en
Feedback
Dareen jaceyl❤️💋

Dareen jaceyl❤️💋

Open in Telegram

♥️🌎🅰️ One of them is very far, and closer to me than everything 💨🖤 أحدُهم في غاية البُعد ، و أقرب لِي مِن كل شي💨🖤

Show more
4 275
Subscribers
+124 hours
+477 days
+12830 days
Posts Archive
Naftaada inaad dhirigaliso wax ka qurux badani majirto😍❤️

izka daa kurbada badan Hana kaydzan murugada Kor u qaad naftaadoo Waligaa iz kaaLmeee😎👈

*"Maaha qasab qof walba oo wanaagsan oo ay naftaadu ka heshay inaad rafiiq sii wada ahaanaysaan..* *Waayo qof walba wuxuu raacaya ama eryanayaa nolol, dano, iyo waayo u gaar ah..* *Oo ilowsiinaya ama ku qasbaga inuu ka fogaado dad badan iyo waxyaabo badan oo uu jeclaa🍁*

Kuwa mar walba faraxsan waa dad ogaaday in murugadu aanay soo cusboonaysiin wixii hore, soona celinayn wixii tegay, ka maqanna aanay keenaynin, markaasay iska daayeen, noloshana u dhoola cadeeyeen.💙

Waxyaabaha taban ee qofka noloshiisa sida wayn u burburiya,ha ahaato farxad,fayoobi iyo fiicnaan kaleba e,waxa kamid ah soo-jeedka iyo saamaylka badan (dhafarka habeenimo). Waana caado qofka joogteeya ee laasima ka dhigta mid liita oo qiimi nafeed iyo qofnimaba ka madhan isla markaana dan-seegnimo iyo fadhiidnimo u hogaamisa. Iska ilaali inaad wakhti dheer oo habeenkaaga kamida in aad waxaan dheef lahayn ku baabiiso,oo door bid inaad jidhkaaga iyo jiritaankaagaba u nasato.

Waxa la dhahay 40 qof fucadooda wala aqbala walalahay iso duceeya waan xanuusanaya wa mahadsantihin dhamaantin🥹🤲

Markii aan mudo yar joogay waan fooshay isbital ayuuna igeeyay cumar isla markii cumar hooyadiis iyo hooyadeey ayaa iigu yimid isbitalka saacado yar kadib waxaan dhalay wiil iyo gabar mataano ah aad ayaan ugu farxay in aan dhalay laba caruur oo caafimaad qaba waxaan fiiriyay cumar wajigiisa runtii ilin farxadeed ayaa dhabanadiisa qooysay markaas ayuu yiri amiira ilmaha yaa magac ubixinayo ma adiga mise aniga markaas ayaan iri maadaama aay labo yihiin mid adiga ubixi Ana kan soo hara ayaan ubixinayaa Kadib ayuu yiri gabadeyda ayaan magac ubixinayaa waxaana u bixiyay Hamdi Markaas ayaan iri ana wiilkeyga waxaan u bixiyay farxaan... DH A M A A D Sheekadan saameyn intee la ega ayeey kugu yeelatay haddii aad lasocotay? Fadlan #follow me si aad uga mid noqotid asxbteyda mhdsnd

