en
Feedback
Ibrahim

Ibrahim

Open in Telegram

Kusoo dhawoow bogga Somali CryptoTech. Halkaan waxaan uga hadli doonaa arrimaha tiknoolojiyadda oo ay cryptocurrency u horayso.

Show more

πŸ“ˆ Analytical overview of Telegram channel Ibrahim

Channel Ibrahim (@ibrahimomar101) in the Somali language segment is an active participant. Currently, the community unites 11 905 subscribers, ranking 12 231 in the Cryptocurrencies category and 801 in the Somalia region.

πŸ“Š Audience metrics and dynamics

Since its creation on Π½Π΅Π²Ρ–Π΄ΠΎΠΌΠΎ, the project has demonstrated rapid growth, gathering an audience of 11 905 subscribers.

According to the latest data from 30 November, 2025, the channel demonstrates stable activity. Although there has been a change in the number of participants by -228 over the last 30 days and by 0 over the last 24 hours, overall reach remains high.

  • Verification status: Not verified
  • Engagement rate (ER): The average audience engagement rate is 0%. Within the first 24 hours after publication, content typically collects N/A% reactions from the total number of subscribers.
  • Post reach: On average, each post receives 0 views. Within the first day, a publication typically gains 0 views.
  • Reactions and interaction: The audience actively supports content: the average number of reactions per post is 0.

πŸ“ Description and content policy

The author describes the resource as a platform for expressing subjective opinions:
β€œKusoo dhawoow bogga Somali CryptoTech. Halkaan waxaan uga hadli doonaa arrimaha tiknoolojiyadda oo ay cryptocurrency u horayso.”

Thanks to the high frequency of updates (latest data received on 01 December, 2025), the channel maintains relevance and a high level of publication reach. Analytics show that the audience actively interacts with content, making it an important point of influence in the Cryptocurrencies category.

11 905
Subscribers
No data24 hours
-397 days
-22830 days
Posts Archive
Ibrahim
11 905
Waa Maxay GDP (Gross Domestic Product) Sidee se Loogu Isticmaalaa Qiimeynta Dhaqaalaha? GDP (Gross Domestic Product) waa mid
Waa Maxay GDP (Gross Domestic Product) Sidee se Loogu Isticmaalaa Qiimeynta Dhaqaalaha? GDP (Gross Domestic Product) waa mid ka mid ah cabbiradda ugu muhiimsan ee lagu qiimeeyo xaaladda dhaqaale ee waddan. GDP wuxuu tilmaamaamaa qiimaha guud ee dhammaan badeecooyinka iyo adeegyada uu soo saaro waddan muddo cayiman, inta badan sanadka ama rubuc-sanadka ayaana la soo daayaa. Tani waxay siisaa dowladaha sawir guud oo ku saabsan koboca dhaqaale iyo heerka wax soo saarka. Si aad u akhrisato maqaalka oo dhammaystiran, oo aad u ogaato sida GDP-da loogu qiimeeyo dhaqaalaha, booqo website-kayga: ibrahimomar.com/waa-maxay-gdp-…

Ibrahim
11 905
Gets harder before it gets easier =========================== Hadafkasta wuxuu u muuqdaa inta aadan bilaabin mid culus oo ay
Gets harder before it gets easier =========================== Hadafkasta wuxuu u muuqdaa inta aadan bilaabin mid culus oo ay adagtahay xaqiijintiisa. Keliya waxaad u baahan tahay adkaysi, iyo in aadan ka harin (keep pushing). Mudda hore waxay u muuqan in uu sii adkaanayo. Waxaad ka baxaysaa "comfort zone". Waxaad dareemaysaa in aad gashay marxalad hubanti la'aan iyo in dhammaadku kuu muuqan waayo ilaa aad ka gaartid nuqda aad wax kuu baxaan, ogaatid xog hor, la qabsatid (learning zone). Markaan waxaad gaartay qimada juhdigaaga, waxaadna bilaabaysaa marxalada daadegga oo "end" kuu muuqanayo. Waxaa ku gelaya xammaas hor leh, waxaad ogaan in aad hadafkaagi gaari karto, rajadii ayaa kugu soo noqon. Waxaa kuu sahlaan shaqadii aad haysay ilaa aad ka gaartid meesha aad rabtay .. waxaa bilaamaya "new comfort zone". Dr. Mohamoud A. Mohamoud

