cookie

Мы используем файлы cookie для улучшения сервиса. Нажав кнопку «Принять все», вы соглашаетесь с использованием cookies.

avatar

IFI NOLOSHADA🫶💥⚡️

Waxad ka heli kartaa channelka dhiiri galin hadalo ku qanciya iyo odhaahyo ku anfaci doona Adaa naga dhiman naga mid noqo midnimadaadu waa muunaasib✨️♥️ Kuso dhawaw❤️‍🩹👏

Больше
Рекламные посты
1 902
Подписчики
+124 часа
+17 дней
+1130 дней

Загрузка данных...

Прирост подписчиков

Загрузка данных...

Repost from FUDUDEEYAHA Cilmiga
Lix caalamadood oo aad ku ogaan karto inaad fiyowdahay iyo in kale 1. Gaajada: Rabitaanka cuntada kugu filan iyo waqti ku habboon ayaa calaamad wanaagsan u ah caafimaadka maskaxda ee wanaagsan. Taa beddelkeeda, rabitaanka cuntada, ama wax cunka xad dhaafka ah ee joogtada ah iyo in cuntada aad cuni weydo waxay muujin kartaa fayoobida maskaxda oo liidata.Wax cunka xad dhaafka ayaa inta badan hoos u dhiga rabitaanka cuntada, halka cudurrada sida niyad-jabka ama walaaca ay si weyn u saameyn karaan rabitaanka cuntada. 2. Hurdo: Hurdo nasasho leh oo si joogto ah u seexato 7-8 saacadood oo aad kacdo adigoo dareemaya nasasho waxay tilmaan u tahay maskax caafimaad qabta. Taa bedelkeeda, hurdo la'aan, daal badan inkastoo wakhti kugu filan seexatay, ama hurdo badan ayaa laga yaabaa inay tilmaamto arrimo la xiriira caafimaadka maskaxeed oo hooseya. Walaaca wuxuu kordhin karaa suurtagalnimada hurdo la'aan, halka xaaladaha qaarkood sida waallida ama ka-noqoshada la-qabsiga maandooriyaha ay carqaladayn karaan habka hurdada. 3. Awooda Fikirka: Maskaxda caafimaadka qabtaa waxay suurta gelisaa fikir hufan, xalinta mushkiladaha wax ku ool ah, iyo awooda lagu maareeyo walbahaarka Taa beddelkeeda, in la dareemo daciifnimo maskaxeed marka aad la kulanto caqabadaha yaryar iyo jahawareer joogto ah, ayaa ah calaamadaha maskaxda aan deelitirneyn. 4. Adkeysiga: In aad xamili karto guuldarada, waxna ka barato, iyo dib u soo kabashada waxay muujinaysaa maskax dheeli tiran. Dhanka kale, in guuldarrooyinka aad ku saameeyaan, shakhsi ahaan loo qaato, ama guul darada loo adkeysan waayo,waxay noqon kartaa calaamado muujinaya karti-darro nafsi ah. Dhalinyaradu waxay si gaar ah ugu nugul yihiin calaamadahan, gaar ahaan marka ay la halgamayaan guuldarada tacliinta ama xiriirka. 5. Qorshaynta Xiriirka: Joogteynta xiriirka caafimaadka qaba ee qoyska iyo asxaabta ayaa muhiim u ah fayoobida maskaxda. Aqoonsiga baahiyaha cilaaqaadka iyo ka jawaabista ku habboon, oo ay weheliso xallinta khilaafaadka yaryar, waxay gacan ka geysataa caafimaadka dhimirka. Taa bedelkeeda, cuqdad joogto ah, muujinta ego ama islaweyni, rajooyinka aan macquul ahayn ee dadka kale, ama in aan awoodi weydo in aan dadka cafino waxay dhaawici kartaa fayoobida maskaxdeena. Carruurta ka soo jeeda qoysaska burburay ama kuwa la kulmay xadgudub ayaa laga yaabaa inay la kulmaan caqabado xagga dhisidda cilaaqaadka ah ee dadka kale. 6. Kalinimada: Bini’aadamku waa makhluuq bulsho, ilaalinta xidhiidhka bulsheed ee asxaabta iyo qaraabadu waxay lama huraan u tahay isu dheelitirnaanta maskaxda. Dadka isku gooni yeelay shaqada kana hormariya cilaaqaadka shakhsi ahaaneed, ama aan dano shaqada ka baxsan lahyn waxay halis sare ugu jiraan inay qaadaan cudurrada dhimirka. Ka qaadashada fasaxa shaqada, ka qayb qaadashada wax yaabaha uu qof jacelyahay, iyo kobcinta xiisaha fanka, ciyaaraha, ama akhriska ayaa lagama maarmaan u ah fayoobida maskaxda. Aqoonsiga tilmaamayaashan dadka inagu xeeran waa muhiim. Haddii qof lagu arko calaamadahan, waa muhiim inaad isha ku hayso oo aad ku dhiirigeliso inay caawimaad ka raadsadaan xirfadlayaasha sida dhakhaatiirta maskaxda ama la-taliyayaasha. Wax ka qabad waqtiyeysan wuxuu si weyn u wanaajin karaa fursadahooda nolol farxad iyo maskaxeed oo caafimaad qabta. #daraasad
