uk
Feedback
️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

Відкрити в Telegram

Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

Показати більше
Країна не вказанаКатегорія не вказана
261
Підписники
+224 години
+127 днів
+2230 день
Архів дописів
Waxaa la shaaciyay tirakoobka dhaqaalaha uu Xasan Sheekh ka sameeyay dhulboobka uu Xasan Sheekh ka wado magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qaar kamid ah Xisbiyada siyaasadda ee Itoobiya ayaa ka cabanaya maamulka Abiy Axmad xilli ay doorashada dalkaas soo dhowdahay.

Mareykanka ayaa Itoobiya ka Qaaday Cunaqabatayn uu ku Hayay ku Dhawaad muddo 6 Sano ah.

Maanta waa maalin Axad, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 30-11-1447 oo waafaqsa 17-05-2026, warka Duhurnimo waxaa soo jeedinaya Sakariye Cumar.

Masuul horay uga Tirsanaa DF-ka ayaa Walaac ka Muujiyay, in Xukuumadda Xasan Sheekh Dhaqaalaha laga Jarto. Xilli ay Dowladda
Masuul horay uga Tirsanaa DF-ka ayaa Walaac ka Muujiyay, in Xukuumadda Xasan Sheekh Dhaqaalaha laga Jarto.   Xilli ay Dowladda Fedaraalka marayso marxalad kala guur ah OO AAD U Cakiran, ayaa Axmed Ciise Cawad oo ah Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Dowladdii Farmaajo waxa uu walaac xooggan ka muujiyay, in dowladaha shisheeye ee masruufa xukuumadda Xamar ay dhaqaalaha ka jartaan, haday amarkooda yeeli weydo.   Wasiir Cawad ayaa sheegay, in Dowladaha Shisheeye haddii sida ay wax u rabaan la samayn waayo ay soo saarayaan awaamir kama danbays ah oo aysan baalmari karin madax Villada Joodta. Cawad oo ah Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee xukuumaddii Farmaajo ayaa wareysigan uu bixiyay waxa uu kaga sheekeeyay, awaamir culus oo shisheeyaha ay mar dul dhigeen Farmaajo, islamarkaana uu si Khasab ah ugu hogaansamay.

Xilli ay soo dhawdahay doorashada Itoobiya ayaa waxaa isa soo taraysa cabashada ay xisbiyada mucaaradka ee dalkaasi ka muujin
Xilli ay soo dhawdahay doorashada Itoobiya ayaa waxaa isa soo taraysa cabashada ay xisbiyada mucaaradka ee dalkaasi ka muujinayaan nidaamka Abiy Axmed ee xukunka haya. Xisbi isugu yeero Muwaadiniinta Itoobiya ee Cadaaladda Bulshada magaciisana loo soo gaabiyo (EZEMA), oo ah xisbi mucaarad ah, ayaa xukuumadda Abiy Axmed ku eedeeyay, in musharaxooda laga reebay doorashooyinka, qaar kamid ah xubnahooda la xiray, iyagoo ka digaya in ficilladani ay wiiqi karaan kalsoonida doorashooyinka soo socda ee Itoobiya. Waxay sheegeen, in cadaadis xooggan ay kala kulmayaan xisbiga talada haya ee hogaamiyaha uu ka yahay Abiy Axmed, kaas oo beegsanaya xubnahooda ku kala sugan gudaha Itoobiya. Waxayna xuseen, in musharraxooda laga reebay doorashooyinka lagu amray in badalkiisa ay keenan ruux kale, taas oo ah fara-gelin toos ah oo lagu sameeyay xisbigaas mucaaradka ah.