Ibrahim
11 905
Asc mudane, marwo kusoo dhawaw fursad Ganacsi oo caalami ah . *diyaar ma u tahay in aad kulanka Hada socda ka mid noqoto* ? πŸ‘‡πŸ‘‡πŸ‘‡fadlan taabo linkπŸ‘‡πŸ‘‡ https://us05web.zoom.us/j/89123269191?pwd=mxglybFgaCwM41VXTS3LaUTjd36RjN.1

Ibrahim
11 905
IbrahimOmar.com – Booqasho kaliya ayaa laga yaabaa inay si qoto dheer u beddesho fahankaaga dhaqaale iyo teknolojiyada casriga ah. Waxaan ku siin doonaa aragtiyo horumarsan oo ku saabsan blockchain, cryptocurrency, iyo sida ay u horseedi karaan mustaqbal cusub oo isku dhafan tiknoolajiyada iyo ganacsiga casriga ah. Xogta aad ka hesho waxay noqon kartaa mid qaabayn karta fursadahaaga maalgashi iyo guushaada ganacsi. Ku soo biir safarkeenaan mustaqbalka dijitaalka ah, oo fur fursadaha albaabo aan horay u arag!

Ibrahim
11 905
Qof walba oo warbixinta ganacsigaan ka qaybgalay, diyaarna u ah inuu ganacsigaan bilaabo, wuxuu iigala soo xiriiri karaa galkaan. @IbrahimFLP

Ibrahim
11 905
DV Lottery: Fursad Aad Ugu Guuri Karto Maraykanka Hordhac DV Lottery (Diversity Visa Lottery), oo sidoo kale loo yaqaan "Gree
DV Lottery: Fursad Aad Ugu Guuri Karto Maraykanka Hordhac DV Lottery (Diversity Visa Lottery), oo sidoo kale loo yaqaan "Green Card Lottery," waa barnaamij ay dowladda Maraykanku u sameysay dadka ka soo jeeda dalal aan laga helin muwaadiniin badan oo Maraykanka ah. Ujeeddada barnaamijkan waa in la xoojiyo kala-duwanaanshaha bulshada Maraykanka iyadoo la siinayo muwaadiniin ka kala yimid caalamka fursad ay ugu guuraan Maraykanka si sharci ah. Waa Maxay DV Lottery? DV Lottery waa fursad sannad walba la siiyo 50,000 qof oo ka kala yimid dalalka aan dadka badani uga haajirin Maraykanka. Kuwa guuleysta waxay helaan "Green Card" oo u ogolaata in ay si sharci ah ugu noolaadaan oo uga shaqaystaan Maraykanka. Shuruudaha Lagaaga Baahan Yahay 1. Dalka Aad Ka Soo Jeedo: Waa in aad ka timaaddo dal ka qaybgalaya barnaamijkan, oo ah mid aan dad badani uga haajirin Maraykanka. Liiska dalalka ka qaybgalaya sannad walba wuu isbadalaa, waana muhiim inaad hubiso haddii dalkaagu qayb ka yahay, dabcanna hadda Soomaaliya waa ku jirtaa. 2. Waxbarashada ama Khibradda Shaqo: Waa inaad leedahay ugu yaraan shahaadada dugsiga sare ama khibrad shaqo oo la aqoonsan yahay muddo labo sano ah oo ku saabsan xirfad aad ka soo shaqaysay noocay rabto ha ahaato. Sida Loo Codsado Codsiga waxaa lagu sameeyaa bogga rasmiga ah ee DV Lottery, waana lacag la'aan. Waa in codsiga si taxaddar leh loo buuxiyaa, lagana fogeeyaa khaladaadka sababi kara in codsigaaga la diido. Waxaa muhiim ah inaad isticmaasho sawir waafaqsan shuruudaha sawirka DV, ayna kaa muuqdaan faahfaahinta saxda ah ee shakhsiyaddaada. Geeddi-socodka Kadib Codsiga Haddii aad ku guuleysato DV Lottery, waxaa lagaa codsan doonaa inaad buuxiso codsiga Green Card-ka, ka dibna aad ka qayb gasho waraysi safaarada Maraykanka ee dalkaaga. Waraysigan ayaa diiradda saari doona xaqiijinta macluumaadkaaga iyo in aad buuxisay dhammaan shuruudaha barnaamijka. Faa'iidooyinka Green Card-ka Helitaanka Green Card-ka wuxuu kuu ogolaanayaa inaad si rasmi ah ugu shaqeyso Maraykanka, u deganaato, ugana codsato dhalashada Mareykanka haddii aad rabto. Sidoo kale, waxaad fursad u heli kartaa inaad ehelkaaga kusoo casuunto Maraykanka. Gabagabo DV Lottery waa fursad dahabi ah oo qof walba oo shuruudaha buuxiya u suuragelin karta in uu u guuro Maraykanka si sharci ah. Haddii aad rabto inaad isku daydo, waxaad u baahan tahay inaad diyaariso dhammaan dokumentiyada lagaa rabo iyo inaad fahamto nidaamka codsiga. Inaad ka qayb qaadato barnaamijkan waxaa ku xiran in aad ka taxaddarto khaladaadka farsamo ee dhici kara.

