uk
Feedback
️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

Відкрити в Telegram

Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

Показати більше
Країна не вказанаКатегорія не вказана
339
Підписники
Немає даних24 години
+927 днів
+9930 день
Архів дописів
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qarax khasaare dhaliyay la beegsaday gaari uu watay Abaanduulaha guutada 8-aad ee ciidanka Dowaladda Fedaraalka, waxaana qaraxan ku dhintay labo askari oo kamid ah ilaaladiisa halka ay ku dhaawacmeen 3 kale, waxaana burbur xooggan uu soo gaaray gaarigii qaraxa lala beegsaday.

Yurub oo Wajaheysa Burbur Dhan Waliba ah oo Dooneysa Iney Sameyso Nidaam Cusub Caalami ah, Iyadoo Aad Looga Deyriyay Dowrka uu Mareykanku ku Lahaan Karo Nidaamkaas.

Jamaacadda Ittixaadul-Pakistaan oo Weeraro khasaare lagu gaarsiiyay askarta Pakistaan ka geestay gudaha dalkaas, In ka badan 10 ruux oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Toogasho ka dhacday Dalka Maraykanka.Qodobadaasi iyo kuwo kale ku dhegeyso Xubinta Qalinka Saxaafadda ee ku baxda Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida.

Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida waa barnaamij maalinle ah oo ka baxa Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan, marka laga reebo maalinta Jimcaha, waxaana lagu soo gudbiyaa dhacdooyinka ka taagan Caalamka gaar ahaan Dunida Islaamka.

Daawo: Xaalad Adag oo Dhanka N ah ayaa Laga soo Tebinayaa Magaalada Berbera ee Gobolka Woqooyi Galbeed.

Faahfaahin ayaa laga helayaa weerar ay maleeshiyaadka Bangaraaf oo ay kor ka taageerayaan diyaaradaha Mareyknka ku qaadeen deegaanka Farsooley ee gobolka Sh/hoose.

Waxaa sii xoogeysaneysa xiisadda udhaxeysa Dowladda Itoobiya iyo Maleeshiyaadka TPLF.

Mas'uul Ka tirsan maamulka ay Itoobiya ka dhisatay dhulka Soomaali Galbeed ayaa lagu eedeeyay musuq iyo ku takrifal hanti.

Maanta waa maalin Isniin ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 21-01-1448 oo waafaqsan 06-07-2026, warka Duhurnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Amiin.

Dhageystayaasha iyo akhrisstayaasha ku xiran Mareegta idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan, waxay had iyo goor halkan kala socon karaan wararka iyo barnaamijyada ay idaacaddu baahiso. Barnaamijka Caafimaadka iyo Nolosha, waa barnaamij todobaadle ah oo Isniin waliba ka baxa warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan, waxaana maanta looga hadlay cudurka Cayilka iyo saameenta uu ku leeyahay caafimaadka oo su’aalo laga waydiiyaa Dr Maslax oo kamid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed.

DEG DEG: Daawo Sawirada Khasaarihii Ka Dhashay Duqeyn ay Diyaaradaha Mareykanku Ku Beegsadeen Xaafado Dad Shacab ah ay Dagana
+9
DEG DEG: Daawo Sawirada Khasaarihii Ka Dhashay Duqeyn ay Diyaaradaha Mareykanku Ku Beegsadeen Xaafado Dad Shacab ah ay Daganaayeen, Masaajid, Dugsi Qur'aan iyo Goobo Ganacsi oo Ku Yaala Deegaanka Farsooleey ee Gobalka Shabeellada Hoose.

DEG DEG: Daawo Sawirada Khasaarihii Ka Dhashay Duqeyn ay Diyaaradaha Mareykanku Ku Beegsadeen Xaafado Dad Shacab ah ay Dagana
+2
DEG DEG: Daawo Sawirada Khasaarihii Ka Dhashay Duqeyn ay Diyaaradaha Mareykanku Ku Beegsadeen Xaafado Dad Shacab ah ay Daganaayeen, Masaajid, Dugsi Qur'aan iyo Goobo Ganacsi oo Ku Yaala Deegaanka Farsooleey ee Gobalka Shabeellada Hoose.

Ugu yaraan Siddeed qof oo ka tirsan qoxootiga Muslimiinta Rohingya ayaa geeriyooday, halka tiro kalena ay dhaawacmeen, kadib
Ugu yaraan Siddeed qof oo ka tirsan qoxootiga Muslimiinta Rohingya ayaa geeriyooday, halka tiro kalena ay dhaawacmeen, kadib markii roobab mahiigaan ah ay sababeen dhul-go'yo ku dhuftay xeryihii ay ku noolaayeen, kuwaas oo ku yaalla degmada Cox's Bazar ee koonfur-bari dalka Bangladesh. Dhacdadan ayaa dhalisay cabsi laga qabo in dhul-go'yo hor leh ay ka dhacaan deegaanka, iyadoo sidoo kale laga walaacsan yahay in dagaallada dib uga qarxay dalka deriska la ah ee Myanmar ay sababaan qulqul cusub oo qaxooti Rohingya ah oo u soo gudba Bangladesh.