Rajadii rumoowday part:20❤💍 Waxaan iri marka hore soo gal gudaha kadib lee idheh waxaa doonto markiii uu gudaha soo galay ayaan fariisanay qolka fadhiga markaas ayuu yiri cumar amiira indhahaaga isku xir kadib ayaan iri maxaa dhacay anoo indhaha xirin isii waxaad isiin rabto wuxuu yiri maya isku xir marka hore kadib indhaha ayaan isku xiray' Wax yar kadib ayuu yiri hadda waad kala furi kartaa indhaha halmar ayaan indhaha kala furay anigoo dhararsan hadyada uu cumar isiin rabo waxaan indhaha saaray dahab aad u qurux badan iyo ubax gaduudan aad ayaan uga helay markaas ayaan ubaxi ka qaatay cumar hab ayaana siiyay kadib ayaan iri cumar waad mahadsan tahay farxad badan ayaad isiisay nolosheyda adigaa iftiimiyay ' markii aanfariisanay ayuu yiri cumar lkn dahabka miyaad iloowday markii uu sidaas yiri ayuu dahabki igu soo dhacay markaas ayaan soo qabsaday kadib ayaan iri maya ma ilaawin xbbi sideen u ilawaa hadyad aad adigu iikeentay. Markaas ayuu yiri cumar amiira waanka helay hadyada aan kuu keenay mid waa dahab oo waxaan kusoo iibiyay lacag fara badan lkn ubaxa waxaan soo siistay wax aad u yar haddane waxaan filaayay inaad ku hormari doonto dahabka balse ma aysan noqon sidaas oo waxaad durba qaadatay ubaxii taas waxaan ka helay farxad waayo waxaan ogaaday in aadan marnaba maal igu doorsaneeyn jaceyl dhabana aad ii qabto ana waa balan inaan ku dhoowrto inta aan noolahay amiira kaliya ma tihid xaaskeyga ee waxaa tahay sababta farxadeeyda quruxda nolosheeyda iyo xasiloonida nafteyda Markaas ayaan iri lkn cumar ma fileeyn in ragu halkaas wax ka eegaan bal kwrn haddii aan dahabka qaadan lahaa ubaxana meeshiisa ku ilaawi lahaa maka xumaan laheeyd? Kadib ayuu yiri maya marnaba kaama xumaanaayo adiga wax walba waan kuugu dulqaadan lahaa. Kadib ayaan iri mahadsanid lkn ma ogtahay hooyo inaa timid markaas ayuu yiri maya ma oga hadda ayaan aadayaa markii aan nasto kabacdi waxaan iri waayahay Cumar hooyadiis gurigeeda ayuu ugu tagaa balse aniga ma aado iyaduna iima timaado ilmaheygi waxeey gaareen 8 bilood waan cuslaaday heer waxaan gaaray in aan cumar adeega udirsado iina soo adeego cumar hooyadiis waxeey maqashay inaan uur leeyahay waxeey cumar ku tiri gurigaaga igeey amiira ayaan soo arkayaa cumar wuxuu yiri waayahay isagoo an iisheegin ayuuna soo waday hooyadiis Aniga waxaan iska joogay guriga halmar ayaa leeygu soo garaacay guriga durba waxaan soo aaday xaga ilbaabka waayo waxaan filayaa inuu cumar yahay maadaama aaney cidkalaba meeshan igu soo booqan waxaan indhaha saaray cumar iyo hooyadiis oo ilbaabka taagan gudaha ayeey usoo galeen waan salaamay waxaan damcay inaan ka qariyo ilmaha ku jira caloosheeyda balse maba ahan wax qarsoomaayo markaas ayeey tiri amiira iiwrn? Waxan iri waan fiicanhy hooyo alxm wax dhiba majiraan markaas ayeey tiri adinku waad iga soo fogaateen balse aniga waxaan ahay waalid oo waan idin soo raadiyay Markaas ayaan iri waan ka xumahay hooyo inaan kusoo raadin waayay koley cumar isma moogaatiine markas ayeey tiri adiga xaq baad uleedahay in aadan isoo raadin waayo gurigeyga ayaan kaasoo eryay balsw maanta waxaan rabaa inaad i cafiso kadib ayaan iri maya hooyo aniga cidna uma careeysni calool ku qaadna ma aqaan durbabiida waan ilaaway wixii na dhex maray' Markaas ayeey tiri waad mahadsan tahay hooyo waan kuu duceeyay ubadka aad dhashana kuwo sidiina u hagaagsan Allaha ka dhigo wiilkeyga cumar iyo adigaba waxaan rabo ayaan idin iri haddane waxaad iila dhaqanteen sidii dad aan wanaajiyay oo kale wiilkeyga cumar iyo adigaba waan idiin duceeyay adinkuna iska keey cafiya weeyna baxday cumar hooyadiis. Markaas ayuu yiri cumar amiira waan aamini la.ahay nolosheena sideey isku badashay illahey awood badanaa !! Markaas ayaan iri hala yaabin cumar Alle waa naxariis badane cidii wax weeydiisatana wuu siiyaa waxaa macquul ah ineey kaasoo daahaan balse waxaan aaminsanahy inaad heleeyso aniga wax badan ayaan Alle noo weydiiyay farxad bal fiiri maanta farxada aan helnay Alxmdulilah sabarkeeni kuma qasaarin cumar kadib ayuu yiri waa runtaa amiira Alle ayeey mahad usugnaatay!

