝐮 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐢 𝐣𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐫𝐞𝐞𝐫 𝐡𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚 𝐝𝐢𝐢𝐝𝐲𝐞, 15. 𝐒𝐢𝐝𝐢𝐢 𝐠𝐚𝐚𝐧𝐢 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚𝐲𝐞𝐲 𝐛𝐚𝐚 𝐡𝐚𝐚𝐭𝐚𝐧 𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐜 𝐚𝐡𝐞, 16. 𝐃𝐚𝐚𝐫𝐢𝐡𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐧𝐣𝐚𝐚𝐛 𝐢𝐲𝐨 𝐤𝐚 𝐤𝐚𝐜𝐞 𝐝𝐚𝐡𝐚𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐡𝐨𝐨𝐬 𝐲𝐢𝐢𝐥𝐥𝐞, 17. 𝐃𝐚𝐲𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐝𝐞𝐞𝐫𝐞𝐞𝐲 𝐢𝐦𝐝𝐡𝐮𝐡𝐮 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐣𝐚𝐥𝐥𝐞𝐞𝐜𝐚𝐚𝐧𝐞, 18. 𝐃𝐚𝐦𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚𝐚𝐝𝐤𝐮 𝐰𝐚𝐚 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐥𝐢 ¹³ 𝐥𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐛𝐛𝐚𝐚𝐥-𝐝𝐞𝐠𝐞𝐲 𝐞, 19. 𝐖𝐚𝐚 𝐝𝐮𝐮𝐛𝐞𝐲 𝐟𝐚𝐫𝐚𝐧𝐬𝐢𝐢𝐬 𝐝𝐡𝐮𝐥𝐤𝐢𝐢 𝐬𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐮𝐮 𝐝𝐞𝐠𝐞𝐲 𝐞, 20. 𝐃𝐞𝐤𝐞𝐝𝐝𝐢𝐢 𝐋𝐮𝐛𝐧𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐤𝐚 𝐤𝐢𝐜𝐢𝐲𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐞𝐥𝐤𝐢𝐢 𝐁𝐚𝐲𝐫𝐮𝐮𝐝𝐞, 21. 𝐃𝐞𝐤𝐞𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐫𝐚𝐚𝐤𝐢𝐢𝐛 𝐬𝐡𝐢𝐱𝐧𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐛𝐚𝐚 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐝𝐞𝐠𝐢𝐲𝐞, 22. 𝐃𝐚𝐚𝐝𝐱𝐨𝐨𝐫𝐭𝐚 ¹⁴ 𝐨𝐨 𝐢𝐝𝐢𝐥 𝐡𝐚𝐥𝐤𝐚𝐧𝐚𝐚 𝐥𝐚𝐥𝐚 𝐝𝐚𝐦𝐜𝐚𝐚𝐲𝐚𝐚𝐲𝐞, 23. 𝐇𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝 𝐱𝐞𝐫𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚𝐚 𝐝𝐞𝐠𝐢𝐲𝐞, 24. 𝐍𝐢𝐧 𝐝𝐚𝐲𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐝𝐡𝐢 𝐥𝐚𝐚 𝐛𝐞𝐞𝐫 𝐢𝐝𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐫𝐚𝐧𝐞, 25. 𝐃𝐮𝐫𝐠𝐮𝐟𝐤𝐢𝐢𝐧𝐧𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚𝐲𝐮𝐮 𝐚𝐫𝐚𝐠𝐞, ━━━━━| #Sharraxa_Ereyada |━━━━━ 1. Shiikh Bashiir Sh Yuusuf Sh xassan 2. Shannaqay: gawracay / dilay 3. Dahriga: dhabarka / adhaxda 4. Dem: dhiig 5. Dawgal: gardarro 6. Deer deero u hirdiyin: cidi is waydiin 7. Dudubgalkoodii: geeridoodii / iilkoodii 8. Qaybdiid: sayyid Maxammed Cabdalle Xasan 9. Duxayaan: cusub yihiin 10. Faarax Oomaar 11. Dawri: libaax / debedjoog 12. Ninkii daallinka ahaa: ingiriis 13. Maxammed Cali jinaax: madaxwaynaha Bakistaan 14. Daadxoorta: gaalada la soo erey oo dhan 15. Durgufkiina: wixii idinka soo hadha / baaqiga ━━━━━|━━━━━|━━━━━|━━━━━|━━━━━| Facebook https://www.facebook.com/share/17ET2uhtmt/

Noloshada Wax Walba Oo Kugu Dhaco, Waxad Ogataa In Allah SWT Qorshihiisa Ay Ku Dhacen, Rabbina Wa Mid Mar Walba Ku Ilaalinaya
Noloshada Wax Walba Oo Kugu Dhaco, Waxad Ogataa In Allah SWT Qorshihiisa Ay Ku Dhacen, Rabbina Wa Mid Mar Walba Ku Ilaalinaya 💌🌙

Filashada wanaagsani rajo iyo farxad bay abuurtaa..
Filashada wanaagsani rajo iyo farxad bay abuurtaa..