Показать все...
Repost from FUDUDEEYAHA Cilmiga
Фото недоступноПоказать в Telegram
BARNAAMIJKA QORMO✍ QORMADA 24 AAD KA fAA'IIDAYSIGA WAKHTIGA Wakhtigu inuu cajiib yahay kii caqli leh baa garan Wakhtigu waa shayga ugu muhiimsan noloshaada ee aan dib loo iibasan karin Wakhtigu wa waxa aan soo noqon wax kasta hadii aad samayso Wakhtigu waa cimriga qofka iyo raasamaalkiisa nolosha sababtoo ah malin kasta oo ku soo marta waxay kaa qaada qayb cimrigaaga ah waxayna kusii dhawaysaa xaga dhimashada Wakhtigu wa shayga lagu waydiin doono maalinta qiyaame adigoo Alle SWT hortaagan meeshaad ku bixisay Sidaa darteed wakhtigaaga ugu faa'iidayso wax ku anfacaya aakhiro iyo aduunba Adeecida iyo u dhawaansha Alle Wayne waa lagama maarmaan in aad ku bixiso wakhtigaaga si aad u gudato cibaadada Iyada oo Tani ka mid tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee wakhtiga loo isticmaalo  "Waqtigu waa sida dahab oo kale, haddii aadan ogaanin, wuu tagaya"        Waqtigu waa hanti, haddii aad lumiso waad luntay Wakhtigu waa mid muhiimad wayn leh waayo soo noqon maayo lamana kaydin karo lamana badali karo lamana magdhabi karo Wakhtigaaga ku bixi meel kasta oo khayr ah oo Alle SWT raali ka yahay Wakhtigaaga gali meel kasta oo aad xirfad iyo aqoon ka helayso adigoo 1 ka dhigaya diinta Wakhtiga badankii ku bixi cibaado inta yar ee kuu hadhayna nolol maalmeedkaga raadso adigoo ka raadinaya meel xalaal ah Wakhtiga gali sidii aad labo nolol oogu guulaysan lahayd mida aad maanta nooshahay iyo mida xigi doonta Wehel malaha duniduye wadaygaagaa yacni sxbkaga ka yeel cibaado Warsan iyo mid murugo leh weeyo duniduye rabi wehelkaaga ya yeel Wakhtiga ku bixi sidii aad hadafkaaga aduunyo ku gaadhi lahayd adigoo hadafkaaga ka dhigaya aakhiro aduunyadan hadii aad guul gaadho iyo hadii aadan gaadhinba wa mid gaaban oo aad ka guuri doonto Hadii aad guuldaraysato mar ama labo aduunyada intaad joogto waxaa macquul ah marka 3 aad inaad guulaysato balse geerida ka dib guul ma jirto hadi aadan manta wakhtigaaga ku bixin. guuldarada dhabta ah waa Mida aakhiro guusha dhabta ahna waa mida aakhiro Wakhtigeena kuma dadaalo inta badan enagoo ah dad Islaam ah oo laa abuuray cibaado oo kaliya W'Q wllkiin👇 Mahamed garane✍
Показать все...
Фото недоступноПоказать в Telegram
Nabiga ﷺ wuxuu yiri: "Xaqa Muslimku Muslimka kale uu ku leeyahay waa Lix; 1. Haddii uu la kulmo waa salamaa. 2. Haddii uu u yeero waa ajiibaa. 3. Hadduu talo waydiisto waa la taliyaa. 4. Hadduu hindhiso oo uu ALXAMDU LILAAH dhaho YARMAKULULAAH ayuu u yiraahdaa. 5.Haddii uu xanuunsadana waa booqdaa. 6. Haddii uu dhintana janasadiisa ayuu racaa" 💖💯💯 Subax wangsan aqyaarta hadaa nbad ku so kacde dheh alxm❤️🤲🤲
Показать все...
3🥰 1