𝗪𝗮𝘅𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝗾𝘂𝗿𝘂𝘅𝗱𝗮 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗘𝗲 𝗹𝗮 𝗵𝗲𝗹𝗮 𝗡𝗼𝗹𝗼𝘀𝗵𝗮 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗮𝗵 𝗝𝗮𝗰𝗲𝘆𝗹. 𝗛𝗮𝗱𝘂𝘂𝘀𝗮𝗻 𝗷𝗶
𝗪𝗮𝘅𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝗾𝘂𝗿𝘂𝘅𝗱𝗮 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗘𝗲 𝗹𝗮 𝗵𝗲𝗹𝗮 𝗡𝗼𝗹𝗼𝘀𝗵𝗮 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗮𝗵 𝗝𝗮𝗰𝗲𝘆𝗹. 𝗛𝗮𝗱𝘂𝘂𝘀𝗮𝗻 𝗷𝗶𝗿𝗶𝗻𝗻𝗮 𝗡𝗼𝗹𝗼𝘀𝗵𝘂 𝗺𝗮𝗰𝗻𝗼.𝗺𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮𝗮𝘁𝗲𝗻. 𝗠𝗮𝗿𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗾𝗮𝗮𝗿 𝗻𝗼𝗹𝗼𝗹𝘀𝗵𝗮𝗮𝗱𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮 𝗸𝘂𝘀𝗼 𝗯𝗶𝗶𝗿𝗶 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗮 𝗾𝗼𝗳 𝗸𝗮𝗮 𝗷𝗲𝗰𝗹𝗮𝗮𝗻 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗮 𝘄𝗮𝘅 𝘄𝗮𝗹𝗯𝗮𝗮. 𝗙𝗮𝗿𝘅𝗮𝗱𝗮𝗮𝗱𝘂𝗻𝗮 𝗮𝘆 𝘁𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗳𝗮𝗿𝘅𝗮𝗱𝗶𝗶𝘀𝗮.𝗶𝗹𝗺𝗮𝗱𝗮𝗮𝗱𝘂𝗻𝗮 𝗮𝘆 𝗱𝗵𝗶𝗯𝗲𝘆𝘀𝗼. 𝗛𝗮𝗱𝘂𝘂 𝗾𝗼𝗳𝗸𝗮𝗮𝘀𝗶 𝗻𝗼𝗹𝗼𝘀𝗵𝗮𝗮𝗱𝗮 𝗸𝘂 𝗝𝗶𝗿𝗼 𝗶𝗹𝗮𝗮𝘀𝗵𝗼__𝗵𝗮𝗱𝗮 𝗮𝘆𝘂𝘂𝗻𝗽𝗮 𝗚𝘂𝘂𝘀𝗵𝗮 𝘂.𝗱𝗵𝗮𝘄𝗱𝗮𝘆_🫵🖊️📚

