en
Feedback
️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

Open in Telegram

Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

Show more
The country is not specifiedThe category is not specified
258
Subscribers
-224 hours
+197 days
+1930 days
Posts Archive
Maamulka Somaliland ayaa billaabay inuu u hanjabo jamaacaadka masaajidda iyo culimada wanaagsan ee ay ku xiran yihiin.

Maleeshiyaadka Liyuu Booliska ayaa Dad Shacab ah ku Dhibaateeyay Deegaan ka Tirsan Gobalka Bakool.

Daraasad Kasoo Baxday Dalka Kenya ayaa Daaha Looga Qaaday Sara u Kac La Xiriira Dhimashada Hooyooyinka iyo Dhallaanka.

Maanta waa maalin Axad ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 14-12-1447 oo waafaqsan 31-05-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Daahir.

Taxane- Halyeeyadii Badar- 228.mp310.95 MB

Dhageyso: Taxane- Halyeeyadii Badar.[228] Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan waxay idiin soo gudbineysaa taxane aan ugu magac darnay Halyeeyadii Bader, taas oo uu Sheekh Cabdul Ilaah Abuu Khaalid kaga waramayo, siirada iyo mawaaqifta tarbawiga ah ee saxaabiyiintii Badriyiinta ahaa ee ka qeyb galay macrakadii Yowmul Furqaan.

Kooxaha karishtaanka ee dadka ugu yaara iney gaaloobaan ayaa magaalada Muqdisho kusoo badanaya.

DawladaFadaraalka ayaa ka qeyb gashay shir ay Yahuuda ku qabsatay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

Xubinta Wararka Caalamka oo ku baxda Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada ee idaacadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan, waxaa lagu soo gudbiyaa wararkii ugu dambeeyay ee daafaha Caalamka.

Dhageystayaasha iyo akhristayaasha ku xiran idaacadda Al-Furqaan waxay had iyo goor halkan kala socon karaan Wararka iyo Barnaamijyada ay Idaacaddu baahiso. Caawa waa habeennimo Axad ah oo ay taariikhda Hijriguna ay ku beegantahay 14-12-1447 oo waafaqsan 30-05-2026, Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada waxaa caawa soo Cabdisamad Cabdullaahi.

Maleeshiyaadka Liyuu Booliska ayaa Dad Shacab ah ku Dhibaateeyay Deegaan ka Tirsan Gobalka Bakool. Ciidamada Liyuu Booliska e
Maleeshiyaadka Liyuu Booliska ayaa Dad Shacab ah ku Dhibaateeyay Deegaan ka Tirsan Gobalka Bakool. Ciidamada Liyuu Booliska ee Itoobiya ka amarqaata ayaa dad shacab ah jirdil iyo xarig ugu geystay magaalada Aato ee ka tirsan gobalka Bakool, islamarkaana ku taalla xadbeenaadka u gobalkaasi la leeyahay dhulka Soomaali Galbeed ee gumaysiga ku jira. Liyuu Booliska ayaa ficilladaani ku kacay kadib markii uu iska hor-imaad dhexmaray iyaga iyo dadka deegaanka ee magaalada Aato, kuwaas oo ka dhiidiyay anshax xuma ay ku kaceen maleeshiyaadkan. Macluumaadka laga helaya magaalada Aato ayaa sheegaya, in sarkaal ka tirsan Maleeshiyaadka Liyuu Booliska uu xilli habeen ah u dhacay guri dad rayid ah, si uu fara xumeeyo gabar Muslimad ah. Balse waxaa la tilmaamay, in dadka deegaanka ay ka dhiidhiyeen ficillada sarkaalkan oo ay u gacan qaadeen. Intaasi kadib sarkaalkan ayaa ciidamo u adeegsaday dadka degaanka isagoo qaarna dhaawacyo gaarsiiyay kuwa kalana xabsiga u taxaabay, sida ay kusoo warameen dadka deegaan.

