cookie

Мы используем файлы cookie для улучшения сервиса. Нажав кнопку «Принять все», вы соглашаетесь с использованием cookies.

avatar

📚BOOK İLA AKHRİ 📚

Book Ila Akhri waa madal aan ugu talagalay inaan ku booriyo akhris wadareedka, waa madal u abaabulan is-jecleysiinta wax-akhriska, oo aan ku shiilno afkaaraha aqoonta iyo xogta, maadaama aan nool nahay Casriga warbixinta ( Information age).

Больше
Финляндия2 495Язык не указанКниги10 877
Рекламные посты
1 624
Подписчики
+1024 часа
+1127 дней
+47930 дней

Загрузка данных...

Прирост подписчиков

Загрузка данных...

𝗕𝘂𝘂𝗴𝗮: ➠ 10 MAGAC-SOCDAALKA SAMADA TODOBAAD, Qeybtii 2-aad. 𝗤𝗼𝗿𝗮: ➠ CALI JAABIR AL-FIIFI. 𝗧𝘂𝗿𝗷𝘂𝗺: ➠ CABDULXAKIIM MAXAMMED OBSIIYE. 𝗕𝗼𝗴𝗴𝗮: ➠ 154. Qaybtii kowaad ee (Socdaalka Samada Toddobaad), waxa ay barbilow u ahayd la-xidhiidhidda Alle. Waxa ay ibafur u ahayd nolol cusub, oo ku salaysan dib-isugu-noqosho. qaybta labaadse ee (Dheelminta Nafaha Xasilloon) waxuu dul istaagayaa in uu qofku dhex dhunbado quruxda iyo qaayaha samayska Alle Iyo in uu wax badan ka fekero abuurka Alle ee cajabta badan, kaas oo ka bilaabmaya naftiisa. Ka dibna uu Alle jeclaado. Waxa iyaduna tognaan dhiganaha ku sugan ah, in erayada iyo isi-saarka weedhaha, ee uu adeegsaday Turjumuhu ay yihiin kuwo fudayd iyo fidsanaan suugaaneed isku darsaday. Alle haka abaaliyo shaqadaas qaaliga ah ee uu qabtay. 📚 Xorriyad ayaad dareemi doontaa, markaad barato akhriska! 📚
Показать все...
10 MAGAC QEYBTII-2AAD.pdf2.79 MB
Фото недоступноПоказать в Telegram
𝗕𝘂𝘂𝗴𝗮: ➠ 10 MAGAC-SOCDAALKA SAMADA TODOBAAD, Qeybtii 2-aad. 𝗤𝗼𝗿𝗮: ➠ CALI JAABIR AL-FIIFI. 𝗧𝘂𝗿𝗷𝘂𝗺: ➠ CABDULXAKIIM MAXAMMED OBSIIYE. 𝗕𝗼𝗴𝗴𝗮: ➠ 154. Qaybtii kowaad ee (Socdaalka Samada Toddobaad), waxa ay barbilow u ahayd la-xidhiidhidda Alle. Waxa ay ibafur u ahayd nolol cusub, oo ku salaysan dib-isugu-noqosho. qaybta labaadse ee (Dheelminta Nafaha Xasilloon) waxuu dul istaagayaa in uu qofku dhex dhunbado quruxda iyo qaayaha samayska Alle Iyo uu wax badan ka fekero abuurka Alle ee cajabta badan, kaas oo ka bilaabmaya naftiisa. Ka dibna uu Alle jeclaado. Waxa iyaduna tognaan dhiganaha ku sugan ah, in erayada iyo isi-saarka weedhaha, ee uu adeegsaday Turjumuhu ay yihiin kuwo fudayd iyo fidsanaan suugaaneed isku darsaday. Alle haka abaaliyo shaqadaas qaaliga ah ee uu qabtay. 📚 Xorriyad ayaad dareemi doontaa, markaad barato akhriska! 📚
Показать все...
10 MAGAC QEYBTII-2AAD.pdf2.79 MB
Фото недоступноПоказать в Telegram
Фото недоступноПоказать в Telegram
Fadlan kasoo qeyb gal kulanka caawa..!   Haddii ay tamardarradu hareerahaaga ka dhisatay xabsi cidhiidhi ah oo aanad ka bixi karayn, haddii ay baahiyi ku hareeraysay, haddii ay balaayo ku jilbadhigatay, haddii: ay ay welwel iyo warbahaar kugu tiiqtiiqsadeen iyo hadday ruuxdu kugu aammintay u cararka meel qarsoon, Buuggaan (10 magac SOCDAALKA SAMADA TODOBAAD) ayaa ku baraya halkaad u carari lahayd oo aad ka heli karto caawin iyo gargaar dhammaystiran. Fadlan haddaad dhameysay akhriska dhiganahan, soo qor waan dhammeeyay... waxaaan si gaar ah kuugu casuumi doonnaa xubnaha gorfayn doonna buuggan. Mahadsanid. Goorfaynta dhiganahan Caawa waxaa lagu qaban doonaa Channelkan weyn ee @SomaliBooks insha'allah. Gorfaynta Dhiganaha 1-aad ee Bisha Jully. Bisha Jully. Gorfaynta Dhiganaha 1-aad ee Bisha Jully. Buuga: 10 Magac Socdaalka Samada Todobaad. 🎙Soo jeedintii: Fatima Said Hassan 🗓Taariikhda: 15/Jully/2024 ⏰ Wakhtiga: 4:00 P.M 📍Live caawa: 8:00 P.M
