en
Feedback
𝒅𝒉𝒂𝒏𝒃𝒂𝒂𝒍 𝑱𝒂𝒄𝒂𝒚𝑳💔❤️💬

𝒅𝒉𝒂𝒏𝒃𝒂𝒂𝒍 𝑱𝒂𝒄𝒂𝒚𝑳💔❤️💬

Open in Telegram

!𝐬𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐥𝐢𝐧𝐲𝐚𝐫𝐨 𝘾𝙝𝙖𝙣𝙖𝙖𝙡𝙠𝙮𝙜𝙖 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐝 𝐤𝐚𝐡𝐞𝐥𝐢 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚𝐧 𝐟𝐚𝐫𝐢𝐢𝐦𝐨 𝐣𝐚𝐜𝐚𝐲𝐥 𝐢𝐲𝐨 𝐪𝐢𝐬𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐛𝐚 𝐟𝐚𝐝𝐚𝐥𝐚𝐧 𝐜𝐡𝐚𝐧𝐥𝐤𝐚𝐚𝐧 𝘼𝙨𝙭𝙖𝙗𝙩𝙖𝙖𝙙𝙖 𝙂𝙖𝙖𝙧𝙨𝙞🥺 ✅Cretor@PONJEY1..

Show more
586
Subscribers
No data24 hours
No data7 days
No data30 days
Posts Archive
Hadaan idhi Bildhaantaada Uma Xiisin Waa Beene Ma Anaa Qof Booskaaga Helikaraya ii Buuxsha Ma Anaan U Boholyoobin Kulankiyo Bilkhayrtaada Waxa igu Banaanaatay Halkii Aad Ku Beegnayde Sida Eeg Bal Muuqayga U Bedalay Iswaageenu Kaalay Arag Busaylkaagu Siduu iiga Dhigay Baylah Ilintaydu Baaq Weeyi Bog Ku Jeceli Hayn Waayey i Dareen Bal Ii Fiirso Oo Bilaahi Way Guule Ii Fur Buuga Naxariista Waa Buug Xasuustaadu Hilowgaagu Beeraayo Si Kastoo La Ii Baantay Bogsan Wayday Ruuxdaydu Hirarkii Is Bixin Waaga Ku Dhex Kumay Badhtamahooda Baryo Kala Maqnaanteenu Kaga Culus Qalbiga Buure Intaad Joogtay Baashayda Noloshii Bildhaamaysay Ha Ka Dhigin Bar Kuma Taale Bilicdii La Soo Laabo 🥹

Dhamaaan Ummada Somaaliyeed ciid wanaagsan meel kasta oo aad Joogtan ❤️🎁🎊✨🌙

Inta isoo followgaresay Aad u mahdsantihiin sharaf iyo Karaamo Asaxbtyda Qaaliga Wxn Leeyhy idinkan Wax idinku Ahy Ilaahy sharftiina Cirka Hageeyo 😁😍✨ 600 dhowr iyo Toban Aya inoga Dhiman ( insha allh ' 😄maasha allh)

Part 3 ✨ Insha allh Ciida ka Bacdi Ayan So Galinya.. hadu alle ku idmahaayo Hawlaheni Ayan iska Wadynya 👍😁 Ciidi na Bari Aya inoga Dhiman ....Nabad qab iyo Cafimaad Alle haynagu Gaadhsiyo ❤️ ciid wngsan

عَنْ أَبِي مَسْعُودٍ عُقْبَةَ بْنِ عَمْرٍو الْأَنْصَارِيِّ الْبَدْرِيِّ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم; إنَّ مِمَّا أَدْرَكَ النَّاسُ مِنْ كَلَامِ النُّبُوَّةِ الْأُولَى: إذَا لَمْ تَسْتَحِ فَاصْنَعْ مَا شِئْت .[رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ]. Waxaa laga weriyay Abuu Mascuud Cuqba ibn Camar al-Ansaari Al-Badri (Allaha ka raalli noqdee) inuu yiri: Rasuulkii Ilaahay (s.c.w) wuxuu yiri: Waxaa ka mid ahaa hadalladii laga soo gaaray Nebiyadii hore: Haddii aadan xishooneyn samee waxaad doontid.” [Bukhaari] 20aad

