uz
Feedback
Ibrahim M. Omar

Ibrahim M. Omar

Kanalga Telegram’da o‘tish

Tech explorer in the realms of Blockchain, Cryptocurrency, and Web 3.0. 🌐 Let's decode the digital future! 💻🔗 #Tech

Ko'proq ko'rsatish
4 239
Obunachilar
+324 soatlar
+117 kunlar
-1030 kunlar
Postlar arxiv
Hi everyone 👋 A friend of mine is conducting research for his graduation thesis about university students’ satisfaction with mobile banking apps. If you’re currently a university student and use any mobile banking app, please take 5 minutes to fill out this anonymous survey 🙏 https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLScnc94nlgysWkp2gc8jfwaaFflsG8HauWaETt6uGP7mDv0pmg/viewform?usp=dialog Every response really helps, and sharing it with other students would mean a lot. Thank you 🤍

Hi everyone 👋 A friend of mine is doing his graduation thesis at Haliç University about university students’ experience with mobile banking apps. If you’re a university student and use any mobile banking app, please take 5 minutes to fill out this anonymous survey 🙏 Your response would really help. https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLScnc94nlgysWkp2gc8jfwaaFflsG8HauWaETt6uGP7mDv0pmg/viewform?usp=dialog Thank you so much 🤍

Artificial Intelligence (Garaad Gacmeed) Fahamka iyo la qabsashada Garaad Gacmeedku waa mid ay khasab ku tahay qof walba, field-ka uu rabo haku jiro e. Garaad Gacmeedku waxa uu noqday hadda waxyaalaha asaasiga ee ay tahay qof walba inuu fahmo. Haddaba waxaa laga yaabaa dad badan inay ku jahwareeraan boqolaalka Garaad Gacmeedee kala duwan ee jira, taasna ay ku sababto overwhelming, sidoo kalena uu qofku dareemo FOMO, oo ah in laga tagay oo meel uu kala qabsadona aanan la joogin. Haddii aynu waxyar isdul istaagno waxaa jira si guud saddex compomey oo hadda hoggaanka u haya Garaad Gacmeedka sida maalinlaha loo isticmaalo badalayna in badan oo kamida shaqooyin si maalinle ah loo qaban jiray, waana Google, Open AI, iyo Anthropic. Si aadan ugu wareerin oo aad si fudud u faahnto focus-kaaga ku haya saddexdaas shirkadood oo keliya iyo Garaad Gacmeed-yadooda: Google waxay leedahay Gemini, OpenAI waxay leedahay ChatGPT, Anthropic waxay leedahay Claude. Mid kastaa wuxuu sii leeyahay models kala duwan oo heer ahaan aanan isku mid ahayn, tusaale ahaan ChatGPT waxay leedahay GPT-4o, Google waxay leedaahay Gemini Flash, iyo Anthropic oo iyaduna leh Claude Haiku, mid kastaa waxaa loogu talagalay baahiyo kala duwan, post kale baynu ku sii sharixi doonaa models-kaas kala duwan, iyo mid walba dhanka uu ku fiican yahay.

photo content

Salaamullah, aqyaartii aan halkaan iskala soconay mala joogaa, mudo dheer baynu ka baadiyownay.

Ka warrama saaxiibayaal, haddii aynu ka qayb qaadanno afurinta walaalaheenna masaakiinta ah, oo berri aynu bixino kharashaadk
Ka warrama saaxiibayaal, haddii aynu ka qayb qaadanno afurinta walaalaheenna masaakiinta ah, oo berri aynu bixino kharashaadka shanta qoys ee ugu horreeya? Kaliya 50 qof oo min $7.5 bixiya, ama 100 qof oo min $3.75 bixiya, baynu ku suurtagelin karnaa taakulayntaas. Waa bil Ramadaan oo ajarku ka badan yahay, fursaddaana waa mid aynu ku kasban karno kheyr badan isla markaana ku farxad gelin karno qoysas baahan. Aan ka faa’iidaysanno fursaddan, qaybteenna ka qaadanno, oo aynu noqono kuwo marwalba is kaalmeeya. Rabbi ha inaga aqbalo soonka, ducada, iyo sadaqadaba.

photo content

Soonqaad wanaagsan, Ilaahay ha innaga yeelo kuwii si daacadnimo leh u sooma, naartana laga xoreeyo, ajar iyo cafisna ku mutaysta. Dhammaan intii dhimatay ee waalidkeen iyo muslimiinto oo dhana haka yeelo kuwa naarta laga xoreeyo, maqaankooduna uu noqdo janatul firdows. Rabbi ha nooga yeelo soonkan mid qalbiyadeena nadiifiya, dembiyadeenana lagu dhaafo, darajooyinkeenana kor loogu qaada. Rabbi ha inooga yeelo bil isbeddel dhab ah aan la nimaadno — mid aan uga baxno annagoo ka khayr badan sidii aan ku soo galnay. Allahumma aamiin!

