cookie

Мы используем файлы cookie для улучшения сервиса. Нажав кнопку «Принять все», вы соглашаетесь с использованием cookies.

avatar

Noqo mufakir

Degelkaan waxaan kugu soo gudbin doonnaa qoraallo maalinle ah sida ; Xikmado | ooraahyo | dhiira-gelin | Iyo sheekooyinka la xiriira arrimaha nolosha| iyo dhammaan mowduucyada aan u aragno kuwo faa'iido leh . 15/6/2021 @Noqomufakir44

Больше
Финляндия1 103Язык не указанБлоги4 471
Рекламные посты
6 040
Подписчики
+2024 часа
+407 дней
+13830 дней

Загрузка данных...

Прирост подписчиков

Загрузка данных...

Ardeyda dugsiga sare ka baxday maxaad talo ahaan u siin laheyd!?
Показать все...
👍 3
Dhibaatooyin isu beddelay dheef: 1. Shiikh Shamsuddiin Al Sarkhasi ayaa la xiray. Waqtigii uu ku jirey xabsiga wuxuu uga faa'iidaystay inuu qoro kitaabka fiqhiga ah AL-Mabsuud ee madhabka Xanafiga kutubta ugu muhiimsan ka mid ah. 2. Aqoonyahan la oran jirey Isaiah Berlin ayaa 1944tii diyaarad ciidan oo Maraykanka ka soo baxaysey u soo raacay Ingiriiska. Diyaaradda codkeeda wax lagama dhegeysan karin, nalkuna waa densanaa oo wax laguma akhrisan karin, afkana waxaa lagu xirtay oxygen mask oo lama hadli karin. Feker keliya ayaa u furnaa marka wuxuu saacadihii dheeraa ee aamuska ahaa isugu keenay fikradda buuggiisa caanka ah ee Taariikhda Fikradaha(Against the Current: Essays in the History of Ideas). 3. Dr. Mustafa Maxmuud ayaa isagoo arday ah xanuunsaday oo muddo ku jiray cisbitaal. Fursad ayuu u helay akhris uu cilmiga suugaanta iyo falsafadda ku barto. Inkastoo uu dhakhtarnimo bartay, haddana cilmigii uu cisbitaalka ku faa'iiday ayuu noloshiisii oo dhan ku leexiyey oo caan ku noqday. 4. Arday la oran jirey George Dantzig ayaa 1939kii ka soo habsaamay fasalkii. Labo masalo oo xisaab ah oo sabbuuradda ku qoran ayuu u qaatay inay yihiin shaqo guri (homework). Wuu qortay dhawr maalmood ka dibna jawaabtii ayuu u keenay macallinkiisii. Ardaygu xallinta masalooyinka dhib badan ayuu la maray. Macallinkii wuxuu yiri su'aaluhu maahayn shaqo guri ee waxay ahaayeen tusaalaha su'aalaha culimada xisaabtu xalka u waayeen laakiin adigaa xalkoodii keenay. Labadaas masalo xalkoodii ayaa ardaygii lagu siiyey PhD. Haddii noloshaada wax ka maqan yihiin, intaad sugaysid wax wanaagsan sii qabo. Berri subax meel aad waxtar ka geysato u kallah.
Показать все...
👍 4
Dumarku ninka aysan rabin shuruuc ayay u dajiyaan, ninka ay rabaanna shuruuc u tiilay ayay u jabiyaan. Hadaad maqasho waxaas kama helo, waa jawaab cad, hadaad maqasho waxaas kama helo balse dartaa ayaan u samaynayaana waa jawaab cad. Good afternoon ladies and gentlemen. Dafle.
Показать все...
👍 6
Фото недоступноПоказать в Telegram
Habka ugu fiican ee shaaha loo kabbado. Barqo wanaagsan jaalleyaal. 🙈✋
Показать все...
Фото недоступноПоказать в Telegram