Rajadii rumoowday part:19❤💍 Wuxuu yiri cumar amiira waxaan dhararsanahy inta aan kuu imaanaayo markaas ayaan iri adigoo ila jooga waxba ma dhaanto marba haddii aan farxada wada qeybsanay cumar jaradeeydi weey ii rumoowday kaliya waxa aan ii rumoobin weli waa riyadii aan arkay ee mataanaha Kadib ayuu yiri cumar marba haddii Alle rajadii inoo rumeeyay riyada waxba maahan qali waxaa ii muhiim ah kaliya inaan waalid noqono waana rajeeynayaa ubad caafimaad qaba baariyaal ah inuu noo dhasho waxaan iri gabar ama wiil sida adiga baari u ah Allaha nooga dhigo cumar Markaas ayuu yiri cumar adigaba waxaa tahay baariyad waxaan aaminsanahy in aaney jirin gabar kaa baarisan adiga dulqaadkaaga waa mid aad u sareeyo waan la cajabay dulqaadka iyo naxariista rabbi kugu maneeystay ! Run ahaantii waan ku farxay haddalka cumar markaas ayaan iri mahadsamid xbbi lkn goormeed soo baxeeysaa? Kadib ayuu yiri farxadeena aawgeed berito waan kuu imaanayaa xbbti markaas ayaan iri waayahay iisoo dhaqso adoo caafimaad qaba Allaha isku keen keeno cumar. Nolosheeyda si dhaqsiyo ah ayeey isku badashay waxaan deris noqonay farxad wixii culees ihaaystay waxeey isku badaleen fudeeyd waxaan dareemay in Alle weeyne wixii laga baryo in badan kusiin doono mar uun samar walba iyo muruga walbana farxad ka dambeeyso. Waan soo istaagay waan soo weeysa qaatay saliga ayaana dul tagay waxaan tukaday laba rakco salaad suno ah waxaana umahad naqay illahey waxaana iri oo aan ku duceeystay rabiyoow waxaan kaa baryay owlaad inaad isiiso ee aad igu beerto maanta rajadeeydi waad aqbashay rabiyoow maantana waxaan ku weeydiisanayaa inaad iiga dhigto caruurta aad uurkeyga ku beertay kuwo caafimaad iigu dhasha baariyaal ah adduun iyo aaqiraba i anfaco rabiyow iiga yeel ubad hagaagsan oo ifarxad geliya. Subaxii ayaa la gaaray wixii aan sugaba waxaa ilbaabka soo garaacay cumar markii aan ilbaabka ka furay waxaan arkay cumar oo aad iisoo fiirinaayo markaas ayaan iri sidaas dhan ha ii fiirin ileen ibaran meeysid haddee kadib ayuu yiri cumar saakay maba lagu moodo amiiradii hore waxaan iri sabab? Markaas ayuu yiri quruxdaadi waxaa kuugu darsamay mid labaad waxa kaliya ee kaa maqnaa malaha waa farxad in kasto aanan dareemi jirin in qurux kuu dhimani jirto haddane waxeey noqotay laba jibaar.. Lasoco part:20 Fadlan #follow me si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Markaas ayuu yiri waan isku xiray xitaa afka ayaan kudarayaahe iisheeg intaan ka badan ma sugi karo xbbti kadib ayaan iri aabe ayaad noqotay cumar !! Markas ayuu cumar cabaar aamusay waan naxay markaas ayaan iri cumar kuma farxin miyaa arintaas kadib ayuu yiri farxada aan faraxsanahy waxaan umaleeynayaa in cid haaysataa dunida saarneeyn caawa haddii aan kula joogi lahaa waa dareemi laheeyd laabteyda ayaana ku galin lahaa waxaan dhararsanahay inta aan kuu imaanaayo amiira ! Lasoco part:19 Fadlan #share gareeya #like badana saara mahadsanidiin