www.iridinstitute.so Invalid Configuration Production Domain www.iridinstitute.so ​ Connect to an environment Production ​ Redirect to Another Domain 307 Temporary Redirect No Redirect irid-hub.vercel.app Valid Configuration Production Domain irid-hub.vercel.app ​ Connect to an environment Production ​ Redirect to Another Domain 307 Temporary Redirect No Redirect

Sannadkii tagay wuxuu noqday mid ay si buuxda isu beddeleen filashooyinkii dhaqaale ee caalamka. Soo laabashadii Trump ee xafiiska, iyo ololihiisii ku dhisnaa soo gabagabeynta dagaallada adduunka ka aloolsan iyo hagaajinta dhaqaalaha caalamka, ayaa halkii laga filayay ka leexday, taas beddelkeedana horseeday xiisado siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo cusub. Canshuuro (tariffs) cusub oo uu Trump ku soo rogay badeecooyin muhiim ah, gaar ahaan kuwa ka imanaya China iyo dalal kale oo warshadaha xooggan leh, ayaa sare u qaaday kharashaadka ganacsiga ee caalamka kuna reebay saameyn toos ah supply chains-ka iyo qiimaha wax-soo-saarka. Tani waxay sii xoojisay cadaadiska saaran dhaqaale markiisii horeba la tacaalayay inflation, dayn sare, iyo hoos u dhac ku yimid kalsoonida maalgashadayaasha. Dhanka shidaalka iyo saliida, suuqyadu waxay galeen marxalad xasillooni darro ah; qiimaha oil-ka wuxuu noqday mid si fudud uga falceliya dagaallada, go’aannada OPEC+, iyo cabsida la xiriirta hoos u dhac ku yimaada global demand. Arrintan ayaa sii adkaysay xaaladda dalalka ku tiirsan dhoofinta saliida iyo kuwa ku tiirsan soo dejinteeda labadaba. Silver-ka iyo dahabku si aan horay loo arag ayay kor ugu kaceen, taas oo muujinaysa in maalgashadayaashu ay u qaxaan safe haven assets, sidoo kale waxay muujinaysaa taasi cabsidda ballaaran ee dhaqaalaha caalamka ee sii xumaanaya, iyo dagaaladda meel walba ka oloolsan. Stocks-ku iyaguna hoos u dhac ballaaran ayay la kulmeen, inkasta oo ay mar dambe muujiyeen soo kabasho wanaagsan. Crypto-da se, warkeeda iska daa; gebi ahaanba waxaa is beddelay habdhaqankeedii, maadaama hadda hoggaanka suuqa ay si cad u hayaan whales-ka, halka retails-kii si weyn looga riixay saameyntii ay lahaayeen. Is biirsiga arrimahan oo dhan wuxuu caddeyn u yahay in dhaqaalaha caalamku ku jiro marxalad kala guur ah oo ay go’aamada siyaasadeed si toos ah u hagayaan jihada suuqyada. Haddaba, waa maxay filashadaada sannadkan cusub ee 2026?

Adduunkan, Ilaahay wuxuu ku imtixaamaa qofka mu’miinka ah ee uu jecel yahay, imtixaankaasna wuxuu noqon karaa xanuun nooc kasta ha ahaadee, ha noqdo mid jireed ama mid maskaxeed (psychological) sida depression iyo anxiety. Dhammaantood waa qayb ka mid ah imtixaanka nolosha. Nabigu ﷺ wuxuu yiri: مَا يُصِيبُ الْمُسْلِمَ مِنْ نَصَبٍ وَلَا وَصَبٍ وَلَا هَمٍّ وَلَا حُزْنٍ وَلَا أَذًى وَلَا غَمٍّ، حَتَّى الشَّوْكَةِ يُشَاكُهَا، إِلَّا كَفَّرَ اللَّهُ بِهَا مِنْ خَطَايَاهُ Anagu aad baan uga murugoonnaa marka qof na ag jooga uu xanuunsado, waana arrin bani’aadamnimo ah, iyo jacayl aan qofkaa u qabno. Laakiin runta dhabta ahi waxay tahay in qofka xanuunka hayaa ay dano badan uga jirto, maadaama xanuunkaasi noqonaayo sabab Alle ugu tirtirayo dambiyadiisii uu adduunka ku galay. Xadiiskani wuxuu si weyn u xoojinayaa iimaanka iyo sabarka, wuxuuna adkeynayaa yaqiinta iyo qaddarka, in la ogaado in xaalad kasta oo kugu dhacdaa ay horey u qorneyd, lagana rabo mu’minka inuu aqbalo: ما أصاب من مصيبة في الأرض ولا في أنفسكم إلا في كتاب من قبل Sidoo kale, mar kasta oo xaaladdu kugu adkaato, qalbigaaga ha ka bixin rajada Alle, waayo quusasho iyo rajo la'aan marnaba Alle agtiisa lagama fisho: ولا تيأسوا من روح الله Qur’aanku dhab ahaantii waa naxariis, rajo, niyad-sami, iyo daryeel qalbi u ah qofka rumaysan.