" Aabbe i maqal; waddadu waataa, qori waxa lagu qaaday laguma soo celiyay ilaa isaga mooye, ee orod Alle hakula garab galo'e"
Показать все...
9
Фото недоступноПоказать в Telegram
Si qof walba u barto runta dhihideeda, waa inuu bartaa maqalkeeda.🌤😻
Показать все...
👍 7
6k! Mawle ayaa mahaddaa iska leh, awood iyo xeelad aan leen nahay kuma aanan gaarin meeshaas! Soo dhawaada saaxiibbayaal kannaalkana inaad wax uun kala dhex baxeysaan baan idin rajeyn Eebbe fadligii. ❣
Показать все...
3
Фото недоступноПоказать в Telegram
Waxa la sheegaa in ay jiraan shan Xanuun oo Nafsi ah oo dadka ku dhaca, Laga yaabaa inuu mid ku hayee bal iska baadh: 1- (𝐂𝐥𝐢𝐧𝐨𝐦𝐚𝐧𝐢𝐚) كلينومينيا Inaad Aad iskaga jeclaato inaad gogoshaada ka kicin oo aad halkaa iska jiifto, Sabab la'aan. 2- (𝐉𝐨𝐮𝐬𝐤𝐚) متلازمة جوسكا Waa isla sheekaysi Mala awaal ah, oo qofku sawiranayo Dhacdooyin iyo Dad Wahmiya. 3 - (𝐏𝐡𝐢𝐥𝐨𝐩𝐡𝐨𝐛𝐢𝐚) الفيلوفوبيا Xidhiidh inaad samayso ama aad guursato, inaad saa'id uga Baqdid. 4- (𝐍𝐲𝐜𝐭𝐨𝐩𝐡𝐢𝐥𝐢𝐚) النيكتوفيليا Inaad Meelaha Mugdiga iyo Habeenkii Sabab la'aan iska jeclaato. 5- (𝐄𝐱𝐮𝐥𝐚𝐧𝐬𝐢𝐬) إكزولانسيس Inayna Xiiso kugu hayn inaad ka hadasho wax adiga ku khuseeya, ama inaad ka hadasho arrin taagan, Adoo iska aaminsan inayna jirin cid ku fahmaysaa. “
Показать все...
😱 3👍 1
01. SIDEE ULA NOOLAAN KARNAA XANUUNKA WAAYIDA QOF? Inaad qof waydo waxay la mid tahay adiga oo gabal jirkaaga ka mida waayay! Haddaba, sideed u wajahi kartaa dhacdadan culus? Sadarada soo food leh waxaa ku yaal talooyin aan ka soo dheegtay waayo-aragnimadayda iyo tan dad kale, waana bal in ay naga caawin karaan la noolaanta xanuunka maqnaanshiyaha: 1. U OGOLOW ILMADAADU INAY DAADATO: U oggolow murugadaadu in ay qulqusho. Cabudhinta dareenka ayaa sumayn doona gudahaaga! Faraha ka qaad ha daadatee maanta, intii ay biiri lahayd oo sidii foolkaane qarxay berri u xasuuqi lahayd dhammaan farxaddahaaga. Waayo ilmadu way ku qalbi qaboojinaysaa, oo waa biyaha kaa mayraya dhibaatooyinka. Waan la dareemayaa argagaxa iyo murugada ka muuqata dadka dad waayay, kaydinta dareemahana waan ka cabsadaa, oo waxaan dareemaa inaan sugeyno waayid cusub. Haddaba, qofkii murugadiisa xajiya, waxaa imaan doonta maalin ay disho. Mana jiro ruux ka awood baxan murugada. 2. HA IS GO’DOOMIN: Gooraha ugu adag waayid kastaa waa bilowga. Ha is qarin, dhex joog dadka kuu dhow. Barbar joogistooda ayaa kaa yareyn doonta culayska waayidda, waxaad dareemi doontaa inay ku daryeelayaan. Waxaana kaa soo gaari doonta farriin toos ah oo u dhacaysa: “Kaligaa ma tihid.” Saaxiibkaygow, xanuunka waayidu waa mid daran. Dadka ayaana ah xanuun baab'iyaha kaa caawinaya in aad wajahdo mashaqadaas. Ceeb ma aha inay dunidu ku aragto adiga oo ay ilmadu kaa qubanayso, oo xanuunku ku ciriiri galiyay! Waayo ilmadu waa gambaleel dadka kugu hareeraysan u sheegaya inaad u baahan tahay daryeelkooda iyo waqtigooda. 