en
Feedback
️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

Open in Telegram

Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

Show more
The country is not specifiedThe category is not specified
260
Subscribers
+224 hours
+217 days
+2130 days
Posts Archive
Dhageyso: Barnaamijka Islaamka iyo Bulshada.[41] Ciwaanka xalqdaan waa Kaalinta Culimada ee Badbaadinta Umadda Muslimka, waxaana marti inoogu ah Fadiilatu Sheykh Sheekh Aadan Sunne oo kamid ah culimada Diinta Islaamka.

Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan waxa ay idiin soo gudbineysaa barnaamij ciwaankiisu yahay Islaamka iyo Bulshada, kaas oo ah baarnaamij tarbiyo & towjiih ah, laguna qaadaa dhigayo mawaadiic xiriir la leh jawaanibta kala duwan ee nolosha qofka muslimka ah, iyadoo mar weliba lagu jaan goynayo waxay Shareecada Islaamku ka qabto. Wuxuu barnaamijku xooga saarayaa arimaha xiriirka la leh mucaamalaatka, cilaaqaatka & dhaqanka toosan ee looga baahanyahay qofka muslimk ah, wuxuuna qeyb ka yahay dadaallada wacygelineed ee ay warbaahinta Islaamiga oo ay Al-Furqaan kamid tahay wadaan laguna dooanyo in lgau soo saaro bulsho Islaami ah oo badqab ah, kana fiyow hagardaamooyinka cadowgeedu ku doonayo inuu ku burburiyo. Ciwaanka xalqdaan waa Kaalinta Culimada ee Badbaadinta Umadda Muslimka, waxaana marti inoogu ah Fadiilatu Sheykh Sheekh Aadan Sunne oo kamid ah culimada Diinta Islaamka.

Muxuu Sheekh Aadan Sunne ku cabirayaa aqoonsigii Yahuudda ee maamulka la baxay Soomaaliland, safaaraddii uu dhawaan maamulkaas ka furtay magaala barakeysan ee Al-Qudus iyo culimadii taageertay arrinkaas?

Dagaallo culus oo udhaxeeya ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa mucaaradka ayaa ka socda Magaalada Muqdisho

Duulaan Shisheeye ee AUSSOM ayaa la Sheegay, inuu Marayo Marxaladdii ugu Liifatay, Caqabado Badan oo Isku Biirsaday Awgeed.

Kiisas Horleh oo Cudurka Ebola ah ayaa Laga Helay Dalka Uganda ee Dhaca Bariga Qaaradda Afrika.

Dawladda Maraykanka ayaa Shaacisay in ay Dalkeeda Ka Masaafurin Doonto Ku Dhawaad 50 Qof oo Kasoo Jeeda Dalka Kenya.

Maanta waa maalin Khamiis ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 18-12-1447 oo waafaqsan 04-06-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Cali.

Banaanax looga soo horjeedo Dowladda Fedaraalka ayaa ka billowday qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho.

Waa gaari gaashaaman oo lasoo warinayo in Dowladda Fedaraalka looga gubay dagaalka ay kula jirto mucaaradka.

Magaalada Muqdisho ayaa saakay ku waabariistay dagaal soo billowday shalay gabbal-dhicii, kaas oo udhaxeeya Dowladda Fedaraal
Magaalada Muqdisho ayaa saakay ku waabariistay dagaal soo billowday shalay gabbal-dhicii, kaas oo udhaxeeya Dowladda Fedaraalka iyo mucaaradkeeda, waxaana dagaalka ka dhashay khasaare kala duwan.

Taxane- Halyeeyadii Badar- 232.mp314.03 MB

Dhageyso: Taxane- Halyeeyadii Badar.[232] Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan waxay idiin soo gudbineysaa taxane aan ugu magac darnay Halyeeyadii Bader, taas oo uu Sheekh Cabdul Ilaah Abuu Khaalid kaga waramayo, siirada iyo mawaaqifta tarbawiga ah ee saxaabiyiintii Badriyiinta ahaa ee ka qeyb galay macrakadii Yowmul Furqaan

Xasan Sheekh oo billaabay inuu si toos ah ubeegsado hogaanka Mucaaradka, iyadoo ay ciidankiisu weerareen Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Cali Kheyre.

