cookie

Мы используем файлы cookie для улучшения сервиса. Нажав кнопку «Принять все», вы соглашаетесь с использованием cookies.

avatar

Han Maal

Hoyga Kobcinta maskaxda waxaad ka helaysaa qormooyin iyo qisooyin iyo xilmado ku cajab galiya

Больше
Рекламные посты
3 768
Подписчики
+324 часа
+327 дней
+12430 дней

Загрузка данных...

Прирост подписчиков

Загрузка данных...

Repost from Iman Jama
00:32
Видео недоступноПоказать в Telegram
🚨🚨 Ra'iisul wasaaraha Armenia, Nikol Pashinyan ayaa diyaarad nooca qumaatiga u kacda oo uu la socday waxay u degtay si deg deg ah , sababo la xiriira cimilada oo xumeyd . Dhacdadan ayaa ka dhacday meel u dhow Vanadzor, oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn Armenia, ahna caasimadda gobolka Lori ee waqooyiga gobolka buuraleyda ah. Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa wax badan la iska waydiiyay wajiga Pashinyan, oo ay dad badan ku sheegeen inuu wajahay cabsi, sababto ah wuxuu xasuustay shilkii diyaaradda ee uu ku dhintay Madaxweynaha Iran, isla xaalad ka dhalatay cimilo xumo.
Показать все...
Repost from Iman Jama
Фото недоступноПоказать в Telegram
🚨🚨 Sarkaal sare oo ka tirsan militariga Sudan, ee golaha kumeel-gaar ah ee madax bannaanida Sudan , Jen. Yasser Al-Atta oo sidoo kale ah kaaliyaha taliyaha ciidamada Sudan, Jen. Abdel Fattah Al-Burhan ayaa xaqiijiyay inay heshiis la saxiixanayaan Ruushka si uu uga taageerro hub iyo qalabka militariga, isagoo markaa caddeeyay inay dhinacooda saldhig ciidan siin doonaan Ruushka.
Показать все...
Repost from Iman Jama
Фото недоступноПоказать в Telegram
🚨🚨 Dhaxal-sugaha Boqortooyadda Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa aqbalay inuu booqdo caasimadda Iran ee Tehran, kaddib martiqaad uu ka helay sii-hayaha madaxweynaha Iran,Mohammed Mokhber. Fiiro gaar ah; Inta lagu jiray munaasabadda tacsida madaxweynihii shilka ku dhintay Raisi, hoggaamiyaha Iran, Khamenei wuxuu si maldahan u sheegay walaaca uu ka qabo dadaallada Mareykanka uu ku doonayo inay xiriir diblomaasiyadeed yeeshaan Sacuudiga iyo Israa’iil.
Показать все...
Repost from Iman Jama
Фото недоступноПоказать в Telegram
🚨🚨 Ukraine waxay kordhisay daandaansiga Ruushka, waxay garaacday raadaarka digniinta hore ee Ruushka, kaas oo shaqadiisa tahay inay ka digaan in la ogaado gantaalada nukliyeerka ee NATO ka imaan kara, waxayna ku yaalan aagga koonfurta ee ku dhow badda madow. Fiiro gaar ah; Qofna ma garanayo halka ay fikraddan Ukraine ka timid , sababtoo ah raadaarkani wax door ah kuma laha dagaalka Ukraine,iyadoo ay taasi jirto, Ukraine waxay u duqaysay sidii inay dhab ahaantii doonayso inay ka caraysiiso Ruushka.
Показать все...
Repost from Iman Jama
