𝐂𝐀𝐁𝐃𝐀𝐋𝐋𝐀 𝐂𝐀𝐁𝐃𝐀𝐋𝐋𝐀
Open in Telegram
𝖶𝖠𝖷𝖠𝖠𝖭 𝖠𝖧𝖠𝖸 𝖢𝖠𝖡𝖣𝖠𝖫𝖫𝖠 𝖢𝖠𝖡𝖣𝖠𝖫𝖫𝖠 𝖪𝖴 𝖲𝖮𝖮 𝖣𝖧𝖠𝖶𝖮𝖮𝖶 𝖣𝖠𝖦𝖤𝖫𝖪𝖠𝖭. 𝖶𝖠𝖷𝖠𝖠𝖣 𝖪𝖠𝖫𝖠 𝖲𝖮𝖢𝖮𝖭 𝖣𝖮𝖭𝖳𝖠𝖠 𝖶𝖠𝖱𝖡𝖨𝖷𝖨𝖭𝖮.𝖠𝖰𝖮𝖮𝖭-𝖪𝖮𝖱𝖮𝖱𝖲𝖨 & 𝖬𝖠𝖢𝖫𝖴𝖴𝖬𝖠𝖠𝖣 𝖦𝖴𝖴𝖣. 𝖬𝖠𝖧𝖠𝖣𝖲𝖠𝖭𝖨𝖣❤️
Show more5 209
Subscribers
No data24 hours
-137 days
-7530 days
Posts Archive
5 209
“14 sanadood ayaa la ogaaday in cudurka ka Fogaanayo dadka Qur’aanka aqriya,Cuduro badan oo jirka kujirana meesha ay ka baxayaan Aqrinta qur’aanka aw-geed“ Dr.Shiine
Jumca Mubakar🕌📿
Xuquqda Muuqaalka: @Universil Tv
5 209
Waa maalinta ugu weyn ee qiimo-dhimisyada sanad kasta ka dhacda dunida, taas oo billaabata Jimcaha ku xigta maalinta (Thanksgiving) ka ee Mareykanka. Inkastoo asalkeedu yahay Mareykanka, maanta waxay noqotay dhacdo ganacsi oo caalami ah oo ay si firfircoon uga qeyb qaataan shirkadaha waaweyn, dukaamada yaryar, iyo goobaha wax lagu kala gato ee internetka ee adduunka oo idil.
Asalka magaca (1960-kii) – Philadelphia
Magaca “Black Friday” wuxuu markii ugu horreysay ka soo muuqday magaalada Philadelphia dabayaaqadii 1960-kii. Booliiska magaalada ayaa magacaas u adeegsaday iyadoo ay dadka aad u badnaayeen oo ay wadooyinka ciriiri noqon jireen maalinta Jimcaha ka dambeysa Thanksgiving-ka dadka oo u socda dukaameysi iyo daawashada ciyaaraha Army vs Navy.
Booliska iyo ganacsatada magaalada ayaa marka dambe si joogto ah u isticmaalay magaca.
Dukaamada waaweyn ee Mareykanka sida: Macy’s, Walmart iyo Sears ayaa bilaabay inay maalintan ka dhigaan maalin faa’iido badan, iyagoo bixinaayey qiimo-dhimisyo waaweyn.
Inta badan warbaahinta Mareykanka ayaa soo qaadatay magaca, waxaana uu noqday dhacdo qarameed intii u dhaxaysay 1975 – 1985.
Maalintan waxaa lagu yaqaan hoos u dhigidda qiimaha oo gaarta heerar aan caadi ahayn, mararka qaarkoodna gaaraya ilaa 70% ama ka badan. Taasi waxay sababtaa in malaayiin qof ay sugaan maalintan si ay u helaan alaabo muddo dheer ay sugayeen laga bilaabo elektarooniga casriga ah illaa dharka, qalabka guriga, iyo adeegyo kala duwan oo online ah.
Goorma ayuu dunida ku faafay Black Friday?
Bilowgii sanadka 2000, ganacsiga internetka sida: Amazon, eBay ayaa si xoog leh u bilaabay Black Friday online. Tani waxay ka dhigtay in dalal kale ay arkaan fursadda qiimo-dhimista oo aysan u baahnayn inay Mareykanka joogaan.
2010-kii – Dunida oo si rasmi ah u qaadatay
Intii u dhaxaysay 2010 – 2015, Black Friday wuxuu gaaray: Yurub, Bariga Dhexe, Aasiya iyo Afrika .
In badan oo ka mid ah dalalkan ma aysan lahayn (Thanksgiving), balse waxay qaateen qiimo-dhimisyada Black Friday maadaama ay ganacsi ahaan u faa’iido badan tahay.