Allaahumma inni acuudu bika minal-hammi wal-hazan, wa acuudu bika minal-cajzi wal-kasal, wa acuudu bika minal-jubni wal-bukhl, wa acuudu bika min qalabatid-dayn wa qahri rijaal.)) ((Alloow, waxaan kaa magan galayaa walbahaar iyo murugo, waxaan kaa magan galayaa tabardarri iyo caajis, waxaan kaa magan galayaa fulaynimo iyo bakhaylnimo, waxaanan kaa magan galayaa dayn igu batay iyo rag i dulmay. # *يَا رَبِّ , لَكَ الْحَمْدُ كَمَا يَنْبَغِي لِجَلَالِ وَجْهِكَ , وَلِعَظِيمِ سُلْطَانِكَ (3) Yaa Rabbi, laka al-xamdu kamaa yanbaqii lijalaali wajhika wa li-cadiimi sul-taanika.)) ((Alloow, mahad oo dhan adaa iska leh sida ay ugu habboon tahay weynaanta wejigaaga iyo ciziga boqortooyadaada. # *اللَّهُمَّ أَنْتَ رَبِّي لا إِلَهَ إِلا أَنْتَ ، عَلَيْكَ تَوَكَّلْتُ ، وَأَنْتَ رَبُّ الْعَرْشِ الْعَظِيمِ , مَا شَاءَ اللَّهُ كَانَ ، وَمَا لَمْ يَشَأْ لَمْ يَكُنْ ، وَلا حَوْلَ وَلا قُوَّةَ إِلا بِاللَّهِ الْعَلِيِّ الْعَظِيمِ , أَعْلَمُ أَنَّ اللَّهَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ ، وَأَنَّ اللَّهَ قَدْ أَحَاطَ بِكُلِّ شَيْءٍ عِلْمًا , اللَّهُمَّ إِنِّي أَعُوذُ بِكَ مِنْ شَرِّ نَفْسِي ، وَمِنْ شَرِّ كُلِّ دَابَّةٍ أَنْتَ آخِذٌ بِنَاصِيَتِهَا ، إِنَّ رَبِّي عَلَى صِرَاطٍ مُسْتَقِيمٍ Allaahumma anta rabbii laa ilaaha illaa anta, calayka tawakkaltu, wa anta rabbul-carshil-cadhiim... Alloow, adaa ah Rabbigay, ma jiro ilaah aan adiga ahayn, adaan talo saartay, adigaa leh carshiga weyn... (duco dheer, si buuxda u akhri). # *سُبْحَانَ اللهِ وَبِحَمْدِهِ. (100 jeer) Subhaanallahi wa bihamdih. )) ((Alle ayaan ka dhawrsoonahay dhammaan ceebaha, mahadna Isagaa iska leh. # *لاَ إِلَهَ إِلاَّ اللهُ وَحْدَهُ لاَ شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ. (10 jeer) Laa ilaaha illallahu wahdahu laa shariika lah, lahu al-mulku walahu al-hamdu wa huwa calaa kulli shay'in qadeer.)) ((Ilaah kale ma jiro adiga mooyee, keligiis oo aan shariik lahayn, xukunka iyo mahaduna Isagaa leh, wax kastana wuu awoodaa. # * أسْتَغْفِرُ اللهَ وَأتُوبُ إلَيْهِ (100) Astaghfirullaaha wa atuubu ilayhi. )) (( Alloow, dambi dhaaf ayaan kaa baryayaa, adigaan kuu toobad keenayaa. *وَالذَّاكِرِينَ اللَّهَ كَثِيرًا وَالذَّاكِرَاتِ أَعَدَّ اللَّهُ لَهُمْ مَغْفِرَةً وَأَجْرًا عَظِيمًا*....... (اللهم اجعلنا منهم)

((Allow adaa og waxa qarsoon iyo waxa la arko, adaa sameeyey samooyinka iyo dhulka, adaa ah allaha wax walba abuuray, ahna allahooda iyo Boqorkooda. Waxaan qirayaa in Ilaah kale jirin adiga mooyee. Waxaan kaa magan galayaa sharka naftayda, sharka Shaydaanka iyo shirkigiisa, iyo inaan naftayda u gaysto xumaan ama u jiheeyo Muslim kale. # *بِسْـمِ اللهِ الَّذِي لا يَضُـرُّ مَعَ اسْمِهِ شَيءٌ فِي الأَرْضِ وَلا فِي السَّمـاءِ وَهُوَ السَّمـيعُ العَلـيم. (3 jeer) Bismillahilladii laa yadurru macasmihi shay'un fil-ardi wa laa fis-samaa'i wa huwa as-sameecul-caliim.)) ((Magaca Alle ayaan ku billaabayaa, kaasi oo wax dhibaato geysanaya ay waxba ma yeeli karaan magaca Alle dartii, xagga dhulka iyo cirka toona, waana kan wax walba maqla, wax walbana og. # *رَضِـيتُ بِاللهِ رَبًّا، وَبِالإِسْلامِ دِينًا، وَبِمُحَـمَّدٍ نَبِيًّا. (3 jeer) Radheetu billaahi rabban, wa bil-Islaami diinaa, wa bi-Muhammadin nabiyyaa.)) ((Alle ayaan ku qanacsanahay inuu yahay Rabbigayga, Islaamka oo ah diintayda, iyo Nabi Muxammad oo ah Nebigayga. # *سُبْحـانَ اللهِ وَبِحَمْـدِهِ عَدَدَ خَلْـقِه ، وَرِضـا نَفْسِـه ، وَزِنَـةَ عَـرْشِـه ، وَمِـدادَ كَلِمـاتِـه (3) Subhaanallaahi wa bi-hamdihi cadada khalqihi wa riddaa nafsihi wa zinata carshihi wa midaada kalimatihi.)) ((Alloow, waxaan ku weyneeyaa adiga adoo mahadsan, tirada khalqigaaga, raallinimada naftaada, miisaanka carshigaaga, iyo hadalkaaga dardarihiisa. # *يَا حَيُّ يَا قَيُّومُ، بِرَحْمَتِكَ أَسْتَغِيثُ، أَصْلِحْ لِي شَأْنِي كُلَّهُ، وَلاَ تَكِلْنِي إِلَى نَفْسِي طَرْفَةَ عَيْنٍ. Ya Xayyu yaa Qayyuum, birahmatika astaqiith, aslih li sha'ni kullahu, walaa takilni ila nafsi darfata- cayni.)) ((Allow adaa ah noole iyo taagane, raxmadaada ayaan gargaar ka doontay, hagaaji arrimahayga oo dhan, hana ii dhiibin naftayda xitaa ilbiriqsiyo. # *أَصْبَـحْـنا وَأَصْبَـحَ المُـلكُ للهِ رَبِّ العـالَمـين ، اللّهُـمَّ إِنِّـي أسْـأَلُـكَ خَـيْرَ هـذا الـيَوْم ، فَـتْحَهُ ، وَنَصْـرَهُ ، وَنـورَهُ وَبَـرَكَتَـهُ ، وَهُـداهُ ، وَأَعـوذُ بِـكَ مِـنْ شَـرِّ ما فـيهِ وَشَـرِّ ما بَعْـدَه (1) Asbahnaa wa asbaha al-mulku lillaahi rabbil-caalamiin, Allaahumma inni as’aluka khayra haadihil-yawma, fath-hahu, wa nas-rahu, wa nuurahu, wa barakatahu, wa hudaahu, wa a-cuudu bika min sharri maa fiihi wa sharri maa bacdahu.)) ((Alloow, waxaan ku waabariisannay adoo ah Rabbiga caalamka, waxaan kaa baryayaa khayrka maalintan, furitaankeeda, guusheeda, nuurkeeda, barakadeeda iyo hanuunkeeda. Waxaan kaa magan galayaa sharka waxa ku jira iyo sharka waxa ka dambayn doona. # *أَصْبَـحْـنا عَلَى فِطْرَةِ الإسْلاَمِ، وَعَلَى كَلِمَةِ الإِخْلاَصِ، وَعَلَى دِينِ نَبِيِّنَا مُحَمَّدٍ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، وَعَلَى مِلَّةِ أَبِينَا إبْرَاهِيمَ حَنِيفاً مُسْلِماً وَمَا كَانَ مِنَ المُشْرِكِينَ (1) Asbahnaa cala fitratil-islaami, wa cala kalimatil-ikhlaas, wa cala diini nabiyyinaa Muhammad sallallaahu calayhi wasallam, wa cala millati abiinaa Ibraahiima haniifan musliman wa maa kaana minal-mushrikiin.)) ((Alloow, waxaan ku waabariisannay fitrada Islaamka, kelmadda ikhlaaska, diinta Nebigeenna Muxammad (SCW), iyo diintii aabbahay Ibraahiim oo ahaa hanif muslim ah, mana uu ahayn mushrikiin. # *اللَّهُمَّ إِنِّي أَسْأَلُكَ عِلْمًا نَافِعًا، وَرِزْقًا طَيِّبًا، وَعَمَلًا مُتَقَبَّلًا (1) Allaahumma inni as’aluka cilman naafican, wa rizqan tayyiban, wa camalan mutaqabbala.)) ((Alloow, waxaan kaa baryayaa cilmi faa’iido leh, rizqi xalaal ah, iyo camal la aqbalo. # *اللَّهُمَّ إِنَّا نَعُوذُ بِكَ مِنْ أَنْ نُشْرِكَ بِكَ شَيْئًا نَعْلَمُهُ ، وَنَسْتَغْفِرُكَ لِمَا لَا نَعْلَمُهُ (3) Allaahumma innaa nacuudu bika min an nushrika bika shay’an naclamuhu, wa nastaqfiruka limaa laa naclamuhu.)) ((Alloow, waxaan kaa magan galnay inaan wax kugu shariik yeelno annagoo og, waxaanan kaa dambi dhaaf dalbanaynaa wixii aanaan ogeyn. # *اللَّهُمَّ إِنِّي أَعُوذُ بِكَ مِنْ الْهَمِّ وَالْحَزَنِ، وَأَعُوذُ بِكَ مِنْ الْعَجْزِ وَالْكَسَلِ، وَأَعُوذُ بِكَ مِنْ الْجُبْنِ وَالْبُخْلِ، وَأَعُوذُ بِكَ مِنْ غَلَبَة الدَّيْنِ، وَقَهْرِ الرِّجَال (3)

