️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
Открыть в Telegram
Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
БольшеСтрана не указанаКатегория не указана
260
Подписчики
+224 часа
+217 дней
+2130 день
Архив постов
Mukhtaar Rooboow ayaa lagu eedeeyay inuu lunsaday lacag kabadan 1 Milyan oo doolar, xili xujaaydii Soomaaliyeed ee sanadkan xajineysay la galiyay xaalad aad u murugo badan.
Halkee islamarayaan Dawlada Fadaraalka iyo Mucaaradkeeda oo dhawaan dagaal kuwada galay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Culimada iiyo Odayaasha Wajeer oo qeylo dhaan xooggan ka muujiyay Kaniisado ku yaalla magaalada oo la geeyo caruurta Soomaaliyeed.
Shariif Sheekh Axmad oo beeniyay hubkii ay dhawaan Soobandhigtay Dawlada Fadaraalka ee ay sheegtay iney ka qabsatay Mucaaradka,
Xubinta Wararka Caalamka oo ku baxda Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada ee idaacadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan, waxaa lagu soo gudbiyaa wararkii ugu dambeeyay ee daafaha Caalamka.
Dhageystayaasha iyo akhristayaasha ku xiran idaacadda Al-Furqaan waxay had iyo goor halkan kala socon karaan Wararka iyo Barnaamijyada ay Idaacaddu baahiso.
Caawa waa habeennimo Isniin ah oo ay taariikhda Hijriguna ay ku beegantahay 2212-1447 oo waafaqsan 06-06-2026, Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada waxaa caawa soo Cabdisamad Cabdullaahi.
Muslimiinta Ku Nool Gobolka Tigreega ee Dalka Itoobiya ayaa Tacadiyo Kala Kulmaya Kooxaha Kiristanka ah ee Ku Nool Gobalkaas.
Warbixinno laga helayo gobolka Tigrayga ayaa muujinaya, in Muslimiinta ku nool gobolkaasi ay la kulmayaan gaboodfalo ay kula kacayaan dadka Kiristanka ah ee kasoo jeeda qawmiyada Tigreega ama qabaa’ilka kale ee dalka Itoobiya, waxaana laga hor istaagay inay si buuxda ugu gutaan acmaashooda cibaadaadka.
Dhibaatooyinka ugu badan ayaa la xiriira xayiraado lagu soo rogay dhismaha masaajidda, adeegsiga cod-baahiyeyaasha salaadda, arrimaha qubuuraha Muslimiinta iyo maamnuucida xirashada xijaabka ee qaar ka mid ah dugsiyada.
Arimahan ayaa horseeday dibadbaxyo iyo kulamo ay Muslimiintu ku dalbanayeen xuquuqdooda, waxayna codsi u dirsadeen muslimiinta ku nool daafaha caalamka. Maamulka Tigreega ee ka amarqaata Dawladda Itoobiya ayaa awaamir adag kusoo rogay dadka muslimiinta ah, taas oo xoojisay dhibaatoyinkii ay kala kulmayeen bushada Kiristanka ah ee ku nool gobalkaas.
Xasan Sheekh ayaa la Taliye Sare ka Dhigtay, Mid Kamid ah Siyaasiyiinta ku Faana in uu Soomaaliya kusoo Dhaweeyay Xabashida Itoobiya.
Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxmuud ayaa la taliye sare u magacawday Salaad Cali Jeelle oo leh taariikh madow oo Xabashi kalkaal ah.
Salaad Cali Jeelle ayaa mudoyinkii danbe Dowladda Fedaraalka ugu magacawnaa safiirka u qaabilsan Jabuuti, xilkaas oo loo magacaabay xiligii Farmaajo.
Arnta layaabka leh ayaa ah, in Salaad Cali Jeelle uu horay Xasan Sheekhku tilmaamay, nin aan tale qaadanaynin, maantana uu la taliye u noqday.
Ciidamada Itoobiya ayaa Dad Rayid ah ku Dilay Dhulka Soomaali Galbeed ee Gumaysigooda ku Jira.
Sida ay ku warameen warbaahinta maxalliga ah, ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa dad xoola dhaqato ah dil iyo dhaawac ugu geystay duleedka magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaali Galbeed ee Gumaysigooda ku Jira.
Weerarkan oo 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay deegaan lagu magacaabo Daarimi oo hoostago Jigjiga ayaa waxaa lagu dilay Labo wiil oo xoolo la joogay, halka lagu dhaawacay mid kale oo isagana xoola dhaqata ahaa.
