en
Feedback
Dareen jaceyl❤️💋

Dareen jaceyl❤️💋

Open in Telegram

♥️🌎🅰️ One of them is very far, and closer to me than everything 💨🖤 أحدُهم في غاية البُعد ، و أقرب لِي مِن كل شي💨🖤

Show more
4 275
Subscribers
+124 hours
+477 days
+12830 days
Posts Archive
Rajadii rumoowday part:15❤💍 Markuu igu yiri cumar waxaan ku rarayaa berito qalbiga ayaa ii dagay kadib ayaan iri waayahay haddii aan berito ka guuraayo guriga waan seexan karaa caawa ee na keen Waxaan tagnay guriga balse sidii ayuu u furnaa oo lama xirin waayo cumar hooyadiis kaliya waxeey rabtaa inaan wiilkeeda uga fogaado maadaama aan ubad dhali waayay Markaan ilbaabka ka galnay ayaan fiiriyay halkiii ay ku fiidsan jireen lkn weey xaroodeen anaguna waxaan iska aadnay qolkeena markii aan is iri seexo ayaan arkay cumar oo fikiraayo Waan utagay markaas ayaan iri cumar iska dul qaado nolosheena ayaa sidaan iska noqotay balse waalaga baxayaa insha Allah kadib ayuu yiri cumar kaliya waxaan ka fikirayaa sidii aan uga dhaadhicin lahaa hooyo gurigan ayaan amiira ka rarayaa oo guri gooni ah ayaan dajinayaa Markaas ayaan iri waa caadi waxba dhihi meeyso xbbi waanku baryaa gurigan ha igu celin berito aan ka guurno wuxuu yiri cumar waayahy kugu celin maayo wax aadan rabin subaxii markii aan soo toosnay markii aan tukadayba waxaan dul imid cumar kadib ayaan iri goormeen guureeynaa ? Cumar wuu ila yaabay telfonka ayuu soo qabtay saacadii ayuu fiiriyay markaas ayuu yiri xbbti ma waalatay xiligan waa habeen e. Quraacda iska sameeyso waagu si fiican ha noogu baryo. Kadib ayaan iri waayahay jikada ayaan galay quraacdii ayaan iska sameeystay waxaan dhararsanahay xiliga aan ka tagaayo gurigan isla markii ayaan quraac u keenay cumar kadib ayaan haddane kiciyay waxaan iri kac oo quraaco waan baxeeynaa markaas ayuu yiri waayahay ee kalay adba quraaco kadib ayaan iri maya aniga waan qaadanayaa quraacdeyda guriga aan dagno ayaan ku cunayaa. Kadib ayuu yiri waayahay ana markaas ayaan kula quraacanayaa ee noo qaad dhamaanteen gaariga alaabta qaadi lahaa ayaan wacayaa gaarigii ayuu wacay anaguna alaabtii ayaan diyaarinay gaarigii ayaa ugu dambeyn noo imaaday anagoo alaabta rareeyno ayeey dareentay cumar hooyadiis banaanka ayeeyna usoo baxday Kadib ayeey weeydiisay wiilkeeda cumar maxeey tahay alaabtan aad rareeyso? Anoo naxsan oo isleh tollow muxuu dhihi doonaa ayuu yiri hooyo amiira waan kari waayay alaabteeda waan u rarayaa oo guriga hooyadeed ayaan u geeynayaa markaas ayeey tiri alaabta kala barta oo qeeybsada ileen waxeey moodaa inuu cumar i furi rabo kadib ayuu yiri maya hooyo waxba ka reeban maayo waan ku heshiinay' Markaas ayeey tiri bal mar qura qod iidhaafi markaas ayuu yiri waayahay hooyo guriga ayaan la geeynayaa alaabta waan soo laabanayaa waxeey tiri waayahay ee soo dhaqso quraac ayaan kuusii diyaarinayaa adoo baahan shaqada ha aadin wuxuu yiri waayahay. Markii aan gurigii tagtay alaabtii ayaa naloo dajiyay gurigii ayaana dhiganay markii aan bognay waxaan soo diyaariyay quraacdii markii aan faraha soo dhaqanay ayuu yiri amiira laba mar miyaan quraac cunayaa maanta markaas ayaan iri balan ayaad iga qaaday ila cun hadda hooyana la cun waad cayileysaaye Kadib ayuu yiri xbbti cayil marabo ee kaligaa iska cun hooyo igama yeeleeyso waan soo quraacdaye anigoo qarsanaayo caradeeyda ayaan iri waayahy iska bax markuu ilbaabka ka baxay ayaan quraacdii iska dhigay markaas ayaan is iri cumar xitaa inuu in yar kula cuno waa uu awooday balse wuxuu ka door biday inuu anoo baahan iga tago quraacdii waan iska daboolay sariirta ayaana iska seexday. Hurdo ayaa ila tagtay waxaan ku kacay cumar oo qolka gees ka fadhiyo markaas ayuu yiri iga raali noqo xbbti hurdo miyaan kaa kiciyay waxaan iri maya lkn maxaa kusoo celiyay? Markaas ayuu yiri waxaan ogaa in aadan quraacaneeynin waayo waan dareemay inaad ka xumaatay tagida aan kaa tagay adigoo aanan quraacay balantiina waan kaaga baxay Kadib ayaan iri waa caadi hadda soow soma quraacan? markaas ayuu yiri maya waxaan iri maxaa dhacay aaway quraacdii laguu reebay kadib ayuu yiri waxaan tagay guriga balse hooyo weey ka maqneed waxaa leey sheegay in hooyo meel aaday jikada ayaan galay waxaan arkay farxiyo oo quraac diyaarisay

