en
Feedback
️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

Open in Telegram

Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

Show more
The country is not specifiedThe category is not specified
260
Subscribers
+224 hours
+217 days
+2130 days
Posts Archive
Jabhadda Amxaarada ee Faano ayaa si Adag uga Hortimid Qiimeyn uu Ururka Midowga Afrika ku Sameeyay Doorashada Itoobiya.

Waa Habeennimo Axad ah taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 21-12-1447 oo ku beegan 05-06-2026, warka Habeen waxaa soo jeedinaya Cabdisamad Cabdullaahi.

Maxaan ka Ognahay Halisyada ay Tahriibayaasha Kala Kulmaan Dalka Liibiya?[WARBIXIN]

Tobonaan ruux oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Weerar balaaran oo Ruushka ku qaaday Dalka Ukraine, Taliye sare oo Katirsan Kooxda Xuuthiyiinta oo lagu dilay Dagaallo xoogan oo ka dhacay Dalka Yaman, Qodobadaasi iyo kuwo kale ku dhegeyso Xubinta Qalinka Saxaafadda ee ku baxda Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida.

Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida waa barnaamij maalinle ah oo ka baxa Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan, marka laga reebo maalinta Jimcaha, waxaana lagu soo gudbiyaa dhacdooyinka ka taagan Caalamka gaar ahaan Dunida Islaamka.

Xog Cusub ayaa Daaha ka Feyday in Yahuudda ay Iiraan ka Weerartay Saldhigyo ay ku Leedahay Deegaannada uu ka Arimiyo maamulka la baxay Somaliland.

Ururka Qaramada Midoobay ayaa Sheegay, in Tiro ka Badan 200 oo Qof ay Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqdeen Dagaalladii Xasan Sheekh iyo Mucaaradkiisa ku Dhexmaray Magaalada Muqdiso.

Diyaaradaha Dagaalka ee Itoobiya ayaa Duqeymo ka Geystay Qeybo Kamid ah Gobalka Tigrayga ee Waqooyiga Dalkaas.

Ehellada Qof Shacab ah oo ay Ciidamada Dowladda Fedaraalka Dhawaan ku Dileen Degmada Baraawe ayaa sheegay in dulmi loo geystay.

Maanta waa maalin Sabti, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 20-12-1447 oo waafaqsa 06-06-2026, warka Duhurnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Sheekh Cali.

Howlgal ay Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, ayay ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidamada Dawladda Fadaraalka gaar ahaan qaybta loogu yeero Asluubta, kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Xasan Cismaan. Sarkaalkan ayaa dhibaato u gaysan jiray maxaabiista muslimiinta ee lagu tacdiibayo xabsiyada ku yaalla dalka.

Diyaaradaha Dagaalka ee Itoobiya ayaa Duqeymo ka Geystay Qeybo Kamid ah Gobalka Tigrayga ee Waqooyiga Dalkaas. Sida ay sheege
Diyaaradaha Dagaalka ee Itoobiya ayaa Duqeymo ka Geystay Qeybo Kamid ah Gobalka Tigrayga ee Waqooyiga Dalkaas. Sida ay sheegeen ilo-wareedyo kala duwan, diyaaradaha aan duuliyaha laheen ee Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa saakay duqeymo ka geystay deegaanno ka tirsan galbeedka gobalka Tigrayga, halkaas oo ay maamulaan kooxda TPLF. Xogaha horudhaca ee la helaya ayaa tilmaamaya, in duqaymaha ay ka dhaceen magaalada Shiraro iyo aagag ku xeeran, halkaas oo la sheegay, inay ku yaallaan saldhigyo ciidan oo ay ku sugan yihiin ciidamada jabhadda Tigrayga ee TPLF. Wax faahfaahin dheeraad ah lagama hayo duqeymaaas iyo khasaaraha ay geysteen, halka TPLF iyo xukuumadda Adis Ababa midkoodna uusan wax war ah kasoo saarin. Magaalada Shiraro ee dhacda Waqooyi-Galbeed ee gobolka Tigrayga ayaa la tilmaamay, inay kamid tahay meelaha ay Itoobiya rumaysan tahay, inay ku sugan yihiin ciidamo Eratariyaan ah oo caawinaya TPLF, inkasta oo ay Asmara horay u beenisay eedeymahaas.