Labada wiil ee ay Xabashidu dileen ayaa magacyadooda lagu sheegay, Cabdi Shariif oo 13 jir ahaa iyo Axmed Maxamed Daahir oo 12 jir ahaa, waxaana la tilmaamay, in isla goobta ay ku geeriyoodeen.
Wiilka saddexaad oo la sheegay, inuu dhaawaciisu culus yahay ayaa isna waxaa lagu magacaabaa Cabdi Muuse Xasan, iyadoo da’aadiisa lagu sheegay 16 jir.
Mid Kamid Wadaadada u Fatwooda Dowladda Fedaraalka ayaa Sheegay, in Xasan Sheekh uu Duminayo Xafiis uu ku Leeyahay Magaalada Muqdisho.
Cabdulqaadir Maxamad oo ku caan ah Sheekh Soomow ayaa Xukuumadda Xasan Sheekh ku eedeeyay, inay ciidamo ku weerartay xafiis uu ku leeyahay magaalada Muqisho ee caasimadda Soomaaliya.
Waxa uu tilmaamay, in saddax maalin oo xiriir ah ay ciidamada Dowladda Fedaraalka xoog ku haystaan xafiiskiisa, ayna ka bililaqayseen hanti u taallay.
Soomow ayaa ku calancalay, in kaalin weyn uu ka qaadanayo la dagaalanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, balse maanta ay Dowladda Fedaraalka doonayso, inay dumiso xafiiskiisa kadib ay u loogta waxa uu ku tilmaamay cadawga.
Waa Habeennimo Isniin ah taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 22-12-1447 oo ku beegan 06-06-2026, warka Habeen waxaa soo jeedinaya Cabdisamad Cabdullaahi.
Muslimiinta ku Nool Marinka Go'doonsan ee Qazza oo Wajahaya Xaalado Adag oo Dhanka Nolosha ah.[WARBIXIN]
Warbaahinta CNN ayaa Shaacisay In Yahuuddu Si Qarsoodi ah Ciidamo iyo Sirdoon Ugu Daabushay Dalka Azerbiijaan Intii Lagu Jiray Dagaalkii Iiraan, Maamulka Yahuudda ayaa Shaaciyay Dilka Sarkaal Sare Iyo Askari Ka Tirsanaa Ciidamadooda oo Lagu Dilay Koonfurta Lubnaan, Qodobadaasi iyo kuwo kale ku dhegeyso Xubinta Qalinka Saxaafadda ee ku baxda Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida.
Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida waa barnaamij maalinle ah oo ka baxa Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan, marka laga reebo maalinta Jimcaha, waxaana lagu soo gudbiyaa dhacdooyinka ka taagan Caalamka gaar ahaan Dunida Islaamka.
Shariif Sheekh Axmed oo beeniyay inuu isaga lahaa hubkii ay soo bandhigtay Dowladda Fedaraalka ee ay sheegtay iney xoog kusoo furatay.
Shariif Sheekh Axmed oo Dowladda Fedaraalka ku eedeeyay burcadnimo iyo leynta dadka.
Faahfaahin ayaa Laga Helayaa Shil ay Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqdeen in ka Badan 20 Ruux oo ka Dhacay Gobalka Nuugaal ee Waqooyi Bari Soomaaliya.
Kooxaha mucaaradka DF ayaa Beeniyay Hub ay Dowladda Fedaraalka Sheegtay inay ka Furatay Shariif Sh Axmad.
Maanta waa maalin Axad ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 21-12-1447 oo waafaqsan 07-06-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Cawil Cabdullaahi.
Xisbiga Shariif Sheekh Axmed ayaa Beeniyay Hub ay Dowladda Fedaraalka Sheegtay inay ka Furatay.
Xildhibaan Gamadiid oo kamid ah masuuliyiinta xisbiga Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag beeniyay ,in wax hub ah laga qabsaday intii ay Dowladda Fedaraalka kula dadaalamayeen Magaalada Muqdisho.
Gamadiid ayaa sheegay, in Dowladda Fedaraalka ay guriga Shariif Sheekh Axmed isugu geysay hub ay kasoo kala uurisay gooba kala duwan, isamarkaana ay ku sheegtay, inay ka furatay askarta u dagaalamaysay Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii hore ee Dowladda Kumeel gaarka.
Waxa uu tilmaamay masuulkan ka tirsan xisbiga Shariif Sheekh Axmed, in arintaas ay qeyb ka tahay waxa uu ku tilmaamay boromagaandada ay faafinayso xukuumadda Xasan Sheekh.
Уже доступно! Исследование Telegram 2025 — ключевые инсайты года 
