️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
الذهاب إلى القناة على Telegram
Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
إظهار المزيدلم يتم تحديد البلدالفئة غير محددة
258
المشتركون
-224 ساعات
+197 أيام
+1930 أيام
أرشيف المشاركات
Siyaasi Itoobiyaan ah ayaa Qowmiyadda Tigrayga Kula Taliyay, inay ku Dhawaaqaan Gooni Goosad.
Maanta waa maalin Sabi, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 13-12-1447 oo waafaqsa 30-05-2026, warka Duhurnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Daaahir.
Dagaal khasaare dhaliyay ayaa ciidamada Dowladda Fedaraalka iyo maleeshiyaad daacad u ah Laftagareen ku dhexmaray magaalada Baydhabo.
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa saakay ka dhacay dagaal xooggan oo udhaxeeyay ciidamada Dowladda Fedaraalka iyo maleeshiyaad daacad u ah Cabdicasiis Laftagareen.
Dagaalkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, waxayna maleeshiyada Laftagareen aroor hore soo weerareen askarta Dowladda Fedaraalka ee ku sugan Baydhabo, iyagoo qabsaday qeybo badan oo kamid ah magaalada.
Maleeshiyaadkan ayaa la arkiyay iyagoo ka dagaallamaya xaafadaha magaalada iyo wadooyinka waa weyn ee dhexmara Baydhabo, waxayna xabaddoodu ka dhaceysay illaa halka loo yaqaan Afar Irdoodka ee ka tirsan magaalada Baydhabo.
Mid kamid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa Ka Hadlay Safaaradda uu Maamulka la Baxay Soomaaliland Sheegay inuu ka Furanayo Magaalada Barakaysan ee Al-Qudus.
Sheekh Mamaxed Kaariye oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Hargeysa, ayaa si kulul uga hadlay safaaradda uu maamulka Cabdiraxmaan Cirro ka furanayo magaalada barakaysan ee Al-Qudus, oo ay xoog ku haysato Yahuudda.
Sheekha ayaa khudbadii Jimacaha ee shalay ku cadeeyay, in magaalada Al-Qudus ay tahay qibladii hore ee Muslimiinta iyo dhaxal ay iyagu leeyihiin oo ay Yahuudda xoog ku haysato, isagoona sheegay, in magaaladan ay ku tacaluqdo diinta iyo caqiidada Musliminta.
Sheekh Mamaxed Kaariye ayaa kor iyo hoosba ugu caqli celiyay madaxda maamulka la baxay Soomaaliland ee ku goodiyay inay gacan bir ah ku qabanayaan ruuxii ka hor-yimaado go’aankooda, waxa uuna Sheekhu tibaax iyo tusmo intaba ka bixiyay, halkii ay ku danbeeyeen madaxdii iyaga ka horaysay ee dunid Islaamka kusoo amar taagleeyay.
Siyaasi Itoobiyaan ah ayaa Qowmiyadda Tigrayga Kula Taliyay, inay ku Dhawaaqaan Gooni Goosad.
Kinfe Dagnaw oo ah Janaraal ciidan iyo masuul horay ugu tirsanaa Dowladda Itoobiya ayaa ka hadlay xaaladda hadda ka jirta gobolka Tigrayga, oo ay TPLF kaga dhawaaqday maamul u gooni ah.
Janaralkan oo wareysi siinayay telefishanka Tigreega ayaa ku booriyay, inuu gobalka Tigrayga ka go’a Itoobiya inteeda kale, isagoona xusay, inay joogaan waqtigii ugu munaasabsanaa ee ay Tigreegu ku dhawaaqi lahaayeen gooni goosad.
"Waa waqtigii saxda ahaa ee Tigreegu go'i lahaa," ayuu yiri Jeneraal Kinfe Dagnaw oo wareysi siinayay barnaamij gaar ah oo ka baxa telefishanka Tigreega.
Kahor inta aan Tigreegu laga fara-maroojinin maamulka dowladda dhexe ee Itoobiya, Jeneraal Kinfe wuxuu mas'uul ka ahaa shirkad ay xukuumadda Adis Ababa leedahay oo ku lug lahayd dhismaha Biyo-xireenka Weyn ee An-nahda ee ay Itoobiya ka hirgelisay wabiga Niil.
Repost from N/a
Markab Laga Leeyahay Dalka Baakistaan ayaa Markale Lagu Afduubtay Xeebaha Soomaliya.
Sida ay xaqiijisay hey’ad hoostagta ciidamada Badda ee Ingiriiska waxaa xeebaha gobolka Bari ee dalka Soomaaliya lagu afduubtay Markab kusii jeeday dekadda magaalada Muqdisho, kaas oo la sheegay inay leeyihiin ganacsato reer Baakistan ah.
Waxa uu Ingiriisku sheegay, in maalintii Arbacada markabka lagu weeraray deegaanka u dhexeeya Xaafuun iyo Bandarbayla ee gobolka Bari, xilli uu safar kaga yimid magaalada Berbera kuna sii jeeday Muqdisho.
Koox aan heybtooda la garanaynin ayuu Ingiriisku tilmaamay, inay markabka afduubteen lana aadeen meel aan la aqoonin.
Wax faahfaahin ah lagama hayo tirada shaqaalaha saarnaa markabka iyo waddamada ay kasoo kala jeedaan.
Maleeshiyaadka Fano ayaa Bandow Kusoo Rogay Isu Socodka Gaadiidka ee Gobalka Axmaarada ee Waqooyiga Itoobiya.
Dowladda Mareykanka ayaa Bilowday inay Beegsato Soomaalida, iyadoo Xabsiga loo Taxaabay Haween Soomaaliyeed oo Degan Gobalka Minnesota.
Dawladda Kenya ayaa Tobanaan Arday u Xirtay Dab Ka Kacay Xarun Waxbarasho oo Ku Taalla Dalkaas.
Maanta waa maalin Sabti ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 13-12-1447 oo waafaqsan 30-05-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Sheekh Cali
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa labo qarax ka fuliyay gudaha magaalada Baladweyne, waxaana lala eegtay fariisimo ay ciidamada Dawladda Fadaraalku ku leeyihiin magaalada Baladweyne, waxaana jira khasaaro gaaray askartii halkaas ku sugnaa.
Gobalka Shabellada Dhexe waxay ay Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Qarax ka fuliyeen gudaha magaalada Jowhar, kaas oo lala eegtay goob ay ku sugnaayeen saraakiil iyo askar ka tirsan Dawladda Fadaraalka oo ka tirsan ilaalada Cali Guudlaawe oo ah madaxa maamulka la baxay Hirshabeelle.
Qaraxaani waxaa ku dhaawacmay 4 askari oo qaarkood aan magacyadooda helnay, waxayna kala yihiin:
1. Cabdi Xaamud waa sarkaal, waana dhaawac garaab ah.
2. Yuusuf Badhar waa istaafka gaarka ah ee Cali Guudlaawe.
3. Idriis Cali Geedi.
Dhageyso: Barnaamij gaar ah oo ku saabsan muuqaal mug weyn oo ay baahisay Mu'assasada Al-Kataa'ib, kaas oo lagu soo bandhigayo weerarkii ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen xabsiga magaalada Boosaaso ee lagu soo furtay boqolaal Maxaabiis Muslimiin ah.
Dawladda Kenya ayaa Tobanaan Arday u Xirtay Dab Ka Kacay Xarun Waxbarasho oo Ku Taalla Dalkaas.
Waxaa isa soo taraya faahfaahin la xiriirta dabkii khasaaraha badan geystay ee ka kacay xarun ay wax ku baranayeen gabdho badan kuna yaalla ismaamulka Nakuru ee dalka Kenya, kaas oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 16 arday, halka tobannaan kalena ay ku dhaawacmeen.
Booliiska dalka Kenya ayaa xiray tobanaan arday kadib markii la damiyay dabka, kuwaaas oo looga shakisan yahay inay si ula kac ah dabka ugu qabteen dugsiga, igu dambayna gaaray qolalka joofka ee ardayda.
Laamaha booliiska ayaa sheegay inay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo sababta rasmiga ah ee dabkaasi, iyadoo wararka hordhaca ahi tilmaamayaan in dhacdada laga yaabo inay ahayd fal si ula kac ah loo fuliyay.
Ilaa 30 arday ayaa loo xiray arrintan, waxayna sheegeen qaar kamida ardayda in uu dabku ka bilowday furaash lagu gubay gudaha dugsiga, kaas oo ay ka dambeeyeen qaar kamida ardayda.
Dowladda Mareykanka ayaa Bilowday inay Beegsato Soomaalida, iyadoo Xabsiga loo Taxaabay Haween Soomaaliyeed oo Degan Gobalka Minnesota.
Waxaa gudaha dalka Mareykanka lagu xiray labo haween oo Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu kala magacabo Shamso Ahmed Hassan iyo Hanaan Mursal Yusuf.
Labadan haween oo degan Gobalka Minnesota ee ay Soomaalid ku badan yihiin ayaa lagu eedeeyay, inay musuqmaasuq ku kaceen intii u dhaxeysay sanadihii 2020 ilaa 2024-kii, kolkaas oo la sheegay inay ka shaqeynayeen barnaamij caafimaad oo lagu taageero carruurta qabta xanuunka loo yaqaanno Autisiimka
Waxa loogu yeero xeer-ilaaliyeyaasha ee hoostago Dowladda Federaalka Mareykanka ayaa sheegay, n labadan hablood loo haysto inay soo gudbiyeen lacago u ku tilmaamay kuwa been abuur ah oo gaaraya in ka badan $46 milyan, halka ay sidoo kale dhaqeen ayuu yiri ilaa $21 milyan oo ka mid ah lacagtaas, taas oo keentay in xabsiga la dhigo
Waxa ay tilmaameen xeer ilaalinta Mareykanka in lacagahaasi ay haweenku u diradeen xawaaladaha dalka Kenya
Maleeshiyaadka Fano ayaa Bandow Kusoo Rogay Isu Socodka Gaadiidka ee Gobalka Axmaarada ee Waqooyiga Itoobiya.
Jabhadda Fano ayaa soo saaray digniin amni oo ay ku sheegayso, inay xirtay guud ahaan waddooyinka gobolka Amhara ee Waqooyiga Itoobiya, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay kooxda.
Xiritaanku waxaa ku jira dhammaan noocyada gaadiidka marka laga reebo ambalaaska iyo adeegyada gurmadka degdegga ah, iyagoo sheegay, in jimcaha ay dhaqan gashay.
Bandowgan ayaa la sheegay, in Fano ay ku carqaladaynayso doorashooyin ay Dowladda Itoobiya doonayso inay ka qabato gobalka Amhara.
Ciidamada Millatariga Itoobiya ayaa dhawaan dhankooda sheegay, inay awood Millatari adeegsanayaan si ay doorashooyin uga qabtaan gobalka Amhara, oo intiisa badan la tilmaamay, inuu gacanta ugu jira kooxda falaagada ah ee Fano.
Waxa ay Fano bayaankeeda ku sheegtay, in ciidamada Itoobiya ay xamlo cusub ka bilaabeen gobalka si ay jawi nabdoon ugu raadiyaan doorashooyinka ay wataan, kuwaas oo loo qorsheeyay 1 bisha Juun ee soo socoto.
Waa Habeennimo Sabti ah taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 13-12-1447 oo ku beegan 29-05-2026, warka Habeen waxaa soo jeedinaya Maxamed Sheekh Cali.
Ku Dhawaad Boqol Arday ayaa Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Xarun Waxbarasho oo Ku Taalla Dalka Kenya.
Inka Badan 10 Qof ayaa Lagu Dilay, Tiro Kalana Waa Lagu Afduubtay Weerar ka Dhacay Gobolka Oromiya ee Gudaha Itoobiya.
Dabaal degyo Farxaded oo ku aadan Munaasabadda Ciidul-Adxaa ayaa ka dhacay Degamada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.
متاح الآن! بحث تيليغرام 2025 — أهم رؤى العام 
