ru
Feedback
KEYDKA FORM4 - SOMALILAND

KEYDKA FORM4 - SOMALILAND

Открыть в Telegram

Waxaa Channelkan Lasoo dhigi doonaa Dhamaan Wixii Keyd ah ee Manhajka Somaliland ee Fasallada Afraad ee Dugsiga Sare.

Больше
Страна не указанаКатегория не указана
2 684
Подписчики
+124 часа
+1767 дней
+22530 день
Архив постов
▪︎Asalaamu Calaykum.▪︎ Waxaan aad ugu Hambalyeynayaa Ardeydii Maanta uu u Dhamaadey Imtixaankii Ugu Dambeeyey (Final Exam) ee Wasaaradda Waxbarashada JSL. Dhamaantiin Waxaan idiin Rajeynayaa Darajo Fiican iyo Guul Dhameystiran Aduun iyo Aakhiraba.

Asc soo dhawaada dhalin yaro Dhamaan examination kii oo ka shaqaysan ka daawo telegram group Kan Waana maqal iyo muuqaal Gaar ahaan imtixitaanadii oo ka shaqaysan Waxa ku jira in ka badan laba kun oo arday (2000 arday) Waxaanan dhamaantiin idiin rajaynayaa Guul fiican iyo darajo farxad leh iyo imtixaanka oo fududaada https://t.me/+DVU4n51qJ1BmZGFk

https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.aqoondhise Barnaamij Anfici Doonaa Ardeyda u Fadhiisaneysa imtixaanka Dugsiga Sare. Halaga Faaideysto.

MAADADA CARABIDA OO LA SHARAXAYO https://youtu.be/blGDWqTXNNc Waa imtixaankii 2018kiu https://youtu.be/fdeEkNXQ0SE Waa imtixaankii 2017 kii https://youtu.be/_6oawMkxdRQ Waa imtixaankii 2016kii Waa imtixaankii 2019kii https://youtu.be/1eK5bKcO46c Waa imtixaankii 2021kii

😊

Asalaamu Calaykum. Dhamaan Asxaabta Ku jira Channelka iyo Groupkaba. Caawa Waxay Ku beegantahay Wakhtigii Fariintii ugu horeysey Lasoo geliyey Channelkan. Muddadii uu Jirey Ardey badan ayaa ku Intifaacdey oo Helay Waraaqo aanay Heleen, ama ay ku adkaan laheyd Helidiisu, Waana Madashii ugu Horeysey ee Nooceeda ah uguna weyn Inta jirta. Aad ban ugu mahadnaqayaa Ardeydii Inala wadaagtey waraaqaha qaar oo aanan Hore u Haynin, Markii aan helneyna aan soo gelinay oo ardeyda kale la wadaagney. Sidaan Hore u sheegnay, Waxa jiraysa Isku habeyn dambe iyo Wax-ka-badal badan oo Sida ugu dhakhsaha badan u bilaabmi Doona Hadii Alle idmo, Waxaanan Kusoo dari doonaa Waxyaalo intan Ka badan. Qofkii Haya Waraaqo Dheeri ah oo aan Channelka Ku jirin Xaga Groupka Hanoola Wadaago Si aynu ugu soo darno waraaqaha cusub ee Aanu Ku soo dari Doono. Waxa rajeynayaa Dufcadda Sanadkan Baxaysaa inay Hesho Waraaqo aad u badan oo imtixaanka Ka saacidi Doona. Alle Waxaan ka Baryayaa in Hayaankaa dheer ee Waxbarasho ee Muddada yar idiinka hadhay uu sida Kheyrkaa idinku dhameeyo. Ardeyda aan Ku Jirinna La wadaaga oo Groupyada Ardeyda ku Faafiya Si looga faaideysto. Dhamaantiin Aad bad u mahadsantihiin.

