ru
Feedback
️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

Открыть в Telegram

Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

Больше
Страна не указанаКатегория не указана
263
Подписчики
+124 часа
+157 дней
+2030 день
Архив постов
Nin Hubaysan ayaa Xoog ku Galay Masjid ay Soomaali Gacanta ku Hayso oo ku Yaalla Mareykanka, Xilli Dhawaan uu Dalkaas ka Dhacay Weerar lagu Beegsaday Masjid.

Itoobiya ayaa Qorshaynayso Dhismaha Dhuumo Qaada Saliidda iyo Gaaska ay ka Boobayso dhulka Soomali Galbeed si ay ugu Iibgeyso Caalamka.

Dowladda Uganda ayaa Hakisay Dhamaan Isu Socodkii Cir iyo Dhul ee ay la Lahayd Jamhuuriyadda Congo.

Dowro diini ah ayaa loo soo xeray haweenka ku ganacsada magaalada Kurtunwaarey ee wilaayada sh hoose.

Maamulka Islaamiga ah ee Gobolka Galgaduud ayaa soo bandhigay askari kasoo goostay ciidanka Dowladda Fedaraalka.

Maanta waa maalin Sabti, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 06-12-1447 oo waafaqsa 23-05-2026, warka Duhurnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Sheekh Cali.

Nin Hubaysan ayaa Xoog ku Galay Masjid ay Soomaali Gacanta ku Hayso oo ku Yaalla Mareykanka, Xilli Dhawaan uu Dalkaas ka Dhac
Nin Hubaysan ayaa Xoog ku Galay Masjid ay Soomaali Gacanta ku Hayso oo ku Yaalla Mareykanka, Xilli Dhawaan uu Dalkaas ka Dhacay Weerar lagu Beegsaday Masjid.   Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Minneapolis ee ka tirsan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ka dhacay fal lagu tilmaamay isku day weerar oo fashilmay, kaas oo lagu soo qaaday masjid ay ku cibaadaysanayeen dad Muslimiin ah.   Nin caddaan ah oo hubaysan ayaa xoog ku galay masjid ay Soomaalida maamusho oo ku yaalla magaalada Minneapolis, kaas oo loo badinayo inuu toogasho wadareedyo ka geysan rabay gudaha masjidkaas ka hor intaan la qabanin.   Qaar kamid ah maamulka masjidka oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay in ninkaasi uu dhibaata la magaanaa dadka Musliminta balse uu Allaah shartiisa ka kaafiyay.

Itoobiya ayaa Waddo Qorshe ay Caalamka Ugu Dhoofinayso Saliidda iyo Gaaska ay ka Boobayso Dhulka Soomali Galbeed ee Gumaysige
Itoobiya ayaa Waddo Qorshe ay Caalamka Ugu Dhoofinayso Saliidda iyo Gaaska ay ka Boobayso Dhulka Soomali Galbeed ee Gumaysigeeda ku Jira.   Dowladaha Itoobiya iyo Jabuut ayaa ka wada hadlay mashaariic la qorsheeyay oo lagu dhisayo marin ay Xabashidu ku dhoofinayso shidaalka iyo gaaska ay ka boobabayso dhulka Soomaali Galbeed ee ku jira gumaysigeeda, sida ay ku warrantay warbaahinta Itoobiya.   Labada dowladood ayaa la tilmaamay, inay gaareen heshiis labo waji leh oo ku saabsan dhismaha dhuumo qaada saliidda iyo gaaska laga soo saarayo ceelasha ku yaalla dhulka Soomaali Galbeed, dhumaahaas oo isku xiraya Soomaali Galbeed iyo Jabuuti   Wejiga koowaad ee mashruucaan ayaa lagu sheegay dhismaha dhuumo qaada shidaalka la sifeeyay, kuwaas oo ka imanaya xarumaha dekedda Jabuuti kuna sii jeeda xarunta dhexe ee saadka Itoobiya ee magaalada Daweleh.