Ibrahim
11 905
Repost from Ibrahim M. Omar
Maqaalkaan waxa uu ka hadlayaa Network Marketing iyo habka aad uga faa'idaysan karto, akhris wacan. https://ibrahimomar.com/n
Maqaalkaan waxa uu ka hadlayaa Network Marketing iyo habka aad uga faa'idaysan karto, akhris wacan. https://ibrahimomar.com/network-marketing-nooc-ganacsi-oo-fursado-badan-leh/

Ibrahim
11 905
Og Robson waxay ahayd gabar ku nool nolol adag oo saboolnimo ah, xitaa aan awoodin in ay daboosho baahiyaha nolosheeda maalinlaha ah. Waxay isku dayday shaqooyin kala duwan, balse midna uma suurtagelin in ay ka baxdo xaaladda adag ee ay la tacaalaysay. Nolosheeda ayaa markaas ahayd mid halgan joogto ah oo aan lahayn iftiin muuqda. Sannadkii 2019, nolosha Og Robson ayaa isbeddel weyn gashay markii ay ku biirtay shirkadda Forever Living Products (FLP). In kasta oo ay ka timid meelo saboolnimo ah, waxay la timaaday dadaal aan caadi ahayn iyo juhdi badan. Waxay ka faa'iidaysatay fursadda ay shirkaddu bixiso oo ay go’aansatay in aysan dib ugu noqon xaaladdii hore ee saboolnimada. Mudo yar gudaheed, Og Robson waxay ku guuleysatay inay gaarto horumar aad u sareeya oo dadka badankood tonbanaan sanno (decades) ay ku qaadato. Maanta, iyadoo Saphire Manager ka ah shirkadda, ayay bishii ugu yaraan sameeysaa $27,000. Tani waxay ka dhigan tahay in ay ka soo gudubtay nolosheedii saboolnimada, iyada oo hada ah qof ku naaloonaya guulaha waaweyn oo shaqsiyeed iyo dhaqaale ee ay xaqiijisay. Taariikhda Og Robson waa tusaale muuqda oo muujinaya in halgan, dadaal iyo fursad sax ah ay qofka ka saari karto xaalad adag, iyada oo u horseedi karta mustaqbalka ifaya.