(4 jeer) Allahumma inni asbahtu ush-hiduka wa ush-hidu xamalata arshika, wa malaa'ikataka wa jamiica khalqika, annaka anta Allah, laa ilaaha illaa anta, wahdaka laa shariika lak, wa anna Muhammadan abduka wa rasuuluk.)) ((Allow, waan waabariistay xaal aan ahay mid qiraya oo mar khaati gashanaya adiga , kuwa carshigaaga sidana aan mar khaati gashanayo, malaa'igtaada iyo dhammaan khalqigaagana aan mar khaatigashanaayo, in adigu tahay Ilaaha , mid xaq lugu caabudo ma jiro adiga mooyee, xaal aad tahay kaligaa , wax cibaadada kula wadaagaana aanay jirin , waxaan kaloo qiraya Nabi Muhammadna in uu yahay addoonkaagi iyo rasuulkaagi . # اللّهُـمَّ ما أَصْبَـَحَ بي مِـنْ نِعْـمَةٍ أَو بِأَحَـدٍ مِـنْ خَلْـقِك ، فَمِـنْكَ وَحْـدَكَ لا شريكَ لَـك ، فَلَـكَ الْحَمْـدُ وَلَـكَ الشُّكْـر. Allahumma ma asbaha bi min ni'matin aw bi-ahadin min khalqik, faminka wahdaka laa shariika lak, falaka alhamdu walaka ash-shukr.)) ((Allow, nicmad kasta oo i saaran ama qof kale saaran, adigaa bixiyey oo keligaa iska leh, wax shariik ahna kuuma jiro, mahadna adigaa iska leh, shukrigana adigaa iska leh. # *اللّهُـمَّ عافِـني في بَدَنـي، اللّهُـمَّ عافِـني في سَمْـعي، اللّهُـمَّ عافِـني في بَصَـري، لا إلهَ إلاّ أَنْـتَ. Allahumma caafini fii badani, Allahumma caafinii fii samci, Allahumma caafinii fi basari, laa ilaaha illaa anta.)) ((Allow caafimaad i sii jirkeyga, Allow caafimaad i sii maqalkayga, allow caafimaad i sii araggayga, Ilaah kale ma jiro adiga mooyee. # *اللّهُـمَّ إِنِّـي أَعـوذُبِكَ مِنَ الْكُـفْر، وَالفَـقْر، وَأَعـوذُبِكَ مِنْ عَذابِ القَـبْر، لا إلهَ إلاّ أَنْـتَ. ( Allahumma inni acuudu bika minal-kufri wal-faqri, wa acuudu bika min cadaabil-qabri, laa ilaaha illaa anta.)) ((Allow waxaan kaa magan galayaa gaalnimo iyo faqri, waxaan kaa magan galayaa cadaabka qabrig, Ilaah kale ma jiro adiga mooyee. # *حَسْبِـيَ اللّهُ لا إلهَ إلاّ هُوَ، عَلَيْهِ تَوَكَّـلْتُ، وَهُوَ رَبُّ العَرْشِ العَظـيم. (7 jeer) Xasbiyallaah laa ilaaha illaa huwa, calayhi tawakkaltu, wa huwa rabbul-arshil-cadhiim.)) ((Alle ayaa igu filan, isaga kaligii ayaan tala saartay, isagaa ah allaha carshiga weyn. # *اللّهُـمَّ إِنِّـي أَسْأَلُـكَ العَـفْوَ وَالعـافِـيَةَ فِي الدُّنْـيا وَالآخِـرَة، اللّهُـمَّ إِنِّـي أَسْأَلُـكَ العَـفْوَ وَالعـافِـيَةَ فِي دِينـي وَدُنْـيايَ وَأَهْـلي وَمالـي، اللّهُـمَّ اسْتُـرْ عَوْراتـي وَآمِـنْ رَوْعاتـي، اللّهُـمَّ احْفَظْنـي مِنْ بَيْنِ يَدَيَّ وَمِنْ خَلْفِـي وَعَنْ يَمِينـي وَعَنْ شِمَالـي وَمِنْ فَوْقـي، وَأَعـوذُ بِعَظَمَـتِكَ أَنْ أُغْـتالَ مِنْ تَحْتـي. Allahumma inni as'aluka al-cafwa wal-caafiyata fid-dunya wal-aakhirah. Allahumma inni as'aluka al-cafwa wal-caafiyata fii deeni wa dunyaaya wa ahlii wa maali. Allahummastur cawraati wa aamin rawcaati. Allahumma axfadnii min bayni yadayya wa min khalfii wacan yameenii wacan shimaali wa min fawqi, wa acuudu bicadamatika an nugtaala min tahti.)) ((Allow waxaan ku watfiisanayaa cafis iyo caafimaad adduun iyo aakhiraba. Allow waxaan ku waydiisanagaa cafis iyo caafimaad diintayda, adduunkayga, ehelkayga iyo maalkayga. Allow astur ceebahayga, Allow badbaadi cabsiyaashayda waxakastoo aan ka baqaayo ilaahayaw nabad galyo iga sii. Allow ii ilaali xagga hore, xagga dambe, midigta, bidixda iyo korkayga. Waxaan magan galayaa waynaantaada anoo kugu dhawaanaya in layga dilo anoo dagtoon xaga hoose. # *اللّهُـمَّ عالِـمَ الغَـيْبِ وَالشَّـهادَة، فاطِـرَ السَّمـواتِ وَالأَرْض، رَبَّ كُـلِّ شَـيءٍ وَمَليـكَه، أَشْهَـدُ أَنْ لا إلهَ إِلاّ أَنْتَ، أَعـوذُبِكَ مِنْ شَـرِّ نَفْسـي، وَمِنْ شَـرِّ الشَّيْـطانِ وَشِرْكِـهِ، وَأَنْ أَقْـتَرِفَ عَلى نَفْسـي سُـوءاً أَوْ أَجُـرَّهُ إِلى مُسْـلِم. Allahumma caalimal-qaybi wash-shahaadah, faadiras-samaawaati wal-ardh, rabba kulli shay'in wa maleekah, ash-hadu an laa ilaaha illaa anta, acuudu bika min sharri nafsi, wa min sharri shaydaani wa shirkihii, wa an aqtarifa calaa nafsi suu'an aw ajurrahuu ilaa muslim.))

