️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
Kanalga Telegram’da o‘tish
Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
Ko'proq ko'rsatishMamlakat belgilanmaganToif belgilanmagan
261
Obunachilar
+124 soatlar
+157 kunlar
+2030 kunlar
Postlar arxiv
Waa Habeennimo Jimco ah taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay12-12-1447 oo ku beegan 28-05-2026, warka Habeen waxaa soo jeedinaya Maxamed Sheekh Cali.
+7
Halkaan Ka Daawo Sida Looga Ciiday Magaalada Xagar ee Gobalka Jubbada Dhexe.
+4
Halkaan Ka Daawo Sida Looga Ciiday Magaalada Salagle ee Gobalka Jubbada Hoose.
DEG-DEG: Madaxweynihii hore ee dalka Yeman Cabdi-Rabbi Mansuur Haadi ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday magaalada Riyaad ee caasimadda Sucuudiga, halkaas oo uu daganaa tan iyo markii maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ay kala wareegeen magaalada Sanca ee caasimadda Yeman.
Ninkaan oo ku geeriyooday da'da 80 sano ayaa lasoo warinayaa in todobaadyadii lasoo dhaafay ay lasoo darastay xaalad caafimaad, taas oo ugu dambeyn sababtay geeridiisa, isagoo intii uu hayay talada Yeman ku kacay gaboodfallo ka dhan ah dadka rayid ah.
Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa Bogaadiyay Hufnaanta Iyo Shaqada Gar-soorka Islaamiga ah ee ka hawlgala wilaayaadka.
Munaasabad farxadda ciidda lagula qeybsaday caruurta agoonta ah ayaa lagu qabtay magaalada Kuunyobarrow ee wilaayada Sh/hoose.
Diyaaradaha Shisheeye ayaa Duqeyn ay ka Geysteen Gobalka Bari ee Soomaaliya ku Xasuuqay Dad isku Qoys ah.
Askar ay Dowladdii Farmaajo Tababar ugu Dirtay Dalka Eritrea ayaa Qeylo Dhanaan Kasoo Diray Gudaha Dalkaas oo ay Wali ku Sugan Yihiin.
Haween Soomaaliyeed ayaa Soo Bandhigay Farshaxanka Cuntada Dalka iyadoo Warbaahinta Al-furqaan ay caawa shaacineyso Natiijada Tartankii cunto Karinta Dhaqanka Soomaaliyeed.
Saraakiil katirsan dowladda federaalka ayaa xaqiijiyay in qeybo kamid ah gobalka shabeellaha Hoose ay ku yaallaan beero lagu abuuro maandooriyaha xashiiska
Maanta waa maalin Khamiis, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 11-12-1447 oo waafaqsa 28-05-2026, warka Duhurnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Sheekh Cali.
Askar ay Dowladdii Farmaajo Tababar ugu Dirtay Dalka Eritrea ayaa Qeylo Dhanaan Kasoo Diray Gudaha Dalkaas oo ay Wali ku Sugan Yihiin.
Ciidamo ka tirsan Dowladda Fedaraalka oo xilligii Farmaajo wadanka Eritrea loogu qaaday tababar ciidan, ayaa muuqaal iska soo duubay iyagoo ku jira xero ku taalla dalkaasi, halkaas oo ay sheegeen, inay ku wajahayaan noolal aad u adag.
Waxa ay askartani sheegeen in sanadkii 2019-kii oo ku beegan xiligii Farmaajo loo qaaday Eratariya, ku dhawaad sideed sanana ay joogaan dalkaas, iyagoo xusay in lagu iloobay ayna ku wajahayaan nolol xumo.
Arrimo siyaasadeed awgeed ayay tilmaameen inay ugu xayiran yihiin dalkaas, iyagoo Dowladda Fedaraalka ka codsaday inay deg deg xaaladooda usoo fara-geliso islamarkaana dalka dib ugu soo celiso.
Diyaaradaha Shisheeye ayaa Duqeyn ay ka Geysteen Gobalka Bari ku Xasuuqay Dad isku Qoys ah.
Sida ay soo tebiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, duqayn cirka ah oo ka dhacday baadiyaha degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa dil iyo dhaawac loogu geystay dad shacab ah oo ka koobnaa hal qoys.
Duqaynta oo dhawaan dhacday ayaa lagu dilay hooyadii qoyska oo xaamilo ahayd iyo Sedax gabdhood oo ay dhashay, halka aabihii qoyska oo nin waayeel ah oo lagu magacaabo Maxamed Ciid Ismaaciil ay duqeynta kasoo gaareen dhaawacyo halis ah, iyadoo loola caracaray xarumaha caafimaad ee magaalada Boosaaso, sida ay wararku nagu soo gaarayaan.
Qoyskan ay beegsadeen diyaaradaha shisheeye ayaa ahaa dad xoola dhaqato ah oo deganaa baadiyaha magaalada Qandala ee gobalka Bari, halkaas oo aad uga fog furimaha dagaalka, sida ay tilmaamayaan macluumaadka la helayo.
Maanta waa maalin Khamiis ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 11-12-1447 oo waafaqsan 28-05-2026, warka Barqanimo waxaa soo jeedinaya Haashim Cabdinaasir.
Barnaamijka Tartanka Cunto Karinta Dhaqanka Soomaaliyeed- 01.mp355.43 MB
Dhageyso: Barnaamijka Tartanka Cunto Karinta Dhaqanka Soomaaliyeed 01
Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan waxay idiin soo gudbineysaa Barnaamijka Tartanka Cunto Karinta Dhaqanka Soomaaliyeed, kaas oo qeyb ka ah barnaamijyada aan idin kugu talagalnay munaasabadda Ciidul Adxaa awgeed.
Barnaamijkaan oo ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen Wilaayada Islaamiga ah ee Sh/hoose iyo Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan, ayaa waxa uu dhiirra-galinayaa xirfadda cunto kariska, hal-abuurka haweenka iyo sidoo kale kafaa’iideysiga quutka uu hodanka ku yahay dalkeenna.
Endi mavjud! Telegram Tadqiqoti 2025 — yilning asosiy insaytlari 