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَبَّاسٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا قَالَ: كُنْت خَلْفَ رَسُولِ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم يَوْمًا، فَقَالَ: يَا غُلَامِ! إنِّي أُعَلِّمُك كَلِمَاتٍ; احْفَظْ اللَّهَ يَحْفَظْك، احْفَظْ اللَّهَ تَجِدْهُ تُجَاهَك، إذَا سَأَلْت فَاسْأَلْ اللَّهَ، وَإِذَا اسْتَعَنْت فَاسْتَعِنْ بِاَللَّهِ، وَاعْلَمْ أَنَّ الْأُمَّةَ لَوْ اجْتَمَعَتْ عَلَى أَنْ يَنْفَعُوك بِشَيْ; لَمْ يَنْفَعُوك إلَّا بِشَيْءٍ قَدْ كَتَبَهُ اللَّهُ لَك، وَإِنْ اجْتَمَعُوا عَلَى أَنْ يَضُرُّوك بِشَيْءٍ لَمْ يَضُرُّوك إلَّا بِشَيْءٍ قَدْ كَتَبَهُ اللَّهُ عَلَيْك؛ رُفِعَتْ الْأَقْلَامُ، وَجَفَّتْ الصُّحُفُ; رَوَاهُ التِّرْمِذِيُّ [رقم:2516] وَقَالَ: حَدِيثٌ حَسَنٌ صَحِيحٌ. وَفِي رِوَايَةِ غَيْرِ التِّرْمِذِيِّ: احْفَظْ اللَّهَ تَجِدْهُ أمامك، تَعَرَّفْ إلَى اللَّهِ فِي الرَّخَاءِ يَعْرِفُك فِي الشِّدَّةِ; وَاعْلَمْ أَنَّ مَا أَخْطَأَك لَمْ يَكُنْ لِيُصِيبَك، وَمَا أَصَابَك لَمْ يَكُنْ لِيُخْطِئَك، وَاعْلَمْ أَنَّ النَّصْرَ مَعَ الصَّبْرِ، وَأَنْ الْفَرَجَ مَعَ الْكَرْبِ، وَأَنَّ مَعَ الْعُسْرِ يُسْرًا. Waxaa laga weriyay Abuu Cabbaas Cabdullaah ibn Cabbaas (Allah haka raalli noqdee),”Inuu yiri: Anigoo gadaal socda Nebiga ( s.c.w.) maalin ayuu i yiri: dhageyso wiilyahow waxaan ku barayaa ereyadan; Ilaahay dhowr isaguna waa ku dhowrayaa, llaahay dhowr waxaad ka heli doontaa hortaada. Haddii aad wax baryeysid llaahay bari, haddii aad gargaar dooneysid Ilaahay gargaarso.Ogow haddii ummaddoo dhan isugu tagto iney wax kuu tarto waxaan Alla kuu qorin kuuuma qaban karaan. Haddii ay isugu tagaan iney dhib ku gaarsiiyaan kuma gaarsiin karaan wax aan laguu qorin, qalimadii waa la koryeelay, xaanshiyihiina wey qallaleen.” [Tirmidi waa xadiis Xasan oo saxiix ah]

عَنْ أَبِي ذَرٍّ جُنْدَبِ بْنِ جُنَادَةَ، وَأَبِي عَبْدِ الرَّحْمَنِ مُعَاذِ بْنِ جَبَلٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا، عَنْ رَسُولِ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم; قَالَ: اتَّقِ اللَّهَ حَيْثُمَا كُنْت، وَأَتْبِعْ السَّيِّئَةَ الْحَسَنَةَ تَمْحُهَا; وَخَالِقْ النَّاسَ بِخُلُقٍ حَسَنٍ . رَوَاهُ التِّرْمِذِيُّ [رقم:1987] وَقَالَ: حَدِيثٌ حَسَنٌ، وَفِي بَعْضِ النُّسَخِ: حَسَنٌ صَحِيحٌ. Waxaa laga weriyay Abuu Dar Jundub ibn Junaada – iyo Abu Cabdur-Raxmaan Mucaad ibn Jabal (Allah ha kawada raalli noqdee), iney ka weriyeen Rasuulkii Illahay( s.c.w. ).”In uu yiri: Alla ka cabso, meel kasta oo aad joogtid, xumaantana raaci samaan way tirtiriye, dadkana dabeecad fiican kula dhaqan.” [Tirmidi waa xadiis Xasan oo saxiix ah] 18aad

