️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
Відкрити в Telegram
Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
Показати більшеКраїна не вказанаКатегорія не вказана
259
Підписники
+224 години
+217 днів
+2130 день
Архів дописів
Xisbiyada Mucaaradka ee Itoobiya ayaa Sheegay, inay Beegsi Kala Kulmayaan Abiy Axmed, Xilli Wax Doorasho Lagu Sheegay ay ka Socoto Dalkaas.
Mareykanka ayaa Soo Bandhigay Damacyo Gurracan oo uu ka Leeyahay Deegaannada uu ka Arimiyo Maamulka la Baxay Somaliland.
Maanta waa maalin Arboco ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 17-12-1447 oo waafaqsan 03-06-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Daahir.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa laba qarax oo ay ka fuliyeen gudaha magaalada Baladweyne ku beegsaday saraakiil Miina baarayaal ah oo ka tirsan Dawladda Fadaraalka, waxaana jira khasaare gaaray ciidamadaas.
Dhageyso: Taxane- Halyeeyadii Badar.[231]
Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan waxay idiin soo gudbineysaa taxane aan ugu magac darnay Halyeeyadii Bader, taas oo uu Sheekh Cabdul Ilaah Abuu Khaalid kaga waramayo, siirada iyo mawaaqifta tarbawiga ah ee saxaabiyiintii Badriyiinta ahaa ee ka qeyb galay macrakadii Yowmul Furqaan
Mawaxaa la gaaray xiligii lagu dhawaaqi lahaa burburka hay'adda adunka ugu weyn ee Qaramada Midoobe mexey yihiin caqabadaha ku horgudboon ee sababi kara in dhamaadkeeda,Dadka Muslimiinta ah sida reer Falastiin maxay ku xasuusan doonaan Qaramada Midoobay?
Mas'uul horay ula soo shaqeeyay shisheeyaha qaramada Midoobay ee ku soo duulay Soomaaliya oo ka hadlay jihawareerka Dowladda Fedaraalka ka haysta iney hesho ciidan daacad u ah oo aan lagu fushan dano siyaasadeed iyo kuwo dowladeed.
Xubinta Wararka Caalamka oo ku baxda Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada ee idaacadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan, waxaa lagu soo gudbiyaa wararkii ugu dambeeyay ee daafaha Caalamka.
Dhageystayaasha iyo akhristayaasha ku xiran idaacadda Al-Furqaan waxay had iyo goor halkan kala socon karaan Wararka iyo Barnaamijyada ay Idaacaddu baahiso.
Caawa waa habeennimo Arboco ah oo ay taariikhda Hijriguna ay ku beegantahay 17-12-1447 oo waafaqsan 02-06-2026, Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada waxaa caawa soo Cabdisamad Cabdullaahi.
Xisbiyada Mucaaradka ee Itoobiya ayaa Sheegay, inay Beegsi Kala Kulmayaan Abiy Axmed, Xilli Wax Doorasho Lagu Sheegay ay ka Socoto Dalkaas.
Iyadoo Itoobiya ay ka socoto doorasho u janjeerta dhanka xizbiga Abiy Axmed ayaa qaar kamid xisbiyada Mucaaradka ee dalkaas waxa ay sheegeen, in kormeerayaashooda lagu weeraray gobolka bartamaha Itoobiya ee loo yaqaan Central Ethiopia, lagana hor istaagay kormeerka doorashada, islamarkaana la arkay warqado codbixin oo si khaldan loo qaaday loona firdhiyay.
Xisbiga lagu magacaabo GOGOT oo kamid ah xizbiyada u tartamaya doorashada Itoobiya ayaa gudbiyay cabasho, isagoo dalbaday in doorashada laga joojiyo degmada Wolkite iyo in baaritaan degdeg ah la sameeyo wearada lagu qaaday xubnihiisa.
Si guud xisbiyada mucaaradka ee Itoobiya ayaa waxa ay dowladda ku eedeeyeen inay cadaadis iyo xarig kula kacday hoggaamiyeyaashooda.
