Smart Crypto
Kanalga Telegram’da o‘tish
Your gateway to the latest in cryptocurrency! 🚀🔹 News & Updates 🔹 Market Analysis 🔹 Investment Tips 🔹 Educational ContentJoin us and stay ahead in the crypto world
Ko'proq ko'rsatish1 674
Obunachilar
Ma'lumot yo'q24 soatlar
-47 kun
-2130 kun
Postlar arxiv
1 674
Waa Maxay Decentralization?
Decentralization waa habka cryptocurrency uga shaqeyso iyadoo aan loo baahnayn hal xarun ama maamul dhexe sida bangiyo ama dowlado. Tani waxay ka dhigeysaa nidaamka mid xor ah oo dadka isticmaala ay maamulaan.
Maxay Kaga Duwan Tahay Nidaamka Caadiga Ah?
Sidee Decentralization U Shaqeeyaa?
Decentralization waxay ku shaqeysaa iyadoo isticmaalayaal badan ay si wadajir ah u maamulaan blockchain.
Habka Shaqada
✅️ Blockchain: Diiwaan furan oo xogta lagu kaydiyo.
✅️ Nodes: Kombiyuutarro xaqiijiya xogta.
✅️ Consensus: Nidaamyo sida PoW ama PoS oo ansixiya macaamillada.
✅️ Ammaan: Xog lama beddeli karo.
Maxay Tahay Faa’iidada Decentralization?
✅️ Xorriyad Maaliyadeed: Ma jiro dhexdhexaadiye
✅️ Ammaan: Xogta lama beddeli karo.
✅️Transparency: Dhammaan macaamillada waa la arki karaa.
✅️ Kharash Yar: Macaamillo raqiis ah.
#Decentralization #Blockchain #Crypto #Ammaan #Transparency #Xorriyad #MacaamilHufan
1 674
Suuqa cryptocurrency-ga wuxuu muujinayaa hoos u dhac xooggan, iyadoo qiimaha guud ee suuqu uu ka dhacay $3.61T ilaa $3.38T (hoos u dhac ah 6.63%).
Falanqayntu waxay tilmaamaysaa
1. - Sababo la xiriira Deepseek Oo Ah Ai cusub ay soo saaren Chaina Kaas oo tartan adag kula jira Chatgpt oo mareykanka leeyihiin
2. - Hoos u dhac ku yimid kalsoonida suuqa - Sababo la xiriira memcoins ay Week kahor soo saareen Qoyska reer Trump Kuwas oo Aad uga faaidey Mudo kooban memcoins kaas
1 674
"Ha maalGashan wax kabadan inta aad lumin karto "
Oraahdaan waxay muhiim utahay Dadka Doonaya inay Cryptocurrency maalgashadaan , gaar ahan kuwa Haysata Xogaa yar ay jecelyihiin inay coin ku iibsadaan , saamiyada Ama hantida kale ee halista leh. Waa digniin caqli gal ah oo ka turjumeysa laba qodod oo waaweyn :
1. Khatarta maalgashiga
Maalgashigu waxaw leeyahay Halis wayn oo ay kujiraan In laga yaabo inaad lumiso hantidada
2. Ilaalinta lacagtaada Shaqsiyadeed
Lacagaha maal gashiga wa inay noqdaan kuwo aadan ku tirsaneeyn Nolol maalmeedkaaga
. Tani waxay kaa ilalineysa in maalgashigu uusan kugu sababin Dhibaato dhaqaale oo balaaran .
#investment #Blockchain #Crypto #Ammaan #Transparency #Xorriyad
1 674
Wadamada aduubka ee haysta bitcoint
🇺🇸 Mareykanka
🇨🇳 Shiinaha
🇬🇧 UK:
🇺🇦 Ukraine
🇧🇹 Bhutan
🇸🇻 El Salvador
🇫🇮 Finland
🇬🇪 Georgia
🇩🇪 Germeny
1 674
Waa Maxay Blockchain?
Blockchain waa diiwaan dijitaal ah oo furan oo lagu keydiyo xogta macaamillada, kaas oo loo qaybiya kombiyuutarro badan (nodes). Waxay hubisaa in xogta aan la beddeli karin oo ay tahay mid hufan.