Dadka qaarkood waxay isugu soo baxaan dukaamada waaweyn, iyaga oo safaf dhaadheer ku jira saacado badan si ay u helaan heshiisyada ugu horreeya. Kuwo kalena waxay door bidaan inay ka dukaameystaan internetka, taas oo u fududeysay in Black Friday uu noqdo dhacdo si dhab ah u mideysa dadka kala fog ee dunida ku kala nool.
Ugu dambeyn, maalintan waxay isu beddeshay dhaqan dhaqaale oo dunida oo dhan laga wada sugo, iyadoo mar kasta loo eegayo fursad, tartan, iyo maalinta ugu weyn ee wax iibsiga ee sanadka.
Xigasho:somalistream
5 209
From Kampala To New York City🌆 | CAJIIB! (New York City Mayor).
Taariikh aan horey loo arag ayaa ka dhacday New York City, Waa qofkii Muslimkii ahaa ee ugu horeeyay oo mayor ka noqda magaalada ganacsiga dunida, magaalada 1-aad ee USA.
Zohran Mamdani oo ah muslim ka soo jeeda Hindiya kuna koray Uganda, kana tirsan xisbiga Dimuqraadiga ah ayaa loo doortay duqa magaalada New York.
5 209
Maria Corina oo ah hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Venezuela🇻🇪 ayaa ku guuleysatay biladda Nabadda Adduun ee sannadkan 2025. Maria waxey si weyn ugu ololeysaa dimuqraadiyadeynta dalka Venezuela, Maria waxey taageero weyn ka haystaa dalalka reer galbeedka.Shaqsiyaadka aad u doon doonayey biladan waxaa kamid ah Madaxweyne Trump oo si weyn u raadinayey billadan ka dib dagaallo dhowr ah oo uu dhex-galay laakiin muusan calfan.
#THENOBELPEACEPRIZE2025.
#NORWAY🇳🇴
5 209
Dalka Albania🇦🇱 ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee robot (AI) u magacaabay wasiir rasmi ah,Robot-ka Diella,oo micnaheedu yahay “qorrax”, ayaa loo magacaabay Wasiirka Qandaraasyada Dadweynaha,iyadoo ka shaqeyn doonta madal dijitaal ah oo la yiraahdo e-Albania.
Hawlaha aay qaban doonta Diella waxaa kamid ah:
- Maamulka iyo qiimeynta qandaraasyada dowladda.
- La dagaalanka eexda iyo musuqmaasuqa.
Inkastoo uu jira muran sharciyadeed oo ku aadan buuxinta sharuudaha dastuuriga ah ee wasiirnimo,
hadana Tani waa tusaale muujinaya sida AI-ga ugu qeyb-qaadan karo hawlaha mamulka dowliga ah.
5 209
Shirkadda Apple ayaa hal maalin gudaheed ku qasaartay $108 bilyan.Hoos u dhacan ayaa yimid kadib markii la soo bandhigay iPhone 17, kaas oo maalgashadayaasha ay dhaliileen inuusan lahayn
hal-abuurnimo weyn.
Shirladda Apple waxaa saaran Cadaadis ah inay la timaado hal-abuurnimo iyo waxyaabo cusub,iyadoo tartanka iyo hal abuurka Technologiyadda gaar ahaan taleefannada casriga ah uu sii xoogaysanayo.
5 209
Caawa waxa lafilayaa inuu dayuxu madoobaado hadii uu alle idmo, waxaana si buuxda looga arki doonaa Aasiya, Afrika, iyo qaybo ka mid ah Australia iyo Yurub, dax madoobaadkaan wuxuu socon doonaa qiyaastii 83 daqiiqo, taasoo ka dhigan dayax madoobaadkii ugu waqtiga dheeraay sannadihii u dambeeyay.
Dhacdadan DM ayaa la arki doonaa marka uu dayaxu bilaabo inuu soo galo madoowga 6:27 PM ee wakhtiga Sucuudiga, iyadoona qayb madoobaadka saxda ah uu bilaabmayo 7:27 PM , 8:30 PM dayaxa kuligii madaw noqo doono.
waxaanu si tartiib tartiib ah uu usoo cadaan doonaa 9:53 PM, 11:57 PM gabi ahaanba uu sidiisa caadiga ah ku soo laaban doonaa haduu alle idmo.
Macluumaat
5 209
Wasaaradda Dagaalka‼️
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si rasmi ah u badalay magacii wasaaradda difaaca oo loo bixiyay wasaaradda dagaalka, isagoo ujeeddada magac beddelka ku sheegay inay la jaanqaadayso marxaladda dunidda ay waqtigan ku jirto.
