ru
Feedback
AQOON PLUS 🧠

AQOON PLUS 🧠

Открыть в Telegram

Halgan, Aqoon,Dheerigilin

Больше
460
Подписчики
+124 часа
Нет данных7 дней
+830 день
Архив постов
Xasuusin 💫 1. Haddii Suuratul-Faatiha ay tahay shifo. 2. Akhrinta Suuratul-Baqarah ay tahay barako. 3. Suuratul-Mulk ay taha
Xasuusin 💫 1. Haddii Suuratul-Faatiha ay tahay shifo. 2. Akhrinta Suuratul-Baqarah ay tahay barako. 3. Suuratul-Mulk ay tahay badbaado. 4. Suuradaha Al-Mu‘awwidhat (Falaq iyo Naas) ay yihiin gaashaan difaac ah. 5. Aayatul-Kursi ay tahay ilaalin ka dhan ah sharka iyo jinniyada. 6. Labada aayadood ee ugu dambeeya Suuratul-Baqarah ay yihiin kuwa ku filan qofka in ay ka difaacaan wax kasta oo dhib ah. ➡️ Marka sidee buu noqonaya xaaladda qofka Quraanka oo dhan akhriya oo joogteeya ? ✨

✍️ 💯
✍️ 💯

Qiimahaaga garo marka koobaad si ay dadku Qiimahaaga u'ogaadan #jimco_mubarak

Digniin Digniin ⚠️ ⚠️ Iska ilaaliya na iska huboya link yada liidin soo diraa, xitaa sxbkaa haduu kuusoo diro, maalhaan waxa saa'id leesaga jabshanooyaa TELEGRAM ka

Subax wanaagsan Jimco Mubaarak

Asc asxaabta qiimaha badan oo halkaan kuu saaxibnay maantay waa maalin jimco ah *Saliga Nabiga scw aan badino*

Saddex shay waa inaad ka dhisnaataa si aad u noqoto qof dhammaystiran. 1. Diintaada Diintaada:waa aasaaska ugu muhiimsan ee noloshaada. Diintu waxay kugu hagi doontaa inaad noqoto qof wanaagsan oo la jaanqaadi kara bulshada, isla markaana aad u dhaqanto si waafaqsan qiyamka iyo dhaqankaaga diimeed. Waa inaad barataa diintaada si qoto dheer, si aad u fahanto waxa Eebbe kaa doonayo iyo sida ugu wanaagsan ee aad uga faa'iideysan karto noloshaada. 2. Takhasuskaaga Takhasuskaaga: waa xirfadda (cilmi) aad ku fiican tahay, iyo meel aad si gaar ah ugu tabbabaran tahay. Waa muhiim inaad ka dhisnaato takhasus si aad u noqoto qof khibrad leh oo ku takhasusay meel gaar ah. Takhasusku wuxuu noqon karaa mid diini ah ama mid maadiya, laakiin waa inaad si joogto ah uga shaqeyso horumarkaaga. 3. Aqoon Guud Aqoon guud: waxay tahay waxa kaa caawinaya inaad fahanto dunida kugu xeeran iyo xaaladaha kala duwan ee bulshooyinka iyo adduunka guud ahaan. Gabagabo Saddexdan qodob—diintaada,takhasuskaaga, iyo aqoon guud— waxay muhiim u yihiin horumarkaaga iyo sidii aad u noqon lahayd qof dhammaystiran oo wax-ku-ool ah. Qofka si fiican uga dhisnaada saddexdan dhinac wuxuu noqon doonaa qof ka fiicnaan doona naftiisa, bulshada, iyo nolosha guud Ahaan. #AQOONPLUS 🧠

Eid Mubarak dhammaan u'madda somaliyeed Gaar ahaan walaalaha halkaan aan ku saa xibnay.