Ibrahim
11 905
Booqo website-keena Ibrahimomar.com, si aad dhammaan maqaaladeena halkaa ugala socoto.

Ibrahim
11 905
Repost from Ibrahim M. Omar
BlackRock BlackRock waa shirkad hanti-maamul (asset manager) oo aad u weyn, waxaana lagu tiriyaa shirkadda ugu weyn ee noocaa
BlackRock BlackRock waa shirkad hanti-maamul (asset manager) oo aad u weyn, waxaana lagu tiriyaa shirkadda ugu weyn ee noocaan ah ee caalamka. Shirkadda waxaa la aasaasay 1988, waxaana aasaasay Larry Fink iyo koox saaxiibbadiis ah. Markii hore waxay diiradda saareen maaraynta maalgashiyada khatarta hoose leh, balse waxay ku kortay inay noqoto shirkad maamusha noocyo badan oo hanti ah, sida saamiyo, bonds (dayn), hantida ma-guurto ah (real estate), iyo noocyo kale oo maalgashi. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan BlackRock: 1. Hantida ay maamusho: BlackRock waxay gacanta ku haysaa hanti ka badan $10 trillion oo doollar (tirakoobkii ugu dambeeyay). Tani waxay ka dhigeysaa shirkadda ugu weyn ee dhinaca maareynta hantida aduunka. 2. Aladdin Platform: BlackRock waxay leedahay barnaamij software oo loo yaqaan "Aladdin" oo ah nidaam casri ah oo lagula socdo khatarta maalgashiyada iyo maaraynta hantida. Shirkado badan iyo bangiyo caalami ah ayaa isticmaala Aladdin si ay u maareeyaan maalgashiyadooda. 3. ETF Products: BlackRock sidoo kale waa milkiilaha iShares, oo ah shirkad bixisa noocyada kala duwan ee ETF-yada (Exchange Traded Funds), kuwaas oo ah alaabooyin maaliyadeed oo dadka caadiga ah iyo shirkaduhu ku maalgashadaan suuqa saamiyada iyada oo loo marayo hal badeeco. 4. Saamaynta Siyaasadeed iyo Dhaqaale: BlackRock waxay saameyn weyn ku leedahay siyaasadaha maaliyadeed ee heer caalami, iyadoo ka qayb qaadata talooyinka dhaqaalaha iyo siyaasadaha lacageed ee wadamo iyo hay’ado caalami ah. Waxay sidoo kale xiriir dhow la leedahay Wasaaradaha Maaliyadda iyo Bangiyada Dhexe ee dalal badan. 5. Suuqyada ay ku shaqeeyaan: BlackRock waxay leedahay macaamiil ku kala sugan daafaha dunida, oo ka kooban dowladaha, shirkadaha waaweyn, shirkadaha maaliyadeed, iyo maal-gashadayaasha gaarka ah. 6. Dhaqaalaha waara (Sustainability): BlackRock waxay si weyn u dhiirrigelisaa dhaqaalaha waara ee xasilloon (sustainable economy) oo ku saleysan ilaalinta deegaanka iyo yareynta khatarta cimilada (climate risk). Waxay si gaar ah xoogga u saartaa maal-gashiyada waara ee la jaanqaadaya yoolalka cimilada (climate goals) si loo yareeyo saameynta taban ee shirkadaha ku yeeshaan deegaanka. BlackRock waxaa lagu yaqaan inay kaalin firfircoon ka qaadato go'aamada dhaqaalaha ee heer caalami, oo ay ka mid tahay sidii looga jawaabi lahaa isbeddellada suuqa, deynta waddamada, iyo kobcinta dhaqaalaha waara ama dhaqaalaha xasiloon.