Rajadii rumoowday part:18❤💍 Markii ay ka baxday farxiyo mobilka ayaan ku iri cumar maanta farxiyo maxaad is tiraahdeen waatan wanaagsanaataye kadib ayuu yiri cumar farxiyo qaladkeedi ayeey aqoon satay kaliya waxkale ma jiraan xbbti waxaan iri hooyana goormee ayeey ogaan doontaa qaladkeeda wuxuu yiri taas ma sheegi karo waan arki doonaa goorta ay isbadasho. Waxaan iri cumar waxaan rajeeynayaa in nolosheeni sidii hore kusoo noqoto oo aan farxad waarto helno waxaan dareemayaa in culees badan inaga dagi doono goorta ay noqotaba midaas ayaana sugi la.ahay Kadib ayuu yiri cumar amiira hadda sow iima faraxsanid wax walba waxaa iiga muhiim san farxadaada intaas ayaa iga badan waxaan iri haa waan faraxsanahy lkn weli waxbaa dhiman farxadeeyda dhameeys maaha markaas ayuu yiri cumar weey noqon doontaa waan daahay in aan baxo ayaan rabaa waxaan iri wayahay xbbi iska bax markuu baxay ayuu isoo wacay galabtii waxa uuna ii sheegay in uu safar dag dag ah soo galay waxaan iri lkn yaa ila joogaya gurigan cidlada ah kadib ayuu yiri boorsadeyda iisii diyaari markuu yimid ayuu yiri amiira safarkan kama baaqan karo adna gurigan cidlo ayuu kugu noqone maxaan sameeynaa ? Markaas ayaan iri waan iska joogayaa inta aad maqan tahay halkaan ayaan sii joogayaa ee iska bax lkn soo dhaqso wuxuu yiri waayahay waa uuna baxay cumar Markuu cumar maqnaa mudo 20 cesho ah waxaan iska dareemay is badal fara badan iyo in aanan aheeyn amiira deeydi hore waxaan wacay cumar waxa aanan usheegay in aan xanuunsanahy cumar aad ayuu u naxay markaas ayuu yiri waaan soo baxayaa adigoo xanuunsan cidladaas na jooga kaama sii maqnaan karo Kadib ayaan iri iska soo dhameeyso shaqadaada anig ayaa taqtar utagaya waana caafimaadayaa adiga ha ii walwalin. Wuxuu yiri cumar dhaqso oo u tag taqtarka jawaabtana ilasoo socodsii xbbti. Waxaan iri waayahay waan kusoo wacayaa kadib ayaan baxay waxaana u tagay taqtar xanuunkii ihaayay ayaan uga waramay markaas ayuu iweeydiiyay inaan xaas ahay waxaan ku iri waxaan ahay xaas balse xanuun ayaa ihaayo ee iga daweey ninkii taqtarka ahaa ayaa igu yiri waxaan kaa baarayaa uur kadib ayaan ku iri maya wll uur malihi waan hubaaye xanuunada kale iga baar Ninkii taqtarka ahaa wuu ila yaabay markaas ayuu yiri wll maxaa kaa qaldan aan ku baaro maadaama aad tahay gabar xaas ah ugu dambeyn markuu igu adkeeyay ayaan iri waayahay iga baar Inta ninka dhaqtarka ah baaritaanka ku hoowlanaa waxaan islahaa muxuu iska daalinayaa uur maba lihide markuu taqtaqrkii xageeyga soo aaday waxaan sugi waayay inta uu jawaabta iga siinaayo.. Markaas ayuu yiri taqtarkii wll waxaad leedahay uur xanuunka kuhaayana waa ilmaha ma ahan xanuun kale !! Waan aamini waaayay haddalka taqtarka markaas ayaan iri hadda makaa dhabaa kadib ayuu taqtarkii uu weli ila yaaban igu yiri wll maxaa kaa siya ma waxaad iska ilaalineeysay uurka oo naxtin ayuu kugu noqday? Markaas ayaan iri maya wll iga raali noqo waxaan rabay inaan xaqiiqsado kaliya kadib ayuu yiri waa xaqiiq uur ayaad leedahay ku farax ama haku farxin waataas xaqiiqda aad rabtay inaad ogaato Waxaan kala garan waayay halka aan joogo in xaafadii tahay iyo in aan hospital joogo markaas ayaan soo baxay guriga ayaana imaaday niyadeeyda waxaa ka dhaadhici waayay in aan uur leeyahay waxeey ila noqotay dhalanteed. Isla markii waxaa isoo wacay cumar balse waan ka mashquulay saacado kadib ayaan wacay anigoo faraxsan oo rabo in aan la wadaago farxada cumar markuu iga qabtay ayuu yiri maxeey tahay mobilke igama aadan qabane waxaan iri isla markii aan taqtarka ka imid ayaad isoo wacday ana waxaan ku hoowlanaa nasiino iyo inaan dharka iska badalo Kadib ayuu yiri wayahay muxuuu kaasoo sheegay dhaqtarka markaas ayaan iri sideen kuugu sheegaa waaban ka xishoonayaa wuxuu yiri ma waxaa jira xanuun laga xishoodo si fiican wax iigu sheeg markaas ayaan iri cudur la igama sheegin ! Kadib ayuu yiri cumar waa Khayr mar haddii aanan cudur lagaa soo sheegin lkn iisheeg waxa aad ka xishootay caawa. Markaas ayaan iri waan kuu sheegayaahe indhaha isku xir dhagta ayaan kuugu sheegayaa.