Qormada 23aad ee barnamijka {QORMO} 📌 𝗪𝗮𝗮 𝗺𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗖𝗶𝗯𝗮𝗮𝗱𝗼 ? CIBAADO : waa magac kulminaayo wax kasta oo allah uu jeclyahay raalina uu kayahay waxaas ama hamuuqdaan.ama haqarsoonaadaan Cibaadadu waaba sabta naloo.abuuray oo allah swt nooma uusan abuurin wax aan.ka aheen inaan caabudno قال الله سبحانه " وَمَا خَلَقْتُ ٱلْجِنَّ وَٱلْإِنسَ إِلَّا لِيَعْبُدُون " inaat allah kacabsato waa cibaado inaat allah wax karajeyso waa cibaado Baryada allah waa cibaado Fahanka cibaadada ma ahan kaliya acmaasha waaweyn ee ah salaada iyo soonka ,sadaqada ee cibaadadu waa Wax kutacaluqa nolosheena oo dhan ilaahey swt waxaa uu yiri قُلْ إِنَّ صَلَاتِي وَنُسُكِي وَمَحْيَايَ وَمَمَاتِي لِلَّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ" Waxaan ayadaan kabaran karnaa in cibaadadu aysan.aheen kaliya acmaasha waaweyn bal nolosheena oo dhan ay cibaado tahay . Maa daama nolosheena oo dhan ay cibaado tahay si aan ajirkeeda uhelno waa inaan wax kasta oo aan sameyneyno aan lanimaano niyad __Hadaad guursaneyso uguurso inaat badineyso qoysaska islaamka oo niyeeso ajirkeeda maxaa yeelay waa cibaado __hadaad shaqeyneyso oo aat kashaqeyneyso waxaan allah Cara galineynin niyeeso ajir maxaa yeelay waa cibaado Qofka muslimka ah waxaa laga rabaa inuu shaqeysto oo uusan gaal.gacanta uhoorsan oo uu dhulka Camiro kheyraadka kujirana uu kalasoo baxo Qofka muslimka ah shaqadaas waxa ay utahay cibaado kamida cibaadooyinka shardigu waa haduu niyad layimaado Hadii aan nolosheena oo dhan kadhigno cibaado xaqiiqatan nolasha aduunyana waxaan kunoolaaneynaa kheyr iyo baraaro aakhirana jano iyo raali ahaasho allah Shiikhul islaam 𝙄𝙗𝙣𝙪 𝙏𝙖𝙮𝙢𝙞𝙮𝙖𝙝 Waxaa uu yiri : " إن في الدنيا جنة ، من لم يدخلها لن يدخل جنة الآخرة " " Aduunyada dhaxdeeda jano ayaa taala qofka aan janada aduunka galina tan aakhiro magalaayo " Janada aduunka taalo waxaa kunoolaan kara oo sacaadada iyo kheyrkaas heli kara ruuxa nolashiisa oo dhan kadhiga cibaado Saaxibayaal inaan fahano maf-huumka cibaadada waxay kadhigantahay inaan fahanay sababta koonkan naloo keenay iyo sababta aakhiro jano iyo naar lagu mudeeysanayo Allaha nasiiyo cibaado suuban walalayaal Aan kunoolaano nolol wada cibaada ah si aan ugu noolaano janada aduunka mida aakhirana uhelno insha allah 💖 @ismaildheere
Показать все...
4👍 1
Repost from Wadada guusha
Фото недоступноПоказать в Telegram
الذهن بحاجة للتدريب الدائم والتنشيط اليومي والقراءة لها دور كبير في تحفيزه.📖 Maskaxdu waxay u baahan tahay tabobar joogto ah iyo kicin maalinle ah, akhriska ayaa kaalin wayn ka qaata kicintiisa.📖
Показать все...
👍 5
Фото недоступноПоказать в Telegram
أجمل ما في الحياة عهد بين إثنين إنتهى بالحلال. 🩵🕊🩵💙
Показать все...
3
Niman yahaw bulshada eega Qubuurahaana soo booqda Inta wiil laxaad beeshay Bukaan socodka tira kooba Walaw beeni soconaynin Beelina wax tari mayso lafoole https://www.facebook.com/61560854516133/posts/122103459836361817/?mibextid=rS40aB7S9Ucbxw6v. Tixraac kooban. 👆
Показать все...
Log in or sign up to view

See posts, photos and more on Facebook.

{وَآتَاكُم مِّن كُلِّ مَا سَأَلْتُمُوهُ} Insha Allah wax wali oon alle waydisanay alle hainoo aqbalo. 🤍
Показать все...
3
Eid mubarak كل عام وانتم بخير بمناسبة عيد الأضحى 🤍
Показать все...
Выберите другой тариф

Ваш текущий тарифный план позволяет посмотреть аналитику только 5 каналов. Чтобы получить больше, выберите другой план.