Xildhibaanno ka Tirsan BDF-ka ayaa Eedeymo Fara-badan u Jeediyay Xasan Sheekh, iyagoo soo Bandhigay Tira-koobka Dhaqaalaha uu
Xildhibaanno ka Tirsan BDF-ka ayaa Eedeymo Fara-badan u Jeediyay Xasan Sheekh, iyagoo soo Bandhigay Tira-koobka Dhaqaalaha uu ka Sameeyay Dhul-boobka.   Koox xildhibaanno ah oo isugu yeero baarlamaanka xorta ah ayaa waxay soo saareen war-saxaafadeed ku qoran lahjad kulul oo ay ku weerareen madaxweynaha Dowladda Fedaraalka, oo ay ku tilmaamen, nin dhan walba fashilmay.   Waxay sheegeen, in muddo xileedkii baarlamaanka iyo kan madaxweynahaba uu dhamaaday, sidaasi daraadeedna ay Dowladda Fedaraalku gashay marxalad hubanti la'aan siyaasadeed, ayna lumisay waxay ugu yeereen sharciyadii iyo qaanuuniyadii dowlandimo.    Xasan Sheekh ayay ku tilmaan nin  jid iyo jiho diid ah, oo ay sababtiisa u fashilmeen wada-hadalladii kala dhaxeeyay mucaaradka, isagoo doonaya ayay dhaheen inuu sharci daro kursiga ku joogo.

Khasaare isugu Jira Dhimasho iyo Dhaawac ayaa ka Dhashay Iska Hor-imaad Ciimadamo ka Wada-tirsan Maamulka la baxay Somaliland ku Dhexmaray gobolka Sanaag.

Maleeshiyaad Lagu Soo Bandhigay Gobalka Galgaduud ayaa Sheegay, inay Difaacayaan Maamulka la Baxay Galmudug oo ay DF-ka Xurguf kala Dhaxeyso.

Dalka Kenya ayaa Wajahaya Boob Dhaqaale oo ay Bilaabeen Shirkado Laga Leeyahay Dalka Faransiiska.

Maanta waa maalin Axad ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 30-11-1447 oo waafaqsan 17-05-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Daahir.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen xerada askarta Xabashida Itoobiya ee degmada Garbahaarey. Sidoo kale ciidamada Mujaahidiintu waxey xalay dagaal culus ku qaadeen xerada askarta Xabashida Itoobiya ee degmada Buurdhuubo ee isla gobalka Gedo.

Taxane- Halyeeyadii Badar- 223.mp38.26 MB

Dhageyso: Taxane- Halyeeyadii Badar.[223] Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan waxay idiin soo gudbineysaa taxane aan ugu magac darnay Halyeeyadii Bader, taas oo uu Sheekh Cabdul Ilaah Abuu Khaalid kaga waramayo, siirada iyo mawaaqifta tarbawiga ah ee saxaabiyiintii Badriyiinta ahaa ee ka qeyb galay macrakadii Yowmul Furqaan.

Fahad Yaasiin oo Ka warramay sida madaxda afrikaanku ubahdilaan hogaanka Dowladda Fedaraalka iyo waxay ka aamisan yihiin, kana sheekeeyay bahdil isaga laftiisa Lagula kacay xilligii Farmaajo.

Dawladda Fadaraalka oo Dhibaato Iyo Kala Faquuq Ku Haysa Jaaliyada Soomaalida ee Ku Nool Dalka Koonfur Afrika.

Maamulka Puntland oo Sheegay in Dawladda Fadaraalku Gashay Xaalad Halis ah oo u Baahan in La Badbaadiyo.

Midowga Afrika oo War Ka Soo Saartay Fashilka Kulamadii ay Yeesheen Dawladda Fadaraalka Iyo Mucaaradkeeda.

Xubinta Wararka Caalamka oo ku baxda Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada ee idaacadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan, waxaa lagu soo gudbiyaa wararkii ugu dambeeyay ee daafaha Caalamka.

Dhageystayaasha iyo akhristayaasha ku xiran idaacadda Al-Furqaan waxay had iyo goor halkan kala socon karaan Wararka iyo Barnaamijyada ay Idaacaddu baahiso. Caawa waa habeennimo Axad ah oo ay taariikhda Hijriguna ay ku beegantahay 30-11 1447 oo ku beegan 14-05-2026, Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada waxaa caawa soo jeedinaya Cabdisamad Cabdullaahi.