Показать все...
Фото недоступноПоказать в Telegram
HORAY MA U MAQASHAY! "Allayahow, igu garabsii xuskaaga, mahadnaqaaga iyo wanaajinta cibaadadaada" Badso ku celcelinta ducadan! Maya ha badsan ee ku darso jadwalkaaga maalin-laha ah, qorshe-sannadeedkaaga iyo yoolasha noloshaada. #IlaAkhriBook 
Показать все...
👏 1
Фото недоступноПоказать в Telegram
MA OGTAHAY Haddii uu doono Allaha naxariista badan in uu kaaga hiiliyo arrin, sabab yaab leh ayaa uu keenaa! Allaha Turidda badan waqtigii uu doonay in uu  xabsiga ka saaro Yusuf Calayhi Salaam, ma dildillaacin darbiyadii xabsiga, ma farin malag in uu nafta ka saaro dulmifalayaashii, samadana kama soo dejin qaylo xididdada u siibta albaabadii iyo qufulladdii adkaa. Laakiin keliya boqorkii ayaa ku riyooday riyo qarsoon oo sabab u noqotay in silsiladihii dulmifalayaasha laga furo Yuusufkii runta badnaa!  #BookIlaAkhri 📚 Xorriyad ayaad dareemi doontaa, markaad barato akhriska! 📚
Показать все...
13
Фото недоступноПоказать в Telegram
Ilbiriqsiga aad baahidaada u bandhigto Alle, Waa hubaal in aad gacanta ku dhigayso baahidaada. Dunida oo dhan ma awooddo in ay ku gaarsiiyaan xumaan, aanu kula doonin Alle. Sidoo kale cidna kaama celin karto xumaan uu kuu qorsheeyay Alle. Fadlan dhankiisa u jeedi foolkaaga, ku tiiri dhabarkaaga, arrinkaagana u dhiibo. Alle, waa ma baahde loo wada baahan yahay, ma uu dhalin, lamana dhalin, sidoo kalena ma jiro wax u dhigma.      #IlaAkhriBook #MaktabadBooks
Показать все...
8
Фото недоступноПоказать в Telegram
Ficilladeenu kama heer sarrayn karaan sida aynu u fekerno. Sida aynu u fekeraynaana kama duwanaan karto sida aynu wax u fahanno.  📚 Xorriyad ayaad dareemi doontaa, markaad barato akhriska! 📚  #IlaAkhriBook #MaktabadBooks
Показать все...
4👏 2
Repost from Somali Books 📚
Фото недоступноПоказать в Telegram
Fadlan kasoo qeyb gal kulanka caawa..!   Buuggaan Wabar "the Prince" ee uu qoray qoraaga diblomaasiga iyo siyaasiga aragtiyaha kusoo biiriyey hab-maamullada aduunka ee Niccolo Machiavelli, waxaa uu ka mid yahay 100ka buug ee adduunka ugu saamaynta badan ee sooyaalka jiiraalkiisa leexiyey.  Fadlan haddaad dhameysay akhriska dhiganahan, soo qor waan dhammeeyay... waxaaan si gaar ah kuugu casuumi doonnaa xubnaha gorfayn doonna buuggan. Mahadsanid. Goorfaynta dhiganahan Caawa waxaa lagu qaban doonaa Channelkan weyn ee @SomaliBooks insha'allah. Gorfaynta Dhiganihii 2-aad ee bisha June. Buuga: WABAR (THE PRINCE). 🎙Soo jeedintii: Maryama Ahmed 🗓Taariikhda: 04/Jully/2024 ⏰Live : 20:00 P.M--fiidnimo. ( waqtiga Geeska Afrika. Insha'allah. 📚 Xorriyad ayaad dareemi doontaa, markaad barato akhriska!
Показать все...
3
Выберите другой тариф

Ваш текущий тарифный план позволяет посмотреть аналитику только 5 каналов. Чтобы получить больше, выберите другой план.