📍Magaca buugga: Secondary English Vocabulary Section. 📍Turjumaddii: Abdirahman Sameeco 📍Bogagga: bog. 📍Buuggii 2-aad Faahfaahin Buuggaan yar guud ahaan wuxuu ka kooban yahay Vocabulary-ga Form 4-ka iyo Form 3-ga oo isku dhafan hadana kala qaadan. Casharada buuggan ku jiraa waxay u kala baxayaan; Nini-dictionary, Words, Grammar pattern, Somali meaning iyo waliba iyana Vocabulary ga imtixaanadka shahaadiga ah lagu soo qaaday sanadadii u danabeyey. Waqtigaaga ka faa'ideyso. ⏰ Maadaama sanadka galaysan imtixaankii Shahaadiga ah una gudbaysan jaamacado waa muhiim in aad Vocabulary-ga Luqadda iska dhistaan, waliba xifdidaan. ✍️ Abdirahman Sameeco✍️ English Teacher

ENGLISH VOCABULARY LESSON FORM 4 & 3 .pdf1.23 MB

ENGLISH VOCABULARY FORM 4 WITH SAMEECO .pdf8.25 KB

Asalaamu Calaykum. Ardeydii Hadda Baxdey ee Darajooyinka Sugaysey Waxay Hadda Ka eegan Karaan Systemka ay Telesom soo bandhigtey Adigoo Fariin u diraya Lambarka 150, Fariintaaduna waa inay Noqotaa Sidan oo Kale: Tusaale; --------------- Sare A20S0XX/0XX Fiiro Gaara; Inta Ka Hooseysa "Sare" Waa Roll Numberkaaga oo Dhameystiran, Kana Bilaabmaya Hadba Xarafkii Ku Xusnaa Cardka. Kheyr ayan idiin wada Rajeynayaa.

Assalaamu Calaykum Dhamaan ardeyda. Sidaan hore u sheegney Waxan ku sameyneynaa Update iyo Dib u cusbooneysiin Channelkeenan, Waxaanan Kusoo dari doonaa Waxyaalo Ka badan inta hadda inoogu jirta. Waxaan idiin ka codsanayaa in Qofkii u Baahan Casharada iyo imtixaanada ku jiraa uu hadda iska download gareysan karo, Si uu uga faaideysto Inta ay dib u hagaajintu Ku Socoto oo muddo yar ah sidaan rajeyneyno, Markastana Wax lagu soo kordhinayo. Markaa hadii Xogtan ku jirta aad hal mar weydaan sidaa ula socda inay wax u Jiraan. Kheyr ayan idiin rajeynayaa Dhamaantiin.

Asalaamu Calaykum, Dhamaan akhyaarta Ku Jirta Channelkan KEYDKA FORM4. Alle Haynoo fudeydsho imtixaankii oynu sugayno inaan Jawaabtiisii ama darajadii laynoo yeedhiyo, Alle Hay nooga dhigo mid inaga wada farxisa Inaga iyo Waalidiinteenba, "Allaahumma Aamiin". Channelkan Markii Hore Waxaynu u Sameyney inaga Laf-ahanteen inaynu is waydaarsanno Wixii inoo dan ah, oo Waraaqo iyo Talooyin ahba, Isla Sidaasi iyadoo Jirta Hadana Waynu Dhameyney oo Ka Gudubney Fasalkaa Form4ka. Wada Tashi dambe kadib, Waxaanu isla qaadanay in aynu ka Dhigno mid Sanad Kaste la adeegsado oo Weli sii Jira, ardeyduna kusoo Biiraan, Waxaanan ku Wareejin doonnaa ardeyda Fasalkaa soo gashay si ay iyagu u wada xidhiidhaan, dib u habeyn balaadhanna Waa lagu sameyn doonaa. Madashani si ay dad badan u gaadho, Waxaynu ku caawin karnaa in aynu Saaxiibadeen Kale ee inaga Hooseeyey, ama walaaledeen, ama Cid kale oynu garaneyno inay F4 yihiin u share Gareeno. Taasi waxay ka Saacideysaa inay Xilli hore soo galaan oo wax badan ka faaideystaan. Waxaynu u share gareyn karnaa, Linkiga oo ah: 👇👇👇👇👇👇👇 t.me/Keydka_f4