Rajadii rumoowday part:13❤💍 Waxaan iri cumar waxaad itiri markale kuma xumeeynaayo waayahaye hooyo sideen yeelnaa waad og tahay ineey idisho ayeey rabtaa nolosha ciriiri ayeey nagu noqotay cumar: Markaas ayuu yiri cumar waa runtaa hooyo weey adag tahay si wax looga dhaadhiciyo mana aqaan waxaan sameeyo waxaan iri ma aqaan waxaan sameyo maxeey tahay cumar wax uun samee sidaan xal ma ahan aniga sidaan kuma noolaan karo kadib ayuu yiri cumar hal figrad ayaan hayaa waxaan iri maxeey tahay iisheeg haddii ay wanaagsan tahay waan sameyneynaaye Markaas ayuu yiri gurigan waan kaa rarayaa guri ayaan kuu kireeynayaa halkaas iska daganoow kadib ayaan iri oo guriga cidlada ah maxaan ka sameeynayaa wuxuu yiri cumar anigaa kula joogaayo cidlo ma dareemeeysid markaas ayaan iri waayahay beriba guri inoo soo diyaari xbbi. Cumar waxa uu yiri waayahay subaxii ayuuna baxay aniga waxaan ku juraa difaac oo waxaan is leeyahay cumar hooyadiis adigoo iska jireeyn ameeyba meel xun kugu dhufataa maalintii oo dhan guriga ayaan isaga jiray iyaduna iima imaan codkeeda oo kaliya ayaan maqlaayay waayo marabo inaan la dagaalo cumar hooyadiis maadaama ay tahay hooyadeey oo kale waan xushmeeynayaa. Duhurkii ayuu cumar isoo wacay markaas ayuu yiri hooyo makuu timid waxaan iri maya cidna iima imaan kadib ayuu yiri hooyo saaky iyadoo huruda ayaan tagay haddane telfonka igama qabaneeyso weey iixanaaqsan tahay ayaan filayaa Markaas ayaan iri waad ogtahy xalay iyadoo careeysan in ay seexatay ee raali gali hooyo wuxu yiri maxaan raali galiyaa igamaba qabaneeyso markaas ayaan iri igama qabaneeyso maxeey tahay qofka kaa xanaaqsan waa hooyadaa ma ahan gabar aad sheeko wadaag tihiin ee u imoow hooyadaa. Kadib ayuu yiri bas iga dheh dhulka ayaadba ila jartay baye caawa ayaan imaanayaa markaas ayaan iri gurigii masoo diyaarisay kadib ayuu yiri markaan imaado ayaan kaaga sheekeeynayaa. Fiidkii ayuu cumar ilbaabka soo garaacay balse waxaanba waayay cid ka furta horaan markuu soo garaaco cumar hooyadiis iyo caruur guriga joogtayba weey ukala hor mari jireen Maadaama iyagu ilbaabka hortiisa ku fiidsadaan aniguna aan gadaal daganahay haddane waan maqlayaa garaaca ilbaabka markuu daalay ayuu isoo wacay markaas ayuu yiri ilbaabka maxaa loo furi waayay caawa waxaan iri anigaa kaa furaayo ee isug waxaana soo aaday xaga ilbaabka waxaan arkay ilbaabkii oo quful lagu xiray waan la yaabay meesha Waxaa fa fadhiyo caruurtii iyo cumar hooyadiis caruurta waxaa dhalay cumar walashiis ka weeyn caruurta cumar aad ayeey ujeclaayeen gabar yar ayaa soo istaagtay xageeyga ayeeyna soo aaday markaas ayeey tiri habaryar guriga waala xiray ma aragtay abti cumar ka fur ayaan maagay lkn waan furi waayay caawa dhan abti ilbaabka ayuu taagan yahay: Markeey intaas maqashay cumar hooyadiis ayeey soo oroday gabadhii ayeeyna gacanta qabatay oo ay waday qolkeeda ayeeyna gashay markaas ayaan cumar ilbaabka kala hadlay wxaaan iri cumar ilbaabka hooyo ayaa xirtay quful ayaa saaran maxaan kuu sameeyn karaa Markaas ayuu yiri iga fur ku dheh weey kaa furiye markaas ayaan ilbaabka ugargaraacay inteey soo baxday ayey igu tiri maxaad u baahan tahay waxaan iri banaanka ayaan rabaa ilbaabka qufulka ka fur kadib ayeey igu tiri ogoow mar haddii aad ilbaabka ka baxdo kuma soo laaban kartid waxaan iri waayahaye bal mar kaliya fur. Anigu marabo inaan baxo balse kaliya waxaan rabaa inuu cumar guriga soo galo... Lasoco part:14

Ma xulan karayee allow nolosha igu xeer qof aan Hankaan leeyahay xanibin🍀 Waxan damco aan xayirin. naftaydana aan xidhxidhin🤲 waxan xad u doonayaa qofaan Xìliyadu badalin♡ Kal aan iga xiisa dhicin Xis aan kaligay hantiyo😊🥰

Noqo qof fiican misana Naxriis badan waxaa laga yaabaa in Naxriistaada badasho qof dhan Noloshiisa❤️🥰

Rajadii rumoowday part:12 ❤💍 Cumar waxa uu yiri amiira waxaan ka shalaaynayaa xanuunka aan ku marsiiyay aniga ayaa la yaaban waxa aan kugu sameeyay markaas ayaan iri waxba iguma aadan sameeyn lkn ma waxaa ku badalay kaliya waxa aan ku qortay lambarkaaga Markaas ayuu yiri cumar haa markii aan arkay adigoo ku qortay lambarkeyga ilmaheyga aabahood waxaan dareemay xanuun fara badan marna waanku farxay isma aanan dhaheeynin amiira adigoo dhibkaan ugeeystay ayeey magac noocaas ah ku qoraneeysaa lambarkaaga balse caawa ayaan ogaaday inaan helay boqorad amiira waan ogahay in aan ku dhaawacay balse waankaa raali galinayaa midaas Kadib ayaan iri cumar aniga waxa aad igu sameeyneeysay oo qalad ah dhan iima muuqdaan kaliya waxaa ii muuqdo ee aan iga ba eeyn waa Jaceylka aan kuu qabo magacaas waxa aan ugu qortay na waa rajadeeyda aniga waana noqoneysaa insha Allah. Markaas ayuu yiri cumar dhib maleh xbbti hadda kadib kaama murjin doono mana kaa fogaanaayo waxaan iri lkn maxeey tahay farxiyo sababta ay kuu daba socoto markaas ayuu yiri cumar farxiyo hooyo ayaa rabta ineey ii guuriso waxeeyna igu tiri haddii aad wiilkeyga tahay farxiyo guurkeeda ogolaaw anigoo hooyadeey farxadeeda fiirinaayo Waxaan isku dayay inaan adiga kaa fogaado. Haddana waan awoodi kari waayay amiira hadda maxaan sameeyaa ma hooyadeey baan farxad galiyaa mise adiga iyo nafteyda ayaan farxad galiyaa Markaas ayaan iri cumar labadeenaba na farxad gali waayo labadeenaba kaama maarano cumar wuxuu yiri cumar lkn sidee labadiinaba idiin raali galin karaa midaas macquul ma ahan hooyadeey raali galinteeda waa inaan kaa fogaado adiga balse hadii aan kaa fogaado sidee beey noqoneeysaa noloshaada ma iga samreeysaa? Kadib ayaan iri cumar Hadda ayaan ba mooday inaad iga fogaatay waanku baryaa markale sidaas ha idhihin aniga ma noolaanaayo adiga la.aantaa haddii aan noolaadana nolol dhimashadu dhaanto ayaan noolaanayaa Markaas ayuu yiri cumar amiira intaan kaa aamusnaa xabsi ayaan ku juray ma qiyaasi karo xanuunka aan dareemay hbnkii aad itiri qalbiga ayaan ka daalay waayo anigaba waankula dareemaayay qalbi jabka hadane waan qarsanaayay. Lasoco part:13 Waxaan idinka codsanayaa inaad caawa share gareeysiin like badana saartiin mahadsanidiin