أذكار الصباح* # *الحمدلله والصلاة والسلام على من لا نبي بعده* *أَعُوذُ بِاللهِ مِنَ الشَّيْطَانِ الرَّجِيمِ* # *الله لا إله إلا هو الحي القيوم لا تأخذه سنة ولا نوم له ما في السماوات وما في الأرض من ذا الذي يشفع عنده إلا بإذنه يعلم ما بين أيديهم وما خلفهم ولا يحيطون بشيء من علمه إلا بما شاء وسع كرسيه السماوات والأرض ۖ وَلَا يَؤُودُهُ حِفْظُهُمَا ۚ وَهُوَ الْعَلِيُّ الْعَظِيمُ*. (1) # *بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ* *قُلْ هُوَ اللَّهُ أَحَدٌ، اللَّهُ الصَّمَدُ، لَمْ يَلِدْ وَلَمْ يُولَدْ، وَلَمْ يَكُنْ لَهُ كُفُوًا أَحَدٌ*. (3) # *بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ* *قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ الْفَلَقِ، مِنْ شَرِّ مَا خَلَقَ، وَمِنْ شَرِّ غَاسِقٍ إِذَا وَقَبَ، وَمِنْ شَرِّ النَّفَّاثَاتِ فِي الْعُقَدِ ، وَمِنْ شَرِّ حَاسِدٍ إِذَا حَسَدَ*. (3) # *بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ* *قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ النَّاسِ، مَلِكِ النَّاسِ، إِلَٰهِ النَّاسِ، مِنْ شَرِّ الْوَسْوَاسِ الْخَنَّاسِ، الَّذِي يُوَسْوِسُ فِي صُدُورِ النَّاسِ ، مِنَ الْجِنَّةِ وَالنَّاسِ*. (3) # أَصْـبَحْنا وَأَصْـبَحَ المُـلْكُ لله وَالحَمدُ لله ، لا إلهَ إلاّ اللّهُ وَحدَهُ لا شَريكَ لهُ، لهُ المُـلكُ ولهُ الحَمْـد، وهُوَ على كلّ شَيءٍ قدير ، رَبِّ أسْـأَلُـكَ خَـيرَ ما في هـذا اليوم وَخَـيرَ ما بَعْـدَه ، وَأَعـوذُ بِكَ مِنْ شَـرِّ ما في هـذا اليوم وَشَرِّ ما بَعْـدَه، رَبِّ أَعـوذُبِكَ مِنَ الْكَسَـلِ وَسـوءِ الْكِـبَر ، رَبِّ أَعـوذُ بِكَ مِنْ عَـذابٍ في النّـارِ وَعَـذابٍ في القَـبْر. Asbahnaa wa asbaha,, amsaynaa wa al-samal - mulku lillaah walhamdu lillaah, laa ilaaha illallaahu wahdahu laa shariika lah, lahul - mulku walahu al-hamdu, wa huwa calaa kulli shay'in qadiir. Rabbi as'aluka khayra maa fi hadihil yawm wa khayra maa bac'dahuu, wa a'cuudu bika min sharri maa fi haadihil yawm wa sharra maa bac'dahaa . Rabbi a'cuudu bika minal-kasali wa suu'il-kibar. Rabbi a'cuudu bika min cadaabi fiin-naar wa 'cadaabi fil-qabr.)) ((Waxaan gaarnay subax, mulkiguna wuxuu u sugnaaday Alle, mahadna waxay u sugnaatay Alle, Ilaah kale ma jiro Alle mooyee, keligiis oo aan wax shariik ah lahayn, isagaa iska leh xukunka, isagaa iska leh mahadda, wax kasta wuu karaayaa. allow waxaan ku weydiisanayaa wanaagga waxa maanta ku jira iyo wanaagga wixii ka dambeeya. Waxaan kaa magan galayaa sharka waxa maanta ku jira iyo sharka wixii ka dambeeya. allow waxaan kaa magan galayaa caajis iyo gabow xun. allow waxaan kaa magan galayaa cadaabka naarta iyo cadaabka qabrigaba. # اللّهُـمَّ بِكَ أَصْـبَحْنا وَبِكَ أَمْسَـينا ، وَبِكَ نَحْـيا وَبِكَ نَمُـوتُ وَإِلَـيْكَ النُّـشُور. Allahumma bika asbahnaa wa bika amsaynaa, wa bika nahyaa wa bika namootu wa ilayka al-nashoor.)) ((Allow adigaa subax i geliyey, adigaa fiid i geliyey, adigaa i nooleeyay, adigaa i dili doona, xaggaagana waa la ii soo celin doonaa. # اللّهـمَّ أَنْتَ رَبِّـي لا إلهَ إلاّ أَنْتَ ، خَلَقْتَنـي وَأَنا عَبْـدُك ، وَأَنا عَلـى عَهْـدِكَ وَوَعْـدِكَ ما اسْتَـطَعْـت ، أَعـوذُبِكَ مِنْ شَـرِّ ما صَنَـعْت ، أَبـوءُ لَـكَ بِنِعْـمَتِـكَ عَلَـيَّ وَأَبـوءُ بِذَنْـبي فَاغْفـِرْ لي فَإِنَّـهُ لا يَغْـفِرُ الذُّنـوبَ إِلاّ أَنْتَ. Allahumma anta rabbi, laa ilaaha illaa anta, khalaqtanii wa ana abduka, wa ana calaa cahdika wa wacdika mastadacta, acuudu bika min sharri maa sanacta, abuu laka binicmatika calayya, wa abuu bidanbi faqfir lii fa'innahu laa yaqfiruddunuuba illaa anta.)) ((Allow, adigaa allaah ii ah, Ilaah kale ma jiro adiga mooyee, adigaa i abuuray, aniguna waxaan ahay addoonkaagi. Aniguna waxan ku jiraa ballantaadi iyo cahdigaaga intii karaankayga ah. Waxaan kaa magan galayaa sharka waxa aan sameeyey. Waxaan qirayaa nicmadaada igu nicmaysay, waxaan qirayaa dembigayga, illaahayaw ii dambi dhaaf, maxaa yeelay dunuubta cid aan adiga ahayn ma dhaafato. # اللّهُـمَّ إِنِّـي أَصْبَـحْتُ أُشْـهِدُك ، وَأُشْـهِدُ حَمَلَـةَ عَـرْشِـك ، وَمَلَائِكَتَكَ ، وَجَمـيعَ خَلْـقِك ، أَنَّـكَ أَنْـتَ اللهُ لا إلهَ إلاّ أَنْـتَ وَحْـدَكَ لا شَريكَ لَـك ، وَأَنَّ ُ مُحَمّـداً عَبْـدُكَ وَرَسـولُـك.