Maalin wanaagsan. Talada maanta: 𝗶𝗻𝘁𝗮𝗮 𝗮𝗮𝗱 𝘄𝗮𝘅 𝘄𝗮𝗱𝗼 𝗲𝗲𝗱 𝘀𝗼𝗰𝗼𝘁𝗼 𝗲𝗲𝗱 𝗱𝗮𝗱𝗮𝗮𝗹𝗲𝘆𝘀𝗼, 𝗮𝘆𝗲𝘆 𝗿𝗮𝗷𝗼 𝗷𝗶𝗿𝘁𝗮, 𝗵𝗮 𝗿𝗮𝗷𝗼 𝗱𝗵𝗶𝗴𝗶𝗻! 👏🏾

Arday soo dhamaystay waxbarashadii heer jaamacadeed ayaa muddo shaqo raadinayay waanu waayay,maalinkii dambe ayuu arkay beerta xayawaanka oo shaqaale doonaysa waanu codsaday shaqadii, markii lagu qancay ardaygii ee mushaharkiina loo sheegay, waxa ardaygii lagu wargeliyay in Gorilihii u waynaa ee beertu dhintay, dalxiisayaashuna ay gorilahaa ugu jeclaayeen, waxa lagu amray inuu harag gorile xirto sidaana ku matalo gorillahaas dhintay,ardaygii oo ka yaaban shaqadaas ayaa haddana eegay mushaharka badan ee loo soo bandhigay, sidii ayuu haragii ku xirtay maalintaasna uu ku matalayay dhaqamadii gorillaha. Subaxdii labaad markuu shaqada soo galay isla markiiba haragii ayaa loo geliyay,xeradii ayuu galay, waxa uu galay qafas kale oo aan ahayn kiisi, markuu bartanka joogo ayaa waxa kusoo baxay libaax, waxa uu libaaxi usoo dhaqaaqay dhanka gorillaha, markuu usoo dhowaaday ardaygii ayaa sida dadka u qayliyay “I caawiya iga badbaadiya”, Libaaxii ayaa ardaygii usoo dhowaaday oo dhegta usaaray waar waa hebelkii aad isku fasalka ahaydeen, dalka shaqo ma taallee gorilahaagaa iska ahaw, waxa kale oo uu tusay yaxaas biyo ku dhex jira waxa uuna ku yiri kaas haraga yaxaaska xiran ee biyaha ku dhex jiraa waa gudoomiyihii fasalkeenna.😁 #Habeenwanaagsan

Waxaan rabaa inaan maanta idiin faa'iideeyo Salaad dhammaanten laynagu tukan doono oo Dadkeenna badi aysan aqoon waxa la akhriyo xilliga lagu gudajiro xitaa dad badan oo aqoonyahan ah. Salaadda Janaasada sidee loo tukadaa? Waxaa laga yaaba qaar inaga mid ahi inaynaay aqoon waxaa la akhriyo marka la tukanayo salaad #Janaaso ah, haddaba wax yar igala akhriso halkaan: Ugu horreyn sida caadiga waa inaad soo buuxisaa shuruudihii ay Salaaddu ku ansaxeysay. 1:- Takbiirta ugu horreysa waxaa la akhriyaa Suuratul Faatixa. 2:- Takbiirta Labaad: Salliga Ibraahimiga oo ah: اللَّهُمَّ صَلِّ عَلَى مُحَمَّدٍ وَعَلَى آلِ مُحَمَّدٍ، كَمَا صَلَّيْتَ عَلَى إِبْرَاهِيمَ وَعَلَى آلِ إِبْرَاهِيمَ، إِنَّكَ حَمِيدٌ مَجِيدٌ، اللَّهُمَّ بَارِكْ عَلَى مُحَمَّدٍ وَعَلَى آلِ مُحَمَّدٍ، كَمَا بَارَكْتَ عَلَى إِبْرَاهِيمَ وَعَلَى آلِ إِبْرَاهِيمَ، إِنَّكَ حَمِيدٌ مَجِيدٌ. 3:-Takbiirta Saddexaad:- Qofka Meydka ah ayaad u duceyn, ducooyinka soo aroorey waxaa kamid ah ducadaan. " اللَّهُمَّ اغْفِرْ لَهُ وَارْحَمْهُ، وَعَافِهِ وَاعْفُ عَنْهُ، وَأَكْرِمْ نُزُلَهُ، وَوَسِّعْ مُدْخَلَهُ، وَاغْسِلْهُ بِالْمَاءِ وَالثَّلْجِ وَالْبَرَدِ، وَنَقِّهِ مِنَ الْخَطَايَا كَمَا نَقَّيْتَ الثَّوْبَ الأَبْيَضَ مِنَ الدَّنَسِ، وَأَبْدِلْهُ دَارًا خَيْرًا مِنْ دَارِهِ، وَأَهْلاً خَيْرًا مِنْ أَهْلِهِ، وَزَوْجًا خَيْرًا مِنْ زَوْجِهِ، وَأَدْخِلْهُ الْجَنَّةَ، وَأَعِذْهُ مِنْ عَذَابِ الْقَبْرِ، وَمِنْ عَذَابِ النَّارِ. 4:Takbiirta Afaradna: waxaad dhahaysaa اللَّهُمَّ لَا تَحْرِمْنَا أَجْرَهُ، وَلَا تَفْتِنَّا بَعْدَهُ. Meydka Iyo dhammaan Muslimiintaba waad u duceyn kadibna dhinaca Midig baad u Salaam noqsaneysaa Cilmiga Diiniga inuu qof waliba faafiya waa arin uu Nebigenna NNKH nagala dardaarmey.