Rajadii rumoowday part:11❤💍 Waxaan iri dhaawac aad iigeeysan laheeyd oo ii dhiman majiro haddane raali noqo xitaa kaama haayo markaas ayuu yiri cumar amiira muran ayaa kaasoo haray naga jooji intaan ka badan hadalka maala yacniga ah Hadalkaas aad ayuu iixanuujiyay waxaadba moodaa hadalada qalafsan in uu cumar aniga iigu dan leeyahay markaas ayaan iri cumar waan ujeedaa inaad iska keey nacday waxaan rajeeynayaa in aad qaladkaaga dareemi doontid maalin uun cumar banaanka ayuu u baxay waxaan maqlay qeeylo iyo sawaxan banaanka ka socdo waan soo orday waxaan usoo baxay banaanka waxaan indhaha saaray cumar oo cel celinaayo hooyadiis oo mindi wadato waayo aniga waxaan ilaaway in cumar hooyadiis aad u jeceshahy oo gacantiisa ayaan dhaawac u geeystay' Cumar hal gacan ayuu ku celinayaa hooyadiis aad ayaan unaxay xagooda ayaan soo aaday markaas ayuu cumar si kor ah ii yiri xageed usoo socotaa orodaa guriga soo xiro intaan ka badan hooyo ma celin karo kadib ayaan iri waayahay guriga ayaana isku soo xiray cumar hooyadiis mindi ayeey ilbaabka iila soo fariisatay cumarna wuu soo ag fariistay aniga darbiga ayaan taaganahy waxaan ka shalaaynayaa maxaad cumar u dhaawacday maxaa kuu geeyay waataa hooyadiis baad isku dirtay isagana waad iska sii fogeeysay waxaa la gaaray xili dambe maamadii weey daashay weeyna iska tagtay iyadoo dhaaraneeyso markaas ayaan ilbaabka furay cumar oo halkii weli fadhiyo ayaan utagay markaas ayaan iri cumar iga raali noqo waan cidlooday guriga soo gal waanku baryaa markaas ayuu yiri waayahay qolka ayuuna soo galay sidii ayaana usoo xirtay. Waxaan waayay mobilkeygii markaas ayaan iri cumar waxaa iga maqan mobilkeyga iiwac oo iiraadi intuu wacay ayuu meel aan noo dheereeyn ka maqlay dhawaaqiisa intuu istaagay ayuu ii doonay markuu soo qabtay ayuu daqiiqado fiirinaayay waan yaabay markaas ayaan iri waad aragtay bee iska jar marka oo isii maxaad utaagan tahay' Waxaadba moodaa in aanu haddalkeyga maqleeynin cumar waan soo istaagay kadib ayaan u imaaday waxaan arkay isagoo fiirinaayo mobilkeyga intuu ka noqday ayuu hal mar hab isiiyay waan la yaabay haddane waan ku fartay indhaheyga ilin ayaa ka qubatay farxad daraadeed Kadib ayuu yiri iga raali noqo amiira waanku fahmi waayay qalbigaaga ayaana dhaawacay waxaan burburiyay farxadaada iyo kalsoonidii aad igu qabtay anigoo aad ufaraxsan ayaan iri cumar aniga wax walba waan udul qaadan karaa balse uma dul qaadan karo adiga inaad iga fogaato xitaa uma dulqaadan karo inaad hadal kulul igu tiraahdo. Kadib ayuu yiri ma dareemi kartaa caawa waxa qaladkeyga idareensiiyay markaas ayaan iri maya ma ogi iisheeg xbbi .. Markaas ayuu yiri waxa kaliya ee i badalay waa Magaca aad ku qoratay lambarkeyga markii aan arkay Magaca kuugu qoran lambarkeyga waxaan dareemay in aan ku xumeeyay aniga waliba dhaawac aan kuu geeystay ma aheeyn inaan sidaan kuula dhaqmo waan ka qooma meeynayaa.. Lasoco part:12 Fadlan #follow me si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Rajadii rumoowday part:10❤💍 Cumar hooyadiis waxa ay doontay marqaati yaal si furiinka si dag dag ah ugu dhaco inta ay maqneed cumar haddal afkiisa kama soo bixin wuu iska aamusnaa anna waxaa niyadeyda gashay in cumar i furi doono waayo wajigiisa uma bagin dhanka kale farxiyo wajigeeda farxad ayaa ka muuqato anagoo weli halkii taagan ayuu cumar intuu qolka galay si dag dag ah dhar usoo xirtay. Hal mar ayaan wada fiirinay isagoon cidna la haddal ayuu ilbaabka ka baxay cumar isla markii waxaa soo dib dhaaftay hooyadiis iyaddoo laba wiil lasocdaan kadib ayeey tiri aaway cumar qolka miyuu galay iiwaca Markaas ayaan iri wiilkaaga wuu baxay soow uma jeedid wiilkaaga inuu ifuro marabyo isagga intii aad maqneed ayuu baxay aad ayeey uxanaaqday cumar hooyadiis inteey wacday ayeey tiri soo laabo haddii aad tahay wiilkeyga ama aad ducadeeyda rabto imoow guriga. Waxaa niyada iska leeyahay Alle ma keeno cumar waxaa laga yaabaa in ay ku qasabto furiinka qalbiga ayaan ka duceeystay. Isla markii ayuu soo laabtay cumar ilbaabka markuu kasoo galay aniga lugaheeyga waan ku taagnaan waayay dhulka ayaa ila gariiray dhulka ayaan ku dhacay waxaan ku war helay dadkii dhamaa oo idul taagan iyo cumar oo ileh maya kuma furaayo waan la yaabay sababta uu ii leeyahay kuma furaayo . Kadib ayaan is xanaajiyay oo waxaan iri kuma furaayo maxaad ka waddaa yaaku weeydiiyay su.aashaas? Wiil ka mid ah marqaatigii lakeenay ayaa yiri adiga ayaa ku calaacalay cumar ha ifurin sidaas ayuu kuugu jawaabay maba ogid miyaa. Aad ayaan iskugu naxay waxaana mooday in aan waashay . Wiilashii marqaatiga ahaa ilbaabka ayeey ka baxeen cumar hooyadiis iyaddoo aad careeysay ayeey ilbaabka ka dagtay farxiyana weey raacday waxaa isku soo haray aniga iyo cumar kaliya cumar indhaha waan siin waayay waxaan dareemay in wadnaha aad iigaraacmayaan istaagii ayaan awoodi waayay. Waxaa xanuun kale igu noqday cumar ima fahmaayo xitaa biyo aan cabo iima keenaayo ana waan ka xishooday in aan udirsado siduu u taagnaa ayuu ii yimid gacanta ayuu iisoo taagay kadib ayaan ku is taagay balse afkiisa iima kala furin sariirta ayaan ku tagay si dhib ah markaas ayaan ciil iyo caro is celin waayay tabarna weey ihaaysaa kadib ayaan ooyay furaashkii oo dhan baan jeex jeexay intuu soo orday ayuu ii yimid markaas ayuu yiri maxaa dhacay? Kadib ayaan iri waxaan rabaa biyo biyahii ayuu iikeenay biyahii intaan ka qaaday ayaan galaaskii iyo biyahiiba ku dhuftay galaaskii dhalada ahaa intuu ku jabay ayuu gacana ka qashay dhaladii dhiigiisa ayaa dhulka ku daatay dhiig markaan arkay waan naxay waxaan is arkay garba saarteydii ano uga duubay dhiiga isaguna xitaa maxaad iigu dhufatay idhihi maayo afkiisana kalama furaayo. Kadib ayaan iri cumar iga raali noqo waan xanaaqay aniga isma dhaheeynin dhiig ka keen markaas ayuu yiri raali noqo wax tari meeyso xili aad idhaawacday. Markaas ayaan iri adigaba waad idhaawacday haddane raali galin kaama haayo aniga maanta ayaan ku dhaawacay isla maanta ayaana ku raali galinayaa kadib ayuu yiri aaway dhaawaca aan kuu geeystay markaas ayaan iri ma waxaad rabtaa inaad itiraahdo kuma dhaawicin cumar dhaawac kan aad ii geeysan haayso ka weeyn ma jiro. Lasoco part:11 Fadlan #follow me si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Ma jecli inaan arko adigoo murugaysan sababto ah murugtada waxay sababi kartaa in aad noloshaada oo dhan nacdo anigana noloshada ayaan ka mid ahay...🥹❤️