Waan ognahay! Waan wada ognahay in adduunku yahay meel yar, oo xittaa kayar saacad ka mid ah qiyaamaha! Waan ognahay in qof walba uu dhiman doono iyo waxa dhacaya kadib dhimashada. Aad beynu uga dharragsannahay dhacdooyinka iyo sida nalooga warramay maalinka dambe, "يوم القيامه". Iyadoo dadku sugayaan maalintaas, haddana waxaan nahay kuwo aan u diyaar-saneyn. Waa meel aan laga soo laaban doonin oo hubaal ah in lagu waarayo-qiyaamaha. Waxaa macquul ah in 24 saac kuu dhammaato adigoon hal mar qalbigaagu ku fakarin waxa aad kala kulmi doonto Rabbigaaga. Maku farxi doontaa inaad maalintaas qayb ka noqoto boqolaal kun oo lagu wargelin doono janadda cadiimka ah? Waxa muhiim ah in qofku ku farxo natiijada uu ka helo Rabbigiisa haddii uu diyaar u yahay maalintaas. Alle haynaga wada yeelo, Kuweey qalbiyadoodu kuweynaato maalinkaas, Heynaga yeelo kuwa guuleysta & kumaanan ka gudba imtixaankaas, Bi'idnillaaah. Wallaaleh Waqtigaaga Yar Kafaa'ideeyso. Garran meysid inta kuu hadhaye. Sallaama, 💚. Soo xigasho Najax axmed jaamac #WACYI ------ 10

Fursado muhiima. Diploma in computer (only 6 dollar) Doiploma in pharmacology (daawada) only in 7 dollar. Waa laba fursadood oo muhiim ah oo arday badan iyo dad badaniba ubaahi qabaan . Barashada daawada iyo computerku labadauba waa bilaash kaliya diwaan galinta ayaa kala ah 7 dollar iyo 6 dollar. Kuliyada alfurqan waxay ku leday ka faa idyso fursadan oo caawoo kaliya ku kooban . Halkan hoose iska diwaan gali ➡️ @UstaadAbdurisaaq @UstaadAbdurisaaq @UstaadAbdurisaaq

