️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
Kanalga Telegram’da o‘tish
Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
Ko'proq ko'rsatishMamlakat belgilanmaganToif belgilanmagan
261
Obunachilar
+224 soatlar
+197 kunlar
+1930 kunlar
Postlar arxiv
Waaliga Hiiraan ayaa booqasho ku tagay mid kamid ah xarumaha waxbarasahda magaalada ee Buq-aqable.
Madaxweynaha Uganda ayaa la filayaa inuu ka hadlo cudurka Ebola oo kusii fidaya wadankaas.
Dawooyin qiimo badan ku fadhiya ayaa ku dhacay bakhaarrada Dowladda Kenya taasoo khasaare ku ah Dalkaas.
Askari kasoo goostay ciidamada Jubbaland ayaa isku dhiibay wilaayada islaamiga ah ee Jubbada Hoose.
Dowro Diini ah ayaa loo soo gaba gabeeyay muruq maalka ku nool degmada Kurtun waarey ee gobalka shabeellaha Hoose
Maanta waa maalin Khamiis ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 25-12-1447 oo waafaqsan 11-06-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Daahir.
Dhageyso: Taxane- Halyeeyadii Badar.[238]
Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan waxay idiin soo gudbineysaa taxane aan ugu magac darnay Halyeeyadii Bader, taas oo uu Sheekh Cabdul Ilaah Abuu Khaalid kaga waramayo, siirada iyo mawaaqifta tarbawiga ah ee saxaabiyiintii Badriyiinta ahaa ee ka qeyb galay macrakadii Yowmul Furqaan
Waa Kuma Aadan Madoobe oo Kusoo Baxay Doorasho Lagu Sifeeyay Mid Hal Dhinac ah oo Maanta ka Dhacday Beydhabo?[FALANQEYN]
Weerar qarax ah oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsadeen ciidamo Itoobiyaan ah oo ka mid ah kuwa ilaaliya garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, ayaa waxa uu sababay dhimashada hal askari oo Itoobiyaan ah iyo dhaawaca saddex kale.
Askari katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa lagu dilay laba kalana waa lagu dhaawacay, weerar qarax ah oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen gudaha magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Shariif Xasan oo ka Horyimid Doorashii uu Kusoo Baxay Aadan Madoobe ee ka Dhacday Beydhabo.
Maamulka la baxay Jubbaland oo markale DF ku eedeeyay iney musuqmaasuqday deeq ay Shisheeyuhu ugu talagaleen maamul gobaleedyada.
Xubinta Wararka Caalamka oo ku baxda Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada ee idaacadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan, waxaa lagu soo gudbiyaa wararkii ugu dambeeyay ee daafaha Caalamka.
Dhageystayaasha iyo akhristayaasha ku xiran idaacadda Al-Furqaan waxay had iyo goor halkan kala socon karaan Wararka iyo Barnaamijyada ay Idaacaddu baahiso.
Caawa waa habeennimo Khamiis ah oo ay taariikhda Hijriguna ay ku beegantahay 25-12-1447 oo waafaqsan 10-06-2026, Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada waxaa caawa soo Maxamed Cali.
Dawooyin qiimo badan ku fadhiya ayaa ku dhacay bakhaarrada Dowladda Kenya taasoo khasaare ku ah Dalkaas.
Warbixin cusub oo uu soo saaray Hanti-dhowraha Guud ee Kenya ayaa daaha ka qaaday in dawooyin iyo agab caafimaad oo qiimahoodu gaarayo ku dhowaad 377 milyan oo shilin Kenya ah ay ku dhaceen bakhaarrada dowladda, iyagoo aan gaarin bukaannadii loogu talagalay.
Dawooyinkan ayaa lagu keydinayay xarumaha Hay’adda Qalabka iyo Dawooyinka Caafimaadka Kenya, oo loo yaqaan KEMSA. Hay’addan ayaa mas’uul ka ah soo iibinta, kaydinta iyo inye daawooyinka gaarsiiso isbitaallada dowladda.
Dawooyinka dhacay waxaa ku jiray kuwa lagu daweeyo kansarka, HIV-ga iyo cudurro kale oo halis ah. Arrintan ayaa dhalisay caro iyo walaac, maadaama bukaanno badan oo Kenya ku nool ay muddo dheer ka cabanayeen dawo la’aan ka jirta isbitaallada dowladda.
Madaxweynaha Uganda ayaa la filayaa inuu ka hadlo cudurka Ebola oo kusii fidaya wadankaas.
Dalka Uganda ayaa mar kale wajahaya cabsi la xiriirta cudurka Ebola, iyadoo dowladda iyo hay’adaha caafimaadku ay kordhiyeen farriimaha iyo digniinaha ku saabsan halista xanuunkan .
Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa la filayaa inuu dhawaan khudbad u jeediyo shacabka dalkaas, taas oo uu si gaar ah uga hadli doono xaaladda Ebola iyo tallaabooyinka dowladda ay qaadayso si looga hortago faafitaanka cudurka.
Khudbadda ayaa imaanaysa xilli Uganda laga soo sheegay kiisas Ebola ah oo ku xiran dadka ka soo gudbaya xuduudda Jamhuuriyadda Congo (DRC), halkaas oo cudurku horey ugu faafay.
Wasaaradda Caafimaadka Uganda ayaa sheegtay in la xoojiyay kormeerka xuduudaha, baaritaanka dadka safarka ah, iyo dabagalka dadka lala xiriirinayo kiisaska la xaqiijiyay, si loo yareeyo khatarta fiditaanka cudurka.
Waa Habeennimo Khamiis ah taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 25-12-1447 oo ku beegan 10-06-2026, warka Habeen waxaa soo jeedinaya Maxamed Ciise.
Endi mavjud! Telegram Tadqiqoti 2025 — yilning asosiy insaytlari 
