4 040
订阅者
-624 小时
-337 天
-12530 天
帖子存档
4 041
#Ogaada
القاسم المشترك بين ابن عانود ومحمود نور هو عدم إعتبار شعائر الإسلام الظاهرة.
Ina caanood iyo Maxamuud nuur cusmaan waxay iska waafaqsan yihiin in la gaalaysiiyo dadka sumada islaamka ka muuqato inta laga baarbaaraayo oo laga ogaanaayo.
Ninka ina caanood ku taageeray suufi iyo jadiidi cayrsigeed oo iska indho tiraayo Bidcadiisa khawaarijnimada waxaa sidoo kale laazim ku ah in uu taageero Maxamuud nuur cusmaan waayo wuxuu qabtaa in ka badan inta uu Mustafe qabto oo wanaag ah hadii ay ahaan lahayd cadaynta tawxiidka xaakimiyada iyo khaalis yeelida cibaadada iyo cadaynta Shirkiga mushrikiinta oo idil wuuna la doodaa ahlu shirkiga labadooduna waa isag aragti in dadka islaamnimo loo diido inta laga baaraayo.
Ina caanood iyo maxamuud nuur cusmaan waa laba zandiiq oo si cad u diidan nusuusta ku aadan Shacaairta ama sumadaha islaamnimada loogu xukumo Muslim aan wax nawaaqidh ah ku jirin.
Ma kala sukeeyaan waliba markii la isku eego Maxamuud nuur baa roon caqiido ahaan,Hadii ina caanood Suufi iyo jadiidiyo cayrsigood lagu qiimaynaayo maxamuud nuur isna Mushrikiin oo idil buu xididada usiibay waa in taas lagu qiimeeyaa❗️.
4 041
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Ogaysiis dhamaan ardayda Degmada #BALCAD mucalimiinta iyo reer balcad inta fariinteena gaarayso
Maanta oo ay taariikhda tahay 1442 / 12 / 05
Waxaa inoo bilaabmi doono dowro salaada duhur ka dib
Waxayna ku saabsan tahay ama uu ciwaankeeda yahay
معلم البشرية وأساليبه في التعليم
Macalinka bashariyada (aadanaha) iyo hababkiisii wax barida
Waxaana la aqri doonaa kitaab yar oo dawrada ku magac ah
معلم البشرية وأساليبه في التعليم
Meesha lagu qaban doono waa masjidka birul-waalidayn
Hoos 👇 ka dagso kitaabka
4 041
[Waxa ugu horeeyo ee dacwada lagu bilaabo]
Imaamka sulaymaan binu cabdi-llaahi aala sheekh wuxuu yiri:
Hadii uu doono dacwo arinkaas xagiisa ah, ha ku bilaabo dacwada towxiidka in uu dadka oogu yeero towxiidka oo ah macnaha qirida in ilaah xaq lagu caabudo uusan jirin Allaah maahane. (لا إله إلا الله)
Goor aysan acmaasha ansaxaynin illaa in ay towxiid wadato maahane towxiidka waa asalka acmaasha lagu dhiso goorta la heli waayo Towxiid camal wax ma taro iska daa'ee camalkaas waa mid burburo goor aysan ansaxaynin cibaado shirki la jiro sida uu Allaah sareeyay u yiri :
« ما كان للمشركين أن يعمروا مساجد الله شاهدين على أنفسهم بالكفر أولائك حبطت أعمالهم وفي النّار هم خالدون »
(uma ahaanin mushrikiin in ay camiraan masaajida Allaah iyaga oo naftooda ku qiraayo gaalnimo kuwaas acmaashooda ayaa burburtay naarta dhexdeeda ayey iyagu ku waarayaan)
Maxaa yeelay barashada micnaha ashahaatanka (لا إله إلا الله) waa waajibaadka ugu horeeyo ee adoomaha saaran
Sidaas ayuu ku ahaaday towxiidka waxa ugu horeeyo ee dacwada lagu bilaabo.
📚 Taysiir Al-Caziz Al-Xamid (1/257)
4 041
Waxa uu gaystay dambiyo tuuganimo khiyaano Isaga oo aqoon u yar aynan jirin aqoon diimeed iyo mid maadiba
Anshax xumadaas intuu ka bartay ma taqaanaa ?
Wuxuu ka bartay suu sheegay daawashada filim hindi ah
Asbaabta gaalada aflaamta ay u jilaanbo waa in ay akhlaaqda muslimiinta ku dheelaan anshax xumadana baraan
Iska ilaaliya aflaamta si aynan fikrad xun kaaga bixin.
4 041
قال سفيان الثوري رحمه الله :
"هذا زمان السكوت ولزوم البيوت والرضا بالقوت إلى أن تموت"
التمهيد لابن عبد البر 17/443"
Sufyaan Al-thowri wuxuu yiri:
"Waqtigaan waa waqtiga aamusnaanta guri iska jooga quutka oo lagu raali noqdo ilaa aad ka dhimato"
Attamhiid libni cabdil birr 17/443"
4 041
Fadliga 10 maalin ee ee dul xijja ama carafo
Sheekh xassaan xuseen abuu Salmaan
Sheekha wuxuu muuqaalkaan gudihiisa ooga jawaabaayaa su'aalahaan
1- soonka 10 maalin ma sunnaa mise iyo khilaafka ku jiro oo si cilmiyeesan sheekha uu aaga jawaabi doono
2- maxaa fiican in la qabto tobankaan biri ?