Markaas ayaan iri aniga hal mid ayaan gurigan uga baxayaa haddii aad iisameeyn kartiin isla saacadaan kadib ayeey tiri cumar hooyadiis sheego waxaad rabtid waanaga diyaar waxaan iri anigoo qalbiga ka gubanaayo ha ifuro wiilkaaga markaas waan baxayaa! Markaas ayeey tiri cumar waad maqashaa haddalka amiira ma ahan xitaa mid hooyadaa ixtiraameeyso ehelkaagana soo dhaweeyneyso waan kuu duceeynayaa iska fur saacada la taagan yahay!! Cumar aad ayuu ula yaabay furiinka laga dalbay kadib ayuu isoo fiiriyay ana waan kasii jeestay waxaa niyada iska leeyahay kwrn hadii uu cumar ku furo maxaa kuu dambeyn doono sideesa ku ilaawi kartaa cumar haddane waxaan nafteyda ku qanciyay nin aanan i ijecleeyn haddii uu ifuro iyo hadduu iqabo ba isku mid ay tahay cumar waxaa laga sugayaa jawaab qof walba dhagta ayaa utaagan maamadii waxeey doontay marqaati yaalo si furiinku fudeeyd u noqdo.. Lasoco part:10 Fadlan #follow me si aad ula socoto qeybta xigta share gareeya pls kuna marti qaada asxaabtiina si ay idiinla aqristaan mahadsanidiin

Rajadii rumoowday part:9❤💍 Wuxuu yiri gabadhaan waa walshey iska daa maseeyrka iyo aflagaadada dag daga ah marka hore wax hubso inta aadan caaynin dadka. Madaxa ayaa iweeynaaday waayo qof la nabay ayaan ahay dunnida ma jiro wax ka xanuun badan nabyada (been abuurka) kadib ayaan iri cumar aniga geedaha ha iigu soo gamban iisoo bareer aniga maxeey tahay sababta aad iiga been abuureeyso ma been baad igu baratay. Markaas ayuu yiri waayahaye waa qofba gabadha cida caaysay ileen guriga cid kale nalama dagano ee ma jin baa caayay mise adaa runta qarinaayo. Waan aamini waayay in uu cumar sidaas iila hadlaayo xanaaqa waxaaba iiga daran filan waaga igu dhacay iyo sideey arimi noqotay waxaan iri adiga ayaa runta diidan inaad maqasho ee orod aad cida aad ku kalsoon tahay horayna aad ka aamintay aniga ma mudni in aad sidaan iila dhaqanto kalsoonidii aad igu qabtay cidkle ayaad ku wareejisay Kadib ayuu iga dhaqaaqay sariirtiisa ayuuna tagay isla markii ayuu hurday mobilkana wuu is ag dhigay markaas ayaan kasoo qaatay qolka fadhiga ayaana kusoo laabtay waxaan iska shitay filim xili dambe iyadoo ay tahay ayuu soo dhacay mobilka cumar waan fiiriyay waaba gabadhii uu lahaa cumar waad caaysay balse markaan lambarkeeda ayuu ku save gareeyay magaceeda waxa uunu ku qoray farxiyo waan ka qabtay waxeey lasoo booday ma seexatay. Intaan xanaaqay ayaan iri nayaa maxaa ku waalaayo caawa ma qof jiran baa tahay wicitaan badnidaa? Kadib ayey tiri waxba kaama galin ee dhig telfoonada dadka weeyna igu jartay qolka jiifka ayaan iska soo galay waana seexday mobilkiisii barkinteyda ayaan hoos gashtay xanaaq daraadiis haddane waxaan is iri gabadhaan maxaad ku haaysataa ninkaan isaga ayaa qaldan oo gabadhaan isagaa soo xera gashtay isaga ayaana rabo oo jecel wixii xanaaq ah isaga lee uxanaaqi kartaa Cumar xitaa waa uu joojiyay sethy inuu idhaho xaladeeyda mudo bil ah igama wareeysan iyadoo ay tahay maalin jumco ah ayeey guriga timid gabar banaanka ayaa lawada joogay cumar iyo hooyadiis ana gees kale ayaan fadhiyay gabadhii ayaa farxiyo lawada yiri waxaan dareemay in ay gabadhii tahay markii aay indhaha isaartay wajigeeda dhan ayaa is badalay cumar agtiisa ayeey soo fariisatay cumar hooyadiisna weeyba ka is taagtay kadib ayeey tiri sii sheekeeysta cabitaan ayaan idiin soo diyaarinaa. Cumar xitaa dhankeyga sooma fiirinaayo oo gabadhii ayuu la qoslayaa oo maba ka qasna aniga waan istaagay qolkeyga ayaana galay hoosna waan kasoo xirtay waxaad moodaa qalbigeyga in dab ku shidan yahay waayo cumar waxba iima reeban aniga qalbiga ayuu dhaawac iga gaarsiiyay heer waxaaan gaaray ilinteeyda aan xakameeyn waayo waxaa niyada iska iri jaceylka dhan ma sidaan ayuu ku dhamaadaa mise adigaa nasiib xun. Ilbaabka ayaa leey soo gargaraacay kadib ayaan is taagay ilbaabka ayaana furay waxaaba isla socda cumar iyo gabadhii farxiyo aheeyd markaan furay anigoo la hadlin ayaan sariirteyda kusoo laabtay. Inteey isoo dul istaageen ayuu yiri cumar amiira gabadhaan waa farxiyo waana gabadhii aad telfonka ka caaysay waxaan rabaa inaad heshiisiin isna baratiin. jirkeeyga oo dhan ayaa jareeyay niyada waxaan iska iri intaad baxdo jikada gasho mindi masoo qaadataa labadoodaba dhaawac iyo dhimasho maka dhigtaa haddane jaceylka aan cumar uqabo waa mid aan qiyaasi karin qalad waliba uu igu sameeyo jaceylka aan u qabo nusqaan kuma timaado. Kadib ayaan iri dhaga wax maqla haddii aad leedahay naagtan banaanka iiga bixi inta aanan dhiigiina galin inteey naxday ayeey dag dag banaanka ugu baxday cumar ayaa igu soo haray markaas ayaan iri marka aad naag xun ileedahy baro oo la heshii adiga ayaanba kula dagaalsanahay taada xal ukeen marka hore. Kadib ayeey soo gashay cumar hooyadiis oo gabadhii labaad wado waxeey tiri gabadhaan guriga ayeey ka dhalatay iyada ayaana iska leh iiga bax inaad ugu hanjabto macquul gal ma ahan adiga ka bax taas ayaa laqaadan karaa.