3. HEERARKA MURUGADA: Murugadu, waa sida boog kasta, waxay u baahan tahay wakhti ay ku bogsato, balse xusuusnow inay reebayso nabar aan baaba’ayn. Markii aan murugoonana dhammaanteen waxaanu marnaa shan heer. Wayna ku kala duwanaan karaan dadku, balse way haleelaan qof walba. Haddaba ha argagixin kaligaa ma tihide. Marxaladaha murugadana, sida Elisabeth Kübler-Ross tiri, waa: B. Ankiraad: Waaxaad noqonaysaa qof diidan oo aan rumaysan karin inuu waayay gacalkiisi, saaxiibkiis ama qofkii u dhawaa. T. Cadho: Waxaad kala dul dhici doontaa cadho naftaada, dad ehelkaaga ka tirsan amaba cidda kaa fogaysay qofkaas. Waad kululaan oo karkari, qaylo iyo sawaxanna cirkaa mari. J. Tanaasul: Waxaad diyaar u noqonaysaa inaad ka tanaasusho waxa ugu qaalisan ee aad haysato, si dib ugu soo noqdo qofka noloshaada ka baxay. Waxaad ka laaban doontaa mowqifyadaada iyo mabaadi'daada. Waxaadna ogolaanaysaa gorgortan, xitaa haddii uu kharashka aad bixinayso yahay waxa aad aaminsan tahay. X. Niyadjab: Duufaanno murugo ayaa soo weerari doona noloshaada, waxaadna dareemeysaa in noloshu madowdahay, mugdi tahay oo qudcur badan tahay! Nolo maalmeedka iyo dhacdooyinka soo noqnoqonayana ay isku mid yihiin. KH. Ogolaansho: Waxaad gaari doontaa ku qancid gudaha ah, in qofkii aad wayday uusan soo noqon doonin. Waxaadna la heshiinaysaa naftaada si aad horay ugu socoto. Waxaadna dib u bilaabaysaa shaqadaadi iyo arrimihii aad daneyn jirtay. Laga yaabee in arrimuhu sidoodi hore ku laaban, balse maalinba maalinta ka danbeysa sidaadi hore ayaad ku noqon doontaa. Waxa uu yiri Jean de La Fontaine “Murugadu waxa ay ku duushaa baalasha waqtiga.” Oo uu micnaheedu yahay, waqtiga ayaa tirtira murugada. 4. ISKU DUUB GACALKAAGA‎: Waayidii ugu dambeysay waa inay kaa dhigtaa ruux ku dhaggan inta ka hartay gacalkaaga. Daryeel, garab joog oo waqti la qaado, una qeex inaad jeceshahay. Noloshuna way gaaban tahay oo adagtahee, waxay doonaysaa inaan kalgaceyl isku muujino si ay ugu muuqato mid dhib yar. 5. ILAAHAY U DHAWOOW: Alle ugu dhawoow salaad iyo ‎baryootan badan, waayo kaligii ayaa laabtaada xasilin doona. Wuxuuna ku siinayaa degenaansho kaa yeeli doona qof wanaagsan. ― Magaca Buugga: — Carabi: غدا أجمل — Soomaali: Berri Bilicsan Qoraaga: Cabdalla Al-Maqluuth Turjume: Yoonis Baarri
Показать все...
👍 3🔥 2
Asc saaxiibbayaal inaad caafimaad qabtaan baan idin rajeynayaa. Idinma aanan hilmaamin, weli waan idinku maqanahay, saaxiibbada isoo weydiinaya sheekada waxa aan soo gelin doonaan habeenka sabtiga haddii mowle weyne idmo, intaana ii dulaata insha'Allah. Caafimaad iyo baraara ayaan idin rajeynayaa dhammaantiinnaba.
Показать все...
👍 5🙏 4
Выберите другой тариф

Ваш текущий тарифный план позволяет посмотреть аналитику только 5 каналов. Чтобы получить больше, выберите другой план.