3-saxaabadu say ahaayeen maalmahaan ?
Waan hubaa in aad ka faaidaysanayso hadaad sifiican u dhagaysato
#Share
4 041
وقال مهنا : سألت أحمد عن إبراهيم بن الهروي فقال : رجل وسخ ، فقلت ما قولك إنه وسخ قال : من يتبع الولاة والقضاة فهو وسخ وكان هذا رأي جماعة من السلف
Muhanaa wuxuu yiri: Axmad ayaan weydiiyay ibraahiim binu al-harawiyy wuxuu yiri: axmad: kaasu waa wasaq waxan ku iri : maxaa ka wadaa kaas waa wasaq wuxuu yiri: qofka madaxda iyo qaaliyaasha raaca kaas waa wasaq
Sidaas ayuu ahaa ra'yiga koox ka mid ah salafka
4 041
اعطنا حلاوة وريالات نعطيك فتاوى سهالات.
منقول
Boqorow macmacaan iyo riyaalyaal nasii fatwooyin fudfudud ayaan ku siinsynaa
#Xigasho
4 041
▪️روى عبدُ اللّٰه بن وهبٍ ، عن عمرو بن الحارث ، عن اللّجلاجِ مولىٰ عبد العزيز بن مروانَ ؛ عن جابرِ بن عبد اللّٰه ، عن النَّبيِّ ﷺ أنَّه ذكرَ السَّاعةَ الّتي في الجمعةِ فقال " التمســوها آخر السَّاعات بعدَ العصر ''
Jaabir ibnu cabdi-llaahi waxaa laga wariyay uu ka wariyay Nabiga scw in nabiga scw uu sheegay saacada ku jirto maalinta jumcaha ah (saacatu ijaabah) wuxuu yiri nabiga scw:
"Ka raadiya (saacatu ijaabah) saacadaha u dambeeyo ee casirka ka dib "
ذكر ابن عساكر : " أصاب العمى الصلت بن بسطام، فجلس إخوانه يدعون له عصر الجمعة، وقبل الغروب عطس عطسة، فرجع بصره ".
📕(كتاب تاريخ دمشق)
Ibnu casaakir wuxuu sheegay: " indha la'aan ayaa ku dhacday ninka la dhahaayo assaltu bini basdaam , walaalahiis way fadhiisteen goor casirka jumcaha ah iyaga oo u docaynaayo, inta aysan qoraxda dhicin ka hor wuu hindhisooday hindhiso, aragiisa ayaa u soo laabtay."
📕(Kitaabka taariikhda dimashq)
4 041
#Dardaaran cajiib ah uu maanka la doorsoomaayo
Maalik ibnu diinar wuxuu yiri :
Maalin ani oo ku dawaafaayo kacbada hareereheeda waxaan arkay nin asagana kacbada ku dawaafaayo aragiisana cirka u taagay asaga oo leh :
(Allaha kuwa qaldama cafiyoow qaladkayga ii cafi dambigaygana ii dhaaf todobaadkiisa markuu dhamaystay ayaan raacay)
Waxaaan ku iri : Allaah ha kuu naxariistee i bar waxa uu Allaah ku baray, wuxuu igu yiri : ma garanaysaa ninka la yiraahdo maalik ibnu diinaar ?
Waxaan ku iri : haa, maalik maxaa dardaaran ah oo aad iigu dhiibaysaa oo aan kaa gaarsiiyaa.
Wuxuu yiri : salaan iga gaarsii waxaadna ku dhahdaa maalaik : Allaah ka baq waxaan kaaga digaayaa doorin iyo badalid maxaa yeelay hadii aad dooriso waxaad ku liidnaanaysaa Allaha rabbul caalamiinka ah.
ka dibna wuxuu u yiri : Allaah ka baq sabarkana laazim aduunyana ooga gudub gaarsiin iyo caradiisa in uu celiyo ciilkiisana uu qariyo qaraarkana uu kabado (laqo) ogaysii maalik in Allaah maalinta biri ah leeyahay boos istaag booskaas oo loogu aar gudi doono rida geesaha aan laheen tan geesaha leh ka dibna waxaad ku dhahdaa maalik : naftiisa ha xisaabiyo Allaha rabbigiisa ahna ha ka baqo waxaad ku dhahdaa : janadu way wanaagsan tahay carafteeduna aad bay u wanaagsan tahay biyaheeduna waa macyihiin cabitaankeeduna waa macyahay xaasaskeeduna waa badan yihiin wax dhib iyo dhuun qabadna malaha
Ka dibna waxaad ku dhahdaa : naartu urteeda aad bay u uraysaa cabitaankeeda waa mid xun godkeedana waa dheer yahy cadaabkeedana waa xanuun badan yahay Allaah naartaas wuxuu u diyaariyay reerka kibirka badan iyo kuwa is qaad qaadka badan.
📗Al-awliyaa libni abid-dunyaa
Boga \ 73
现已上线!2025 年 Telegram 研究 — 年度关键洞察 