Waa mahadsantihin asahaptayda qaaliga qisadeenina hada xagi idinka si qaadaya waana so nabad noqday alx inaa wacantihinban idin so rajayanaya Gacalayaal dhamaantin❤️🥰

Markaasa yuu yiri cumar waan kaa raali ahay lkn guriga waxba darteey ha uga tagin waad sii joogi kartaa waxeey tiri farxiyo maya abowe horaanba hooyo ayaa igu qasbeeysay hadda se waan ka dhaadhiciyay inaan aado gurigeena markaas ayuu yiri wayahay abyo Waxeey tiri iigu dhiib amiira kadib ayuu iigu dhiibay waxeey igu tiri abyo waa farxiyo waxaan rabaa inaad iska keey cafiso haddii aad wax uurka iigu haayso Aniga waan qalbi jilicsanahy durbadiiba waan iska ilaaway caradii aan u haayay farxiyo waxaan iri abyo waan ku cafiyay adna iska key cafi. Kadib ayeey tiri waan ku cafiyay abyo halkii ayaana isku macsalaameeynay.. Lasoco part:18 Fadlan follow si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Rajadii rumoowday part :17❤💍 Wuxuu yiri cumar amiira maxaa dhacay miyaad cabsatay markaas ayaan iri maya cumar riyo farxad leh ayaan arkay kadib ayuu yiri iisheeg xbbti farxada ila wadaag aan kula farxee waxaan iri cumar waxaan ku riyooday anigoo ilmo mataano ah dhalay sidaas ayaana u farxay hurdadiina waanba ka toosay' Kadib ayuu yiri Allaha inoo rumeeyo riyadaas waan ogahay midaas waa rajadeena ugu weeyn nolosha ee aan sugeeyno waan rajeeynayaa inaan aabo noqdo waliba caruurtaas aad adiga hooyo unoqoto Habeenkii waxa uu ila noqday maalin farxad aawadeed anigoo og ineey waxaan riyo yihiin ayaan haddane ku farxay Sdkle cumar waa uu ku farxay riyadaas markaas ayuu yiri cumar hadda seexo beri ayaan sheekeeysan doonaa kadib ayuu seexday' Aniga waan fikiray waxaana go.aansaday in aan Alle weeydiisto inuu riyada farxada leh iirumeeyo weeydiistana ubad baari ah waan soo kacay waan soo weeysa qaatay saliga ayaan soo qaatay waxaana tukaday laba rakco oo salaad suno ah waxaan iri rabiyoow ii rumee riyadeeyda iyo wax walba oo wanaagsan ee quluubteyda ku juro jiifkeeygi ayaana ku laabtay' Subaxii ayaan soo toosay subaxan waa uu ka duwan yahay subaxyadii kale oo anoo faraxsan ayaan soo toosay waayo rajadeeydii ayaa riyo isku badashay berina waxaan rajeeynayaa ineey run isku badasho Waxaan galay jikada sidii caadada aheeyd quraacdii ayaana soo diyaariyay halkii ayaana ku quraacanay aniga iyo cumarkeyga markii waxa uu aaday hooyadiis waxaana ay weeydiisay halka uu ku dhaxay