Duub = hogaan Odaygii taariikhyahanka ahaa ee Arnold Toynbee wuxuu yidhi “Fanka iyo suugaanta bulshooyinka burburay wuxuu ka sheekeeyaa uun burburka oo keliya”. Hadaba, dabayaaqadii qarnigii tegey iyo kan aan hada ku jirno ee 21-aad, Soomaali dhamaanteed waxaa naftii ilaahay isugu keenay HOGAAN XUMO. Oo weliba waxaa musiiibo noqotay, dhinac u badqaba oo loo irkadaa ma jiro; kii dhaqanka, kii diinta, kii bulshada iyo ganacsiga, kii iskuullada iyo kii siyaasadda. Kii….. Kii…. Sidaas uu Arnold sheegay, waxaa soo baxday in suugaanyahankii Soomaali oo dhami uu hal-abuurkiisii iyo fankiisii ba uu ku hurgufo hogaankaas xun. Mar way hiifayaan. Mar way u digayaan. Mar way ka digayaan. Mar kale shacabkii doortay bay ku leeyihiin —idinkaa sidan isugu wacan. Mar waxay leeyihiin —waar ninka inagu kiciya oo kursiga ka tuura. Mar kale way bushaaraynayaanoo waxay leeyihiin —bulshadii fahantay. Mar waxay ku daalayaan hoge-tusaalayn iyo dardaaran. (1) “Dadku maaha kii hee Dawliilka beenta ah DUUBKA loogu xidhan jiray.” —Hadraawi (2) “Danbi malaha siyaasigu Shacabkaa duloobee Waxba yaan la dabagalin Ninka DUUBKA loo xidhay” —Afgudhiye (3) “Dadka DUUBKA kuu xidhay Qaar baan dab loo shidin,” —Weedhsame (4) “Kuwa DUUBKA qaatee Kala dila xigaalkiyo Daaquudka ceebee.” —Haykal Muxumed Cabdi (5) “Xasuuqaana waxa falay raggii DUUBKA loo xidhaye” —Ak Xikmaawi (6) “Immisaa nin daalina daacad aanu moodnoo, Markii DUUBKA loo xidhay Docda kale ka laba guray” —Ibraahim X. Cabdi (7) “Ha u xidhina DUUBKA Shalay duunyadiina Kaa isugu darteene Baylahay dantiina” —Unknown (8) “Ninka DUUBKA loo xidho Ee loo dabbaal-dego Uma naxo dadweynaha Danyartiyo saboollada Iyo dumarka Yaanyada La fadhiya dariiqyada” —Khaliif Faarax Xayir (9) “Ragga DUUBKA ummadiyo Xoolihii dadweynaha Hantidooda ku darsaday!” — Xamse A. Ducaalle (10) “Haddii aan dagaal iyo colaad dayrka lagu dhaafin Inuu DUUBKA bixiyaa wakhtigan waa daliil jabanee” —Xamse Fagadhe

Fursadii Qarniga🎯 BUSHAARO BUSHAARO BUSHAARO Dhammaan bulshowaynta soomaaliyeed ee ku dhaqan dunida daafaheeda, waxa kuliyada wayn ee ALFURQAN ONLINE SCHOOL idinku war galinaysa inay qaadanayso fasalo cusub bishan 9aad ee sanadka 2025 oo kala ah. 1) Quraanka iyo axkaamtiisa. 2) Barashada carabiga. 3) Barashada Englishka. 4) Barashada combuterka iyo isticmalkiisa oo bilow ah . ♨️ computerka waa bilaash kaliya diwan galinta ayaad 6 dollar bixinaysaa. 5) xisaabta( dadka wawayn ) 6) Higaadda  oo bilow ah 7) cv writing 8) pharmacology(barashada daawoyinka) 9) public health (caafimaadka bulshada) Dhamaan courseskan waxad qaadanaysa markaad dhamayso shahaado  dilloma ah cadaynaysa inaad dhamaysay cilmigaas. Ku baro cilmiga adoo # Gurigaaga jooga # Adoo shaqadaada jooga # Adooo ciyaalkaga dhex jooga # Adoon daal iyo tacab iyo bas fuulid umarin aqoonta. # Adoo shaqynaya baro cilmiga . Halkan hoose  iska diwaan 👇👇👇 @UstaadAbdurisaaq @UstaadAbdurisaaq

(FURSAD QAALI AH ): COMPUTERKU WAA FURAHA SHAQO KASTA! KU BARO COMPUTERKA 6 DOLLAR OO KALI AH .✍ Madaama computerku qasab ku yahay qof kasta oo raba in uu shaqo helo. Waxaanu dhalinta soomaliyeed siinay fursadan qaaliga ah . Ku baro computerka kaliya 6 dollar kuna shaqo tag. Kuliyada Alfurqan waxay markasta rabtaa horumarka bulshada. Shuruudaha. ⏭Fursadan kaliya waa maanta .oo cidii is diwaan galisa ayaa helysa . ⏭ inay kaa go'antay wax dhigashadu. ⏭ inaad bixiso lacagta diwaan galinta oo ah 6 dollar oo kaliya . Prograsmka la dhiganaayo waxa ka  mida: ●Introduction to windows ● Microsooft  word ●Microsooft ppt ●Microsooft excel ●Microsooft access ●Microsooft publisher ●Microsooft outlook Mudada koorasku waa 2ba bil iyo badh . Shahadaduna waa diploma. Nasiib fiican. 24 saac ayaad uhaysataan deeqadan wax barasho. ⏭ HALKAN ISKA DIWAAN GALIN👇👇👇👇 @UstaadAbdurisaaq @UstaadAbdurisaaq @UstaadAbdurisaaq @UstaadAbdurisaaq