Saxibayaal love ta ha ka ilaawina sheekada❤️mahadsanidin dhiri galinbay itahay

Rajadii rumoowday part:8 ❤💍 Waxaan iri maxaad isaga keey fogeeyneeysaa maxeey se tahay sababta aad u ilmeeyneyso? Wuxuu yiri maya ma ooynayo aniga waxaan iri ma aqaan sababta aad ii rafaadineeyso aniga haddii aan ogaan lahaa inaad sidaan isku badaleeyso noloshaada marnaba kuma soo biiri laheeyn haddane kalsooni ayaan kugu qabay cumar dhib maleh bini aadamka wuu is badalaa adna is badal ayaa kugu dhacay kulama yaabaayo. Markaas ayuu yiri hadda waan baxayaa soow ima aadan laheeyn iska bax nh aniga buuqa iga qaad kaliya aaad ayaan uga naxay haddalkaas cumar kama fileeynin inuu sidaas iila hadlaayo ilmadeeyda ayaan xakameeyn waayay kadib ayaan iri wax walba hadda ayaad cadeeysay inaad inacday na waad iisheegtay lkn gurigan kama tagaayo ilaa aad iga fasaxdo. Kadib ayuu yiri ����muxuu yahay fasaxa aad ka hadleeyso gurigan joog ama ka tag aniga kuma qasbaayo waxaad raali ku tahay sameey intaan ka badan hadal kuma juro karo ilbaabka ayuuna ka baxay' Aniga waxaa noqday sawir yaab ayaa iga soo haray waxaan la yaabay isbadalkan dag daga ah ee ku dhacay cumar wadnaha ayaa leeyga qabtay ilaa aan Sara jooga ka dhaco balse cidna iima dhawa oo wax icaawiya waan waayay' Markii aan roonaaday ayaan gurguurad sariirta ku tagay waana iska seexday waxaan wacay lambarka cumar si aan ugu sheego xanuunkeeyga kadib ayuu iga qabtay ayuu iga hor keenay maxaa darnaa hadda ayaanba kaasoo tagaye aniga haddalkii aan dhihi rabay ayaaba igu dhagay xitaaa codka sara uma qaadi karo. Waxaan iri kuma soo wici karo miyaa markaas ayuu yiri waad isoo wici kartaa lkn waa ineey wax muhiima jiraan waxaan iri iga raali noqo wax muhiim agtaada ka ah kuuma sheegi rabin wax aniga kaliya muhiim ii ah waaye waanku salaamayaa. Markii aan ku jaray waxaa isoo wacday gabar aan saaxiibo aheeyn salaan kadib ayeey igu tiri amiira waxaan arkay maanta makuu sheegaa kadib ayaan iri oo ma wax baad iga qarin laheeyd iisheeg saaxib markaas ayeey tiri maanta waxaan arkay cumar iyo gabar kale oo isla socda runtii cumar farxad kama muuqan balse gabadha weey faraxsaneeyd ee cumar maxaa ku dhacay gabadhana maxaa ka dhaxeeyo? Waan isku naxay markaas ayaan iri waxaas dhan war kama haayo isaga ayaan weeydiinayaa. Habeenkii markuu yimid banaanka ayuu u baxay telkana sariirta ayuu uga tagay waxaa soo dhacay teltonkiisa cabaar markuu dhacaayay ayaan qabtay dhagta ayaan iska saartay mana hadlin ileen waa gabar waxeey tiri cumar sethy? Markaas ayaan iri cumar ma joogo ee adiga yaawaaye kadib ayeey tiri mobel dadow inaad qabato miyaad isii leedahay yaawaaye adiga ayaa mudan inaan ku weeydiiyo cida aad tahay iyo sababta aad uqabatay mobilka dadow. Markaas ayaan iri waayahy iga raali noqo wuu imaanayaa qofkii lahaa iska sug. Waana ku jaray waan iska dhigay mobilkii qolka fadhiga ayaana iska tagay cumar ayaa soo galay guriga caawa dhan waxa uu la joogay hooyadiis isagoon ila haddal ayuu qolka iska galay daqiiqado kadib ayuu ii imaaday cumar Markaas ayuu yiri yaa isoo wacay intaan maqnaa kadib ayaan iri sow adiga haaysto mobilka fiiri cida soo wacday wuxuu yiri sidaas kalama jeedo ee yaad ka qabatay adiga Markaas ayaan iri gabar ayaan ka qabtay kusoo celi ayaana iri kadib ayuu yiri ma gabadha aad caaysay ayaad leedahay kusoo celi ayaan iri been miyaad baratay. Markaas ayaan iri aniga been ma baran ee adiga ayaa iga aamin baxay wuxuu yiri amiira waxba ha iida daboolin gabdhaas waa wlshey habryartey ayaana dhashay maseeyrka Iska daa. Lasoco part:9 Fadlan follow me si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Waan is haayn waayay intaan orday ayaan asoo sii jeeda hab siiyay anoo aad u ooynayo waxaan rabaa inaan hadlo haddane ma awoodo intaan soo jeediyay ayaan iri cumar adiga waad ijeceshahy sow maahan iisheeg maxaad isaga keey fogeeyneeysaa aniga myaa ku dhibay.. Lasoco part:8 Fadlan follow me si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Rajadii rumoowday part:7❤💍 Wuxuu igu yiri seexo fikir hurdo kuu noqon maayo aniga waan ka xumaaday midaas halkeygiina kama istaagin markaas ayuu sariirta tagay markuu cabaar fadhiyay ayuu igu soo laabtay isagoon ila haddal ayuu gacanta iqabtay kadib ayuu yiri istaag waan soo istaagay sariirta ayuuna igeeyay dhinaca kale ayuuna seexday xagana usii jeestay anna waan iska seexday balse hurdo waanba iska waayay. Cumar mar hadduu dhulkii iga soo waday waxa uu aaminsan yahay inaan hurday balse ma hurdi karo aniga sidaan usoo jeeday waxaa la gaaray xiligii salaada waan kacay markii aan Tukaday ayaan kusoo laabtay cumar si aan u kiciyo maadaama uu iga hor kici jiray waan fahmi waayay waxa maanta ku dhacay markii aan dul imid waxaan garan waayay qaab aan ula hadlo cabsi ayaaba igashay anoo weli dul taagan ereyna dhihin ayuu soo dhacay telfonka cumar indhaha ayuu kala furay waxa uuna arkay anoo dul taagan. Aniga isla markii waan ka tagay xaga jikada ayaan aaday quraac diyaaris ayaan iska galay cumar na banaanka ayuu usoo baxay markuu tukaday ayuu qolka ku laabtay cumar markiisi hore markuu tukado horay kama uusan seexan jirin ilaa uu ka tagaayo ayuu iisheekeeyn jiray mar marka qaarna wuu icaawin jiray balse saakay weeyka duwan tahay subaxyadii hore. Quraacdii markii aan sameeyay miiska ayaan ugu soo diyaariyay jikada ayaana iska soo galay maskaxdeeyda buuq fara badan ayaa ku furmay marba si ayaan u fikiray waayo isma dhihin marnaba cumar dhaqsiyahaan ayuu isku badalayaa . Waxàan soo galay guriga waxaan arkay cumar oo labistay oo rabo inuu baxo kadib ayaan iri maxaa dhacay quraacda maa cuntid saacadaas ayaan jiko ugalay si aadan baahi ugu tagin maxaa kaa qaldan cumar. Kadib ayuu yiri quraaco adiga aniga baahiba ima haayso marka raashinka xageen gelinayaa mise waad igu qasbeeysaa? Intaas markii aan maqlay waan xanaaqay kalarka intaan qabtay ayaan shaarkii dhamaa laba cad udhigay oo waan ka jeexay kadib ayaan iri waxaad ugu tala gashay inaad istrees igu rido miyaa markale isku kaa howli maayo. Markaas ayuu yiri inaad sharka iga jeexdo haddii aad ku nafiseyso waxba uma arko aniga balse maskaxdaada buuqa ka yareey intaanan u jawaabin ayeey ilbaabka kasoo gashay cumar hooyadiis waxeeyna aragtay cumar oo xiran shaar jeexan kadib ayeey tiri oo maxaa kaa jeexay shaarkana? Markaas ayuu yiri maya hooyo aniga ayuu iga jeexmay kadib ayeey tiri maa runta iisheegtid ma amiira kula dagaashay saakay? Markaas ayuu yiri maya hooyo wax dhiba majiraan intaan hadlay ayaan iri aniga ayaa ka jeexay shaarka sow marabin inaad ogaato haa anigaa ka jeexay Kadib ayeey tiri ma waxaad bilaawday wiilkeyga baariga ah inaad sidaan umurjiso farxadiisana aad baa bi' iso markaas ayaan iri qofka farxadiisa la cirib tiray waa aniga intaas markaan iri cumar hooyadiis dhankeyga ayeey soo aaday dharbaaxsho ayeeyna igu dhufatay kadib ayeey tiri iiga bax gurigeyga aad meeshaad ka timid Cumar intuu soo orday ayuu qabtay hooyadiis kadib ayuu yiri hooyo is xakameey pls gabadhaan iska dhaaf shaar jeex jeexow haddey rabto wixii guriga shaar yal ha jeex jeexdo kaliya iska dhaaf adiga intaas markii aay haddalka wadeen dharkeyga ayaan aruuris ugalay cumar waxa uu dareemay in aan bixi rabo intuu soo orday ayuu gacanta iqabtay wuxuuna igu yiri intaas kaliya miyaad guriga uga tageeysaa maya midaas ha sameeynin joog gurigan. Indhaheyga waxaa soo dhaaftay ilin aanan xad laheeyn kadib ayaan iri aniga gurigan joogis iima leh horaanba adiga dartaa ayaan ujoogay maantana adigaa wajiga iibadalay marka waan iska baxayaa aniga. Wuxuu yiri waayahay qalbiga ayaa aad iigubtay waxaan is iri sow ma aragtid cumar wuxuu rabaa inaad ka tagto qofka xanuunka dareemayo waa adigoo kaliya markii aan dharkii gurtay ayaan ayaan xagiisa soo fiiriyay kadib ayaan arkay ilin dhabankiisa ku taalo markuu arkay inaan fiirinaayo ayuu dhabarka iiso jeediyay.