Qarnigan 21-aad, blockchain wuxuu ka baxay heerkii tijaabada oo inta badan ku koobanayd crypto, wuxuuna noqday qaab-dhismeedka cusub ee loogu kalsooni badanyahay dhaqaalaha caalamka. Maanta, isbeddelladii ugu waaweynaa ee dhaqaalaha dijitaalka ah waxaa hoggaaminaya hay’ado traditional ah oo waaweyn, dowlado, iyo shirkado fintech ah oo si rasmi ah ugu guuraya decentralized infrastructure. Waxaa muddo dheer la filayay in bangiyada iyo xawaaladaha lacag dirista ay si toos ah ugu dhaqaaqaan blockchain, balse hadda waa la gaaray. Tusaale ahaan, Western Union waxay ku dhawaaqday in ay soo saarayso stablecoin la yiraahdo USDPT, oo lagu dhisi doono Solana blockchain, si ay u dedejiso lacag dirista caalamka iyo in ay yareyso kharashka transactions-ka. Tani waxay muujinaysaa in is dhexgalka fiat-ka iyi blockchain-ku uu hadda si dhab ah u bilaabmay. Shirkadihii maaliyadeed ee traditional-ka ahaa waxay doonayaan in ay ka faa’iideystaan xawaaraha, ammaanka iyo automation-ka blockchain-ka, iyagoo isla markaas ilaalinaya kalsoonida iyo sharciyadii ay horay ugu shaqayn jireen. Waxaa sidoo kale socda tartan cusub oo ay wadaan bangiyada dhexe ee adduunka, Central Bank Digital Currencies (CBDCs), kuwaas oo ku dhisan isla mabda’a blockchain, balse ay maamulayaan dowladuhu. Dhanka kale, shirkado gaar loo leeyahay sida Tether (USDT), Circle (USDC), iyo hadda Western Union (USDPT) ayaa sii horumarinaaya stablecoin-yo ay dadku si toos ah ugu isticmaali karaan ganacsiga iyo lacag diris. Hadaba bangiyada iyo xawaaladaha Soomaalidu tartankaas ma u diyaarsan yihiin, oo isbedeladdaan socda mala jaanqaadayaan?

photo content

Waxaa maanta dunida oo dhan gilgiley “Internet outage” ballaaran oo ay sabab u tahay Amazon Web Services (AWS), mid ka mid ah
Waxaa maanta dunida oo dhan gilgiley “Internet outage” ballaaran oo ay sabab u tahay Amazon Web Services (AWS), mid ka mid ah shirkadaha ugu awoodda badan ee bixiya adeegyada cloud-ka. Khalad ku dhacay xarunta US-EAST-1 region ee AWS ayaa sababay in tobanaan kun oo website-yo iyo apps muhiim ah ay istaagaan ama si liidata u shaqeeyaan. Waxaa saamayn weyn dareemay barnaamijyada caanka ah sida Snapchat, Duolingo, Venmo, Alexa, Fortnite, iyo adeegyo kale oo badan. Maxaa dhacay? AWS waa maskaxda ka dambaysa adeegyo badan oo internetka ah, laga bilaabo server-yada lagu kaydiyo xogta ilaa API-yada iyo database-yada ay isticmaalaan shirkadaha kale. Marka hal region server-kiisu uu cilad galo, waxaa dhaca “cascading failure”, taas oo micnaheedu yahay in cilad yar ay keento in boqolaal adeeg isku mar hoos u dhacaan. Ciladdan maanta dhacday waxay muujinaysaa halisda centralized cloud infrastructure, halkaas oo hal shirkad ay si toos ah u saamayn karto qayb weyn oo ka mid ah internetka.

In badan baan baraha bulshada ka maqnaa saaxiibayaal, wax badan baan soo wadnaa insha'Allah, xogihii aan soo gudbin jirnayna waan soo celin doonaa.

