cookie

Sizning foydalanuvchi tajribangizni yaxshilash uchun cookie-lardan foydalanamiz. Barchasini qabul qiling», bosing, cookie-lardan foydalanilishiga rozilik bildirishingiz talab qilinadi.

avatar

Xikmado️

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Ko'proq ko'rsatish
Advertising posts
32 042Obunachilar
+1324 soatlar
+787 kunlar
+58830 kunlar

Ma'lumot yuklanmoqda...

Обуначиларнинг ўсиш даражаси

Ma'lumot yuklanmoqda...

⭕️🔻 𝗖𝗼𝗺𝗺𝘂𝗻𝗶𝘁𝘆 ++ ❗️❕ ━━━━━━━━━━━━━━━━ 🕋 𝗗𝗜𝗜𝗡𝗜 🕋 ┌ @Diinteenna_Macaan@Al_xakiim@Quruxdaislaamka@Hidaayatu_Rabi@hogaan_Dumar@Dhaqan_wanaag) ━━━━━━━━━━━━━━━━ 🏆 𝗗𝗛𝗜𝗜𝗥𝗜𝗚𝗜𝗟𝗜𝗡 𝗜𝗬𝗢 𝗫𝗜𝗚𝗠𝗔𝗗𝗢 🏆 ━━━━━━━━━━━━━━━━ ┌ @XikmadoSom@Dhiiragaliye@Mucaashaq_Jacayl@AishaAhmed99@QalbiDhaye143@kalimakariim@xaqiiqadanolosha@Albaanichannel252@Ruuxda ━━━━━━━━━━━━━━━━ 🌷 𝗷𝗮𝗰𝗮𝘆𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗼𝗿𝗮𝗮𝗵 🌸 ━━━━━━━━━━━━━━━━ ├ @Dareen_side@Hasancaashaq) ├ @daren_jaceyl@Mohametahmed@Noqoxiddig@FAAIDOCHANEEL@DunnidaSuugaanta ━━━━━━━━━━━━━━━━ 🎓 𝗔𝗤𝗢𝗢𝗡+𝗙𝗔𝗦𝗔𝗟𝗢 🎓 ━━━━━━━━━━━━━━━━ ┌ @𝗠𝗮𝗮𝗻𝗵𝗮𝗴𝗲 ├ @𝗳𝗮𝗿𝘀𝗮𝗺𝗮𝗱𝗮 ├ @𝗵𝗮𝗾𝗮𝗯𝘁𝗶𝗿𝗲1 └ @KobciAqoontaada2 ━━━━━━━━━━━━━━━━ 📚 𝗕𝗨𝗨𝗚𝗔𝗔𝗚 📚 ━━━━━━━━━━━━━━━━ ┌ @somalibooks@Somalilibrary@kobciyebooks ━━━━━━━━━━━━━━━━ 💎𝗽𝗿𝗲𝘀𝗲𝗻𝘁𝗲𝗱 by @zomalibot ━━━━━━━━━━━━━━━━
Hammasini ko'rsatish...
Shakiga dila dadka Xarun caafimaad oo lagu baaro dadka, ayaa waxaa isku mar yimid labo nin oo midkood uu la il darnaa dhawr cudur, halka kan kalena ahaa mid iska shakisan, caafimaad qaba oo aan wax cudur ahi hayn. Dhakhtarkii ayaa khaldamay, waxa uuna si kama' ah ugu dhiibay warqaddii natiijada ee ninkii xanuunsanaa kii caafimaadka qabay, halka uu warqadihii ay ku qornaayeen dhawrka xanuun ee laga helay ninkii xanuunsanaa siiyay wadaadkii caafimaadka qabay! uu Aad ayuu u farxay bukaankii la khalday ee isu maleeyay in uu caafimaadka qabo, oo sidii isaga oo dib loo dhalay waxa uu dhex galay noloshiisi caadiga ahayd, isaga oo wax badan cabbay, cunayna xataa cuntooyinkii hore looga reebay. Saaxiibkeenki soo qaatay warqadaha dhawrka cudur ugu qornaayeen, aad ayuu u murgooday, waxa uuna ka quustay nolosha, isaga oo ka dhex baxay dadkiisi, oo waxa uu yaraystay cabbista, cunista iyo dhan, muddo ka dibna waa uu dhintay!. dhaqdhaqaaqa oo Shakiga iyo is-moodsiisku waxa uu dilaa qofka. In uu qof iska dhaadhiciyo jiritaanka shay' waloow beenba ha noqdee, waa ay adagtahy in uu ku qanco wax ka duwan is- moodsiiskiisa. Qofka in uu wax fisho, suureysto ama maleeysto intuba waxa ay ka qayb qaataan, in uu qofkaas ku dhex noolaado wixii uu maleystay, suureytay ama fishay. Haddii aad maleysatid xanuun waxa aad la nooleeysaa xanuun. Filashada walwalku waxa ay keentaa walwal. Suureeysashada cabsidu waxa ay horseeddaa cabsi. Qofku waxa uu is-moodsiiyo ayuu helaa. Nin beeraleey ah ayaa SOO booqday guriga nin falysafuuf xakiim ahaa, uuna aad u qaddarin jiray. Xakiimkii ayaa