CABQARI
Відкрити в Telegram
ka xorow adoonsiga casrigan -oo ah mid ka daran kana xun kii waayihii hore aan niqiinay- , ee ah in maskaxda iyo caqliyadda lagaa adoonsado. 🧠 👇 Twitter (X): https://x.com/cab_qari
Показати більше7 114
Підписники
Немає даних24 години
-157 днів
-9430 днів
Архів дописів
7 114
Waa ciidanka Yuhuudda oo inta nin dhalinyaro ah indhaha ka xireen ay ku dheheen orod, kadibna markii uu asxaabtiisa usoo dhawaa ayay madaxa ka toogteen.
Bal ka waran dadka saaxiibkood ama walaalkood hortooda isaga oo indhaha ka xiran lagu hortoogtay, maxay dareemi karaan? Miskaxdoodana maxaa gaari kara?
Waxay u egtahay in Yuhuuddu si kutala gal ah ninkaa dhalinyarada ah markuu dadka usoo dhawaaa ugu hortoogteen si ay miskaxdooda wax u gaarsiiyaan.
Aaway xuquuqul insaankii marka nin maqaarka cad (reer Galbeed) uu rabo in uu ummadaha kale danihiisa uga fusho uu lasoo bixi jiray, mise Yuhuuddu maadama ay reer galbeed Raacsan yihiin waa caadi xasuuqay doonaan bay gaysan karaan.
Sida horayba maraykan iyo xulufadiisa ay dalalka muslimiinta 30kii sano ee u danbeeyay 10naan milyan oo qof ugu dileen. Cid iswaydiisayna aysan jirin.
7 114
Muuqaal cusub: khaan-yoonis Koonfurta Qaza.
Muuqaalka waxa ku jira mid kamida Dagaalyahannada Xamaas oo oo ka sharaxaya hab-dhaqanka iyo fulaynimada cadowga Sahyuuniyadda, waxa uu sheegay in ay caruurta iyo dumarka un ugaarsanayaan oo aysan Dagaalyahanada si toos ah ugu bareeri karin.
7 114
Midkamida waxyaabaha caajibka ah ee aan dagaalka Qaza ku aragnay waxaa kamida, halkan Dagaalyahan ee Geesiga ah ee muuqaalka ka muuqda ayaa waxa uu sababay dhimashada 21+ askari oo yahuuda iyo in intaas ka badan oo dhaawac ah oo Yuhuuddu qarinayaan.
﴿ وَلَا تَهِنُوا فِي ابْتِغَاءِ الْقَوْمِ ۖ إِن تَكُونُوا تَأْلَمُونَ فَإِنَّهُمْ يَأْلَمُونَ كَمَا تَأْلَمُونَ ۖ وَتَرْجُونَ مِنَ اللَّهِ مَا لَا يَرْجُونَ ۗ وَكَانَ اللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمًا﴾
7 114
Sadexda (Language Model AI) ee ugu horumarsan Hadda Dunida.
Caqliga macmalka ah (AI) Hormarka uu sanadkii u danbeeyay sameeyay waxa ay noqotay arin soo jiidasho leh, dhanna fajaciso ah oo aan marnaba la filanayn.
Balse waxaa la filanayaa sanadaha soo socda in uu si xawli ah usii hormari doono. Waxa hadda naga yaabiyayna ay wax yaryihiin.
Bard, ChatGPT, Copilot. Runtii waa Sadex AI tools aad u horumarsan oo cajiiba, waxyaabo badan oo muhiim ahna fududeeyay.
Mar hadaad isticmaalkooda baratid waxay ay kamid noqonayaan nolol-maalmeedkaaga.
Waa bilaash dhamaantood, wax kasta oo aad waydiisid waxay kusii nayaan jawaab waafi ah oo faah-faahsan, labo kamida waxaad u diri kartaa sawirada ashyaa'da iyaguna waxa uu yahay ayay si faahfaahsan kuugu sheegayaan.