عَنْ أَبِي يَعْلَى شَدَّادِ بْنِ أَوْسٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ عَنْ رَسُولِ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم قَالَ; إنَّ اللَّهَ كَتَبَ الْإِحْسَانَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ، فَإِذَا قَتَلْتُمْ فَأَحْسِنُوا الْقِتْلَةَ، وَإِذَا ذَبَحْتُمْ فَأَحْسِنُوا الذِّبْحَةَ; وَلْيُحِدَّ أَحَدُكُمْ شَفْرَتَهُ، وَلْيُرِحْ ذَبِيحَتَهُ. [رَوَاهُ مُسْلِمٌ]. Waxaa laga weriyay Abii Yaclaa Shaddaad ibn Aws (Allah haka raalli noqdee),”Inuu yiri Rasuulkii Ilaahay (s.c.w): Wax walba waxaa llaahay u waajibiyay samafal, haddii aad wax dileysaan si wanaagsan wax u dila, haddii aad wax gowraceysaan si wanaagsan u gowraca, qofka wax gowracaya waa inuu middida soofeeyo uu neefka u raaxeeyo.” [Muslim]. 17aad

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ أَنَّ رَجُلًا قَالَ لِلنَّبِيِّ صلى الله عليه و سلم أَوْصِنِي; قَالَ: لَا تَغْضَبْ، فَرَدَّدَ مِرَارًا، قَالَ: لَا تَغْضَبْ .[رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ] Waxaa laga weriya Abuu Hureeyra(Allah haka raalli noqdee):”In nin u yimid Nebiga ( s.c.w.) kuna yiri : ii dardaaran markaasuu Nebigu yiri: “Ha caroonin, Markaasuu ku cel celiyay, wuxuu dhahay ha caroonin.” [Bukhaari]. 16aad

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم قَالَ: مَنْ كَانَ يُؤْمِنُ بِاَللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ; فَلْيَقُلْ خَيْرًا أَوْ لِيَصْمُتْ، وَمَنْ كَانَ يُؤْمِنُ بِاَللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ فَلْيُكْرِمْ جَارَهُ; وَمَنْ كَانَ يُؤْمِنُ بِاَللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ فَلْيُكْرِمْ ضَيْفَهُ.[رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ] ، [وَمُسْلِمٌ] Waxaa laga weriyay Abuu Hureyrah (Allaha ka raalli noqdee);”Inuu yiri Rasuulkii Illaahay (scw) wuxuu yiri: Qofkii rumeeyay Alla iyo maalinta qiyaamaha ha ku hadlo kheyr ama ha iska aamuso, qofkii Alla iyo qiyaamaha rumeeyay ha xurmeeyo deriskiisa, qofkii Alla iyo qiyaamaha rumeeyay ha soo dhoweeyo martidiisa.” [Bukhaari iyo Muslim]. 15aad

عَنْ ابْنِ مَسْعُودٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم; لَا يَحِلُّ دَمُ امْرِئٍ مُسْلِمٍ [ يشهد أن لا إله إلا الله، وأني رسول الله] إلَّا بِإِحْدَى ثَلَاثٍ: الثَّيِّبُ الزَّانِي، وَالنَّفْسُ بِالنَّفْس; وَالتَّارِكُ لِدِينِهِ الْمُفَارِقُ لِلْجَمَاعَةِ.[رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ] ، [وَمُسْلِمٌ] Waxaa laga weriyay ibn Mascuud (Allah haka raalli noqdee):”Inuu yiri Rasuulka Illahay (scw) wuxuu yiri: Qof muslim ah ma bannaana in dhiiggiisa la daadiyo haddaanu saddexda arrin midkood uusan ku kicin: 1.Qofkii isagoo reer leh, ama horay reer u yeeshay ee sinaysta; 2.Qofkii qof muslim ah dila; 3.Qofkii diinta ka baxa ee ururka muslimka ka faquuqma.” [Bukhaari iyo Muslim] 14aad