Ibrahim
11 905
Maareynta Dhaqaalahaaga: Maxay Tahay Sababta Aad Ugu Baahan Tahay Ilo Dhaqaale oo Kala Duwan? Qofka bini'aadamka ahi waxa uu ku khasbanyahay inuu maanta noloshiisa ku maareeyo habka ugu macquulsan, iyadoo aynu garanayno in hal shaqo ama hal il dhaqaale kali ahi aysan dammaanad qaadi karin nolosha mustaqbalka. Taas ayaa sabab u ah in la samaysto side hustles kala duwan kuwaas oo qofku ka heli karo dakhli kale oo dheeraad iyo weliba mid joogto ah (passive income). Aniga oo taas fahamsan, waxaan ku faraxsanahay inaan qayb ka noqdo Forever Living Products, halkaas oo aan guushayda ugu horraysay ka gaaray. Shirkaddan waxay ii tahay il muhiim ah oo aan ka heli karo passive income iyo fursado aan mustaqbalka ku kobcin karo dhaqaalaheyga. Waxaa muhiim ah in qofku qorsheeyo sidii uu ku heli lahaa nolol xasilloon oo dhaqaale, isagoo isticmaalaya qorshayaal kale oo dheeraad ah oo soo gelinaya dakhli ka baxsan tan hadda uu helo. Guushaan aan hadda gaaray waxay bilow u tahay wadadii aan ku xoojin lahaa nolosha maaliyaddeyda, aniga oo aan si joogto ah ugu lug yeelan, yacnii aniga oo aan wax shaqo ah qabanayn inuu misna dakhli isoo galo insha'Allh. Sannadkaan inta uuna dhammaanin, qorshahaygu waa inaan ugu yaraan gaaro darajadda Manager, taas oo ii suurta galinaysa inaan u dhawaado mustaqbalkayga dhaqaale oo ah inaan helo dhaqaale joogto ah (passive income) taas oo aan iiga baahnayn inaan markasta inaan shaqeeyo. Taas beddelkeeda, aniga oo nasaya ama aan shaqaynayn ayuu dhaqaale fiican isoo galayaa.

Ibrahim
11 905
Repost from Ibrahim M. Omar
Waxaad ka baran kartaan Youtube-ka Maankaliza oo casharo taxanayaal ah oo chart-ga ku saabsan la soo galiyo, waliba ay u duubtay hab uu qofka bilowga ah fahmaayo. youtube.com/@maankaliza?si…

Ibrahim
11 905
Repost from Ibrahim M. Omar
Chart Chart-ku waa aalad muhiim ah oo aan lagama maarmaan ka ahayn ka ganacsiga suuqyada maaliyadeed sida Forex, crypto, iyo
Chart Chart-ku waa aalad muhiim ah oo aan lagama maarmaan ka ahayn ka ganacsiga suuqyada maaliyadeed sida Forex, crypto, iyo stock markets. Waxay si muuqaal ah u soo bandhigaan xogta suuqa, sida isbeddellada qiimaha, mugga ganacsiga, iyo heerarka muhiimka ah ee uu markaa marayo, taas oo sahleysa in ganacsatada ay xogta si dhakhso ah u akhriyaan una fahmaan. Muhiimadda chart-yadu waa in ay bixiyaan aragti ballaaran oo ku saabsan jihada suuqa, taas oo ka caawineysa ganacsatada inay qiimeeyaan xilliyada ugu wanaagsan ee ay gali karaan ama ka bixi karaan ganacsiga. Tusaale ahaan, iyada oo loo marayo falanqeynta chart-ka, waxaad arki kartaa tusaalooyin muhiim ah sida trendlines, support iyo resistance levels, iyo qaabab teknikal ah sida double top, double bottom, iyo head and shoulders. Tani waxay kuu sahlaysaa inaad sameyso go’aanno xog-ogaal ah oo ku saleysan xogta markaa suuqa kaaga muuqata, halkii aad ku tiirsanaan lahayd mala-awaal ama dareen. Sidoo kale, chart-ka wuxuu awood kuu siinayaa inaad is barbar dhigto taaganta iyo tagtadii hore ee suuqa.Tanina waa mid muhiim ah maadaama taariikhdu inta badan dib isu celiso, oo isbeddellada suuqu ku noqon karaan qaababkii hore. Markaad awood u leedahay inaad xogtaas si muuqaal ah u aragto, waxaad si fudud u odorosi kartaa isbeddellada mustaqbalka iyo halka uu suuqu u socdo. Ugu dambeyntii, chart-ka waxa uu fududeynayaa in ganacsatadu ay si cad u fahmaan heerarka muhiimka ah, sida maalmahii uu suuqu wanaagsanaa, iyo maalmahii suuqu xumaa, taas oo iyaduna kaalin weyn ka ciyaarta xulashada istaraatijiyadaha ganacsi ee ugu habboon. Waxay sidoo kale siinayaan ganacsatada fursad ay ku cabbiraan mugga ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqyada suuqa ee dhabta ah, taas oo muhiim ah marka la qorsheynayo ganacsi. Marka la soo koobo, chart-ka waa aalad muhiim ah oo ay tahay in ganacsade kastaa si qoto dheer u barto una fahmo, si uu ugu guuleysto ganacsiga.