Asalaamu Calaykum Dhamaan ardeyda, Waxaan idiin rajeynayaa Kheyr iyo Wanaag. Sidaad ogtihiin Wuu inoo dhamaadey Imtixaankii, Muddana Waalaga soo wareegay. Dhowr qodob uunbaan idin ku Baraarujin lahaa: Arintii Xaga imtixaanaadka, Waa la wada arkayey in Imtixaanku aanuu u badneyn Fasalka Afraad, Balse uu ku yaraaba iska daa inuu Ku batee, Wuxuuna u badnaa Fasalka 3aad Qeybtiisa Dambe, iyadoo sidaasi Jirto, Waxa uu Gudoomiye Daauud inoo sheegay in Xaga Sixidda uu aad u fududeyn doono, Taa iyo Wax Ka badanba wan Ka rajeyneynaa, inuu Kheyr inoogu soo dhamaado, Darajadeenuna Fiicnaado, Runtii Dadaalku ma yareyn, oo Waxaaba Cadeyneysa in Channelka oo Keliya ay ku Xidhnaayeen in Ka Badan 700 oo ardey oo ah Fasalka 4aad ee Dugsiyada Sare, Si joogtaana ugu xidhnaayeen oo ay Korka Kala socdeen in ka Badan 1,000 Qof. Ta Labaad een idinku Baraarujinayo waa in Channelkan iyo Groupkaba uu Noqon doono Mid Sanad Kaste Online ahaanaya oo Wixii Imtixaanaad ku Saabsanaanaya lasoo dhigi doono, Kana faaideysan doonaan Hadba ardeyda Ku jirta Fasalkaa, Markaa Inteena Hadda ku jirtaa Waynu kasii mid ahaan karnaa Inooga Faaideysan Karna, oo dhib aanuu inagu Heyn oo aanuu Buuxsameyn Channelku. Alle Haynagu Guuleeyo Imtixaankan aduunyo, Sideynu Halka ku wada kulaneyna Alle Janadda Haynagu Kulmiyo, Wabillaahi Tawfiiq ✌️

السلام ورحمة الله وبركاته •• •• •• •• •• •• •• •• •• •• •• •• •• •• •• Sideynu Qaarkeen La Soconno Waxay Wasaaraddu Ku dhawaaqdey Maalinta Imtixaanka la Gelayo, oo Noqon doonta 19th June 2021. Imtixaankani Sida La rajeynayo Wuxu Noqon doonaa Imtixaan ka fudud Kuwii Hore loo qaaday. Iyadoo Sidaasi jirto Hadana Maaha inaynu isku Halleyno Fudeydkiisa. Sideynu Ogeynna Sanadkii aynu Fasalka Sideedaad kasoo Baxeyney Waxa Dhibcihii Dhicista Ka Hoos Maray oo dhacay Dadkii ugu tirada Badnaa Inta Laga war Hayo, Iyadoo Taasi sabab u aheyd, Imtixaanka oo Hal Fasal awooda la saaray iyo Is-dhigasho Badan oo Xaga ardeyda aheyd. Maantana Alxamdulilaah Waxaynu Sugaynaa waa Imtixaankii fasalka 4aad ee Dugsiga Sare, oo aynu rajeyn doono In aynu darajo aad u fiican ku wada baxno Hadii Alle Idmo. Hadii ay inoo suurto Gashana, Waxaynu Bartan Iskula sii wadaagi doonaa Maqaallo Dhiirigelin, Guubaabo iyo Siro imtixaanka ah, oo aynu iskugu sii diyaarineyno Gelidda Imtixaankan. Dhamaantiin Kheyr ayan idiin rajeynaynaa🙌

عيد مبارك ♡ تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال ••••••••••••••••••••• Hambalyo ❤️ Waxaan idiin ku hambalyeynayaa Curashada Ciida Carafo. Alle Ha inaga aqbalo dhamaanteen Camalladeenii wacnaa ee Ramadaan dhexdeedii Falney. Waxaan Idiin rajeynayaa idinka iyo anagaba inaynu farxad ku ciidno. Eid Mubarak ❤️

أسئلة_وأجوبة_في_التربية_الإسلامية_لمرشد_وعرب.pdf9.61 KB

Tarbia Q&A - Form 4.pdf2.91 MB

Tarbia Book - Form 4.pdf24.57 MB

التربية_للصف_الرابع_أسئلة_وأجوبة_حول_مادة_الثانوي_مدرسة_الجزيرة.pdf4.02 KB

التربية_الإسلامية_أسئلة_وأجوبة_فصل_الرابع.pdf9.46 KB