Rajadii rumoowday part:6❤💍 Wuxuu yiri cumar markale hasoo haddal qaadin hooyadeey waxaagu waaka bad badis markii aan intaas ka maqlay cumar waxaa igu siyaaday qalbi xanuunkii ihaayay' waayo cumar markaan arkay inuu isoo agfariistay waxaan ka filaayay inuu iraali galin doono farxad na aan ku seexan doono balse haddalo xanuun badan ayaan kala kulmay mar labaad. Waxaan sameeyo ayaan garan waayay waxaan soo qabtay gacanta cumar kadib ayaan iri cumar sidaan makaa dhabaa farxadii jaceylkii iyo wixii wanaag naga dhaxeeyay caawa murug miyaad kusoo koobtay cumar waanku baryaa sidaan naga baddal sideeni aan kusoo noqono' Wuxuu yiri cumar xiligan waa habeen waana xili dambe marka seexo lama joogo waqti arimahaas laga hadlo ee seexo iska daa wal walkan faraha badan. Waxaan iri waxaad ileedahay ha walwalin haddane adigaa idhahaayo ereyo aanan u wanaagsaneyn quluubteyda waayo sidaan kaagama baran cumar wixii jiro iisheeg kadib ayuu yiri waxba ma jiraan ee adiga sidaan kuma fiyoobid maleeyga kaa dambeeyay maxey tahay waxa dhib kaa muuqdo aad ayaad u wal walsan tahay adigaba ii waranoo wax iisheeg. Markaas ayaan iri adigoo og in aanay xaaladeyda caadi aheeyn ayaad igu sii qeeylineeysaa intaad iinaxariisan laheeyd waligeey caawa murugta aan dareemaayo oo kale ima soo marin. Wuxuu yiri cumar maxaad la murugooneeysaa aniga waan dhiman karaa markaasna waad iga sabreeysaa hadda anoo hortaada fadhiyo ayaad murugo doorsoon taye sababta iisheeg jaceylka xitaa wuu dhamaadaaa.! Markuu yiri jaceylka waa dhamaadaa waxaa niyadeyda gashay in uu cumar si dadban iigu sheegaayo in uu inacay uu igala xishooday si bareer ah kadib ayaan iri cumar waxaas oo dhan iska dhaaf aniga waad inacday soow maahan jaceylkii aad ii qabtay wuu dhamaaday sow maahan? Markaas ayuu yiri aniga kuma dhihin jaceyl ayaa dhexdeena ka dhamaaday ee waxaan la yaabanahy dhibta kuhaaysato adiga. Kadib ayaan iri cumar waanku baryaa ifahan ma ogid miyaa erey walba oo aad idhahdo inuu toos u aadaayo qalbigeyga haddii aad ogaan laheeyd xanuunka aan dareemaayo waxaa macquul ahaan laheeyd in aad iidamqan laheeyd. Kadib ayuu aamusay cumar cabaar markuu aamusnaa ayaan iri cumar ila haddal wax uun idheh markaas ayuu yiri waad saxan tahay balse hadda jawaab waafiya kuuma haayo waxaan rabaa inaan seexdo gacanta iisii daa Markaas ayaan iska daayay gacantiisa intuu istaagay ayuu yiri seexo fikir hurdo kuu noqon maayo. Lasoco part:7 Fadlan #follow me si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Sheekada qayb labaadna aan idi ku so dare love like u badiya asahaptayda Qaliga waana ku mahadsantin sida ila socotin❤️👍😍