Ibrahim
11 905
Meme coins (qaybtii koowaad) Meme coins sida lacagaha kale ee dijitaalka ah, waxay ku tiirsan yihiin tiknoolojiyada blockchai
Meme coins (qaybtii koowaad) Meme coins sida lacagaha kale ee dijitaalka ah, waxay ku tiirsan yihiin tiknoolojiyada blockchain, laakiin waxa ay kaga duwan yihiin lacagaha waaweyn waa in ujeedkooda ama shaqadooda aysan si dhab ah loo qeexin. Waxay inta badan ku bilowdaan majaajillo ama sheeko la isla dhexmaro oo xiiso gelisa bulshada online-ka ah, waxaana qiimahooda inta badan kor u kiciya ama hoos u dhiga falcelinta bulshada iyo xayeysiinta dadka caanka ah. Waxaa ugu muhiimsan inaad qodobadaan mar walba isha ku hayso: 1. Bulsho Ku Tiirsanaan Meme coins-ku waxay ku tiirsan yihiin taageerada bulshada, iyo hadal haynta warnaahinta, iyada oo xayeysiinaysa kuna faafinaysa lacagta baraha bulshada. Tusaale ahaan, Dogecoin waxay u kortay taageerada weyn ee ay ka heshay baraha bulshada sida Twitter iyo Reddit. Bulshadaas ayaa ah sababta ugu weyn ee lacagahan ay u koraan, iyadoo aan loo baahnayn qorshe ama adeeg muuqda oo lacagaha kale sida Bitcoin ay bixiyaan. 2. Qiimo Xadidan Meme coins sida caadiga ah waxay leeyihiin qiime hoose marka loo eego lacagaha kale, taasoo soo jiidata dadka cusub ee ku jira suuqa maalgashiga. Haddii qiimaha meme coin-ka kor u kaco, dadka yar-yar ee maalgeliyey waxa ay heli karaan faa'iido weyn. Si kastaba ha ahaatee, sidaas oo ay tahay, khatarta hoos u dhaca degdega ah ayaa aad u badan. 3. Coins-ka ay baraha-bulshadu wanaajiyeen: Meme coins-ka badankooda waxay si aad ah ugu tiirsan yihiin xamaasadda iyo xayeysiinta baraha bulshada. Marka qof caan ah ama xiddig gaara oo bulshada caan ku ah uu taageero ama xuso lacagta meme coin, sida dhacday markuu Elon Musk u taageeray Dogecoin, waxaa suurtagal ah inay sababi karto koror aad u weyn oo qiimihiisa ah. Hase yeeshee, haddii xamaasadda ay hoos u dhacdo ama wax kale oo la mid ah aysan dhicin, qiimaha wuu dhacaa. 4. Maalgashi Khatar Badan Lacagaha meme coins aad bay u kala duwan yihiin marka laga hadlayo qiimaha. Sababo la xiriira maalgashiga ku salaysan xamaasadda iyo faafinta internetka, qiimuhuΒ  mar kasta wuu is beddelayaa, taas oo ka dhigaysa maalgashi khatar badan. Tusaale ahaan, qiimaha Shiba Inu iyo Dogecoin wuxuu ka kacay boqolaal ama kumanaan jeer muddo gaaban gudaheed, laakiin waxa ay hoos ugu soo dhacaan si dhakhso ah mararka qaarkood. 5. Mashruucyo aan Muhiimad Dhaqaale Laheyn Meme coins badankood ma laha mashaariic dhab ah ama adeegyo toos ah oo faa’iido leh. Marar badan lacagahaan waxaa loo sameeyaa si loogu maaweeliyo bulshada ama inay noqdaan xasuus ku saabsan sheeko ama majaajillo gaara. Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah, sida Dogecoin, ayaa biloway in loo isticmaalo in lagu bixiyo lacagaha qaar ee internet-ka ama lagu iibsado badeecado yaryar. 6. Dhiirrigelinta Teknolojiyada Decentralized In kasta oo meme coins aysan ahayn kuwa leh qorshe cilmiyeed oo weyn, haddana waxay dhiirrigeliyeen dadka inay fahmaan teknolojiyada blockchain iyo lacagaha dhijitaalka ah. Waxa kale oo ay kor u qaadeen doodaha ku saabsan sidii loo heli lahaa qaabab cusub oo dhaqaalaha loo fahmo ama loogu adeegsado baraha bulshada si ka maran centarlized-ka. In kasta oo meme coins ay dadka qaar u arkaan inay yihiin fursad lagu kasbado lacag badan, haddana waxaa muhiim ah in qofka maalgashanaya uu feejignaado oo uu ogaado khataraha ka iman kara. Maalgashadayaasha khibradda leh waxay inta badan ku talinayaan in meme coins aan loo arkin ama aan loo galin maalgashi dhab ah ee ay tahay mid ku tiirsan xamaasada iyo isbeddeladda bulshada oo keliya.