عَنْ أَبِي حَمْزَةَ أَنَسِ بْنِ مَالِكٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ خَادِمِ رَسُولِ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم عَنْ النَّبِيِّ صلى الله عليه و سلم قَال; لَا يُؤْمِنُ أَحَدُكُمْ حَتَّى يُحِبَّ لِأَخِيهِ مَا يُحِبُّ لِنَفْسِهِ. رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ [رقم:13]، وَمُسْلِمٌ [رقم:45].[رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ] ، [وَمُسْلِمٌ] Waxaa laga weriyay Abuu Xamsa Anas ibn Maalik (Allah ha ka raalli noqdee), oo ahaa adeegihii Rasuulka (scw):”In uu ka weriyay Nebiga (s.c.w): Qofka iimaan kiisu dhab ma noqdo ilaa uu la jeclaado walaalki waxa uu naftiisa la jecel yahay.” [Bukhaari iyo Muslim] 13aad

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم مِنْ حُسْنِ إسْلَامِ الْمَرْءِ; تَرْكُهُ مَا لَا يَعْنِيهِ. حَدِيثٌ حَسَنٌ، رَوَاهُ التِّرْمِذِيُّ [رقم: 2318] ، ابن ماجه [رقم:3976]. Waxaa laga weriyay Abuu Hureyrah (Allaha ka raalli noqdee)”Inuu yiri Rasuulkii llaahay wuxuu yiri: Qofka lslaam wanaaggiisa waxaa ka mid ah inaanu faraha lagelin arrimo aanu shaqa ku laheyn. Waa xadiis Xasan ah.” [Tirmidi iyo ibnu maajah] 12aad

عَنْ أَبِي مُحَمَّدٍ الْحَسَنِ بْنِ عَلِيِّ بْنِ أَبِي طَالِبٍ سِبْطِ رَسُولِ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم وَرَيْحَانَتِهِ; رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا، قَالَ: حَفِظْت مِنْ رَسُولِ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم دَعْ مَا يُرِيبُك إلَى مَا لَا يُرِيبُك; رَوَاهُ التِّرْمِذِيُّ [رقم:2520]، [وَالنَّسَائِيّ] وَقَالَ التِّرْمِذِيُّ: حَدِيثٌ حَسَنٌ صَحِيحٌ. Waxaa laga weriyay Abuu-Muxammad Al-Xasan ibn Cali ibn Abii-Daalib; Allaha ka raalli noqdee:”Inuu yiri: Waxaan ka xafiday Rasuulkii llaahay (scw): Dhaaf wixii shaki ku geliya oo aad wax cad oo aan shaki ku jirin.”Waxaa weriyay Tirmadi iyo Nasa’i, wuxuuna yiri.” [Tirmidi waa xadiis Xasan oo saxiix ah]. 11aad

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم إنَّ اللَّهَ طَيِّبٌ لَا يَقْبَلُ إلَّا طَيِّبًا، وَإِنَّ اللَّهَ أَمَرَ الْمُؤْمِنِينَ بِمَا أَمَرَ بِهِ الْمُرْسَلِينَ فَقَالَ تَعَالَى; يَا أَيُّهَا الرُّسُلُ كُلُوا مِنْ الطَّيِّبَاتِ وَاعْمَلُوا صَالِحًا، وَقَالَ تَعَالَى: يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُلُوا مِنْ طَيِّبَاتِ مَا رَزَقْنَاكُمْ ثُمَّ ذَكَرَ الرَّجُلَ يُطِيلُ السَّفَرَ أَشْعَثَ أَغْبَرَ ; يَمُدُّ يَدَيْهِ إلَى السَّمَاءِ: يَا رَبِّ! يَا رَبِّ! وَمَطْعَمُهُ حَرَامٌ، وَمَشْرَبُهُ حَرَامٌ، وَمَلْبَسُهُ حَرَامٌ، وَغُذِّيَ بِالْحَرَامِ، فَأَنَّى يُسْتَجَابُ لَهُ؟. [رَوَاهُ مُسْلِمٌ] Waxaa laga weriyay Abuu Hureyrah ( Allaha ha ka raali noqdee) in uu yiri:”Rasuulkii Allah wuxuu yiri: llaahay waa wanaagsan Yahay mana aqbalo wax aan wanaagsaneyn, Ilaahayna wuxuu faray mu’miniinta, wixii uu faray Rususha sida uu ku sheegay Aayadda dheheysa: “Rusuleey cuna raashin kiisa bannaan ee fiican, camal fiicanna fala”, iyo Aayadda dheheysa: “Mu’miniineey Cuna waxa fiican ee aan idinku arsaaqnay.”Markaasuu xusay Nabigu (s.c.w) nin meel dheer u socdaalayo o timihii basaaseen, lugahana boor ku leh, oo gacmaha kor u taagaya, isagoo llaahay baryaaya oo leh: Rabbigaygow, Rabbigaygow, isla markaana cuntadiisa xaaraan tahay, cabiddiisu xaaraan tahay, dharkiisu xaaraan yahay, xaaraan la soo qoodiyay side looga aqbalayaa ducadiisa?” [Muslim] 10aad