Sida Ay U Shaqeyso Blockchain:
1. Blocks:
Xogta waxaa lagu kaydiyaa qaybo la yiraahdo blocks.
2. Chain:
Blocks-ka ayaa isku xiran si loo sameeyo silsilad (chain).
3. Verification:
Dhammaan macaamillada waxaa xaqiijiya isticmaalayaasha (nodes).
4. Ammaan:
Hal block haddii la isku dayo in la beddelo, dhammaan silsiladda way diidi doontaa.
Faa’iidooyinka Blockchain:
✅️ Hufnaan: Dhammaan xogta waa la arki karaa.
✅️ Ammaan Sare: Lama beddeli karo xogta.
✅️Xorriyad: Looma baahna maamul dhexe.
Blockchain waa tiirka ugu muhiimsan ee cryptocurrency iyo nidaamka dijitaalka ah ee casriga ah.
#Blockchain #Crypto #Hufnaan #Ammaan #XogLaHubo
1 674
Waa Maxay Mining Cryptocurrency?
Mining waa habka lagu xaqiijiyo macaamillada cryptocurrency iyo abuuridda lacag cusub iyadoo la adeegsanayo kombiyuutarro awood badan. Waxa uu kaalin muhiim ah ka ciyaaraa ilaalinta blockchain iyo xaqiijinta in dhammaan xogta lagu kaydiyo si sax ah oo aan la beddeli karin.
Sidee Mining U Shaqeeyaa?
1.Xisaab Xalinta: Kombiyuutaradu waxay xalliyaan xisaabo adag si ay u xaqiijiyaan macaamillada.
2.Abuurista Block: Marka xisaab la xaliyo, block cusub ayaa lagu darayaa blockchain-ka.
3.Abaalmarinta Miners-ka: Qofka xisaabta xaliya ayaa helaya cryptocurrency cusub (tusaale: Bitcoin).
Maxay Muhiim U Tahay?
Sugidda blockchain-ka.
Hubinta in macaamillo cusub lagu daro si sax ah.
Abuurista lacag cusub oo sii socota.
Mining waa habka lagu ilaaliyo nidaamka cryptocurrency oo si hufan loogu shaqeeyo!
#CryptoMining #Blockchain #LacagDijitaalAh #Bitcoin
1 674
Guddiga Maareynta Suuqyada Maaliyadeed ee Maraykanka 🇺🇸 ayaa fasaxay bangiyada Wall Street inay ku kaydsadaan lacagaha dhijitaalka ah, sida lagu xusay warbixin uu qoray Financial Times.
#WallStreet #Maaliyad #LacagahaDhijitaalkaAh #USA #WararkaCaalamka
1 674
Waa Maxay Crypto Wallet?
Wallet-ka cryptocurrency waa qalab ama app loo isticmaalo in lagu kaydiyo, lagu diro, laguna helo lacagaha dijitaalka ah. Waxay u shaqeysaa sidii jeeb dijitaal ah oo aad ku maareyso cryptocurrencies-kaaga.
Noocyada Wallet-ka
1. Hot Wallets: wallets Ku xiran internet-ka, sida apps (MetaMask, Trust Wallet).
2. Cold Wallets: wallets Ku shaqeeya offlineka , sida USB (Ledger, Trezor).
Sidee Wallet u Shaqeeyaa?