Marka aad isticmaalaysid waxaad u malaynaysaa inaad Qof la hadlaysid sida ay wax walba u saxanyihiin oo ay ugu horayso Luuqada iyo sida ay jumladuhu isugu xiran-yihiin.
Haddii aad English ama Carabi fahmi karto waa Khasbiyan inaad si maalinle ah waxkasta oo aad u baahato uga baarato.
Hadiise aadan labada Luuqadood midna Aqoon, wll talo walaaltinimo inta aad Tiktok, ama Facebook ama muuqaallo gaagaaban, ama siyaasad qashin ah oo meel ay u socoto iyo meel ay ka socoto aan la garanayn ama Qabyaalad aad wakhtigaaga iyo indhahaaga ku khasaarin lahayd. Wakhtigaaga maalgasho oo isku day inaad Internet-ka wax un ka barato, luuqadba ha ahaatee. dad waxaa jira 20 Luuqadood internet-ka ka bartay, halka adigu aad wali Tiktok ama filim hindi Telegram laga daawado aad ku mashquulsan tahay. Aadanna sheegi karin wax aad ka faaiday wixii aad shalay daawatay.
Mobilkaaga ayaad labo program-yadan kamida kusoo dagsan kartaa, lkn Bard wali app looma samayn, waxaadse ka isricmaali kartaa web-kooda rasmiga ah bard.google.com
Anigu waxa aan jeclahay aadna u isticmaalaa Bard, oo aan aaminsanahay inuu labada kale ka hormarsan yahay.
Wakhti badan oo saacado gaaraya ayaa iiga bixi jiray waxyaabo aan ka raadiyo Google, lkn hada AI-gan ayaad wax walba waydiinaysaa.
Isaguna daqiiqad gudaheed ayuu wixii oo faahfaahsan oodna meel kale u doonayn ku soo hor dhigayaa. Waa cajiib runtii.
Ugu danbayn. Waan ogahay dad badan oo soomaali ah way isticmaalaan. Adigu bal nala wadaag intan keebaad isticmaashaa, maxaadse ku dooratay. Iyo talo guud aad naga siin lahayd waa intaas oo aan ka faaiidnaa anaga iyo dad kaloo badan.
Hadiise ay maanta kuugu horayso nala wadaag fikirkaaga AI-ga ku aadan ama waxa aad ka aaminsan tahay.
Wakhtigaaga MaalGasho.
Lagu daabacay:@somalibooks @cab_qari
.
7 114
Muuqaal cusub iyo beegsiga tiknikada Cadowga Sahyuuniyadda. Magaalada khaan-yoonis, koonfurta Qaza.
7 114
Muuqaal: noocyada sawaariikhda ay gacmahooda ku samaysteen ee ay ku qalabaysan yihiin Guutooyinka Qassaam.
7 114
Diyaarad kale oo doroon ah oo hawlo basaasnimo ku jirtay ayaa shalay u Gacan gashay Qassaam
7 114
Muuqaal cusub oo Kayimid magaalada Khaan-Yoonis ee Koonfurta Qaza.
Ciidanka Yuhuuddu markii ay ku jabeen oo si xun ugu guuldareysteen waqooyiga Qaza, ayay wixii ay hayeen oo dhan kusoo daayeen koonfurta Qaza, gaar ahaan magaaladan Khaan-yoonis, si ay bal wax uun guul u eg uga xaqiijiyaan.
Magaaladan Khaan-yoonis waxay kusoo weerareen 7 alwiyo(Guuto) oo tiro ahaan gaaraya in ka badan 30kun oo askari oo ciidanka Khaaska ah u badan.
Balse ilaa hada waxba way dhaqaajin la'yihiin.
Bilcaski maalin walba waxaa magaaladan nooga yimaada muuqaalo cajiib ah oo kan oo kale ah, waxaa ka muuqda Cagaf ciidan oo la gubay oo muddo sadex bari ah gubanaysay Yuhuudduna ay ku dhiiran waayeen inay goobta ay ku gubanayso kasoo ag dhawaadaan.