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ عَبْدِ الرَّحْمَنِ بْنِ صَخْرٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: سَمِعْت رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم يَقُولُ; مَا نَهَيْتُكُمْ عَنْهُ فَاجْتَنِبُوهُ، وَمَا أَمَرْتُكُمْ بِهِ فَأْتُوا مِنْهُ مَا اسْتَطَعْتُمْ; فَإِنَّمَا أَهْلَكَ الَّذِينَ مِنْ قَبْلِكُمْ كَثْرَةُ مَسَائِلِهِمْ وَاخْتِلَافُهُمْ عَلَى أَنْبِيَائِهِمْ .[رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ] ،[وَمُسْلِمٌ] Waxaa laga weriyay Abuu-Hureyrah Cabdur-Raxmaan ibn Sakhar (Allah ha ka raali noqdee),”Inuu yiri: waxaan maqlay Rasuulkii Allah (scw) oo leh: Waxaan idinka reebo ka dheeraada, waxaan idin faray la imaada intaad awoodi kartaan, waxaa un halaagay dadkii idinka ka horreeyey su’aal badnaan iyo khilaafkoodii Nebiyadooda.” [Bukhaari iyo Muslim] XADIITHKA 9aad

عَنْ ابْنِ عُمَرَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا، أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم قَالَ: أُمِرْتُ أَنْ أُقَاتِلَ النَّاس;َ حَتَّى يَشْهَدُوا أَنْ لَا إلَهَ إلَّا اللَّهُ وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللَّهِ، وَيُقِيمُوا الصَّلَاةَ، وَيُؤْتُوا الزَّكَاةَ؛ فَإِذَا فَعَلُوا ذَلِكَ; عَصَمُوا مِنِّي دِمَاءَهُمْ وَأَمْوَالَهُمْ إلَّا بِحَقِّ الْإِسْلَامِ، وَحِسَابُهُمْ عَلَى اللَّهِ تَعَالَى .[رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ] ،[وَمُسْلِمٌ] Waxaa laga weriyay ibnu Cumar (Allaha ka raalli noqdee) inuu yiri Nebigu (scw):”Waxaa lay amray inaan dadka la dagaalamo ilaa ay ka qiraan inuusa jirin ilaahay xaq lagu caabudo Allah maahine, anigana aan ahay Rasuulkii Allah, salaadda tukadaan, sakadana bixiyaan. Haddii ay sidaa yeelaan waxaa badbaadaya dhiiggooda, iyo maalkooda wixii aan ka aheyn xaqa islaamka, wixii intaa ka dheeraada llaahay baa ka xisaabaya.” [Bukhaari iyo Muslim] Xadiithka 8aad

عَنْ أَبِي رُقَيَّةَ تَمِيمِ بْنِ أَوْسٍ الدَّارِيِّ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ أَنَّ النَّبِيَّ صلى الله عليه وسلم قَالَ; الدِّينُ النَّصِيحَةُ. قُلْنَا: لِمَنْ؟ قَالَ: لِلَّهِ، وَلِكِتَابِهِ; وَلِرَسُولِهِ، وَلِأَئِمَّةِ الْمُسْلِمِينَ وَعَامَّتِهِمْ. [رَوَاهُ مُسْلِمٌ Waxaa laga weriyay Abuu-Huqayya Tamiim ibn Aws ad-Daarii (Allaha ha ka raalli noqdee):”In Nebigu (scw) yiri: Diintu waa waano, waxaannu niri ‘ayuu u yahay? Rasuulka Allow! Wuxuu yiri: wuxuu u yahay Allah iyo Kitaab kiisa, iyo Rasuul kiisa, iyo madaxda musl imiinta iyo dadweynahaba.” [Muslim] Xadiithka 7aad