ka codsaday ninkii beeraleeyda ahaa in uu la qadeeyo; isaguna waa uu aqbalay, laakiin waxa uu ku dhex arkay saxankii qadada in ay qoroto ku jirto, balse waxa uu ku ixtiraamay xakiimkii in uusan ka hadlin, maleeyay in uuba cunay qorotadii. waxa uuna Ninkii waxaa laga qabtay caloosha, aad xanuunsaday. Maalintii labaad ayuu ku soo ayuuna 1 noqday xakiimkii uuna ku yiri: shalay waxa aan cunay qoroto saxanka aad qadada nagu siisay ku jirtay! Laakiin xakiimkii ayaa u sheegay, in aysan ahayn qoroto nool, balse uu ahaa sawir xagga sare ku sawirranaa, oo uu saxanka dhalada ahi qabanayay sawirka. Laakiin waxaa sii yaab badan, in ninkii isla daqiiqadaas uu caafimaaday, calooshiina laga fuqay. Qofku waa waxa uu iska dhaadhiciyo, inta badanna aadanahu waxa ay la noolyihiin xanuunno aan jirin, balse ay iska dhaadhiciyeen, kadibna ay ku qanceen, ilaa ay isaga beddeleen xaqiiqooyin aan la beenin karin. Waxa ninka beeraleeyda ah caloosha ka hayay ma ahayn cudur ka dhashay qoroto uu laqay, laakiin waxa uu ahaa malaysashada, sawirashada iyo shakiga oo ah dilaa qarsoon. Waxa uu yiri Ibnu Siina: "Shakigu waa cudurka barkii"!. Waa lakala shakiyay
Hammasini ko'rsatish...
14👍 6🤣 6
Ereyada khiyaaliga ah ee lagu qanciyo dhalinyartan soomaaliyeed ee jahwareerku isku dhiidhiibo waxaa kamid ah "Dadka qurbaha Jira stress ayaa Ku badan". Anigu waa kasoo hor jeedaa ee I dhagayso " markii la dhaho dhalinteena soomaaliyeed waxaanu Ku nool nahay nolol aad u jahwareersan oo aanan deganayn taas oo dhalinteena Ku kalifta inay tahriibaan oo meeshay nolol wanaagsan Ku tuhmayaan doontaan". Jaamacadaha Somalia oo dhan waxaa sanad walba kasoo baxda arday Ka qalan jabisa kuliyadaha ugu badan ee dalka laga Barto haddana markay soo baxaan Waxa laga yaabaa percent ahaan in %.001 ay fursado shaqo helaan inta kalana meel cidlo kusoo dhacaan Alle ayaana u maqan. Haa dhalinteena waxaa u sabab ah in ay tahriibaan shaqo la'aanta Ka jirta dalka iyo in kumanaan kale galabtii si qurux badan usoo labistaan Laakiin ay Ku danbeeyaan fadhi Ku dirir "Maxaa dhacay,siyaasadi halkee marin,adiga kawaran ciyaartii xalay iyo su'aasha Kala dishay ee ah, dagaalkii reer hebel halkee Ku danbeeyaa iyo reer kaasi kursi bay naga dhaceen". Kasoo gudub Bal nolosha kale ee taala qurbaha aanu eegno " way jirtaa in dhaqaalaha sanadahan danbe ay soo adkaanayaan caalamku Laakiin 100%100 way Ka nolol wanaagsan tahay tan Somalia wayna Ka fursad badan tahay. Ninka dhalinyarada ah ee Ku nool qurbaha wuxuu shaqeyn ugu yaraan 8 saac amaba kasii Yar kadib wuxuu galin waxbarasho,kasoo gudube waqtiyada u haray wuxuu u qeybin GYM iyo Hurdo Ku filan, Isla maalinta kalana intaas ayuu samayn oo noloshiisa oo dhan Waxay Ku wareegin xayndaab aan u ogolaanayn inuu saacado badan fadhiyo kursi oo uu wax aanan macno lahayn Ka doodo. Haah hadda waa ila fahantay fikirkayga sow maaha " Yaa stress-ku hayaa ma annaga Somalia kunool Mise kuwa qurbaha kunool ?. W/Q Yasser Abdiladiif