Dowladda Uganda ayaa Hakisay Dhamaan Isu Socodkii Cir iyo Dhul ee ay la Lahayd Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo. Xukuumadda K
Dowladda Uganda ayaa Hakisay Dhamaan Isu Socodkii Cir iyo Dhul ee ay la Lahayd Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo. Xukuumadda Kambaala ayaa ku dhawaaqay inay joojisay dhamaan duulimaadyadii hawada ee tagi jiray garoomada diyaaradaha ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo. Sidoo kale Uganda ayaa xayirtay safarka dhinaca gaadiidka dadweynaha, doomaha ku safra harooyinka waaweyn iyo wax waliba oo is dhexgal ahaa oo ay la wadaagaysay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo. Wasaaradda Caafimaadka ee Uganda ayaa tallaabooyinkan ku tilmaamtay kuwa ay uga hortagayaan faafitaanka cudurka Ebola oo ka dilaacay gobollo ka tirsan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo. Muddo 4 todobaad ah ayay xukuumadda Kambaala sheegtay, inay sii socon doonto xayiraadaan si loo qiimeyo faafitaanka iyo kahortagga Cudurk Ebola, iyadoona ku nuuxnuuxsatay waa Uganda'e, in xayiraadahani ay yihiin kuwo ku meel gaar ah oo la qaadi doono marka khatarta la xakameeyo.

Dowladda Fedaraalka ayaa tobannaan dhalinyaro ah ku xirtay Muqdisho, iyadoo dibadbax iyada looga soo horjeedo uu ka dhacay gudaha caasimadda.

Khasaare Isugu Jira Dhimasho iyo Dhaawac ayaa ka Dhashay Israsaasayn Ciidamo ka Wada Tirsan Maamulka la Baxay Puntland ku Dhexmartay Gobalka Sanaag.

Inka Badan 40 Ruux oo Rakaab ah ayaa Lagu Afduubtay Weerar ka Dhacay Gudaha Dalka Itoobiya.

Maanta waa maalin Sabti ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 06-12-1447 oo waafaqsan 23-05-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Daahir.

Dowladda Fedaraalka ayaa tobannaan dhalinyaro ah ku xirtay Muqdisho, iyadoo dibadbax iyada looga soo horjeedo uu ka dhacay gu
Dowladda Fedaraalka ayaa tobannaan dhalinyaro ah ku xirtay Muqdisho, iyadoo dibadbax iyada looga soo horjeedo uu ka dhacay gudaha caasimadda. Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacday dibadbax ka dhan ah Xasan Sjeekh oo ah Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka iyo xukuumaddiisa. Dadkaan ayaa waxay kasoo horjeedeen barakicin, jirdil iyo xadgudubyo kale oo ay ciidamada Dowladda Fedaraalka ku hayaan dadka rayid ah, kuwaas oo qaarkood ay xabsiga utaxaabeen. Waxay dab qabadsiiyeen sawirka Xasan Sheekh, iyagoo ku dhawaaqayay hal-kudhigyo ka dhan ah Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka. Ganacsade kamid ah dadka dhigayay dibadbaxa looga soo horjeedo Xasan Sheekh ayaa sheegay, in ciidamada Dowladda Fedaraalka ay xabsiga dhigeen 30 dhalinyaro ah. Bulshada ku dhaqan Muqdisho ayaa wajahaya dhibaatooyin isbiirsaday oo ay kala kulmayaan Dowladda Fedaraalka, waxaana wali caasimadda ka socda dhulboobka, barakicinta iyo dilalka ay ciidamadu ugeysanayaan dadka rayidka ah.

Khasaare Isugu Jira Dhimasho iyo Dhaawac ayaa ka Dhashay Israsaasayn Ciidamo ka Wada Tirsan Maamulka la Baxay Puntland ku Dhe
Khasaare Isugu Jira Dhimasho iyo Dhaawac ayaa ka Dhashay Israsaasayn Ciidamo ka Wada Tirsan Maamulka la Baxay Puntland ku Dhexmartay Gobalka Sanaag.   Askar kawada tirsan maamulka la baxay Puntland  ayaa saacadihii lasoo waxa uu iska hor-imaad ku dhexmaray magaalada Baran ee Gobalka Sanaag.   Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa lagu dilay dhawr kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaalkaas dhexmaray ciidamada kawada tirsan maamulka Saciid Deni ee fadhigiisu yahay magaalada Garoowe.   Wararka laga helayo magaalada Baran ee gobalka Sanaag ayaa sheegaya, inuu dagaalku yimid kadib markii ay gadood  sameeyeen cidamo lagu tababarayay xero ku taalla magaaladaas.   Xiisad maalmihii lasoo dhaafay ka taagneyd xerada ayaa la tilmaamay inay isku beddeshay gacan ka hadal, kadib markii ciidamo tababar ugu jiray xerada ay sameeyeen gadood ay uga cabanayeen xaalado nololeed iyo dayacaad fara-badan oo ay sheegeen inay ku haysato xeradaasi tababarka.

