uz
Feedback
️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

Kanalga Telegram’da o‘tish

Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

Ko'proq ko'rsatish
Mamlakat belgilanmaganToif belgilanmagan
261
Obunachilar
+224 soatlar
+127 kunlar
+2230 kunlar
Postlar arxiv
DEG DEG Daawo: Sawirro hordhac ah Dagaal lagu dilay saraakiil laguna qabsaday gaadiid dagaal oo ka dhacay duleedka magaalada
+6
DEG DEG Daawo: Sawirro hordhac ah Dagaal lagu dilay saraakiil laguna qabsaday gaadiid dagaal oo ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo.

Ehelka Sarkaal lagu Dilay Duleedka Baydhabo ayaa Sheegay, in ay Aad uga Dhaxeen Waddada uu ku baxay Sarkaalkaas.

Ganacsiga Dalalka Kenya iyo Ugandha ayaa Hakad Galay Iyada oo Xukumada Kambala ay Hal Maalin Ku Khasaartay Dakhli Gaaraya Malaayiin Doollar.

Maanta waa maalin Sabti ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 29-11-1447 oo waafaqsan 16-05-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Daahir.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xlay dagaal culus ku qaaday xerada askarta Xabashida Itoobiya ee ku sugan Eleboorka degmada Baardheere ee gobalka Gedo.

Dagaal udhexeeyay ciidamo taabacsan maamulkii Laftagareen iyo kuwa katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa ka dhacay deegaanka Yeed ee gobalka Bakool, waxayna iska dileen laba askar halka ay iska dhaawaceen mid kale.

Hal askari ayaa ku dhintay mid kalana wuu ku dhaawacmay, dagaallo caawa ciidamo kawada tirsan Dowladda Fedaraalka ku dhexmaray degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Ehelka Sarkaal lagu Dilay Duleedka Baydhabo ayaa Sheegay, in ay Aad uga Dhaxeen Waddada uu ku baxay Sarkaalkaas. Ehelka Yooni
Ehelka Sarkaal lagu Dilay Duleedka Baydhabo ayaa Sheegay, in ay Aad uga Dhaxeen Waddada uu ku baxay Sarkaalkaas. Ehelka Yoonis Aadan oo ah Talyaha Guutada 9-aad ee ciidamada DF-ka oo lagu dilay dagaalkii dhawaan ka dhacay duleeedk Baydhabo ayaa sheegay, in ay la calool gubyoonayaan jidka khaldan ee uu ku dhintay wiilkooda. " Dhimashadaada kama Nixin Laakiin Wadadda aad ku dhimatay ayaan ka xumaaday" ayay tiri mid kamid ehellada sarkaalkaas oo iska soo duubtay muuqaal. Sarkaalkan ayaana isagoo difaacaya Xabashida ku sugan Baydhabo waxaa lagu dilay dagaalka khamiistii ciidamada Dowladda Fedaraalka iyo millatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku dhexmaray duleeedk magaalada Baydhabo.

Shir Saddax Maalin u Socday Dowladda Fedaraalka iyo Mucaaradka ayaa Fashil ku Dhamaaday, Xilli Mucaaradka ay Dib u Dhigeen Ba
Shir Saddax Maalin u Socday Dowladda Fedaraalka iyo Mucaaradka ayaa Fashil ku Dhamaaday, Xilli Mucaaradka ay Dib u Dhigeen Banaanbaxii ay Maanta Qorshaynayeen. Shisheeyaha ku sugan xerada Xalane ayaa saddaxdii maalmood ee lasoo dhaafay shirar isdaba joog ah u qabtay Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Dowladda Fedaraalka iyo mucaaradkiisa. Labada dhinac ayaana wax isfaham ah ka gaari waayay dhamaan qodobadii la isku hayay, taas oo keentay in lagu kala dareera. War-saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay, in Xasan Sheekh uu ku adkaysanayo waxa loogu yeero doorashada qof iyo codka ee ay sida weyn u diidan yihiin mucaaradka. Dowladda Fedaraalka ayaana fashilka shirarkaas ku eedeeysay mucaraadka, kuwaas oo ay ku eedeeysay, in ay miiiska keeneen aragtiyo ka hor imaanaya doorashada qof iyo codka.

Ganacsiga Dalalka Kenya iyo Ugandha ayaa Hakad Galay Iyada oo Xukumada Kambala ay Hal Maalin Ku Khasaartay Dakhli Gaaraya Mal
Ganacsiga Dalalka Kenya iyo Ugandha ayaa Hakad Galay Iyada oo Xukumada Kambala ay Hal Maalin Ku Khasaartay Dakhli Gaaraya Malaayiin Doollar. Isu socodkii ganacsiga iyo gaadiidka ee xaduudka u dhexeeya Uganda iyo Kenya ayaa si weyn u istaagay kadib markii darawallada gaadiidka xamuulka ay sameeyeen mudaharaad ballaaran oo ay ku xireen waddada weyn ee isku xirta labada dal.   Darawalladan ayaa ka caraysnaa xarigga loo geystay gidoomiyaha guddiga gaadiidleeyda ganacsiga ee labada dal, kaas oo lagu qabtay xadka u dhaxeeya labada dal iyada oo lagu eedeeyay inuu hurinayay Rabshado colaadeed.   Saraakiisha canshuuraha ee dalka Uganda ayaa sheegay in hal maalin gudaheed oo ay xirnaayeen wadooyinkan ay dowladdu lumisay dakhli lagu qiyaasay 35 bilyan oo Shilin Uganda ah una dhigma 10 Milyan oo Doolarka Maraykanka ah, iyadoo sidoo kale ay qurmeen badeecooyin badan oo iskugu jiray qudaar iyo raashin saarnaa gaadiidka xanibaada galay.