Xog Cusub ayaa Daaha ka Feyday, in Yahuudda ay Iiraan ka Weerartay Saldhigyo ay ku Leedahay Deegaannada uu ka Arimiyo maamulk
Xog Cusub ayaa Daaha ka Feyday, in Yahuudda ay Iiraan ka Weerartay Saldhigyo ay ku Leedahay Deegaannada uu ka Arimiyo maamulka la baxay Somaliland. Warbaahinta Mareykanka ayaa markii ugu horaysay daaha ka feyday in maamulka la baxay Somaliland uu saldhigyo millateri oo ku yaalla gudaha deggaannada uu ka arimiyo uu ku wareejiyey maamulka Yahuudda, kuwaas oo loo adeegsado fulinta weerarrada ka dhanka ah Iiraan. Shabakadda warbaahineed ee CNN ee Mareykanka oo soo xiganaysa ilo-wareedyo ayaa daboolka ka qaadday, in saldhigyo iyo goobo ciidan oo qarsoodi ah ay Yahuuddu ku leedahay deggaannada uu ka arimiyo maamulka la baxay Somaliland, kuwaas oo ay u adeegsato taageerada hawlgallada millateri iyo ururinta xogaha sirdoonka Xogtan ay baahisay CNN ayaa lagu sheegay, in intii uu socday dagaalka lagu qaaday Iiraan ay Yahuudda si gaar ah gudaha deegaannada uu ka arimiyo maamulka la baxay Somaliland geysay ciidan, ayna ka hawl-gelisay xarun shidaalka siisa diyaaradaha Sahaayinada ee duullaanka ku ahaa waddanka Iiraan.

Ururka Qaramada Midoobay ayaa Sheegay, in Tiro ka Badan 200 oo Qof ay Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqdeen Dagaalladii Xasan Sheek
Ururka Qaramada Midoobay ayaa Sheegay, in Tiro ka Badan 200 oo Qof ay Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqdeen Dagaalladii Xasan Sheekh iyo Mucaaradkiisa ku Dhexmaray Magaalada Muqdiso. Hey’adda waxa loogu yeero Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha qaxootiga ee magaceeda loosoo gaabiyo UNHCR ayaa warbixin ka qortay dagaalkii dhawaan Dowladda Fedaraalka iyo mucaaradkeeda ku dhexmaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Hey’adda ayaa sheegtay, in labada dhinac waa mucaaradka iyo Xasan Sheekh ee ay k dagaalameen xaafado ay dadku ku badan yihiin, taas oo keentay, dhimasho, dhaawac fara-badan iyo barakac baahsan. Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa warbixinteeda ku sheegtay, in 13 ruux ay ku dhimatay, 189 kalena uu dhaawac ka soo gaaray dagaalkii Ciidanka Dowladda iyo kuwa Mucaaradka ku dhexmaray Muqdisho, taas oo khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca marka la isku daro ka dhigayso 202 ruux.

Ehellada Qof Shacab ah oo ay Ciidamada Dowladda Fedaraalka Dhawaan ku Dileen Degmada Baraawe ayaa Codsaday Cadaalad. Afar maa
Ehellada Qof Shacab ah oo ay Ciidamada Dowladda Fedaraalka Dhawaan ku Dileen Degmada Baraawe ayaa Codsaday Cadaalad. Afar maalin kadib waxaa maalintii shalay magaalada Baraawe ee gobalka Shabeellaha hoose lagu aasay Ibaraahim Muumin Hassan, kaas oo ahaa qof shacab ah oo ay ciidamada Dowladda Fedaraalka dhawaan ku dileen afaafka hore ee magaaladaasi. Ehellada ninkaas oo shalay warbaahinta kula hadlay qabriga dushiisa ayaa sheegay, in Dowladda Fedaraalka ay qiratay dilka ninkaas rayidka ah, balse ay qarisay gacan ku dhiiglihii dilay, taas oo keentay, in meydkooda ay aastaan afar maalin kadib markii ay cadaalad waayeen. Waxa ay ehelladu si cad u sheegeen, in degmada Baraawe uusan ka jirin amni iyo dowlad ay cadaalad u raadsadaan, iyagoona arintaasi u sabeeyay, in askarigii dilay ruuxa shacabka ah uu si nabad-gelyo ah ku jooga degmada Baraawe ee gobalka Shabeellaha hoose.

Mid Kamid ah Xildhibaannada ayaa Xasan Sheekh ku Eedeeyay, inuu Go’aansaday Laynta Madaxdii Isaga ka Horeeyay.

Jabhadda Amxaarada ee Faano ayaa si Adag uga Hortimid Qiimeyn uu Ururka Midowga Afrika ku Sameeyay Doorashada Itoobiya.

Dawladda Kenya ayaa Sheegtay Inuu Hoos u Dhac Dhaqaale oo Xooggan Ku Socdo Miisaaniyadda Dalka.

Maanta waa maalin Sabti ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 20-12-1447 oo waafaqsan 06-06-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Daahir.