5 209
Dhulgariir ka dhacay dalka Afghanistan ayaa sababay geerida in ka badan 600 oo qof, sida aay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee Dalkaasi.Dhulgariirka oo cabbirkiisu ahaa 6.0 (magnitude) ayaa ku dhuftay bariga Afghanistan fiidkii Axadda,wax yar ka hor saqdii dhexe ee xilliga dalkaasi.🫨
5 209
Waa 1-da September 2025.
Waxaa inoo baal furmay bishii 9aad ee sanadkan 2025,Sanadkii dhamaa ee 2025 waxaa ka harsan hadda 4 bilood oo keliya.Sanadka markii saddex qeyb loo qeybiyo laba qeyb waan soo qaadanay,hal qeyb ayaa inoo hartay,Sanadkan waxaan kasoo gudubnay 244 Maalin ama 34 Todobaad iyo 6 Maalin.
Ebbe ha inoo Barakeyo Aminta⏳
5 209
Guusha Caaisha Aadan oo kaalinta 1ᵃᵃᵈ u gashay 38,471 arday waxa ay caddeyn iyo tusaale nool u tahay kartida iyo hawlkarnimada gabdhaha Soomaaliyeed oo guulo taariikhi ah ka soo hooyay waxbarashada dalka iyo fagaarayaasha caalamka📖👏🏿✍️.
5 209
Hambalyo Caaisha Aadan Ugaas Xirsi oo gashay kaalinta 1aad ee Imtixaanka Qaranka Sannad Dugsiyeedka 2024/25.Caaisha waxey dhiganeysay Dugsiga SOS ee Gobolka Banaadir waxa ayna heshay cel celis ahaan 91.99%
Hambalyo Khaalid Cabdinuur Xuseen oo galay kaalinta 2aad.Khaalid waxuu wax ka baranayey Dugsiga Markabley oo kamid ah Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Hambalyo Feysal Ibraahim Maxamed Cali oo galay Kaalinta 3aad.Faysal waxuu dhiganayey Dugsiga Rainbow oo katirsan Koonfur-Galbeed.
Hambalyo Fartuun Tahliil Caalin Guuleed oo gashay Kaalinta 4aad.Fartuun waxey dhiganeysay Dugsiga Hiran Integrated oo kamid ah Dugsiyada ku yaalla Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Hambalyo Cabdiqani Cabdixakiin Xassan Axmed oo galay Kaalinta 5aad.Cabdiqani waxuu dhiganayey Dugsiga Sunlight oo ka tirsan Galmudug.
Hambalyo Kaalinta 6aad waxaa si wadajir ah u galay Cabdi Isaaq Xusseen, Dugusga Salaaxudiin iyo Ramla Isaaq Maxamuud, Dugsiga Albashiir, labadooduba waa Koonfur-Galbeed.
Hambalyo Kaalinta 7aad waxaa gashay Khadra Axmed Cabdiraxmaan Xassan, oo dhiganeysay Dugsiga Maclow Abiika, waxa uuna ku yaallaa Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Hambalyo Cadnaan Cabdiwali Maxamed, waxa uu galay kaalinta 8aad, Dugsigiisu waa Turkish Macaarif ee Gobolka Banaadir ah.
Hambalyo Cabdiqaadir Maxamed Diiriye oo galay kaalinta 9aad, waxa uu ka socday Dugsiga Mucaasir ee Gobolka Banaadir.
Hambalyo Ilhaam Nasiib Nuur oo gashay kaalinta 10aad, Ilhaam waxa ay wax ka baraneysay Dugsiga Ugaas Nuur oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare
#waxbarasho👏🏿📖✍️
5 209
Hambalyo 10-ka kaalin ee ugu sarreysay Imtixaanka Qaranka Sannad dugsiyeedka 2024/2025.
5 209
Musharaxa Maayirka Magaalada Minneapolis Ee Gobalka Minnesota🇺🇸👇🏿
Xisbiga Dimuqraadiga ayaa Maayirka magaalada Minneapolis u sharraxay Senator Cumar Faatax oo ah Soomaali ka tirsan Aqalka-sare ee Gobolka
Minnesota.Omar Fatah ayaa ku guulaystay musharaxa xisbiga dimiqraadiga ku matalaya tartanka duqa magaalaadan Minneapolis.
Minneapolis oo ah magaalo ay Soomaalidu ku badan tahay, waxa aqlabiyadda codadkeeda leh xisbiga dimuqraadiga,tan oo ka dhigan in Faatax ay rejidiisu tahay mid aad u weyn!
5 209
Top 10 Most Populous Countries🌏 in 2025.
Tirada dadka adduunka ayaa si xawli ah u koraysa, tirada dadka adduunka ayaa hadda ka badan 8 Bilyan,Qaaradda Afrika ayaa ah tan ugu kororka badan. Halkan hoose waxaa ku xusan 10-ka waddan ee ugu dadka badan dunida waqtigan 2025👇🏿
Source: World Population Review(July,2025).