wuxuu runta ka qariyaba waxa uu yiri hooyo amiira ayaan jiray markaas ayeey tiri oo amiira guriga hooyadeed miyaad la joogtay sow midaas ceeb ma ahan wuxuu yiri maya hooyo guri ayaan dajiyay Farxiyo oo agtaagneyd naxtin ayeey la hadli weeyday maadaama ay rabtay in leey furo aniga markaas ayeey tiri cumar ma waalatay inaad caruur dhasho marabtid miyaa oo aad aabe noqoto kadibayuu yiri cumar waan doonayaa lkn maxaad ii weeydiisay su.aalsha noocaas ah ? Markaas ayeey tiri amiira mudo badan ayaad is qabtaan waxne dhali meeysee maxaa ku daba dhigay kadib ayuu cumar carooday waxa uunu yiri su.aalaha noocaas oo kale ah ha iila imaan aniga walshey baa tahy waxba kuma dhihi karo fadlan ka bax arimaha ii qaaska ah aniga Cumar hooyadiis ayaa tiri cumar sidaas ha ula hadlin gabadha runta ayeey kuu sheegtay runta miyaa ku gubeeyso bal orod oo soo quuso waan sugayaa waxa aad kala kulanto amiira faaido kuuma leh ee iskaga har waan kaa waayay balse adigaa iskaa uga hari doono Markaas ayuu yiri cumar hooyo aniga ha igu colaadin nolol aanan rabin amiira waan jeclahy hooyo haddii aad farxadeeyda rabto amiira iigu ducee waxaan rabaa inaan agteeda ahaado iyaduna igama maaranto! Kadib ayeey tiri waan kuu deeynayaa balse waxaan kugu darayaa farxiyo si aad uhesho caruur aad aabe u noqoto markaas ayuu yiri hooyo iyada mala hubaa ineey horay ka dhaleeyso caruur? Markaas ayeey tiri farxiyo waa gabar aan jeclahy waliba adiga ayaan kula jeclahay waana iskugu kiin duceeynayaa kadib ayuu yiri cumar hooyo maantaba amiira iigu duceey iyada farxadeeyda ah farxiyo waa wlshey amiirana waa xaaskeyga wuuna kasoo tagay Mar labaad ayuu isoo maray waxaan ka dareemay isbadal markaas ayaan iri cumar yaa kaasoo careysiiyay xbbi intaanu ii jawaabin ayuu soo dhacay kadib ayuu yiri iisug farxiya isoo waceeyso waxaan iri waan maqlayaa ee iigu fur codka wuu qabtay Kadib ayeey tiri farxiyo cumar abowe inaan kula hadlaan rabay mashqul miyaa tahay? Kadib ayuu yiri maya soo hadal waxeey tiri waxaan rabaa inaan kaa raali galiyo hadaladii maanta gadaala ayaan ka ogaaday inaan qaldanahay Runta waxeey tahay aniga waxaan rabay inaan nolosha wadaagno balse midaas waan ku qaldanahy inaan haweeysto maanta laga bilaabo wlltinimadeena wax ka badan ma hamin doono adiga iyo amiira inaad farxad heshaan ayaan idiin rajeeynayaa maanta laga bilaabana gurigeena ayaan iska aadayaa macsalaama