Ibrahim
11 905
Maalmahan dambe, waxaa aad u soo badanaya airdrop-yada lagu qabanayo bots-ka Telegram. Binance, oo ah mid ka mid ah hormuudka shirkadaha cryptocurrency-ga, ayaa iyaguna ku biiray tartankan, iyagoo soo dhajiyay ciyaar cusub oo lagu magacaabo "Moonbix." In kasta oo xogta ku saabsan ciyaartan ay soo shaac baxday waqtigii loogu talagalay waqti ka horeeya. Binance waxay isku dayayaan inay inay ka faa'idaystaan fursadaan ay heleen barnaamijyada Airdrop-yadda ahi, iyagoo qorshaynaya inay waqti badan galiyaan. Waxaan ku boorinaynaa dadka isticmaala inay ka taxadaraan xisaabaadka aan rasmiga ahayn iyo in lagu kadsoomo xogo aan sugnaashiyahooda la hubin maadaam suuqaan scamers-ku ku badan yihiin. https://t.me/Binance_Moonbix_bot/start?startApp=ref_5202385702&startapp=ref_5202385702&utm_medium=web_share_copy

Ibrahim
11 905
Kuso dhawaada Somal Airdrops channel insha allh wixii update ah channelkas ayan so dhigi doonaa maalmaha so socda marka kuso biira Wakan link πŸ‘‡πŸ‘‡πŸ‘‡πŸ‘‡πŸ‘‡πŸ‘‡πŸ‘‡πŸ‘‡πŸ‘‡ https://t.me/somalairdrop