Dhacdadii habeen hore ka dhacday suuqyada crypto waxay ahayd mid si xeel dheer loo qorsheeyay, taas oo si toos ah ula xiriirtay istaraatiijiyad uu hormuud u ahaa Donald Trump iyo kooxdiisa, gaar ahaan caruurtiisa. Habeenkii uu Trump hanjabaadda u diray China, isla markiiba waxaa suuqa lagu sameeyay liquidation ballaaran, taasoo keentay in lacago badan laga saaro suuqa. Wararka la helay waxay tilmaamayaan in wiilka Trump ee 18 jirka ah uu ka faa’iiday dhacdadan isaga oo sameeyay ku dhawaad $18 milyan oo doolar, xilli ay dad badani khasaareen. Hanjabaadda China ee uu Trump sameeyay ma ahayn mid dhab ah, balse waxay ahayd xeelad istiraatiiji ah oo si gaar ah loogu adeegsanayay in suuqa lagu qalqal geliyo si ay u helaan fursad ay ka ganacsadaan marka qiimuhu hoos u dhaco. Dhanka kale, Donald Trump ayaa habeenkaas cafis u soo bandhigay CZ, ninka iska leh Binance, taasoo ahayd tallaabo si xeel dheer loo soo agaasimay. Isla waqtigaas, Binance waxay hakisay wax iibsiga (buy orders), taasoo la micno ah in cid kale aanay awoodin inay coins ku iibsato qiimo hoose xilliga suuqgu uu hoos u dhacay. Ugu dambeyntii, markii ay dantooda gaareen, Trump wuxuu mar kale sheegay in “arrimihii China iyo isaga ay hagaagayaan”, taas oo si cad u muujisay in hanjabaaddii hore ahayd qayb ka mid ah xeelad siyaasadeed iyo dhaqaale oo isku dhafan, laguna ciyaaray dareenka suuqyada si loo gaaro dan gaar ah.

photo content

Haddii aad khibrad u leedahay Web Developer, Graphic Designe, Digital Marketing, intaan midkood fadlan Telegram-kaan la soo xiriir. @HR_LML

Shiinaha iyo Dayax-gacmeedkiisa 38-aad: Bilowga Internet-ka 6G Shiinaha ayaa mar kale soo muujiyay awooddiisa tiknoolajiyadda kadib markii uu hawada sare u diray dayax-gacmeedkiisii 38-aad, kaas oo lagu sheegay inuu qayb ka yahay dadaalka lagu doonayo in la hormariyo internet-ka jiilka lixaad ee loo yaqaan 6G. Talaabadani waxay ka tarjumaysaa in Beijing si dhab ah uga qeyb qaadanayo tartanka caalamiga ah ee dhinaca isgaarsiinta, iyadoo uu tartan toos ah kula jiro mashruuca Starlink ee uu hoggaamiyo Elon Musk. Teknoolajiyadda 6G ayaa loo arkaa mid wax badan beddeli doonta, maadaama ay ballanqaadayso xawaare xog gudbin oo aan hore loo arag, oo ka dhaqso badan 5G illaa boqol jeer. Taasi waxay micnaheedu tahay in mustaqbalka dhow isgaarsiinta ay noqon doonto mid aan dib u dhac lahayn, xog badan hal mar la is waydaarsan doono. Waxaa intaas dheer in 6G ay suurto gal ka dhigeyso horumar ballaaran oo dhanka garaadka macmalka ah (AI), iyo adeegyo cusub sida baabuurta iswada iyo dunida Metaverse. Shiinuhu qorshihiisa kuma koobna keliya dirista dayax-gacmeedyo badan, balse waxa uu si gaar ah diiradda u saaraya isku xirka 6G iyo isgaarsiinta quantum-ka ee loo arko mustaqbalka kan ugu amniga badan. Tani waxay siinaysaa Beijing awood uu kaga madax-bannaanaado tiknoolajiyada reer galbeedka, isla markaana ka dhigan in uu yeesho gacanta sare ee isgaarsiinta casriga ah. Dhanka kale, Starlink ayaa durba hoggaanka u haysa adeegga internet-ka dayax-gacmeedka, iyada oo in ka badan lix kun oo dayax-gacmeed ay hawada sare u direen, taasoo siinaysa fursad ay si toos ah ugu adeegaan malaayiin qof oo dunida ku kala nool. Tartanka ka dhexeeya labada quwadood wuxuu ka badan yahay internet degdeg ah oo keliya, wuxuuna ku saabsan yahay cidda gacanta ku dhigi doonta mustaqbalka isku xirka caalamka. In kasta oo Shiinuhu weli ku jiro marxalad tijaabo ah, haddana dirista dayax-gacmeedkiisii 38-aad mudo kooban waxay muujinaysaa qorshe fog oo ay ku doonayaan inay kaga hormaraan tartamayaasha, gaar ahaan dhanka tiknoolajiyada soo socota ee 6G. Haddii ay ku guuleystaan, Shiinahu waxa uu yeelan doonaa saameyn ballaaran oo ka gudubta tiknoolajiyadda, isla markaana gaarta dhaqaalaha iyo siyaasadda caalamka. Dayax-gacmeedkan cusub waxa uu sidaas darteed calaamad u yahay wejiga cusub ee loollanka isgaarsiinta caalamka, waxaana la saadaalinayaa in tartanka Starlink iyo Shiinaha uu sii adkaan doono sannadaha soo socda.

photo content