ch
Feedback
️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

前往频道在 Telegram

Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

显示更多
未指定国家未指定类别
262
订阅者
+224 小时
+127
+2230
帖子存档
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka hadlay waxa fashiliyay wahadalladii ay dhawaanahan la gelayeen Dowladda Fedaraalka. Cabdikar
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka hadlay waxa fashiliyay wahadalladii ay dhawaanahan la gelayeen Dowladda Fedaraalka. Cabdikariim Xuseen Guuleed oo mar soo noqday Hogaamiyaha maamulka la baxay Galmudug haatanna ku jira mucaaradka kasoo horjeeda Xasan Sheekh, ayaa ka hadlay sababaha keenay iney fashilmaan wadahadalladii ay siyaasiyiinta mucaaradku la galaan Xasan Sheekh. Wadahadallada oo ay garwadeen ka ahaayeen xubno kamid ah waxa loogu yeero Beesha Caalamka, ayaa waxay dhowr jeer ka dhaceen, xeendaabak Xalane waxayna kusoo dhamaadeen natiijo la'aan. Wuxuu sheegay Cabdikariim Xuseen Guuleed in Xasan Sheekh ay ka wadahadleen sedax qodob, sedaxdii qodobna uu diiday inuu ka tanaasulo, waana kan isagoo si faahfaasan uga hadlay arrimahaas.

Saraakiil iyo Askar ka Tirsan Maamulka la Baxay Puntland ayaa Shil ku Galay Gobalka Nugaal. Gaari ciidan oo uu watay Taliyaha
Saraakiil iyo Askar ka Tirsan Maamulka la Baxay Puntland ayaa Shil ku Galay Gobalka Nugaal.   Gaari ciidan oo uu watay Taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari Siciid Aadan Siciid ayaa habeenkii xalay shil ku galay wadada isku xirtaa degmooyinka Garoowe iyo Dangorayo ee gobolka Nugaal.   Taliyaha ayaa la tilmaamay, inuu ka badbaaday shilkaas, balse waxaa ku dhaawacmay 2 askari oo katirsan ilaaladiisa, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo.   Waxaana lagu soo waramayaa, in labada askari ee dhaawacmay loola cararay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo ay markii hore kusii jeedeen.   Horay gaadiid dagaal oo ay wateen ciidamada maamulka la baxay Puntland  ayaa sidaan oo kale galay shilal geystay khasaarooyin kala duwan.

Weerar madaafiic ah ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku garaaceen, xerada ay askarta Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin deegaanka Mubaarak ee gobolka Sh/hoose..

Dibadbaxyo Waawayn oo Looga soo Horjeedo Sara u Kaca Qiimaha Shiidaalka oo Ka Dhacay Kenya.

Hay’ad Reer-Galbeed ah oo Ka Digtay Dagaal Ka Qarx Gobolka Tigray ee Waqooyiga Itoobiya.

Meydadka Ku Dhawaad 20 Ruux oo Tahriibayaal ah oo Laga Helay Xeebaha Masar.

Maanta waa maalin Talaado ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 02-12-1447 oo waafaqsan 19-05-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Daahir.

Qarax ay ciidamada Xarakada mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen degmada Jannaale, ayaa lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen askar ka tirsan Dawladda Fadaraalka, hal askari ayaana ku dhaawacmay.

Taxane- Halyeeyadii Badar- 224.mp38.56 MB

Dhageyso: Taxane- Halyeeyadii Badar.[224] Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan waxay idiin soo gudbineysaa taxane aan ugu magac darnay Halyeeyadii Bader, taas oo uu Sheekh Cabdul Ilaah Abuu Khaalid kaga waramayo, siirada iyo mawaaqifta tarbawiga ah ee saxaabiyiintii Badriyiinta ahaa ee ka qeyb galay macrakadii Yowmul Furqaan.

Mid kamid ah Nabadoonna Soomaaliyeed oo ka hadlay waxa ay damaca Dowladda Fedaraalka iyo mucaaradkeeda ay ka leeyihiin dalka, isagoo baaq udiray umadda Soomaaliyeed. Nabadoon Cabdullaahi Ansaari oo ah Afhayeenka odayaasha dhaqanka gobolka Gedo ayaan ka wareysanay khilaafka Dowladda Fedaraalka iyo mucaaradkeeda, iyo sida ay Shisheeyuhu faragalinta ugu hayaan dalka.

Dhageyso: Fadliga 10-Ka Hore Ee Bisha Dul Xijja- Sheekh Cali Katiin.

Aqoonyahan ayaa isku-dultaag ku sameeyay xalqada saddaxaad ee taxanaha Wawadduu Low Takfuruun ee ay baahiso Mu’assasada Al-Kataa’ib, isagoo ka hadlay gaaleysiinta jilcan ee ay shisheeyuhu ku hayaan bulshada. Aqoonyahan Yaasiin Xasan Rooble oo ku nool dalka dibaddiisa ayaa isdul-taagay qodobkaan, isagoo geesta kale ka hadlay kaalinta Xasan Sheekh iyo dowladdiisu ay ku leeyihiin arrintaan.

Xubinta Wararka Caalamka oo ku baxda Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada ee idaacadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan, waxaa lagu soo gudbiyaa wararkii ugu dambeeyay ee daafaha Caalamka.

Dhageystayaasha iyo akhristayaasha ku xiran idaacadda Al-Furqaan waxay had iyo goor halkan kala socon karaan Wararka iyo Barnaamijyada ay Idaacaddu baahiso. Caawa waa habeennimo Talaado ah oo ay taariikhda Hijriguna ay ku beegantahay 02-12 1447 oo ku beegan 18-05-2026, Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada waxaa caawa soo jeedinaya Yaasir Cabdallah.

Waa Habeennimo Talaado ah taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 02-12-1447 oo ku beegan 18-05-2026, warka Habeen waxaa soo jeedinaya Sakariye Cumar.

DHEGEYSO: Itoobiya oo Saldhig u Noqotay Taageerada Millatari ee uu Imaaraadku Siiyo Maleeshiyaadka RSF.[WARBIXIN]

Diyaarad Drone ah oo Ku Burburtay Gobolka Ma’rib ee Dalka Yaman, Ku Dhawaad 30 Qof oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqday Weerarro Maamulka Yahuudda Ku Qaaday Lubnaan. Qodobadaasi iyo kuwo kale ku dhegeyso Xubinta Qalinka Saxaafadda ee ku baxda Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida.

Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida waa barnaamij maalinle ah oo ka baxa Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan, marka laga reebo maalinta Jimcaha, waxaana lagu soo gudbiyaa dhacdooyinka ka taagan Caalamka gaar ahaan Dunida Islaamka.