Qofku inuu u noolaado sidii q𝐨𝐟 𝐜𝐚𝐚𝐝𝐢 𝐚𝐡 waa qaan-gaadh maskaxeed oo wayn. Waxa ka mida astaamaha qofka iska caadiga ah: ■ Adoo asxaabtaada la fadhiya ayay xaaskaagu ku soo wacday, waxay kaala hadashay adeeg ay banaanka uga baahatay oo meelahan dhow ay ka wayday, haddii aad ku dhex qajishid raggaas waxaa tahay qof aan u noolayn sidii qof caadi ah, haddii ba se aadan wax wayn u arag wixii laguu diray oo aad si iska caadi ah u odhan "haye waan soo marayaa alaabtaas oo dhan" ... waxaad tahay qof qaangaadh maskaxeed leh, fahan sanna waxa laguu diray inay yihiin wax iska caadi ah. ■ meel suuq ah ayaa wiil gabadh si aada u eegay, indhaha ayuu indhaha u saaray, gabadhaasi haddii ay aaminto tallow wiilku ma qof buu igu qaldayaa aanu isu eegnahay! Waa gabadh u nool sidii qof caadi ah, haddii se ay is dhahdo wuu kaa helay, waa qof is qanciyay, oo dareemo kale ka dhex guuxayaan. ■ wiil baa yimid magaalo uu ku cusub yahay, ama aynu dhahnaba xaafad uu ku cusub yahay, haddii uu dadka waydiiyo waxa uu garan waayo, waa qof u nool sidii qof caadi ah, haddii se uu qajjilo oo dantiisa ka gaabiyo waa qof aan wali bislaan. ■ Wiil iyo gabadh baa sheeko wadaag (haasaawe) ahaa, midbaa mid ka kale u soo qoray farriin.. midkii farriinta loo soo qoray oo khadka ku jira baa niyad ahaan iskula sheekaystay; ha furin farriinta durbaba, haddii aad dhakhso furto waxaa laguu malaynayaa qof la heli karo mar walba. Qofka sidaas u fekeraya waa qof aan u noolayn sidii qof caadi ah, waa qof xifaaltan, is adkayn iyo isla wayni ku jirto. ■ Waxaa tahay qof hanti leh, qof dawarsanaya ayaa ku soo hor istaagay, waxbuu ku waydiiyay. Lacag ayaad siisay, balse qaabka lacagta aad u siisay ma taqaan? Wuxuu kuu sheegtay lanbar, kadib ayaad ugu dirtay. Markuu dhaqaaqay baad asxaabtii kula fadhiday kula kaftan-tay, hhhh waaba dawarsade zaad ama e-dahab leh, ma tihid qof u nool sidii qof caadi ah. Waxaad tahay qof u qaba dadka ka hooseeyaa inaanay heli karin waxa uu haysto. Lacag qof walba ayaa qof siin kara, waxaase macnaha wayn samaynaya waa qaabka aad u bixiso. ■ Baalashle ayaa yimid meel rag ku shaahaynayaan, waxa u soo dhex maray raggii oo sheekadu meel xiiso leh u marayso, nin ayuu ku yidhi «adeer ma kuu baalasheeyaa»? Markaasuu ku yidhi : «waar naga tag baalash lahayne» dadkii meesha wada fadhiyay waxay dhaheen: caruurtan xun ee baalashla-yaasha ah maba laga sheekaysan karo. Dadkaas dhamaantood waa dad xanuunsan ... mana aha dad u nool sidii qof caadi ah. #WACYI ------ 09

Sagaal dhaqan oo laga ma maarmaan u ah noloshaada
1. Daacad u noqo naftaada ka hor inta aanad daacadnimo ka raadin dadka kale.
Qofka aan baran naftiisa, waxa uu ku dhex lumaa go'doonka adduunka
2. Hub ka dhigo is dhul-dhiga xitaa haddii aad gaadho mansabyada ugu sarreeya adduunka.
Kibirka iyo islawaynidu waxay hoos u dhigaan qiimaha kuwa sare.
3. Aamus marka dadka oo dhami xanaaqsan yihiin, hadal marka dadka oo dhami aamusaan.
Raganimadu waxay ku jirtaa doorashada amminta habboon.
4. Ballan ka dhig hadalkaaga, haddaad wax ballan qaadana ha khiyaamin.
Kalsoonidu waa damaanad aan la jabin karin.
5. Ha faanin waligaa, keliya wax qabadkaaga iyo guulahaagu ha ku qeexaan.
6. Ixtiraam dadka kugu xeeran, adigoon hoos u dhigaynin sharaftaada.
Sharftaadu waa mansab ee maaha wax tartan ah.
7. Noqo qof lagu daydo ficilkiisa.
Waayo; dadku ma arkaan waxaad leedahay se waxay arki doonaan waxaad samaynayso.
8. Wax ka baro fashilkaaga, si aad u ogaato inaad tahay qof wax isku dayay.
Waayo; guushaadu waxay tahay uun natiijada iyo maxsuulka waaya aragnimadaada.
9. Waligaa ha joojin wax barista nafta, waayo; noloshu waa dugsi furan.
Markasta oo aad u malayso inaad baratay wax kasta, waxaad ogaanaysaa inaad tahay qof jooga bar bilow. #WACYI ------ 08

💊 FURSAD MUHIIM AH . Barashada daawadu waa mid naftaada iyo ta ehelkaagaba ugu yaraan anafacaysa. Ma rabta inaad barato. daa
💊 FURSAD MUHIIM AH . Barashada daawadu waa mid naftaada iyo ta ehelkaagaba ugu yaraan anafacaysa. Ma rabta  inaad barato. daawoyinka(pharmacology). Kuliyada wayn ee al ALfurqan online academy waxay kuu diyarisay fasalo cusub oo ah barashada  daawooyinka . 💊Baro dawooyinka oo naftaada ku dawee. 💊Baro dawooyinka oo qoyskaaga ku daawee.  Baro daawooyinka ooo baro mid kasta qaabka u haboon ee loo qaato iyo qaabka uhaboon ee  ay xanuunka u daawayso . Si aad isku diwaan galiso la xidhiidh ciwaankan hoose. 👇👇👇 @UstaadAbdurisaaq @UstaadAbdurisaaq

𝐍𝐎𝐋𝐎𝐒𝐇𝐀! "Qof waliba waxa uu leeyahay qiso xanuun badan oo uu laabtiisa ku qarinaayo. Qof baa dad uu jeclaa aawadood l
𝐍𝐎𝐋𝐎𝐒𝐇𝐀!
"Qof waliba waxa uu leeyahay qiso xanuun badan oo uu laabtiisa ku qarinaayo. Qof baa dad uu jeclaa aawadood la dhibaatooday. Qof baa naf-hurnimo badan la yimi, wax midha-dhal ahna aan haynin. Dad baa maalin walba la ilmeeya dad uu jeclaa sida waalidkii oo kale oo adduunka kaga tagay. Qof baa cidlo la dhibaatoonaya. Noloshu mararka qaar waxay u baahan tahay ISMOOGANAYSIIN (التَّغَافُل) . Ismooganaysiin dhacdooyin, dad, falal iyo hadallaba ah. Naftaada waxaad ku tababartaa ismooganaysiinta ay maskacdu ku dheehantahay; waayo wax walba ma mudna ku hakashadooda".