Waxaa sii xoogeysaneysa xiisadda udhaxeysa Dowladda Itoobiya iyo Maleeshiyaadka TPLF. Dalka Itoobiya waxaa wali ka taagan xii
Waxaa sii xoogeysaneysa xiisadda udhaxeysa Dowladda Itoobiya iyo Maleeshiyaadka TPLF. Dalka Itoobiya waxaa wali ka taagan xiisad sii xoogeysaneysa oo udhaxeysa kooxda TPLF iyo xukuumadda Adis Ababa, xilli Jabhadda Tigreega ay qaaday tallaabo ka dhan ah Itoobiya. TPLF ayaa bayaan ay soo saartay waxay ku sheegtay, iney dhawaan gobolka ka qaban doonaan imtaxaanka shahaadiga oo ka madax bannaan kan dowladda dhexe, sida uu sheegay wasiirka waxbarashada ee gobolka Tigreega. Kooxdaan ayaa si cad usheegtay iney diyaarineyso imtaxaanaad gobolka ugaar ah oo loogu tala galay ardayda fasalka 12aad, taas oo ka hor imaaneysa go'aanka wasaaradda waxbarashada ee Itoobiya kuna aaddanaa imtaxaanaadka. In ka badan 15,000 oo arday ayay kooxdu sheegtay iney is diiwaan galiyeen si ay uga qeyb qaataan imtaxaankooda, iyadoo wasaaradda waxbarashada Itoobiya ku eedeysay iney qaaday tallaabo takoor ah oo ka dhan ah ardayda gobolkaas.

Mas'uul Ka tirsan maamulka ay Itoobiya ka dhisatay dhulka Soomaali Galbeed oo lagu eedeeyay musuq iyo ku takrifal hanti. Dhul
Mas'uul Ka tirsan maamulka ay Itoobiya ka dhisatay dhulka Soomaali Galbeed oo lagu eedeeyay musuq iyo ku takrifal hanti. Dhulka Soomaali Galbeed ee ku hoosjira gumeysiga Itoobiya ayaa ka jira maamulka dowaldda Xabashidu ka dhisatay halkaasi oo uu hogaamiyo nin lagu magacaabo Mustafe Cagjar. Maamulkan ayaa lagu eedeeyay inuu ku kacayo arrimo badan oo ay kamid yihiin musuq, ku takrifal hantida guud iyo boobka dhulalka dadka rayidka ah iyo waxyaabo kale. Maamulaha isbitaalka degmada Raaso Cali Nuur oo kamid ah mas'uuliyiinta caafimaadka ee maamulkaas, ayaa lagu eedeeyay inuu ku kacay musuq iyo ku taktifalka hantida caamka ee loogu talagalay isbitaalka, isagoo adeegyada isbitaalka oo ah kuwo lacag la'aan ah si gaar ah kaga iibsada dadka shacabka ah. Waxaa dadka deegaanku ninkan ku eedeynayaan iney isaga iyo maamule ku xigeenka isbitaalka ay dawooyinkii isbitaalka u furteen farmashiyaal gaar ah halkaasna u diraan bulshada oo kaga iibiyaan.

Mas'uul Ka tirsan maamulka ay Itoobiya ka dhisatay dhulka Soomaali Galbeed oo lagu eedeeyay musuq iyo ku takrifal hanti. FF- Dhulka Soomaali Galbeed ee ku hoosjira gumeysiga Itoobiya ayaa ka jira maamulka dowaldda Xabashidu ka dhisatay halkaasi oo uu hogaamiyo nin lagu magacaabo Mustafe Cagjar. Maamulkan ayaa lagu eedeeyay inuu ku kacayo arrimo badan oo ay kamid yihiin musuq, ku takrifal hantida guud iyo boobka dhulalka dadka rayidka ah iyo waxyaabo kale. Maamulaha isbitaalka degmada Raaso Cali Nuur oo kamid ah mas'uuliyiinta caafimaadka ee maamulkaas, ayaa lagu eedeeyay inuu ku kacay musuq iyo ku taktifalka hantida caamka ee loogu talagalay isbitaalka, isagoo adeegyada isbitaalka oo ah kuwo lacag la'aan ah si gaar ah kaga iibsada dadka shacabka ah. Waxaa dadka deegaanku ninkan ku eedeynayaan iney isaga iyo maamule ku xigeenka isbitaalka ay dawooyinkii isbitaalka u furteen farmashiyaal gaar ah halkaasna u diraan bulshada oo kaga iibiyaan.