1. Private Key: Waa furaha sirta ah ee kuu ogolaanaya inaad lacagahaaga isticmaasho.
2. Public Key: Waa cinwaanka aad dadka siiso si ay lacag kuugu soo diraan.
3. Transactions: Wallet-ka ayaa xaqiijiya dirista iyo helidda lacagaha adoo adeegsanaya
#CryptoWallet #Ammaan #Blockchain
1 674
Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump, ayaa hadda saxiixay amar fulineed oo la xiriira lacagaha dijitaalka ah si loo abuuro keyd qaran oo hantida dijitaalka ah, sida laga soo xigtay:
The President of the United States, Donald Trump, has just signed an executive order related to digital currencies to establish a national reserve of digital assets, according to the source:
1 674
"Madaxweynaha Donald Trump wuxuu ka sheegay madasha Dhaqaalaha Adduunka, 'Ameerika waxay noqon doontaa caasimadda caalamiga ah ee crypto
Hadalkaan aw caawo sheegey ayaa laga yaaba inaw kor ukac wayn sameeyo Suuqa cryptada
Tani ma tahay calaamad muujinaysa in Mareykanka uu hoggaanka u qaban doono lacagaha dijitalka ah? Cryptosida Bitcoin, Ethereum, iyo kuwa kale, waxay noqonayaan qayb weyn oo ka mid ah dhaqaalaha adduunk
#Crypto #Bitcoin #FutureEconomy #DonaldTrump
1 674
Sidee Cryptocurrency U Shaqeeyaa?
Cryptocurrency waxay ku shaqeysaa tiknoolojiyadda blockchain, oo ah diiwaan caalami ah oo kaydiya dhammaan macaamillada si hufan oo ammaan ah. Wax kasta oo lagu sameeyo cryptocurrency waa dijitaal, sida dirista, helidda, iyo keydinta lacagta.
1.Blockchain
Waa diiwaan dadweyne oo lama beddeli karo.
2.Wallets
Waa meesha lacagtaada dijitaalka ah lagu kaydiyo (Private Keys).
3. Miners
Waa dad Ujeedkoodu yahay inay xaliyaan Xisaabad Culculsu si ay u helaan Abaal marin xadi go'an Ah oo bitcoin ah
Cryptocurrency waa nidaam cusub oo lagu beddelayo habka lacagta caadiga ah loo isticmaalo!
#Crypto #Blockchain #LacagDijitaalAh
1 674
Cryptocurrency :
waa lacag dijitaal ah oo si toos ah ugu shaqeysa internet-ka, iyadoo aan loo baahnayn bangiyo ama dowlado maamusha . Waxay ku shaqeysaa tiknoolojiyadda blockchain, taas oo ka dhigaysa mid ammaan ah oo aan wax isdaba marin lahayn.
Maxay Kaga Duwan Tahay Lacagta Caadiga Ah?
1. Dhexdhexaad La’aan: Looma baahna bangi ama hay’ad kale si loo isticmaalo.
2. Ammaan Sare: Waxay adeegsataa habraacyo sir ah oo loo yaqaano (cryptography).
3. Waa mid Dijitaal: Waxay ku jirtaa qaab dhijitaal ah oo aan muuqaal jir ah lahayn.
4. Caalami Ahaan : Waxaad lacag ku diri kartaa meel kasta oo dunida ah daqiiqado gudahood.
5. Kala.wareejinta Degdegga ah: Qiime hoose iyo waqti yar ayay ku shaqeysaa.
Goormee la Bilaabay Cryptocurrancy ?
Cryptocurrency waxaa la aasaasay markii ugu horreysay sanadkii 2009, markaas oo Bitcoin uu abuuray shaqsi ama koox la yiraahdo Satoshi Nakamoto.
#Crypto #Blockchain #LacagDijitaalAh
1 674
Sawirkaan ayaa hadal hayn wayn ka dhaliyey baraha bulshada kaas oo ay ka muuqdaan Ragga ugu taajirsan Aduunka
1 674
TOKEN KAAS Ai16 la yiraa cawa waxaw sameyna Soo kabasho wayn kadib markii Asbuucyadi lasoo dhaafay uu hoos u dhacay in kabadam 80% Taas oo keentey in dad badan ka niyad jaban balse cawa waxaad mooda in dad badan aw xogaa farxad galinayo
1 674
Suuqi cryptada ee Shalay Hoos aaday waxaw cawa muujina xooga in rajo yar ay jirto sidaas darteed hamoogan suuqan oo isha kuhay markasta si aad iga faaideysato fursadaha aw bixinayo suuqaan
1 674
Ma xiiseyneysa inan halkaan idinkula wadagno wararka laxariira Cryptocurrency?
1 674
Hadi aad ubahabatahay inaad Fahanto waxa la yiraa crypto Iyo qaybaheeda Sii fiicn U eeg Sawirkaan