Hammasini ko'rsatish...
👍 13 3
Oday ayaa Wiilkiisii yaraa ku yiri: u tag Ninka Farmashiyaha ee iiga soo qaad Kaniiniga Buluugga ah ee Ragga kaliya ay isticmaalaan. Hana kuu soo sheego sida loo cunayo. Wiilkii ayaa u tagay Ninkii Farmashiyaha, Kaniinigii ayaa loo soo dhiibay. Waxaana lagu yiri: 6-dii Saacba Hal Xabo ha cuno. Wiilkii Kaniinigii ayuu u geeyay Aabihii, laakin waxa uu khalday sida loo isticmaalayo, Halkii uu dhihi lahaa, 6-dii Saacba, Hal xabo. Ayuu ku yiri: Halkii Saacba 6 Xabo. Maalma kadib ayaa Dhakhtarkii waxa uu wadadda ku arkay wiilkii, waxa uuna ku yiri: Aabe ka waran?. Wiilkii ayaa yiri: kaniinigii waan u geeyay waana u sheegay in Halkii Saacba uu 6 Xabo cuno. Dhakhtarkii oo Naxsan ayaa yiri: Aabe Hadda ma noolyahay. Wiilkii ayaa yiri: waa noolyahay, waana kuu mahadcelinaayay. Laakin Arin kale ayaa Xaafadda ka jirto. Hooyo waa dhimatay, Macalimaddii Guriga wax igu bari jirtayna meel ay jaan iyo cirib dhigtay waa la la'yahay. Jaariyadii Guriga joogtayna Isbitaal ayeey ku jirtaa. Naag Xaafadda deganeyd oo aan weligeed wax dhalinna Uur ayeey leedahay
Hammasini ko'rsatish...
😁 35👍 7🌚 2🤣 1
Sawirkaan waxaa la qaaday 1980dii, ninka sawirka ku jira waxaa lagu magacaabaa Shimizu. Ninkaan jimicsi ma sameen, jiim ma aado, habeenkii xilli danbe ayuu seexdaa, cuntada siduu rabuu u cunaa, muxuu sameeyay si uu u helo jirka nuucaan ah ? Shimizu sirtiisu maahan mid qarsoon, Shimizu waa qofka fadhiya geeska bidix ee Sawirka, ninka taagan ma aqaan.
Hammasini ko'rsatish...
🤣 103😁 7👍 3🤔 1🌚 1
Ka Faa’iideyso Fursada ku soo marta! 1. Subax kasta markuu waaga baryo Fursad ayaa laguu soo bandhigaa. Adigay ku jirtaa inaad ka faa’iideysato ama lumiso. Inaad wixi shalay kaa qaldamay ku saxdo ama ku sii qaribto 2. Goortii fursad Albaabkaada soo garaacdo ha u oggolaan in Cabsi dib kuu celiso. Ka fur Albaabka oo qabso fursadaa sababtoo ah fursado isku mid ah laba jeer ma soo noqdaan 3. Dadku waa laba qeybood: Kuwa dhibaato ka dhex arka fursad kasta, iyo kuwo fursad ka dhex arka dhibaato kasta. Labadaa midka aad tahay adiga ayaa garanaya 4. Qof kasta mar buu helaa wixi uu weligii jeclaa ama ku riyoon jiray noloshiisa balse nasiib darro marki uu fursadaa dahabiga helo ayuu dayacaa, dib u noqdaa halki uu horay u socon lahaa. 5. Xusuusnow, Fursaduhu marnaba ma lumaan; qof kale ayaa qaadanaya tii aad khasaarisay 6. Wax kasta nolosha ku soo mara waxaad ka dhigan kartaa fursad aad ku guuleysato ama caqabad fashil & guuldarro kuu horseeda. Kala xulashada adigaa leh 7. Waxa ugu dambeeya aan ka shalayno waa fursadihi na soo maray oo aynaan ka faa’iideysan 8. Goortii albaab xirmo mid kalaa furma. Balse waxaan mudo dheer sii eegnaa albaabki xirmay annagoo ka shalayna, waxaana ku guuldareysanaa