ch
Feedback
️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

前往频道在 Telegram

Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

显示更多
未指定国家未指定类别
262
订阅者
+224 小时
+127
+2230
帖子存档
Maanta waa maalin Arboco ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 03-12-1447 oo waafaqsan 20-05-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Daahir.

Gobalka Shabelaha Hoose, waxay habeenkii xalay Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab dagaal culus ku qaadeen xerada askarta Ugandha iyo saldhiga ciidamada Dawladda Fadaraalka ee degmada Jannaale. Sidoo kale ciidamada xakarada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxey habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen xerada askarta ugandha ee degmada Qoryooley.

Ciidamada Xarkada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay qarax ku weerareen askar ka tirsan dawladda Fadaraalka oo ku sugnaa saldhig kuyaalla degmada Diinsoor ee gobalka Baay.

Qarax ay xalay ciidamada Xarakada mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen gudaha magaalada Kismaayo, ayaa lala eegtay askar ka tirsan maamulka labaxay Jubaland oo ku sugnaa xaafadda Fii_afmadow, waxaana jira khasaare gaaray askartaas.

Dhageystayaasha iyo akhristayaasha ku xiran idaacadda Al-Furqaan waxay had iyo goor halkan kala socon karaan Wararka iyo Barnaamijyada ay Idaacaddu baahiso. Caawa waa habeennimo Arbaco ah oo ay taariikhda Hijriguna ay ku beegantahay 03-12-1447 oo waafaqsan 19-05-2026, Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada waxaa caawa soo jeedinaya Yaasir Cabdalla.

Waa Habeennimo Arbaco ah taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 03-12-1447 oo ku beegan 19-05-2026, warka Habeen waxaa soo jeedinaya Sakariye Cumar.

Dhageyso: Maxaan ka Ognahay Qarashka Mareykanka Uga Baxay Dagaalka Iiraan?[WARBIXIN]

In ka badan 10 askari oo lagu dikay Dalalka Maali iyo Burkina Faso ee dhaca galbeedka Qaarada Afrika. Dowlada Suudaan oo ku dhawaaqday in ay la wareegtay labba goobood oo dhaca gobolka Niilul Azraq. Qodobadaasi iyo kuwo kale ku dhegeyso Xubinta Qalinka Saxaafadda ee ku baxda Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida.

Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida waa barnaamij maalinle ah oo ka baxa Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan, marka laga reebo maalinta Jimcaha, waxaana lagu soo gudbiyaa dhacdooyinka ka taagan Caalamka gaar ahaan Dunida Islaamka.

Mid ka mid ah culimada Diinta Islaamka ayaa si qoto dheer uga hadlay asbaabaha rasmiga ah ee keenay cuqubada, dhibaatooyinka, iyo imtixaanka ragaadiyey umadda Soomaaliyeed.

Dowladda Fedaraalka ayaa odayaal weero ku tilmaamtay siyaasiyiinta mucaaradka ee sida weyn udiidan muddo kororsiga Xasan Sheekh.

Saraakiil iyo Askar ka Tirsan Maamulka la Baxay Puntland ayaa Shil ku Galay Gobalka Nugaal.

Ku Dhawaad 35 Ruux ayaa Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Mudahaardyo ka Dahacay Wadanka Kenya.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka hadlay waxa fashiliyay wahadalladii ay dhawaanahan la gelayeen Dowladda Fedaraalka.

Maanta waa maalin Talaado, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 02-12-1447 oo waafaqsa 19-05-2026, warka Duhurnimo waxaa soo jeedinaya Sakariye Cumar.

Ku Dhawaad 35 Ruux ayaa Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Mudahaardyo ka Dahacay Wadanka Kenya. Waxaa tafaasiil dheeraad ah laga
Ku Dhawaad 35 Ruux ayaa Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Mudahaardyo ka Dahacay Wadanka Kenya. Waxaa tafaasiil dheeraad ah laga helayaa khasaaraha nafeed ee ka dhashay dibad-baxyo waaweyn oo saacadihii lasoo dhaagay gilgilay wadanka Kenya, kuwaas oo looga soo horjeeda sare u kaca qiimaha shidaalka. Warbaahinta gudaha ee dalkaas ayaa kusoo warantay, in afar qof ay ku dhinteen in ka badan 30 kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii ay Booliska Kenya rasaas noolnool u adeegsadeen dibad-baxayaal isugu soo baxay magaalada caasimadda ah ee Nayroobi. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowladda Kenya ayaa sheegay, in 348 qof xabsiga loo taxaabay laguna soo oogi doono dacwado ku saabsan ku lug lahaanshahooda waxa uu ugu yeeray dibadbaxyada rabshadaha wata ee sharci darrada ah. Wasiirku ma uusan cayimin sida loo dilay afarta qof, laakiin goobjoogayaal ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in Booliiska Nayroobi ay rasaas fureen.

Dowladda Fedaraalka ayaa odayaal weero ku tilmaamtay siyaasiyiinta mucaaradka ee sida weyn udiidan muddo kororsiga Dowladda F
Dowladda Fedaraalka ayaa odayaal weero ku tilmaamtay siyaasiyiinta mucaaradka ee sida weyn udiidan muddo kororsiga Dowladda Federaalka. Xili xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloolsan Dowladda Fedaraalka iyo mucaaradkeeda uu marayo marxalad xasaasi ah oo muddo xileedka Xasan sheikh dhamaaday, ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa hadallo kulul is weedaarsadanayay siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo kuwa xilalka haya ee kujira Dowladda Fedaraalka. Wasiirka gaashaandhiga Axmed Macalim Fiqi oo kamid ah siyaasiyiinta ku haray garabka Xasan Sheekh, ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta Mucaaradka. Fiqi, oo socod umuuqday handadaad iyo dhoolatus siyaasadeed ku maray degmooyin ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa Sheegay in askar badan oo katirsanaa Dowladda Fedaraalka ay ku dhinteen dagaallada ay kula jiraan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka hadlay waxa fashiliyay wahadalladii ay dhawaanahan la gelayeen Dowladda Fedaraalka. Cabdikar
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka hadlay waxa fashiliyay wahadalladii ay dhawaanahan la gelayeen Dowladda Fedaraalka. Cabdikariim Xuseen Guuleed oo mar soo noqday Hogaamiyaha maamulka la baxay Galmudug haatanna ku jira mucaaradka kasoo horjeeda Xasan Sheekh, ayaa ka hadlay sababaha keenay iney fashilmaan wadahadalladii ay siyaasiyiinta mucaaradku la galaan Xasan Sheekh. Wadahadallada oo ay garwadeen ka ahaayeen xubno kamid ah waxa loogu yeero Beesha Caalamka, ayaa waxay dhowr jeer ka dhaceen, xeendaabak Xalane waxayna kusoo dhamaadeen natiijo la'aan. Wuxuu sheegay Cabdikariim Xuseen Guuleed in Xasan Sheekh ay ka wadahadleen sedax qodob, sedaxdii qodobna uu diiday inuu ka tanaasulo, waana kan isagoo si faahfaasan uga hadlay arrimahaas.

Saraakiil iyo Askar ka Tirsan Maamulka la Baxay Puntland ayaa Shil ku Galay Gobalka Nugaal. Gaari ciidan oo uu watay Taliyaha
Saraakiil iyo Askar ka Tirsan Maamulka la Baxay Puntland ayaa Shil ku Galay Gobalka Nugaal.   Gaari ciidan oo uu watay Taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari Siciid Aadan Siciid ayaa habeenkii xalay shil ku galay wadada isku xirtaa degmooyinka Garoowe iyo Dangorayo ee gobolka Nugaal.   Taliyaha ayaa la tilmaamay, inuu ka badbaaday shilkaas, balse waxaa ku dhaawacmay 2 askari oo katirsan ilaaladiisa, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo.   Waxaana lagu soo waramayaa, in labada askari ee dhaawacmay loola cararay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo ay markii hore kusii jeedeen.   Horay gaadiid dagaal oo ay wateen ciidamada maamulka la baxay Puntland  ayaa sidaan oo kale galay shilal geystay khasaarooyin kala duwan.

Weerar madaafiic ah ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku garaaceen, xerada ay askarta Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin deegaanka Mubaarak ee gobolka Sh/hoose..