Daraasad Kasoo Baxday Dalka Kenya ayaa Daaha Looga Qaaday Sara u Kac La Xiriira Dhimashada Hooyooyinka iyo Dhallaanka. Warbix
Daraasad Kasoo Baxday Dalka Kenya ayaa Daaha Looga Qaaday Sara u Kac La Xiriira Dhimashada Hooyooyinka iyo Dhallaanka.   Warbixin cusub oo kasoo baxday hay’addo Keenyaan ah ayaa muujisay in dalkaasi uu wajahayo caqabado waaweyn oo dhanka caafimaadka hooyooyinka iyo dhalaanka ah, iyada oo maalin kasta ay gudaha dalkaas ku geeriyoodaan celcelis ahaan 15 hooyo iyo in ka badan 90 carruur ah xilliga dhalmada ama wax yar kadib dhalashadooda.   Xogtan ayaa tilmaamaysa, in sanad kasta dalka Kenya laga diiwaangeliyo dhimashada ku dhawaad 5,000 oo hooyooyin ah, halka in ka badan 42,000 oo caruur ah ay ku dhintaan. Waxaa intaas sii dheer in tobannaan kun oo carruur ah ay meyd ahaan ku dhashaan, kuwaas oo badankood lala xiriirinayo dhibaatooyin caafimaad oo laga baaqsan karay.

Maamulka Somaliland ayaa billaabay inuu u hanjabo jamaacaadka masaajidda iyo culimada wanaagsan ee ay ku xiran yihiin. Iyadoo
Maamulka Somaliland ayaa billaabay inuu u hanjabo jamaacaadka masaajidda iyo culimada wanaagsan ee ay ku xiran yihiin. Iyadoo saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada ay aad ugu baaheen qaar kamid ah culimada ku sugan Woqooyiga Soomaaliya oo si adag iga soo horjeestay, tallaabo uu maamulka la baxay Soomaaliland magaalada Al-Qudus caasimad ugu aqoonsaday Yahudda ayaa waxaa isa soo taraya masuuliyiinta iyo xubnaha katirsan maamulkaas ee sida weyn uga gubtay hadalka culimada. War kasoo baxay madaxtooyada maamulka la baxay Soomaaliland ayaa hanjabaad loogu diray, dadka kasoo horjeeda go'aanka uu qaatay maamulkaas ee uu magaalada Al-Qudus caasimadda ugu aqoonsaday Sahaayinada. Afhayeenka Madaxweynaha Maamulka la baxay Soomaaliland Xuseen Aadan Cige ayaa qoraal uu ku daabacay barahiisa Internetka wuxuu ku sheegay, in dadka kasoo horjeeda tallaabada ay qaadeen ay diidan yihiin jiritaanka maamulkooda sida uu hadalka udhigay.

Waa Habeennimo Axad ah taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 14-12-1447 oo ku beegan 30-05-2026, warka Habeen waxaa soo jeedinaya Cabdisamd Cabdullaahi.

Mu'asasada Al-kata'ib ayaa baahisay muuqaal dukumintari ah oo lagu soo bandhigay hawlgal lagu soo furtay boqollaal maxaabiis ah oo ka dhacay Boosaaso sannadkii 2021.

Maraykanka iyo xulafadiisa Aasiya oo dadaal ugu jira inay dhisaan isbahaysi amni oo u eg NATO si ay uga hortagaan awoodda sii kordheysa ee Shiinaha, halka Beijingna ay ka digtay in tallaabadaas ay gobolka gelin karto xiisad iyo isku dhac militari.

Jamaacadda Nusratul islaam oo Baahiyay Muuqaal ku saabsan Hadiyada Ciidul-Adxaa Al-Mubaarak, Dowladda Ruushka oo Weerar dhinaca Hawada ah ku qaaday Dalka Romania, Qodobadaasi iyo kuwo kale ku dhegeyso Xubinta Qalinka Saxaafadda ee ku baxda Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida.

Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida waa barnaamij maalinle ah oo ka baxa Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan, marka laga reebo maalinta Jimcaha, waxaana lagu soo gudbiyaa dhacdooyinka ka taagan Caalamka gaar ahaan Dunida Islaamka.

Mid kamid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa Ka Hadlay Safaaradda uu Maamulka la Baxay Soomaaliland ka Furtay Magaalada Barakaysan ee Al-Qudus.

Markab Laga Leeyahay Dalka Baakistaan ayaa Markale Lagu Afduubtay Xeebaha Soomaliya.