Warbixinta waxay intaa ku dartay; “ Burburinta Ruushka ee nidaamyada hagida hubka casriga ah ee reer galbeedka ama soo ridi kara qaar ka mid ah gantaalada Mareykanka lagu sameeyo ee riddada dheer, ayaa meesha ka saartay awooddii Ukraine si ay u difaacdo dhulkeeda …. Awoodda Ruushka ee lagula dagaallamo hubka tignoolajiyada sare waxay saameyn fog ku leedahay Ukraine iyo taageerayaasheeda reer galbeedka - oo laga yaabo inay fursad u siiso sidoo kale inay wax ka bartaan Shiinaha iyo Iran - waana sababta ugu muhiimsan ee ciidamada Moscow ay dib ugu soo celiyeen howlgalladooda iyo inay ku sii socdaan goobaha dagaalka.”
Показать все...
Repost from Iman Jama
Фото недоступноПоказать в Telegram
🚨🚨 Dhacdo xiiso leh, sida uu daahqaaday wargeyska Washington Post ; Ukraine waxay joojisay adeegsiga hubka casriga ah ee reer galbeedka , sababo la xiriira tignoolajiyada Ruushka ayaa awood u leh inay ka hortagto oo ay burburiso hubkan la hago oo ay ku jiraan gantaallada riddada dheer ee Mareykanka , tan waxaa la sheegay inay u fududeysay Ruushka inuu sii wado dagaalka oo uu dhul ka qabsado Ukraine.
Показать все...
Repost from Iman Jama
Фото недоступноПоказать в Telegram
🚨🚨 Ruushka iyo Itoobiya ayaa lagu wadaa inay garaan heshiis la xiriira iskaashiga hawada sare ah, taa oo gacan ka siinaysa Addis Ababa in nidaamka tignoolajiyada dayax-gacmeed uu u horseedo isbeddel horumarineed, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Ruushka ee TASS.
Показать все...
🥰 1
Repost from Iman Jama
Фото недоступноПоказать в Telegram
🚨🚨 Israa’iil ayaa ku guul-darraysatay howlgal ay iskudayday inay ku beegsato taliyaha guutada Xamaas ee Rafah, Muxammad Shabana, sida uu ku warramay telefishinka Israa’iil ee Channel 14. Fiiro gaar; Saacad ka hor , waxaa ka dhacay Rafah , weerar duqeymo iyo ciidanka gaarka ah ee Israa’iil ay ka qaybqaateen oo lagu qaaday dhismayaal ku yaalla Rafah, halkaa oo ay sheegeen inay ku yaalan godod ay ku sugnaayeen taliyaha guutada Xamaas ee Rafah iyo saraakiil kale, markii hore saraakiisha Israa’iil ayaa u dabaal-deggay inuu howlgalkaa guuleystay , wallow markii dambe la xaqiijiyay inuu fashil ku soo dhammaatay iskudayga lagu beegsaday saraakiisha Xamaas ee Rafah.
Показать все...
Repost from Iman Jama
Фото недоступноПоказать в Telegram
🚨🚨 Wakaaladda wararka Reuters, ayaa ku warrantay inuu Putin diyaar u yahay wada-hadallo xabbad-joojin ah oo la xiriira dagaalka Ukraine. Fiiro gaar ah; Wada-hadallada la sheegay inuu Putin ka galayo dagaalka Ukraine , ayaa ilaha warbixinta ay soo xigatay waxay ku sheegeen xabbad-joojinta inay ka dhacayso furimaha hadda ee dagaalka, taa oo ka dhigan ciidanka Ruushka inay sii joogayaan goobaha furimaha dagaalka ee gudaha Ukraine.
Показать все...
Repost from Iman Jama
00:25
Видео недоступноПоказать в Telegram
🚨🚨 Telefishinka dawladda Shiinaha , ayaa billaabay dacaayad lagu tusayo dadweynaha Shiinaha sida uu noqonayo marka Shiinaha uu go’aansado weerar uu ku qaado Taiwan, tan oo ka dambeysay kaddib dhoolatuskii bad iyo cir ee Shiinaha uu ku hareereeyay Taiwan, oo uu usoo muujiyay sida ay waqti yar u qaadanayso inuu go’doon galiyo jasiiradda.
Показать все...