SNA RADIO
前往频道在 Telegram
📈 Telegram 频道 SNA RADIO 的分析概览
频道 SNA RADIO (@codkacqs) 索马里语 语言赛道中的 是活跃参与者。目前社区聚集了 18 563 名订阅者,在 新闻与媒体 类别中位列第 12 166,并在 索马里 地区排名第 467 位。
📊 受众指标与增长动态
自 невідомо 创建以来,项目保持高速增长,吸引了 18 563 名订阅者。
根据 27 六月, 2026 的最新数据,频道保持稳定运转。过去 30 天订阅人数变化为 -482,过去 24 小时变化为 -16,整体触达仍然可观。
- 认证状态: 未认证
- 互动率 (ER): 平均受众互动率为 9.72%。内容发布后 24 小时内通常能获得 N/A% 的反应,占订阅者总量。
- 帖子覆盖: 每篇帖子平均可获得 1 804 次浏览,首日通常累积 0 次浏览。
- 互动与反馈: 受众积极参与,单帖平均反应数为 24。
📝 描述与内容策略
作者将该频道定位为表达主观观点的平台:
“Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida”
凭借高频更新(最新数据采集于 28 六月, 2026),频道始终保持新鲜度与高覆盖。分析显示受众积极互动,使其成为 新闻与媒体 类别中的关键影响点。
18 563
订阅者
-1624 小时
-1127 天
-48230 天
帖子存档
18 563
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyay deegaanka Jabad-godane ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu ciribtiray maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta.
Howlgallada oo ahaa kuwo culus ayaa ciidanku ku xaqiijiyeen amniga deegaanka, kaddib markii laga saaray maleeshiyaadkii Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanayay halkaas, isla markaana jab culus lagu gaarsiiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa kooxdaasi iyadoona laga awood looga saaray gododkii ay ku dhuumanayeen.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa weli sii wada howlgallo amni xaqiijin ah, iyagoo baacsanaya firxadka Khawaarijta ee ku cararay dhulka howdka ah ee ku teedsan deegaanka.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale adkeeyay go’aanka adag ee lagu ciribtirayo Khawaarijta, islamarkaana lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida guud ee dalka.
18 563
WAR-SAXAAFADEED
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo ay garab taagan yihiin Ciidamada Amniga Jubbaland, isla markaana kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa soo gabagabeeyay howlgal amni oo socday in ka badan 24 saacadood, kaas oo lagu fashiliyey laguna soo afjaray weerar ay maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ku soo qaadeen magaalada Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalkan wadajirka ah ayaa cadowga lagu gaarsiiyay jab culus iyo khasaare ballaaran, iyadoo la dilay in ka badan 130 dhagarqabe, laguna dhaawacay tiro kale oo intaas ka badan, kaddib dagaal toos ah oo ay ciidamadu si geesinimo leh uga hortageen weerarka.
Sidoo kale, waxaa gacanta looga dhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ka carareen maleeshiyaadkii argagixisada ee soo qaaday weerarka naf-la-caariga ahaa.
Haatan, amniga magaalada Kudhaa iyo dhammaan nawaaxigeeda waxa si buuxda gacanta ugu haya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, iyo Ciidamada Amniga Jubbaland, kuwaas oo weli ku jira feejignaan buuxda iyo sugid amni si looga hortago khatar kasta oo hadhay.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay bogaadinayaan geesinimada, wada-shaqeynta, iyo feejignaanta Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland, iyagoo mar kale adkaynaya in howlgallada lagu ciribtirayo argagixisada ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijiyo nabad, xasillooni, iyo amni waara oo ka hirgala guud ahaan dalka.
#Dhammaad
18 563
Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab, oo garab ka helaya ciidammada Dowlad-goboleedka Jubbaland, ayaa si buuxda u soo gabagabeeyay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo weerar kusoo qaaday deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalka oo qaatay saacado badan, isla markaana u dhacay si qorsheysan, ayaa ciidamadu ku fashiliyeen weerarkii cadowga, iyagoo khasaare culus ku gaarsiiyay maleeshiyaadka Khawaarijta. Ciidamada ayaa halkaas ku dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa kooxdii weerarka soo qaaday.
Degaanka xeebeedka Kudhaa ayaa haatan si buuxda gacanta ugu jira Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab iyo ciidamada Jubbaland.
Sidoo kale, ciidamadu waxay weli sii baacsanayaan firxadka maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta, iyagoo wadaya howlgallo amni sugid iyo sifeyn ah, si looga hortago khatar kasta oo kusoo laaban karta deegaanka.
Faahfaahin dheeraad ah kala soco SN Radio.
18 563
Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab, oo garab ka helaya ciidammada Dowlad-goboleedka Jubbaland, ayaa si buuxda u soo gabagabeeyay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo weerar kusoo qaaday deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalka oo qaatay saacado badan, isla markaana u dhacay si qorsheysan, ayaa ciidamadu ku fashiliyeen weerarkii cadowga, iyagoo khasaare culus ku gaarsiiyay maleeshiyaadka Khawaarijta. Ciidamada ayaa halkaas ku dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa kooxdii weerarka soo qaaday.
Degaanka xeebeedka Kudhaa ayaa haatan si buuxda gacanta ugu jira Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab iyo ciidamada Jubbaland.
Sidoo kale, ciidamadu waxay weli sii baacsanayaan firxadka maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta, iyagoo wadaya howlgallo amni sugid iyo sifeyn ah, si looga hortago khatar kasta oo kusoo laaban karta deegaanka.
Faahfaahin dheeraad ah kala soco Idaacadda SN Radio.
18 563
Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta cashar adag u dhigay Khawaarijtii isku dayday inay weerar ku soo qaaddo deegaanka Jabad Godane, oo hoos taga Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaad badan oo cadowga ka tirsan.
18 563
Baqtiga Argagixisada iyo Dagaal Culus oo Saakay Lagu Cagmariyey Deegaanka Jabad Godane
Saakay waaberigii, geesiyaasha Ciidanka Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dagaal culus ku cagmaray deegaanka Jabad Godane, kaddib markii argagixisadu isku dayeen weerar ay kusoo qaadaan aaggaas.
Isku daygaas fashilmay ayaa sababay in iska caabin adag lagula hortago bananka hore ee Jabad Godane, taas oo ay si geesinimo leh u wajahayeen Kumaandooska Danab.
Dagaal culus oo socday saacado ayaa ka dhashay weerarkaasi, waxaana halkaas lagu gaarsiiyey baqti iyo jab culus maleeshiyaadkii argagixisada ahaa.
Geesiyaasha Kumaandooska Danab ayaa muujiyey adkaysi, feejignaan iyo xirfad militari oo sare, iyagoo burburiyey qorshihii cadowga kana dhigay in deegaanka si buuxda gacanta loogu dhigo.
Howlgalkan ayaa caddeyn u ah doorka laf-dhabarta ah ee Ciidanka Kumaandooska Danab ay ka qaataan ciribtirka argagixisada iyo sugidda amniga iyo xasilloonida dalka.
现已上线!2025 年 Telegram 研究 — 年度关键洞察 