inaan aragno albaabki kale ee noo furmay 9. Ha iska sugin weligaa in Fursad kuu timaado, adigu abuuro sababtoo ah hadii aadan isku dayin oo ficil sameyn ma jirayso fursad aad ku guulaysato 10. Marnaba ha is dhaafin fursada ah qof ku Jecel, ku daneeya, diyaarna u ah in uu ku daryeelo. Marnaba ha ku ciyaarin dareenka qof ku jecel, ha dhaawicin qalbigooda sababtoo ah hubaashi maalin intaad baraarugto ayaad garan doontaa inaad dayaxa weyday kolki aad xidigaha tirineysay
Hammasini ko'rsatish...
👍 20 6🙏 1
Codadka shimbiraha, qosolka carruurta, jabaqda dhirta, codka hoose ee uu ku ooyo, aabbaha xalka u waayay xaalka carruurtiisa. Ilmaha uurka hooyadii ku jira, odayga sariirta dhimashada saaran, ninka naagtiisa khiyaamaya, naagta soo noqoshada ninkeeda sugaysa rajada ay qabto. Saaxiibada is waayay, deriska cusub ee is baranaya, ilmaha iskuulka bilaabaya, askariga dagaalka u baxaya dhiirranaanta uu dareemayo. Sanqadha siiriga booliiska taraafikada, quruxda jacaylka ugub, qeylada kuwa is qaba, codka dheer ee xaakimku ku kala furayo lammaanaha, nolol cusub naawilidooda. Dhiirranaanta kuwa guuldarraystay, rajada kuwa soo kabanaya, quusta kuwa ku daalay dhawrista wax khayr leh iyo ka quusadkayga in aan dib u helo xasiloonidaydii, waa qeyb yar oo kamid ah nolosha koonka ee iska soo horjeedda.
Hammasini ko'rsatish...
24💯 5🤔 4❤‍🔥 3👍 1👏 1
⭕️🔻 Community ++ ❗️❕ ━━━━━━━━━━━━━━━━ 🕋 𝗗𝗜𝗜𝗡𝗜 🕋 ┌ @Diinteenna_Macaan@Al_xakiim@Quruxdaislaamka@Hidaayatu_Rabi@hogaan_Dumar@Dhaqan_wanaag ━━━━━━━━━━━━━━━━ 🏆 𝗗𝗛𝗜𝗜𝗥𝗜𝗚𝗜𝗟𝗜𝗡 𝗜𝗬𝗢 𝗫𝗜𝗚𝗠𝗔𝗗𝗢 🏆 ━━━━━━━━━━━━━━━━ ┌ @XikmadoSom@Dhiiragaliye@Mucaashaq_Jacayl@AishaAhmed99@QalbiDhaye143@kalimakariim@xaqiiqadanolosha@Albaanichannel252@Ruuxda ━━━━━━━━━━━━━━━━ 🌷 Jacaylka & Oraahyo 🌸 ━━━━━━━━━━━━━━━━ ├ @Dareen_side@Hasancaashaq) ├ @daren_jaceyl@Mohametahmed@Noqoxiddig@FAAIDOCHANEEL@DunnidaSuugaanta ━━━━━━━━━━━━━━━━ 🎓 𝗔𝗤𝗢𝗢𝗡+𝗙𝗔𝗦𝗔𝗟𝗢 🎓 ━━━━━━━━━━━━━━━━ ┌ @maanhage@farsamada@haqabtire1@KobciAqoontaada2 ━━━━━━━━━━━━━━━━ 📚 𝗕𝗨𝗨𝗚𝗔𝗔𝗚 📚 ━━━━━━━━━━━━━━━━ ┌ @somalibooks@Somalilibrary@kobciyebooks ━━━━━━━🔺━━━━━━━━━ 💎Presented by @zomalibot ━━━━━━━🔻━━━━━━━━━
Hammasini ko'rsatish...
👍 5 1🤔 1
Qof kasta oo waalan haddii la weeydiiyo. ma waalan tahay? Waxa uu ku leeyahay : Maya, ma waalni. Adigu Hadda ma waalantahay? Waa Su'aal Haa iyo Maya midna aadan uga jawaabi karin. Ileeyn Adigu isma Hubtide, Haddii aad HAA tiraa, waxaad noo sheegtay in aad waalantahay. Haddii aad MAYA tiraana waxaad Bixisay Jawaabtii Dadka waalaan
Hammasini ko'rsatish...
😁 52👍 7
Mid cabtooy ah oo Dugsi Qur'aan ag marayay ayaa maqlay Macallinkii oo Ardaydii ku leh. ( Laan wax male) . Cabtooygii Inta ku soo leexday ayuu yiri: war ilmaha beenta ka daa, Laan waxa uu leeyahay Caleene. Qofka wax si ka yihiin, iyo Qofka aan wax hubsan, waxa ay dhiibtaan Jawaab aan ku habooneyn ula jeedada ficilka
Hammasini ko'rsatish...
😁 41💯 7👍 6🥱 1