Dhawr Qof ayaa Ku Dhintay Dibadbaxyo Ka Dhashay Xarun Karantiil oo uu Mareykanku Ka Hirgaliyay Dalka Kenya.
Wararka inagasoo gaaraya dalka Kenya ayaa ku waramaya, in laba qof ay ku dhinteen dibadbaxyo rabshado wata oo looga soo horjeeday qorshe Mareykanku ku doonayo inuu ku hirgeliyo xarun karantiil oo loogu talagalay dadka looga shakiyo cudurka Ebola. Xaruntan ayaa la qorsheeyay in laga dhiso magaalada Nanyuki ee bartamaha Kenya, taas oo dhalisay muran xooggan iyo caro dadweyne.
Maxkamadda ku taalla dalkaas ayaa amar ku bixisay in muddo saddex toddobaad oo dheeraad ah la hakiyo mashruucan.
Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka Nanyuki si ay uga mudaaharaadaan qorshahan, iyagoo ka cabanaya in Kenya loo adeegsanayo meel lagu karantiilo dadka Ameerikaanka ah ee la ildaran cudurka Ebola. Hormuudka dibadbaxyadan ayaa sheegay in labo qof ay dhinteen kadib rasaas ay fureen ciidamada boosliska.
Mareykanka ayaa Soo Bandhigay Damacyo Gurracan oo uu ka Leeyahay Deegaannada uu ka Arimiyo Maamulka la Baxay Somaliland.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Maraykanka ayaa warbixin ay u gudbisay Kongareeska kaga hadashay xoojinta la-macaamilka maamulka la baxay Somaliland, taas oo cinwaan looga dhigay "Meelaha suurtagalka ah ee lagu horumarin karo xiriirka Mareykanka iyo Somaliland."
Inkastoo Mareykanka uu horayba xiriir ula lahaa maamulka Hargeysa, haddana wasaaradda arimaha dibadda ee Waashitoon ayaa hoosta ka xariiqday, in Maraykanku uu haatan baadi-goobayo fursado kale oo dheeraad ah oo uu doonayo inuu kula macaamilo maamulka la magacbaxay Somaliland.
Warbixinta oo ka hadlaysa dhinaca iskaashiga amniga ayaa sheegtay, in Maraykanku uu Somaliland u arko goob istaraatiiji ah maadaama ay ku dhowdahay ayay tiri, Yemen iyo marin-biyoodka muhiimka ah ee Babul-Mandab, isla markaana ay kaalin ka qaadan karto ilaalinta maraakiibta ganacsiga iyo kuwa milatariga ee mara Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.
Waa Habeennimo Arboco ah taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 17-12-1447 oo ku beegan 02-06-2026, warka Habeen waxaa soo jeedinaya Cabdukhaaliq Macalin Cabduwali.
Maxay Tahay Halista Mareykanka Kaga soo Wajahan Mandiqadda Loogu Yeero Bariga-dhexe ee Sababi Karta inuu ku Khasaaro Awooddii uu ku Lahaa Gobolka?[WARBIXIN]
Tobonaan ruux oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Weerar balaaran oo Ruushka ku qaaday Dalka Ukraine, Taliye sare oo Katirsan Kooxda Xuuthiyiinta oo lagu dilay Dagaallo xoogan oo ka dhacay Dalka Yaman, Qodobadaasi iyo kuwo kale ku dhegeyso Xubinta Qalinka Saxaafadda ee ku baxda Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida.
Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida waa barnaamij maalinle ah oo ka baxa Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan, marka laga reebo maalinta Jimcaha, waxaana lagu soo gudbiyaa dhacdooyinka ka taagan Caalamka gaar ahaan Dunida Islaamka.
Qarax khasaare sababay oo ka dhacay Warshada Difaaca ee Kuuriyada Koofureed.
Dhulgariir xoogan oo khasaare dhaliyay ayaa ka dhacay koonfurta Wadanka Talyaaniga.
Taliye sare oo Katirsan Kooxda Xuuthiyiinta oo lagu dilay Dagaallo xoogan oo ka dhacay Dalka Yaman.
Вже доступно! Дослідження Telegram за 2025 — головні інсайти року 