Rajadii rumoowday part:5❤💍 Waxaa layaab igu noqday jawaabaha cumar iyo sida kulul ee uu iila hadlaayo haddane waan is dajiyay kadib ayaan iri cumar is daji aniga wax weeyn kuma dhihin kaliya waan kula kaftamaayay intaas miyaad ka carooneeysaa? Wuxuu yiri maya aniga maba careeysni kaliya adigaa mooday haddii aan hooyadeey lasoo casheeyo micnaheedu ma ahan inaan kuu careeysanahy markaas ayaan iri aniga kuma dhihin hooyadaa hala casheeyn balse xanaaq kale ayaan kaa dareemay sidaas darteed ayaan kuu iri maxaa jira haddii aad dhibsatayna waan kaa deeynayaa. Kadib ayuu yiri cumar intaan ka badan ma doodi karo waan iska seexanayaa waan daalanahy waxaan iri waayahay iska seexo igana raali noqo haddii aan ku dhibay cumar iima jawaabin sariirta ayuuna isku tuuray oo durbadiiba waa uu seexday Balse aniga waxaan weli gadhiyaa halkuu iiga tagay oo waxaan ka fikirayaa isbadalka cumar ku dhacay anigoo dareensan in hooyadiis wax usoo usheegtay hadaladii ay maanta igu tirina quluubteyda gubayaan ayaan halkii saacado fadhiyay' Waxaan fiiriyay cumar kamaba qasna oo hurdadiisa ayaa dhaceeyso waxaan soo xasuustay cumar jaceylkii iyo farxadii na dhax taalay iyo siduu iiga fikiri jiray iyo caawa oo xitaa ii quuri waayay soo seexo cashadii aan saacadaha badan la sugaayayna iyadoo miiska saaran iiga dhaqaayay' Waxaan niyada gashtay in cumar iyo hooyadiis caawa heshiis soo galeen lana raadinaayo sidii gurigaba leeyga musaafurin lahaa waxaanba ilaaway in aan meel kaligeey fadhiyo habeena ay tahay. Gursigii aan ku fadhiyay markii aan ku daalay waan isaga dagay shumaca ayaana iska seexday intaas maskaxdeydu caadi ma ahan mana dareensani waxa aan sameeynaayo xitaa waan ilaaway inaan sariirta tago. Ilmada iga socotaa waxeey qooysay shumaca xitaa ma awoodo inaan iska masaxo sidii ayeey hurdo iila tagtay. Mar aan garan waayay waxeey tahay iyo waxa igu dhacay ayaan indhaha kala furay waxaan indhaha ku dhuftay cumar oo agteyda fadhiyo waxaa niyada iska iri waad riyooneeysaa. Mar labaad markii aan fiiriyay ayaan dareemay in aanan riyo ku jurin kadib ayuu cumar ila hadlay wuxuuna yiri maxaa kugu dhacay oo saacadaan shumaca ku seexiyay firaash la.aan miyaa jirto kadib ayaan iri maya maba ogi goorta aan halkaan seexday waan daalanaa Wuxuu yiri maxaad ku daashay oo aad qabatay maanta markaas ayaan iri howl la qabtay kaliya laguma daalo ogoow markaas ayuu yiri cumar maxaa kaloo kudaashay bal iisheeg waxaan iri qalbiga ayaan ka daalay ee ma ahan daal jireed. Markaas ayuu yiri cumar oo maxaa qalbiga kaa daaliyay waxaan iri adiga iyo hooyadaa nolosheyda oo dhan maalin iyo habeen ayaad ku badasheen intuu soo booday ayuu yiri cumar imaqal amiira hooyadeey caawa ilaa saq barkaan ayaad afka ku haaysaa hooyadeey ma ahan gabar kugu fac ah waxbana kaama aysan sameeyn ee jooji hana soo hadal qaadin hooyadeey... Lasoco part:6 Fadlan #follow me si aad ula socoto qeybta xigta ku casuun sheekadaan dhowr qof oo kamid ah asxaabtaada si ay kuula aqristaan mahadsanid