Waxaa la yidhaahdaa, nolosheennu, waa uun maxsuulka iyo natiijo ka dhalatay wadarta go'aamadeenna. Taa macnaheedu waxaa weeye, ma tihid duruuftaada, mana tihid taktadaaddii, ee wuxuun baad tahay doorashada iyo waxa aad go'aansanayso maalin wal oo noloshaada soo maraysa. Kala wareeg wal oo nolosheenna ka dhacaya, waxay ku bilaabataa doorasho iyo go'aan. Badi nolosha qofku isagama baddelanto nasiib. Waxay baddelantaa daqiiqadda uu qofku gaadho go'aan dhab ah: 🌱 Go'aan ah inaad nafta cabsida ka xorayso oo aad qaaddo tallaabada ugu horreysa. 🌱 Go'aan ah inaad ku fooganaato waxa kuu muhiimka ah, aan ahayn degdegga iyo iskadaba wareegga nolosha. 🌱 Go'aan ah inaad joojiso raalligelinta dadka kale, oo aad naftaada qiimayso. 🌱 Go'aan ah inaad iska sii dayso oo manu maskaxda kaa cuslayn wixii aadan waxba ka qaban karin. 🌱 Go'aan ah inaad Rabbigaa u dhawaata, kana fogaato wixii kaa dheeraynaya. 🌱 Go'aan ah inaad ku kalsoonaato wixii uu Ilaahay kuu qorsheeyay xitaa haddii aadan fahmaynin. 🌱 Go'aan ah inaad aamusiiso ama naaqusto sawaxanka hareerahaaga ka socda oo aad dhagaysato codadka togan ee ka imaanaya gudaha naftaada. 🌱 Go'aan ah inaadan dib u dhigin kartida iyo karraanka kugu jira ee aad hawlgeliso. Sidaa daraaddeed, haddaad maanta dareemayso inaad hakkad nololeed ku jirto (stuck), kuma jirtid, ee waxaad tahay qof aan weli go'aan gaadhin. Kolka aad doorato go'aankaaga, waddadii aad mari lahaydna way is muujinaysaa insha Allaah. — Mubarak Hadi

Fursadii Qarniga🎯 BUSHAARO BUSHAARO BUSHAARO Dhammaan bulshowaynta soomaaliyeed ee ku dhaqan dunida daafaheeda, waxa kuliyada wayn ee ALFURQAN ONLINE SCHOOL idinku war galinaysa inay qaadanayso fasalo cusub bishan 8aad ee sanadka 2025 oo kala ah. 1) Quraanka iyo axkaamtiisa. 2) Barashada carabiga. 3) Barashada Englishka. 4) Barashada combuterka iyo isticmalkiisa oo bilow ah . ♨️ computerka waa bilaash kaliya diwan galinta ayaad 6 dollar bixinaysaa. 5) xisaabta( dadka wawayn ) 6) Higaadda  oo bilow ah 7) cv writing 8) pharmacology(barashada daawoyinka) 9) public health (caafimaadka bulshada) 10) photoshop Dhamaan courseskan waxad qaadanaysa markaad dhamayso shahaado  dilloma ah cadaynaysa inaad dhamaysay cilmigaas. Ku baro cilmiga adoo # Gurigaaga jooga # Adoo shaqadaada jooga # Adooo ciyaalkaga dhex jooga # Adoon daal iyo tacab iyo bas fuulid umarin aqoonta. # Adoo shaqynaya baro cilmiga . Halkan hoose  iska diwaan 👇👇👇 @UstaadAbdurisaaq @UstaadAbdurisaaq

𝐐𝐨𝐫𝐚𝐚 𝐀𝐝-𝐡𝐚𝐦 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐪𝐚𝐚𝐰𝐢: «𝐊𝐡𝐚𝐝𝐢𝐢𝐣𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐛𝐢𝐠𝐞𝐞𝐝𝐚 𝐦𝐚 𝐣𝐚𝐛𝐢𝐧 𝐤𝐚𝐫𝐨!» Qoraa 𝐀𝐝-𝐡𝐚�
𝐐𝐨𝐫𝐚𝐚 𝐀𝐝-𝐡𝐚𝐦 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐪𝐚𝐚𝐰𝐢: «𝐊𝐡𝐚𝐝𝐢𝐢𝐣𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐛𝐢𝐠𝐞𝐞𝐝𝐚 𝐦𝐚 𝐣𝐚𝐛𝐢𝐧 𝐤𝐚𝐫𝐨!» Qoraa 𝐀𝐝-𝐡𝐚𝐦 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐪𝐚𝐚𝐰𝐢 ayaa midi faallo (comment) ugu qoray: «Dr haddii adigiiba aad diiday in afar xaas la guursado yaa looga tagay bal sunnadan laga wada yaacay?» Jawaabtiisa waa tan: Mawduuca guurka waxaan ka ahay, sidii Cumar binu Khadaab iyo khilaafada. Waxa la waydiiyay miyaanad ku dardaarmayn in wiilkaaga loo doorto khaliifka muslimiinta adiga dabadaa. Dabadeedna waxa uu yidhi: "hadii ay khayr tahay — khilaafadu — saamigayagii waannu qaadanay, hadii ay shar tahayna reer khadaab hal nin uun sharkaas ha ka haleelo!" Dhab ahaan annigu — Ad-ham ahaan — waxa qudha ee aan guursan karaa waa wakhti; maba haho xitaa wakhti aan madaxa ku xoqdo! Waana ilaahay mahaddii waan faraxsanahay, jacaylka iyo xasilloonida qaybtaydii waan helay; xaasaska in la badsadaana qof anigoo kale ah, waa ku dhibaato in ka badan dheef. intaa waxa ka muhiimsan: Khadiija, qalbigeeda maaha in la jabiyo! FG: Khadiiji waa xaaskiisa.

𝐐𝐨𝐫𝐚𝐚 𝐀𝐝-𝐡𝐚𝐦 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐪𝐚𝐚𝐰𝐢: «𝐊𝐡𝐚𝐝𝐢𝐢𝐣𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐛𝐢𝐠𝐞𝐞𝐝𝐚 𝐦𝐚 𝐣𝐚𝐛𝐢𝐧 𝐤𝐚𝐫𝐨!» Qoraa 𝐀𝐝-𝐡𝐚�
𝐐𝐨𝐫𝐚𝐚 𝐀𝐝-𝐡𝐚𝐦 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐪𝐚𝐚𝐰𝐢: «𝐊𝐡𝐚𝐝𝐢𝐢𝐣𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐛𝐢𝐠𝐞𝐞𝐝𝐚 𝐦𝐚 𝐣𝐚𝐛𝐢𝐧 𝐤𝐚𝐫𝐨!» Qoraa 𝐀𝐝-𝐡𝐚𝐦 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐪𝐚𝐚𝐰𝐢 ayaa midi faallo (comment) ugu qoray: «Dr haddii adigiiba aad diiday in afar xaas la guursado yaa looga tagay bal sunnadan laga wada yaacay?»