️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
Open in Telegram
Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
Show moreThe country is not specifiedThe category is not specified
258
Subscribers
-224 hours
+197 days
+1930 days
Posts Archive
Tiro Arday ah ayaa ku Dhaawacmay Rasaas ay Ciidamada Maamulka la Baxay Puntland Ku Fureen Goob Waxbarasho.
Jabhadda Itoobiya ee TPLF ayaa ku Hanjabtay, inay Qaadayso Halgan ay Sheegtay inay ku Xoraynayso Dadka Tigrayga.
Xiisad u Dhexeyso Ciidamo ka Wada Tirsan Maamulka la Baxay Koonfur Galbeed ayaa ka Taagan Degmada Afgooye.
Maanta waa maalin Talaado ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 16-12-1447 oo waafaqsan 02-06-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Daahir.
Dhageyso: Taxane- Halyeeyadii Badar.[230]
Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan waxay idiin soo gudbineysaa taxane aan ugu magac darnay Halyeeyadii Bader, taas oo uu Sheekh Cabdul Ilaah Abuu Khaalid kaga waramayo, siirada iyo mawaaqifta tarbawiga ah ee saxaabiyiintii Badriyiinta ahaa ee ka qeyb galay macrakadii Yowmul Furqaan
Dawladda Kenya oo Ku Dhawaaqday Xeerar Halis Galinaya Dugsiyada Lagu Barto Quraanka.
. [Warbixin]
Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa ka hadashay, sababta ay Madaxda iyo Siyaasiyiinta Dawlada Fadaraalka uga shiri la'yihiin arimahooda, halkii ay arintoda ahaan lahed mid hoostaala Ajaanibta xalane kusugan
Hanjabaadda Culimada Yahuuda diidan ayaa wali kasii socota Hargeysa, maamulka Cirro ayaana u hanjabaya culimada si ay Yahuudiyeynta uga aamusaan.
Xubinta Wararka Caalamka oo ku baxda Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada ee idaacadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan, waxaa lagu soo gudbiyaa wararkii ugu dambeeyay ee daafaha Caalamka.
Dhageystayaasha iyo akhristayaasha ku xiran idaacadda Al-Furqaan waxay had iyo goor halkan kala socon karaan Wararka iyo Barnaamijyada ay Idaacaddu baahiso.
Caawa waa habeennimo Talaado ah oo ay taariikhda Hijriguna ay ku beegantahay 16-12-1447 oo waafaqsan 01-06-2026, Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada waxaa caawa soo Cabdisamad Cabdullaahi.
Tiro Arday ah ayaa ku Dhaawacmay Rasaas ay Ciidamada Maamulka la Baxay Puntland Ku Fureen Goob Waxbarasho.
Wararka ka imaanaya Gobolka Nugaal ayaa ku waramaya, in illaa saddax arday ay ku dhaawacmeen rasaas ay askarta maamulka la baxay Puntland ku fureen arday ku sugneed goob waxbarasho.
Dhacdadan ayaa si gaar ah uga dhacday Iskuul ku yaalla Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal, kaas oo la sheegay, inay ku sugnaayeen arday imtixaan u fadhiday.
Ardayda ku dhaawacantah rasaastaas ayaa loola cararay xarumaha caafimaadka, iyadoo aan warbaahinta lala wadaagin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xaaladooda.
Rasaas ayaa la sheegay, inuu furay hal askari oo ka tirsan ciidamada maamulka la baxay Puntland, iyadoo aan la ogayn sababta uu ardayda u rasaaseeyay.
Balse warar horudhac ah ayaa tilmaamaya, in askariga iyo ardayda uu khilaaf soo kala dhexgalay kadib u rasaas oodda uga qaaday.
Taliska Booliiska maamulka la baxay Puntlanda ugu magacaaban magaalada Burtinle ayaa sheegay, inay baarayaan dhacdadaas.
Jabhadda Itoobiya ee TPLF ayaa ku Hanjabtay, inay Qaadayso Halgan ay Sheegtay inay ku Xoraynayso Dadka Tigrayga.