Rajadii rumoowday part:4❤💍 Wuxuu yiri hal sheeko ma ahane boqolaal sheeko ayaan kuu hayaa kadib ayaan iri waayahay markaan waxaad moodaa cabsidii ineey iga sii yaraatay cumar iyo aniga waxaan wadda joognay mudo laba sano ah oo aan farxad kuwada nooleeyn' Cumar hooyadiis waxaa ku dhacay isbadal xageeyga ah waxaan is iri laga yaabee ineey arimo kale jiraan sidaas darteed ay isku badashay balse arintu sidaas weey ka duwan tahay oo cumar hooyadiis waxeey dhibsatay inaan weli wax ilmo ah aanan dhalin in kastoo wax waliba qadar yahiin haddane cumar hooyadiis weey ucuntami weeyday arintaan. Xili galab ah ayeey cumar hooyadiis iigu soo gashay qolkeyga sariirta ayeeyna dhinac kasoo fariisatay sidii caadada aheeyd sheeko yar kadib waxeey igu tiri amiira waxaan umaleeynayaa adiga iyo cumar in aadan isku laheeynaha wax awlaad ah ! aad baan uga naxay ereygaas kadib ayaan iri maya hooyo sidaas ha dhihin cumar caruurteeyda aabahood waaye waana rajeeynayaa in aan awlaad isku dhaleeyno. Markaas ayeey tiri waxaad wadda jirtaan mudo laba sano ah welina waxba ma aadan dhalin kwrn haddii aad sanado kale kusii darsato ma sidaan ayaad meel cidlaa u jiifeeysaa ? Waxaan iri hooyo waxaas oo dhan ma dhacayaan insha Allah cumar marabo inaan kala fogaano awlaadana Allaa haayo isagaana nasiinaayo ama nasiin maayo midaas wal wal kama qabo aniga rajadeeyda waa inaan cumar la noolaado caruur haddii aan dhalaayo cumar aabahood ha noqdo. Markaas ayeey tiri noloshaada cidna haku xirin waxaa laga yaabaa inaadan cumar waxba isku laheeynaha oo aad is daalineeyso' Waxaan iri hooyo cidna ma ogaan karto waxa soo socda marka wax walba sidaan rajeeynaayo Allaha ka dhigo. Cumar hooyadiis weey iga tagtay isla.markii aay iga tagtay waxaa igu beermay walwal aan markii hore qabin' Haddane waan is dajiyay maadaama aan aaminsanahy qadarta rabbi Alle ayaan iska talo saartay haddane hadalkii maamada ayaa igu soo maaxanaayo Fiidkii ayuu cumar yimid salaan kadib cumar waxaan ka dareemay is badal inkastuu isbadalku saaid ku aheeyn haddane waan dareemay kadib ayaan usoo diraariyay casho una keenay markaas ayuu yiri casha marabo waa kaligaa aad baan ula yaabay Waxaan iri xageed kasoo casheeysay wuxuu yiri markii aan guriga soo galay hooyo oo casheeyneysa ayaa igu qasabtay inaan la casheeyo sidii ayaana ula soo casheeyay. Kadib ayaan iri casha wax ka weeyn miyaa lagu soo siiyay waxaan casha ka weeyne Intuu xanaaqay ayuu yiri amiira waad qaldan tahay Waxa aad ku hadleyso ka fiirso markaas ayaan iri cumar aniga miyaad ileedahy waad qaldan tahay maxaan ku qaldanahy iisheeg? Kadib ayuu yiri waxaad isiiso hooyo igama wareeysato maxeey tahay caawa kaliya hooyo lasoo casheeyay iileedahy waxkla lagu siiyay ?... Lasoco part:5 Fadlan #follow iso dheh si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Rajadii rumoowday part:3 ❤💍 Markuu cumar ilbaabka kasoo galay hooyadiis weey faarujisay goobta aniga waxaan dareemay cabsi fara badan haddane waan is dajiyay, Cumar waxa uu dareemay ineey baqdin igu jurto kadib ayuu igu yiri amiira waxeey ila noqotay riyo codkiisa waxa uu ila noqday ruux meel dheer iga wacayo malaha waa cabsida igu jurto oo anaa goobtaba ka maqan 😅 Intuu iisoo dhawaaday ayuu gacantiisa garabkeyga saaray waxaan dareemay in sheekadu dhab tahay kadib ayuu yiri amiira maxaa dhacay sow ma fiicnid intaan soo booday sidii ruux hurdo laga toosiyay ayaan ku iri haa waan fiicanhy' Cumar waxa uu la yaabay isbadalka igu dhacay maadaama anigoo qoslaayo uu iisoo galay haddane haddalka aan kari la' ahay markaas ayuu yiri maxaa is badalay aniga baahal miyaan ahay maxaad iiga cabsaneeysaa caadi iska dhig sidaan kama helin aniga Kadib ayaan iri waayahay wuxuu yiri sidaad hooyo ula qosleeysay ana iila farax midaas ayaan rabaa waxaan iri maka maseeyrtay hooyo kadib ayuu yiri maseeyr iyo waxey yahiin ma aqaan kaliya waxaan u baahanahy faraxadaada' Kadib ayaan iri waan ogahay lkn hooyo sheekadeeda ayaan u bogay waan ladhacay runtii adiga sheeko mcn iiga sheekeey markaas ayaan kula farxaaye Markaas ayuu yiri hal sheeko ma ahan boqolaal sheeko ayaan kuu hayaa😅... Lasoco part:4 Fadlan #follow iso dheh si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Rajaddii rumoowday part:2❤💍 Waxaan ku iri dib noogu dhig maadaama aan mar dhow isbaranay balse cumar waa uu iga diiday wuxuuna yiri dib inaan udhigo ma rabo lkn maxaad ku diideeysaa inaan hadda aqal galno ima jeclid miyaa? Waxaan iri waanku jeclahy sidaa jeceshahy ayaan kula jeclahy guurkaagana diyaar ayaan u ahay waliba xiliga aad rabtid adiga Markaas ayuu yiri cumar waayahy amiira waad mahad santahay waxaan diyaarinayaa gurigii aan wadda dagi laheyn dhawaan Kadib waan is macsalaameeynay waxaan u tagay hooyadeey arintii ayaana la wadaagay kadib ayeey igu tiri waan kuu guurinaynaa marba haddii aay naftaadu raali ka tahay waxaan iri mahadsanid hooyo aabe adiga lee usheeg Kadib ayeey tiri hooyo waayahy anigaa usheegayo waan kasoo tagay hooyo waxaana soo galay qolkeyga runtii waan ku farxay inaan cumar xaaskiisa noqon rabo isbuuc kadib waxaa yimid cumar iyo reerkiisa soo dhaweeyn iyo wadda Haddal kadib aniga iyo cumar waxaa dhacay meherkeena sidii ayaana lagu kala tagay Saacado kadib ayuu cumar isoo wacay anigoo ka xishoonaya sidii inuu ila joogo ayaan ka qabtay salaan kadib ayuu yiri amiira maanta maalmihii hore weey iiga duwan tahay Markaas ayaan iri lkn sabab wuxuu yiri maanta waxaan helay qofkii aan dumarka oo idil ka soocday waxaan kalo noqday qof masuuliyad qaaday waxaaan dareemayaa inaan nafteeyda iyo caruurteenaba u dooray hooyo wanaagsan waanku jeclahy amiira Aniga intaas markii aay dhagaheeyga ku dhaceen Waxaa imartay leeyr qaboow waxaana igu sii balaartay jaceylkii aan uqabay cumar kadib ayaan ku iri anigaba waanku jeclahy cumar waana ku faraxsanahy inaa noqday marwadaada, Mudo kadib waxaa dhacay guurkeena waxaana leey galbiyay gurigeyga guriga aan dagnay waxaa ku nool cumar familkiisa oo dhan ana qol gaara ayaa ley dajiyay Fiidkii markii ay dhamaan dadkii ila socday hoydeen waxaa qolka kusoo haray aniga kaliya daqiiqado kadib waxaa iisoo gashay cumar hooyadiis weey isoo ag fariisatay cabaar ayaan sheekeeysany runtii waan ka helay haddaleeda mcn sidii ineey idhashay oo kale ayeey farxada iila.qeeybsatay Waxaa niyada iska iri amiiroy wxaad heshay hooyo labaad nasiib ayaad leedahy anagoo qosolkeenna dhacaayo sidii dad waayo badan wada noolaa ayuu cumar noogu soo galay qolka Markii aan cumar indhaha ku dhuftay haddalkii ayaa igu xirmay qosolkii iyo farxadiina naxtin ayeey isku badaleen isla markuu cumar soo galay hooyadiis ilbaabka ayeey ka baxday.. Lasoco part:3 Fadlan #follow me si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid