IFTIINSHE MEDIA GROUP.
Open in Telegram
IFTIINSHE: Waa Channel aqooneed lagu daabaco Xikmado, Dhiira galin, iyo xogo daahsoon. Hadaba nagu soo biir si ay dhiira galin noogu noqoto.
Show more3 133
Subscribers
No data24 hours
-47 days
-1530 days
Posts Archive
Kalsoonidii way luntay. Jaceylkiina wuu burburay. Saddex maalin ka dib waxaa raalligelin iigu yimid hooyadeed, aabbaheed iyo walaalkeed, waana ka aqbalay. Jannaayo ayay sidaas dhacday, balse Feberaayo iyo Maarso kun shilin ima soo waydiin. Sidaasna kuma soo ka soo celin karto kalsoonidii luntay.
Maalin hore waxay igu tiri: haddii aad ku qanceysid, dhulka magacaada ayaan ku qorayaa. Waxaan ugu jawaabay: maya. Waa hantidaada. Balse waan xarraashayaa dhulkii aan noo iibiyay ee aan magacaada ku qoray iyo gaarigii aan kuugu iibiyay lacagta aan adiga kaa deynsaday. Waxayna iigu jawaabtay: dhulka iibi, balse aniga ayaa kuu celinaya lacagtii gaariga. Waxay i waydiisay in aan furayo, waxaana u sheegay in uusan furriin ii qorsheysneyn, balse uu afka iga saaran yahay haddii ay iga dalbato.”
Gabadhu masuul kama aha biilka guriga, mana ku qaldana in ay qoyskeeda dhaqaaleysato, balse waa gunnimo iyo doqonnimo in ay been iyo khiyaano u quurto ninkeedii oo iyada wax kasta u huraya, aaminay in wixiisu ay waxeeda yihiin, dhulkiisa ku qoray magaceeda, gaarina ugu gaday lacag uu iyada ka deynsaday. Kalsoonida in la helo way adag tahay, in la lumiyana way sahlan tahay. Waana muraayad aan la kabi karin haddii ay jabto. Gurina kuma dhisnaan karo tuhun iyo kala-shaki ee ka taxadar wax kasta oo dhaawici kara kalsoonidiinna iyo kalgaceylkiinna.
Sheekadaan waxaa mareegta Shakarasquare ku daabacay nin u dhashay dalka Chana oo magaciisa qariyay, wax badan ayaanse ka bedelay si aan waaqiceenna ugu ekeysiiyo.
W/Q Hussein Sabrie
"Xaaskeyga waxaan guursaday 2016kii iyadoo ka shaqeyneysa Wasaaradda Maaliyadda. Waxay ii sheegtay in ay Dowladda u shaqo billaawday iyadoo jaamacad dhiganeysa, sidaas darteedna lagu diiwaangeliyay shahaado Dugsi Sare ah(Grade B)oo ay mushaar ahaan u qaadato $430 oo aysan joogto u helin.
Mushaarkeeda waxay ku biili jirtay ehelkeeda, wax kasta oo ay rabto ama guriga looga baahdo aniga ayaa iibin jiray xitaa haddii uu xafaayad yahay.
Markii uu noo dhashay cunuggii labaad ayay iga dalbatay in aan gaari u iibiyo. Markaas shiid ayaan ahaa, waxaana ka codsaday in ay i sugto. Way iga diidday, Waxayna igu tiri "Aniga ayaa hadda lacag hayo, ee keen wixii aad hadda heli karto, wixii aan ku darana ii soo celi markii aad lacag hesho"
Iyada ayaan lacag ka deynsaday si aan iyada gaari ugu iibiyo! Saddex bilood kama nasan oo subax kasta waxay i waydiinaysay in aan u gudo lacagtii gaariga. Ugu dambeynna deyntii waan siiyay.
Habeen ayaan Laptop-keyga shiday, waxaana arkay emailkeeda oo furan. Waxaa ishayda ku dhacay email uu ciwaankiisu ahaa "Mushaarkii Jannaayo" waan furay, waxaana halkaas ka ogaaday in ay Wasaaradda Maaliyadda ka tahay lataliye dhanka dhaqaalaha ah oo mushaarkeedu yahay $6,500 oo uu bixiyo World Bank, waxayna ii sheegi jirtay in ay qaadato $430!
Habeenkaas ma seexan. Waan xanaaqay, haddana waan is dajiyay. Lacagta ay qaadato kama walwalin, ee waxaan iswaydiiyay halka ay ku bixiso $6,500 iyo sababta ay iiga qarisay.
In aan moobeelkeeda baaro ayaan ku fikiray. Waan ogahay oo sidaasi sax ma aheyn, balse waxay ahayd sida kaliya ee aan xog ku heli karay. Moobeelkeeda ayaan furay, Whatsappka ayaan galay, waxaan fiiriyay farriimaha dhexmaray iyada iyo saaxiibteed, Fartuun. Waxba kama helin.
Waxaan furay farriimaha ay is dhaafsadeen aabbaheed Cali, halkaas ayaana ka ogaaday in ay dhul ka gadatay xaafadda Oodweyne, haddana uu ka socdo dhismo uu aabbaheed masuul ka yahay. Waxaan arkay sawirrada marxaladaha dhismaha gurigu soo maray oo uu u soo diray. Waxaana aqriyay farriin uu aabbaheed ku dhahayo "Sacdiya, Aabbe ku mahadsanid sida aad u caawisay aboowe Axmed. Baagamuuddo ayuu ahaan lahaa adiga la'aantaa."
Qoraalladii ay walaalkeed isu direen ayaan eegay. Waxayba dhowaan u iibisay gaari Premio ah oo uu Rikaab ahaan ugu shaqeysto.
Si hagar la'aanta ah ayaan u caawin jiray xaaskeyga. Guriga aan gadannay iyada magaceeda ayaan ku qoray, gaariga ay wadatana aniga ayaa ugu iibiyay deyn aan iyada ka qaaday, waayo waxaan aaminsanaa in aysan waxba noo kala soocneyn, oo waxeygu ay waxeeda yihiin.
Subixii waxay dareentay in ay wax qaldan yihiin. Waxay i waydiisay: maxaa kugu dhacay? Waxaan ku iri: waan kugu sirmay ee barasho wanaagsan, Sacdiyo. Waxay tiri: oo maxaan sameeyay? Waxaana ugu jawaabay: waxaad gadatay dhul, waad dhistay, waana iga qarisay.
Waa yaabtay. Waxay igu tiri: yaa kuu sheegay? waxaana ugu jawaabay: Aabbahaa ayaa ii warramay. Afka ayay gacanta saartay, wayna iga tagtay. Wax yar ka dib waxay ii keentay taleefankeeda oo sameecaddu u furan tahay, waxaa qadka ku jiro aabbaheed. Isagoo xanaaqsan ayuu igu yiri: adeer xaad ii nabee ma aniga ayaa kugu iri gabadheyda ayaa guri dhisaneysa? Halkee kugu iri? Goorma ayaanse ku iri? Waxaan ugu jawaabay: adeer been miyaa in gabadhaadu guri ka dhisaneyso Oodweyne, oo adigu masuul ka tahay? Wuxuu igu dhahay: yaa kuu sheegay? Waxaana ku iri: xalay ayaan farriimihiinna aqriyay. Ee adeerow nin ayaad tahay ee ma jeclaan laheyd in xaaskaadu ay sidaas ku yeesho?
Odaygii waa is ceebsaday, wuuna i raalligeliyay. Gabadhii afka ayaa juuqda gebay. Markii uu taleefanka ka baxay ayaan u sheegay in aan wax kasta ogahay, guriga ilaa gaariga ay walaalkeed u iibisay. Waxaana ku iri: xaasidsanidaa! Adiga ayaa iga mushaar badan oo waa ogtahay in aan qaato $850. Wax kaleba iska dhaafe xafaayadda xitaa aniga ayaad i soo waydiin jirtay. Gaari ayaana kuugu gaday deyn aan adiga kaa qaaday! Barasho wanaagsan.
Haddii aad tahay qof daneeya ama ku jira forex linkiga channelka hoose ku biir waxaad ka heleysaa daily Gold signals iyo waliba barashada forex oo dhameystiran nala soo tijaabi
👇
https://t.me/+gS_SyXfE3UFjNGZk
1. Ku deeq hal dollar (ama ka badan) habeen kasta, haddii ay habeenkaa ku beeganto Laylatul Qadriga, waxa aad helaysaa ajar la eg 84 sano oo sadaqa ama Kun bilood! adiga oo sadaqeysayay.
2. Tuko laba rakcadood Ama ka badan oo sunno ah habeen kasta, haddii ay habeenkaa ku beeganto badhtamaha Laylatul Qadriga, waxa aad helaysaa ajar ah in aad laba rakcadood oo sunno ah habeen kasta tukato ilaa 84 sano.
3. Akhri suuradda Ikhlaas habeen kasta saddex jeer, haddii ay habeenka ku beeganto badhtamaha Laylatul Qadriga, waxa aad helaysaa ajar ah in aad dhameysay Qur’aan ka karimka maalin kasta 84 sano.
Waxa kale oo uu yidhi dadka ku faafi hadalladan, kuwii hadalkaaga dhegaysan doona ee camal fala, idinkuna waxaad heli doontaan ajar la mid ah camalkooda, inshaa allaah. Maxaa yeelay Rasuulku (scw) wuxuu yidhi: “Qofkii hanuuniyo camal wanaagsan wuxuu helayaa ajar la mid ah kan camal fala, laakiin wax la’aani maayo ajarkiisa”. (Muslim, 2674)
Allah ha ina waafajiyo dhammaan camalka aan qabanno.
Aamiin.🥀🤲❤️
Imaamka Masjid Al-Xaram, Shaykh Abdur Rahman Al Sudeysi ayaa soo jeediyay qaacido aad u wanaagsan oo aad kaga faaideysan karta tobanka dambe ee Ramadaan maadama ay ku jirta leylatul qadriga 👇
Waxyaabaha aanan soonka jebinin waxaa ka mid ah:
1. Dhiig qof loo shubo
3. Qubeyska
4. Cadaysiga
5. Candhuufta
6. Cunid & cabid aan loo qasdin - hilmaan
7. Matag kusoo dhaafay oo aan qasad aheyn
8. Janaabo kaa imaatay adigoo maalinkii hurda
9. Waaga oo kuu barya adoo janaabo qaba
Waxyaabaha Soonka jebiya waxaa ka mid ah:
1. Cunid & cabid
2.Jamaaca maalinkii
3. Matag kas la isaga keeno
4. Cirbado nafaqo leh oo la qaato
5. Shahwada oo la isaga keeno si kas ah
6. Caadada & xeydka dumarka
7. Haddii uu diinta ka baxo isagoo soomman
8. Haddii uu waasho isagoo soomman
Sidoo kale, iska illaali waxyaabaha naaqusiya ajirka soonka oo ay ka mid yihiin:
1. Xanta
2. Caayda
3. Isku dirka
4. Beenta
5. Indhaha oo meel xun lagu eego
6. Dhegaha oo xumaan lagu dhegeysto
7. Qamaarka oo la dheelo
8. Dagaalka
Waxyaabaha sare u qaada ajirka soonka waxaa ka mid ah:
1. Qur'aan akhriska badan
2. Salaadaha sida taraawiixda & taajudka
3. Wanaagga oo la is-faro xumaanta oo la iska reebo
4. Dariiqa oo laga qaado waxyaabaha dadka dhibaaya
5. Indhaha oo la laabo
6. Carrabka oo la xakameeyo
7. Masaajidka oo la cammiro
6. Farjiga oo la dhowro
Soonka qofku waa uu iska furi karaa haddii
1. Uu yahay musaafur
2. Uu xanuunsado
3. Uu ummulo
4. Uu caadoodo
5. Uu caqligiisu tago
6. Uu u cabsado ilmaha caloosha ku jira
Allaha naga aqbalo soonka iyo salaada
Dhamaanteen aamiin aamiin aamiin
Repost from Kaaftoon FX Traders 💵💰📈
VIP Chennelka si official ah ayaan ufurnay maalmo gudahoodna waxaa toos u bilaaban doona koorsadeena wali waqti waad heysataa aad isku diiwaan galiso halka hoose nagala soo xiriir 👇
Ramadaan Mubaarak ayaan leenahay Dhammaan asxaabta nagu xiran. Alle ayaa ku mahadsan oo nabad nagu soo gaarsiiyey Bisha Ramadaan, waxaan sidoo kale Alle ka rajeynaynaa in uu nabad noogu dhameeyo nagana dhigo kuwii ka faa'iidaysta fadliga Bisha bisha barakeysan.
Ma aha bil hurdo ee waa bil cibaado acmaasha kheyrka kuwii ka faa'iideysta Alle ha inaga dhigo. Qof kasta oo isbedel nololeed rabo inuu sameeyana waa bishii ugu wacneyd ee haka faa'iideysto.⏱
Waxaa kale oo aan ardeydaas si gaar ah ugu sameyneynaa VIP chennel oo aan udhigeyno taxliilinta signals aan soo dhigeyno iyo reasons ka aan signalka uqaadanay waxaan meesha ka marneyn talooyiin joogto ah.
Wixii su'aalo iyo is diiwaan galin ah nagala soo xiriir 👉 @Yaziid70
Kusoo dhawoow fursaddii ugu qaalisaneyd ee aan abid halkaan kusoo bandhigno oo ah barashada forex oo aan ilaa sedex heer ukala qaadnay
1) Basic oo asaas kii ah
● Casharo duuban
● Practical
2) Intermediate
● Casharo duuban
● Practical
● 1 month VIP signals
3) Advanced
● Casharo duuban
● Practical
● 1 Month VIP signals
Faaiidooyiinka ay kuu leedahay barashada forex.
1) Xuriyad Dhaqaale
2) Xuriyad Waqti
3) Xuriyad Goob
#Shuruudaha
1) In aad heli karto taleefan smart
2) in aad heli karto Internet
3) in aad isticmaasho telegram
4) in lagu heli karo 8:30pm habeenkii
5) in aad iska bixiso Fee ga course ka
Dufcada 1 aad Kaliya 30 qof ayaan qaadaneynaa si aan ardey tayo leh usoo saarno waqti kufilana aan ugu helno ardeydaas waxay kaloo heli doonaan caawin toos ah iyo waliba daily 4 signals oo laba signal Gold ah iyo laba signal currencies ah.
Eey quudi mudo saddex maalin ah, saddex sano ayuu ku xasuusnaanaya.
Insaan hadii aad quudinayso saddex sano saddex bari ayuu kugu iloobaya.
Waxay ahayd dhalinyaro markii ay is barteen iyadoo ku jirta heerkeedi waxbarasho ee jamacadeed waa qiso runtii cajiiba waxaanay la magac baxday jacaylkii guul darada u saaxiibka ahaa waa mid kamida arday dhawr ah oo aan soo gacan qabtay hadaan ahay qoraaga sheekadan balse ciday jeclaatay waa mid kamida macalimiinteedi waa dhawr iyo toban qaybood qisadan oo dhamaystiran hadaad rabto
Love saar commentiga ama qaybta faaladana ku soo qor waan rabaa siina share garay saan u ogaano inta qof ee danaynaysa qisadan aadka u quruxda badan
https://t.me/Indhoos1
📕Xishoodka hablaha iyo xanuunka jacayl.pdf
https://t.me/Indhoos1
➖➖➖➖➖➖➖➖➖➖➖➖
FG:waakan asxaabta buugi qaaliga ahaa waxaan idin leeyahay akhris wacan oo ku raxayso wax akhrinta
https://t.me/Indhoos1