Inka Badan 40 Ruux oo Rakaab ah ayaa Lagu Afduubtay Weerar ka Dhacay Gudaha Dalka Itoobiya. Warar ka imaanaya Itoobiya ayaa k
Inka Badan 40 Ruux oo Rakaab ah ayaa Lagu Afduubtay Weerar ka Dhacay Gudaha Dalka Itoobiya. Warar ka imaanaya Itoobiya ayaa ku waramaya, in koox hubaysan oo aan haybtooda la garanaynin ay rasaas ku fureen garii bas ah oo ay saarnaayeen dadweyne aad u fara-badan, kaas oo ku safrayay gudaha gobalka Aromiya ee gudaha dalkaas.   Shirkad qaabilsan Adeegyada Basaska ee Itoobiya ayaa xaqiisay, in in ka badan 50 rakaab ah ay afduubteen dableyda kadib weerarka.   Shirkadda waxa ay intaasi ku dartay, in dad sida rasmiga ah haatan ugu maqan gacanta kooxdaasi ay gaarayaan illaa 41 ruux oo kamid ah rakaabka, kuwaas oo ay dablayda weerarka soo qaaday la aaday meel aan la garanayn.   Masiirka 41 ruux ee rakaab ah ayay shirkaddu ku tilmaamtay mid majhuul ah islamarkaana aan noolal iyo geeri lagu haynin, halka ragga afduubtayna aan la aqoonsanin jihada rasmiga ah ee ay ka tirsan yihiin.   Baska weerarka la kulmay ayaa la sheegay, inuu ka baxay magaalada Addis Ababa una u socday gudaha gobolka Amxaarada.

Dowladda Kenya ayaa Karantiishay Ruux Looga Shakisan Yahay inuu Qabo Cudurka Ebola ee Dib Uga Dalicaay Qaar Kamid Dalal Qaara
Dowladda Kenya ayaa Karantiishay Ruux Looga Shakisan Yahay inuu Qabo Cudurka Ebola ee Dib Uga Dalicaay Qaar Kamid Dalal Qaaradda Afrika.   Xukuumadda Nayroobi ayaa ku dhawaaqday, in galbeed dalkaasi lagu karantiilay nin laga helay calaamadaha cudurka Ebola, kaas oo dhawaan ka yimid Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, halkaas oo markale ka dilaacay xanuunka Ebolaha.   Ninkan oo 29 jir ah shaqadiisuna tahay Darawal ka xeeyo gawaarida xamuulka ah ayaa la sheegay, inuu kasoo degay Garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nayroobi, isagoona kadib gaaray magaalada Eldoret ee galbeedka dalka Kenya, halkaas oo uu ku maray baaritaanno caafimaad, lagana helay astaamo lala xiriirinayo cudurka Ebola.   Masuuliyiinta Kenya ayaa sheegay, in bukaanka si dhakhso ah loogu karantiilay cisbitaal ku yaalla magaaladaasi, iyadoona aan si rasmi ah loo xaqiijin inuu cudurka qabo iyo in kale.

Waa Habeennimo Sabti ah taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 06-12-1447 oo ku beegan 22-05-2026, warka Habeen waxaa soo jeedinaya Maxamed Sheekh Cali.

Maamulka la Baxay Puntland ayaa Dalbaday in Shisheeyaha Caalamku ay Si Toos ah Xiriir Ula Yeeshaan, Iyagoo Dafiray Madaxtinimada Xasan Sheekh.

Ehelllada Qoyskii Lagu Xasuuqay Duleedka agaalada Kismaayo ayaa Dowladda Fedaraalka ka Dalbaday, inay Sheegta Sababta ay Dadkaasi u Beegsadeen.