Saaxibayal safar gujira so duceeya sheekadana inshalllah marka so noqdaa idinkasi bilaabi halka lkn love like u badiya idinko mahadsan cawa waan idin so badinaya shakade❤️👏

Kadib waan seexanay markii aan hurday ayaan ku riyooday anigoo dhalay laba wiil oo mataano ah runtii isla markii ayaan soo kacay farxad daraadeed waxaanba mooday run ineey tahay haddane waxaan arkay in aay riyo tahay Cumar ayaa igu kacay anoo fadhiyo markaas ayuu yiri maxaa dhacay amiira ma cabsatay markaas ayaan iri maya riyo farxad leh ayaan arkay. Lasoco part:17 Fadlan follow me si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Rajadii rumoowday part:16❤💍 Markii uu cumar igu yiri sooma quraacan waan farxay waana soo kacay markaas ayaan agtiisa soo fariistay intuu kacay ayuu quraacdii noo keenay markii aan quracanay ayuu yiri marka waan baxayaa xbbti macsalaama kadib ayaan iri waayahay xbbi iisoo dhaqso caawa waad ogtahay gurigan cidna ma joogto aniga mooyaane. Markaas ayuu yiri waan soo dhaqsanayaa ha i daahsan waa uuna baxay cumar waxaan maalinta inteey dhamaaneeyso dhararaba waxaa la gaaray habeenkii gurigii waxan ku dareemay cidlo iyo cabsi waayo cidna gurigan igulama noola gabadhii daganeeyd qolka kalana cumar waxa uu iisheegay in ay safar jirto Waxaan soo fariistay ilbaabka si aan cumar ugu sugo balse waan daalay sidaan u fadhiyay waxaan is iri malaha cumar hooyadiis ayuu toos u aadaye caawa yaakuu maqan waayo cumar hooyadiis waxeey moodaa inuu rerkeyga ii geeyay cumar Waxaan halkii fadhiyaba waan isaga soo istaagay qolka ayaana soo galay waxaadba moodaa in daaqad waliba cidi iitaagan tahay cabsi fara badan ayaa igashay meel walba nalkii ayaan ushiday barxadii ayaana soo fariistay bal ineey cabsidu iga yaraato Balse cabsidii ayaa saaid igu noqotay waxaan wacay mobilka cumar waxaan codka dhicitaanka cumar ka maqlay qolka fadhiga qolkii ayaan galay waxaan arkay mobilkii cumar oo miiska saaran waan soo qabtay ileen caawa dhan lambarka wacaayo guriga ayuu dhinac ka yaal oo saakay ayuu ilaaway Waxaan fiiriyay bal dadka soo wacay maadaama callal fara badan ku yaaleen Waxaan arkay farxiyo oo dhoowr jeer soo wacday waan iska dhigay banaanka ayaana iska soo fariistay mar ayaan ku shalaaynayaa waxeey aheeyd inaad iska joogto gurigaas waayo cumar haddaa waa uu kuu imaan lahaa Waxaan wacay telfonkii farxiyo waxaana ka wacay mobilka cumar isla markii waxeey i mooday cumar kadib ayaan iri cumar ma ahan ee ma aragtay isagii markaas ayeey tiri soo adiga haaya lambarkiisii anaguna waan waaynay xiligaan ayuu maqan yahay naa seed yeeshay wiilka ma meel baad ku qarsatay mise waa dishay' Markii ay intaas tiri farxiyo waan ka xanaaqay waana ku jaray isla markii ayaan maqlay garaaca ilbaabkeyga aad ayaan u farxay waan soo orday ilbaabka ayaana furay anigoo aanan dhihin waa qofma balse nasiib waxa uu noqday cumar. Farxad ayaan dareemay cabsidiina waan ilaaway kadib ayaan hap siiyay cumar waxaan iri maxaad ka wadaa sidaan intaan oo dhan maxaad u maqneeyd maqribkiiba ii imoow hadda kadib Wuxuu yiri cumar waxaan kusoo daahay saxibkeey ayaa safar ka yimid meel baan fariisanayoo waxaan arkay xiligaan anagoo sheeko wadno waan ka xumahay inaan kaasoo daahay. Markaas ayaan iri dhib maleh mar haddii aadba ii timid kadib ayuu yiri markale ilbaabka ha iska furin xitaa ima aadan weeydiin cida aan ahay waad iska furtay kaliya waxaan iri maqnaanshahaaga waaye cabsidii ayaa iga tan badisay wixii soo garaacaba adigaan ku moodaa Markaas ayaan gudaha galnay markii aan casheeynay ayaan iri lkn maxeey tahay dharka iskama aadan badalin ana kuma weeydiin ma iga tagi rabtaa markaas ayuu yiri hee makula seexanayaa gurigaas ayaan rabay inaan aado adigana fiidkii ayaan kusoo marayaa xbbti Waan isku naxay waxaan mooday inuu iga tagay kadib ayaan ku dhagay oo waxaan iri maya cumar sidee aniga meeshaan ugu hurdi habeen madoow midaas macquul ma ahan aniga igama tageeysid mana seexan karo meeshan kaligeey Wuxuu yiri meeqo ayaan iska dhigaa wayahaye waxeey aheeyd inaan hooyo runta usheego waxaan iri waxba runta ha u sheegin anigaa xaq uleh inaad iwehliso waayo hooyo cidlo ma joogto kadib ayuu yiri lkn hooyo wiilkale lama joogo ogoow anigaa meesha wiil ka ah haddii aan halkaan kula joogo hooyo soow igama xumaaneeyso Markaas ayaan iri waayahay iska bax iisoo ducey kaliya adkarta ayaan iska aqrisanayaa waxba ma noqonaayo insha Allah kadib ayuu yiri cumar kaagama tagi karo halkaan waan iskala kaa joogayaa hooyo subaxii ayaan aadayaa cidladan kaagama tagi karo.

markaas ayeey tiri cumar quraac ayaan kuu keenayaa qolka fadhiga tag ana waxaan rabay kaliya in aan hooyo soo qanciyo maadaama aay hooyaba joogin farxiyo waxba iigama xirna aniga adiga farxadaada ayaan rabaa.. Lasoco part:16 Fadlan follow me si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid