️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
الذهاب إلى القناة على Telegram
Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
إظهار المزيدلم يتم تحديد البلدالفئة غير محددة
261
المشتركون
+124 ساعات
+157 أيام
+2030 أيام
أرشيف المشاركات
Xaaladda magaalada Dhuusamareeb ayaa ah mid kacsan xilli ay warbaahintu maalmihii lasoo dhaafay aad utebineysay, in Dowladda Fedaraalku duulaan ku tahay maamulka Qoor Qoor.
Ciyaarro xiiso badan oo dhinaca Ciidda ah ayaa ka dhacay Degamada Ceel-Cade ee Wilayada Gedo.
Madaxweynah Mareykanka ayaa ku Goodiyay inuu Qaadi Doono Tallaabo ka Dhan ah Soomaalida ku Nool Dalkaas.
Maanta waa maalin Jimco, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 12-12-1447 oo waafaqsa 29-05-2026, warka Duhurnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Sheekh Cali.
In ka Badan 10 Qof ayaa Lagu Dilay, Tiro Kalana Waa Lagu Afduubtay Weerar ka Dhacay Gobolka Oromiya ee Gudaha Itoobiya.
Sida ay ku warantay warbaahinta Itoobiya, koox hubaysan ayaa weerar ku qaaday kadibna afduubatay bas ku safrayay gudaha gobolka Oromiya, kaas oo isaga kala goosha gobolka Amxaarada iyo magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.
Sida laga soo xigtay macluumaadka horudhaca ah, 12 rakaab ah ayaa lagu toogtay gudaha baska, halka rakaabkii kale ee soo harayna la sheegay, in la afduubtay loona qaaday kayn u dhaweed goobta uu weerarku dhacay.
Weerarkan ayaa Khamiistii shalay ka dhacay wado marta tuulo yar oo lagu magacaabo Kerebuha, oo 6 kiiloomitir u jirta magaalada Gohatsion (Juu-haatsiyoon) ee gobolka Oromiya, iyadoo la sheegay, in waddadaasi ay tahay goobta labaad ee ugu khatarta badan ee ay ka dhacaan afduubyada, marka laga reebo wadada marta magaalada Alidoro ee isla gudaha gobalka Oramiya, halkaas oo in ka badan 40 rakaab ah lagu afduubtay toddobaadkii hore.
Madaxweynah Mareykanka ayaa ku Goodiyay inuu Qaadi Doono Tallaabo ka Dhan ah Soomaalida ku Nool Dalkaas.
Donald Trump madaxweynaha Mareykanka ayaa mar kale iska ugefay Soomaalida, gaar ahaan kuwa qaxootiga ku ah Mareykanka, isagoona hawada u mariyay, hadallo badankooda lagu tilmaamay aflagaaddo.
Trump ayaa Soomaalida u jeediyay eedeymo kala duwan iyo hadallo kicin ah oo ka dhan ah jaaliyadda Soomaalida ee ku nool gobolka Minnesota ee gudaha dalkaasi.
Dad musuq badan oo tuugo ah ayuu Trump ku tilmaamay Soomaalida, isagoo si gooni ah ugu hadal qabsaday, Ilhan Omar oo kamid ah xildhibaanad Mareykanka, dhalasha ahaana Soomaali ah.
“Waxa Soomaalidu ku sameeyeen Minnesota waa wax musuqmaasuq ah, Soomaalida, waa tuugo aad u xun, Ilhan Omar waa tuug aad u xun, dhammaantood waa tuugo, waana qabanay, hadda waxaan saaraynaa cadaadis xooggan, tallaabo adag ayaan ka qaadaynaa,” ayuu ku goodiyay Donald Trump Madaxweynaha Dowladda Mareykanka.
Xaaladda magaalada Dhuusamareeb ayaa ah mid kacsan xilli ay warbaahintu maalmihii lasoo dhaafay aad utebineysay in Dowladda Fedaraalku duulaan ku tahay maamulka Qoor Qoor.
Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta u ah maamulka la baxay Galmudug ayaa waayihii dambe waxaa laga dareemayay saan saan colaadeed sida ay sheegayaan wararka la helayo.
Axmad Cabdi Kaariye Qoor Qoor Hogaamiyaha maamulka la baxay Galmudug oo maalintii koowaad ee ciidul-Adxaa ka hadlay goob fagaare ah ayaa ku gacan sareysay aragtidii Xasan Sheekh ee ahayd inuu halkaasi ka qabto wax uu ku sheegay doorasho qof iyo cod, Qoor Qoor ayaana si cad u diiday arrintaasi.
Intaas wixii ka dambeeyay waxaa aad ubadatay hadal haynta ah in Dowladda Fedaraalka ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh ay rabto iney duulaan hubeysan ku qabsato magaaladaasi sidii dhawaan ka dhacday Baydhabo oo kale, islamarkaana meesha ay ka saarto Qoor Qoor iyo maamulkiisa.
Ku Dhawaad Boqol Arday ayaa Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Xarun Waxbarasho oo Ku Taalla Dalka Kenya.
Sida ay soo tabinayaan warbaahinada dalka Kenya, dab xooggan ayaa ka kacay xarun waxbarasho oo ay ku jireen arday badan, waxaana halkaas ka dhashay khasaare culus oo gaaray ardaydii ku sugnayd goobta.
Ugu yaraan 16 arday ayaa ku dhintay, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 70 kale, xarunta ayaa gaar u ahayd gabdho waxayna ku taalla ismaamulka Nakuru ee dalka Kenya.
Dabka ayaa la sheegay inuu billowday xilli habeen ah, iyada oo wararka hordhaca ahi tilmaamayaan in ololka uu si deg deg ah ugu fiday qeybaha hoyga ardayda, taas oo keentay khasaaraha nafeed iyo dhaawaca gaaray ardayda.
Laamaha Booliiska oo warbaahinta la hadlaya ayaan wax faahfaahin ah ka bixin sida wax u dhaceen, kuwaaas oo ku gaabsaday in ay baaritaan wadaan oo kaliya.
Al-kata’ib ayaa ballan qaaday filim cusub oo muggiisu weyn yahay.
Hogaamiyaha Maamulka la baxay Jubaland ayaa Weerar Afka ah ku Qaday Xasan Sheekh oo uu ku Tilmaamay mid ka Liita Hogaamiye Kooxeedyadii Soo Maray Dalka.
Dowladda Fedaraalka ayaa Turkuga si Qarsoodi ah ugu bandhigtay inuu la baxo Macdanta dalka, Kadib Markii ay Shidaalka ku Wareejisay.
Hogaamiyaha maamulka la baxay Galmudug ayaa si toos ah dhabarka ugu jeediyay Xasan Sheekh, isagoo cadeeyay inuusan qabneyn doorashada Xasan wato ee lagu sheegay qof iyo cod.
Maanta waa maalin Jimco ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 12-12-1447 oo waafaqsan 29-05-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Sheekh Cali
Daawo: Tartanka Cunto Karinta Dhaqanka Soomaaliyeed- Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan.
Barnaamijka Tartanka Cunto Karinta Dhaqanka Soomaaliyeed- 02.mp347.81 MB
Dhageyso: Barnaamijka Tartanka Cunto Karinta Dhaqanka Soomaaliyeed 02
Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan waxay idiin soo gudbineysaa Barnaamijka Tartanka Cunto Karinta Dhaqanka Soomaaliyeed, kaas oo qeyb ka ah barnaamijyada aan idin kugu talagalnay munaasabadda Ciidul Adxaa awgeed.
Barnaamijkaan oo ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen Wilaayada Islaamiga ah ee Sh/hoose iyo Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan, ayaa waxa uu dhiirra-galinayaa xirfadda cunto kariska, hal-abuurka haweenka iyo sidoo kale kafaa’iideysiga quutka uu hodanka ku yahay dalkeenna.
+7
Daawo: Sawirrada Tartanka Cunto Karinta Dhaqanka Soomaaliyeed ee Magaalada Kuunyo Barrow, Wilaayada Islaamiga ah Sh/hoose.
Waa Habeennimo Jimco ah taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay12-12-1447 oo ku beegan 28-05-2026, warka Habeen waxaa soo jeedinaya Maxamed Sheekh Cali.
متاح الآن! بحث تيليغرام 2025 — أهم رؤى العام 