Afar askari oo uu sarkaal ku jiro ayaa Dowladda Fedaraalka looga dhaawacay, weeear qarax ah oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab galabta ka fuliyeen degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo, saddex kamid ah ciidankaas oo uu sarkaalka ku jiro ayaana lasoo warinayaa iney garaab yihiin.

Mid kamid ah culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay isha, wahsiga iyo dhibaatada Soomaalida ay ku hayaan dawooyinka loo yaqaan Anti-Biyootiga.

Dhageystayaasha iyo akhristayaasha ku xiran idaacadda Al-Furqaan waxay had iyo goor halkan kala socon karaan Wararka iyo Barnaamijyada ay Idaacaddu baahiso. Caawa waa habeennimo Khamiis ah oo ay taariikhda Hijriguna ay ku beegantahay 18-12-1447 oo waafaqsan 03-06-2026, Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada waxaa caawa soo Maxamed Daahir.

Ciidamada Xasan Sheekh ayaa hadda weeraray hoyga uu magaalada Muqdisho ka dagan yahay Shariif Sheekh Axmed, Madaxweyihii hore ee Dowladda Fedaraalka, waxaana muuqaneysa in dagaalka udhaxeeya labada dhinac uu kusii fidayo aagag horleh.

Kiisas Horleh oo Cudurka Ebola ah ayaa Laga Helay Dalka Uganda ee Dhaca Bariga Qaaradda Afrika. Wasaaradda Caafimaadka ee Uga
Kiisas Horleh oo Cudurka Ebola ah ayaa Laga Helay Dalka Uganda ee Dhaca Bariga Qaaradda Afrika. Wasaaradda Caafimaadka ee Uganda ayaa ku dhawaaqday in dalkaasi laga helay lix kiis oo cusub oo xanuunka Ebola ah, taasoo tirada guud ee kiisaska la xaqiijiyay Uganda ka dhigaysa, 15 kiis oo Ebola ah, oo kasoo bilaabanayso tan iyo markii uu cudurku ka dilaacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (DRC) ee dariska la ah dalkaas. Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka ee Uganda ayaa ku soo warantay, in hal kiis oo dhimasho ah laga diiwaangaliyay Uganda ilaa hadda, iyadoo xustay inay samaynayso dadaallo wadajir ah si looga hortago in cudurku faafo. Dhanka Kongo DRC, mas'uuliyiintu waxay soo sheegeen, 321 kiis oo la xaqiijiyay inay Ebolaha qabaan iyo 48 dhimasho ah, marka lagu daro 116 kiis oo la tuhunsan yahay oo aan weli la baarin.

Duulaan Shisheeye ee AUSSOM ayaa la Sheegay, inuu Marayo Marxaladdii ugu Liifatay, Caqabafo Badan oo Isku Biirsaday Awgeed. H
Duulaan Shisheeye ee AUSSOM ayaa la Sheegay, inuu Marayo Marxaladdii ugu Liifatay, Caqabafo Badan oo Isku Biirsaday Awgeed. Hey'adda Cilmi-baarista Nabadda ee Stockholm (SIPRI) ayaa ka digtay in duulaanka Shisheeye ee AUSSOM uu wajahayo qalalaase aan horay loo arag, kuwaas oo ay sabab u yihiin loollanka quwadaha waaweyn, ismari-waaga siyaasadeed iyo dhaqaale yari baahsan. Warbixin cusub oo hey’addani ay soo saartay ayaa muujisay in tirada ciidamada iyo shaqaalaha ku jira waxa loogu yeero howlgalada nabad ilaalinta ay hoos ugu dhacday 78,633 dhammaadka sanadkii 2025, taasoo ah hoos u dhac dhan 17% marka loo eego sanadkii ka horreeyay, isla markaana ah heerkii ugu hooseeyay ee la diiwaangeliyo muddo ka badan rubuc qarni. Hey’adda Cilmi-baarista Nabadda ee Stockholm waxay ka digtay in haddii isbeddelladan ay sii socdaan, hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay ay wajihi karaan in si weyn looga saaro doorkooda ku aaddan maaraynta colaadaha caalamka.