Afar waxa ay yareeysaa risiqa 1. Hurdada subaxdii 2. ⁠caajiska 3. ⁠salaad yarida 4. ⁠istiqfaar yarida Afarna risiqa ayeey kordhisaa:- 1. Salaatul laylka. 2. ⁠sadaqada 3. ⁠istiqfaarta oo la baddiyo 4. ⁠Xuska rabbi ee maalinka gelinkeeda danbe iyo gelinkeeda hore. Afar waxa ay yareeyaan qiimaha aad dadka ku dhex leedahay:- 1. Hadal badnaanta. 2. ⁠cabashada baddan. 3. ⁠beenta baddan. 4. ⁠isku dirka dadka. Afar waxa ay burburisaa noloshaada:- 1. Murrugada baddan. 2. ⁠fikirka baddan ee billaa qorshaha ah. 3. ⁠Gaajada 4. ⁠Soo jeedka baddan. Afar waa inaad illaalisaa:- 1. Kalsoonidada nafeed. 2. ⁠Balamaha. 3. ⁠Qalbiyada dadka kale. 4. ⁠Ma baadida. #motivational

‎"لا يُكَلِّفُ اللَّهُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا" Waxaa jira waqtiyo nolosha wax walba u muuqdaan kuwo aad u culus, waxaana arrimaha u aragnaa xabaal iyo ninkeed loo kala tag. Waqtiyadan, waa wax iska dabiici ah in aan dareemno sidii in aan xaaladdan kali ku nahay, oo aan cidina si dhab ah u fahmayn culeyska aan sidno. Laakiin, ka warran haddii aan daqiiqad istaagno si aan uga fikirno dadkii naga horreeyay ee iyaguna la kulmay waqtiyo hubanti la'aan ah? Qur'aanka dhexdiisa, Nebi Muuse (CS) wuxuu isku arkay xaalad uu gebi ahaanba kaligiis yahay, oo laga masaafuriyay gurigiisa, isagoo aan hubin waxa xiga dhici doona. Markaas, go'doonkiisa iyo nuglaantiisa, ayuu ku dhawaaqay ereyada "Rabbi innee lima anzalta ilayya min khayrin faqeer." Ducadani ma aha oo kaliya baaq caawimo; waa qirasho baahi, isu dhiibid doonista Alle, iyadoo uu aaminsan yahay in wax kasta oo wanaagsan oo uu Alle u soo diro ay ku filnaan doonaan. Ma dareemaysaa awooddaas? Markii Muuse (CS) uu qirtay ku tiirsanaantiisa Alle, waxaa la siiyay quudin, wehelnimo, iyo ugu dambeyntii, jihada uu u baahnaa nolosha. Waligaa ma isku aragtay xaalad la mid ah, halkaas oo aad dareentay inaysan jirin meel aad u jeesato, oo waxa kaliya ee aad samayn kartay ay ahayd inaad Alle weydiisato wax kasta oo wanaagsan oo uu kuu qaddaray? Dareenkaas caawin la'aanta ah, inkastoo ay adag tahay, dhab ahaantii wuxuu noqon karaa isbeddelka ugu weyn noloshaada. Waa waqtiyada ugu quusta badan ee aan si dhab ah u aqoonsan karno ku tiirsanaanteena Alle. Sidaa awgeed, waqtiyada halganka, xasuuso in Alle uu ka ogyahay. Imtixaan kasta, waxaa jira ujeedo, dhib kastana, naxariis qarsoon. Allena kuma cusleeyo naf wax ka badan inta ay qaadi karto. Ahmed A. Qaydare