Guddiga Dhexe ee Jabhadda Tirgayga ee TPLF ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray kulan ay saacadihii lasoo dhaafay ku yeesheen magaalada Maqalle ee xarunta gobalka Tigrayga, kaas oo ay kaga arinsanayeen xaaladda gobalkaaas iyo maamulkooda cusub.
TPLF ayaa war-saxaafadeedkeeda ku sheegtay, inay qiimayn ku samaysay xaaladda hadda jirta gobalka Tigrayga, awooddeeda ciidan iyo shaqooyinka u qabsoomay garabkeeda siyaasiga ah.
Waxa ay TPLF ku goodisay, inay galayso halgan lagu ilaalinayo shacabka Tigrayga iyo madaxbanaanidooda, marka intaasi lagu daro, in guryahooda lagu soo celiyo dadka Tigreega ee ku barakacay dagaalladda, sida lagu sheegay bayaankaan oo kasoo baxay Guddiga Dhexe ee Jabhadda Tirgayga ee TPLF.
Sidoo kale, TPLF waxa ay ku hanjabtay, inay dadaal ugu jirta sidii shacabka Tigrayga iyo dhulka ka maqan ay uga xorayn laheed soo duulayaasha oo ay ula jeedda ciidanka Millatariga Itoobiya.
Xiisad u Dhexeyso Ciidamo ka Wada Tirsan Maamulka la Baxay Koonfur Galbeed ayaa ka Taagan Degmada Afgooye.
Wararka inaga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa ku waramaya, in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad culus oo u dhexeyso ciidamo kawada tirsan maamulka la baxay Koonfur Galbeed, kuwaas isku maandhaafay lacagaha baadda ah ee ay ka qaadaan shacabka.
Xiisaddan ayaa timid kadib markii Wasaaradda Maaliyadda ee maamulka la baxay Koonfur-Galbeed ay soo saartay amar lagu xannibayo habkii hore ee ay u qaadi jireen lacagaha baadda, iyadoo fartay, in dakhliga kasoo baxa degmada Afgooye si toos ah ugu soo xaroodo akoonka Wasaaradda ee magaalada Baydhabo.
Macluumaadka ayaa tilmaamaya, in tallaabadaasi uu gaashaanka u daruuray maamulka degmada Afgooye, kaas oo ciidamo dul dhigay waxa loogu yeero Xarunta Canshuurta ee Degmada Afgooye, ciidamadaas ayaa lagu soo waramayaa, in labo maalin oo xariir ah ay is hor-istaag ku sameeyeen lacagaha baadda ee lagu qaadi jiray xaruntaas.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay qaraxyo gaaraya ilaa 2 qarax ka fuliyeen gudaha magaalada Jowhar, waxaana lala eegtay askar ka tirsan Dawladda Fadaraalka, qaraxyadaas waxaa ku dhaawacmay 1 askari oo lagu magacaabo Haaroole.
Waa Habeennimo Talaado ah taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 16-12-1447 oo ku beegan 01-06-2026, warka Habeen waxaa soo jeedinaya Cabdukhaaliq Macalin Cabduwali.
Sidee ayay Dagaallada Jabhadaha Kala Duwan ah Udaciifiyeen Ciidanka Yahuudda?[WARBIXIN]
Jamaacadda Nusratul islaam oo Baahisay Muuqaallka Weeraro lagu dilay in ka badan 10 askari oo ka soo jeeda Dalka Baniin, In ka badan 10 qof oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Weerar Diyaaradeed oo Dowladda Ukraine ku qaaday Dalka Rusuhka.Qodobadaasi iyo kuwo kale ku dhegeyso Xubinta Qalinka Saxaafadda ee ku baxda Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida.
Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida waa barnaamij maalinle ah oo ka baxa Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan, marka laga reebo maalinta Jimcaha, waxaana lagu soo gudbiyaa dhacdooyinka ka taagan Caalamka gaar ahaan Dunida Islaamka.
Jamaacadda Nusratul islaam oo Baahisay Muuqaallka Weeraro lagu dilay in ka badan 10 askari oo ka soo jeeda Dalka Baniin.
Available now! Telegram Research 2025 — the year's key insights 