Ninka sawirka ku jira waa taageere Jarmal ah oo ka qayb galay Koobka Adduunka ee Qatar 2022. Wuxuu galay musqusha, wuxuuna la
Ninka sawirka ku jira waa taageere Jarmal ah oo ka qayb galay Koobka Adduunka ee Qatar 2022. Wuxuu galay musqusha, wuxuuna la yaabay markii uu helay tubada saxarada Leyskaga dhaqo , taasoo keentay inuu muwaadin Qatar ah ka codsado inuu sawir ka qaado isagoo sidaas u fadhiya! Muwaadinka Qatar aad buu ula yaabay codsiga, laakiin taageeraha Jarmalka ayaa si daacad ah uga jawaabay, isagoo leh: "Aad baan ugu faanayaa waxa aan halkan ku arkay. Jarmalka, waxaan isticmaalnaa warqad laakiin guryaheenna ma laha Biyo . Waxaan rabay inaan sawirkan qaado oo aan la wadaago Jarmalka si aan ugu caddeeyo in Muslimiintu ay yihiin dadka ugu nadiifsan adduunka." #islaam #ramadan #nadiif #muslims W/Q Said Ali Abdulle

Ugu dadaal nafta 1️⃣ Biyo, cunto tayo leh iyo sport 2️⃣ Nadafada 3️⃣ Hurdo 4️⃣ Asxab kooban ( quality) 5️⃣ inaad wax barto &
Ugu dadaal nafta 1️⃣ Biyo, cunto tayo leh iyo sport 2️⃣ Nadafada 3️⃣ Hurdo 4️⃣ Asxab kooban ( quality) 5️⃣ inaad wax barto & kharashna sameyso 6️⃣ Jacayl wax kuguso kordhinaya, (jacayl dhib iyo dheef ahii oo waliba u dheertahay ixtiram daro, kali noolashaha ayaa ka cafmad badan.) 7️⃣ Cibaado suuban Intaa marka jidkeeda hayso. Jadwal qurux badan baad yeelaneysa. Insha Allah. Haddu wakhtigu adkaado, sidaa geedka ku taagan xidiidadisa oo kale bad noqoneysa. Qof nafsiyan dhisan, wey adagtahay sidu ku liico. Bil shurud, qofna ha dulminin. RAMADAN MUBARAK

Habiin wanaagsan dhammaan team AQOONPLUS 🧠 waqti dheer dabadeed ina fiicantihiin ayaan rajayna.

“Waxaa jira dad kaa war qaba adigoon ogeyn — dad kuu damqanaya, kuu ducaynaya, kugu haya indho aamusnaan ah. Marna hadal kuum
“Waxaa jira dad kaa war qaba adigoon ogeyn — dad kuu damqanaya, kuu ducaynaya, kugu haya indho aamusnaan ah. Marna hadal kuuma sheegayaan, balse qalbigooda ayaad ku nooshahay. Waxay ku eegaan markaad murugsan tahay, waxayna kula dareemaan culayskaaga, iyaga oo aan awoodin inay kuu soo dhowaadaan. Ma aha ineysan ku doonayn ee — waa ineysan garaneyn sida ay kuu caawin lahaayeen oo ay ka baqayaan iney dhaawaca kugu soo nooleeyaan. Laakiin qalbigooda waxa ku qoran magacaaga, xusuustaada, iyo welwelka ay kuu qabaan.” “Dadkani waa kuwa aamusnaanta ka dhigtay jacayl, kalgacalna u dhigay meel ay cidna ka arkaynin . Waa kuwa hadalkooda yahay niyad-samaanta qarsoon , ducada ay kuu duceynayaan adigoon ogayn , damqashada ay kuu damqanayaan adiga oo aan ogeyn , iyo aragtida xiisaha leh ee ay kuu qabaan. Waana taas jacaylka ugu daacadsan waa jacayl aan magac lahayn, balse mar walba joogta ah” Dadkaas ilaasho hadiiba ay kusoo maraan.❤️ Mahadsanidiin.

*Qiimo dhimis* ayay ku jirtaaa qofkii daneynaa waa u'diyaar

Kawarama sxbyaal qoraaladda dhaadheer ka ah ee muhimka ah hadaad idiin soo dhax gasho Tusaale how to learn(Sidee wax loo bartaa Mowduucaas oo kale)