cookie

ما از کوکی‌ها برای بهبود تجربه مرور شما استفاده می‌کنیم. با کلیک کردن بر روی «پذیرش همه»، شما با استفاده از کوکی‌ها موافقت می‌کنید.

avatar

🫀 TAMAR SIINTA RUUXDA 🫀

Inta aan sharta iyo xumaha ku tartami laheyn aanu kheyrka iyo wanaaga ku tartano. Waa Madal dhalin yaro ah oo dhex marta saaxadda cilmiga, suugaanta iyo dhaqanka, iyadoo adeegsanaysa diinta Islaamka. ..Akhris wacan contact : @NAJIIB_IBRAHIM

نمایش بیشتر
فنلندة509زبان مشخص نشده استدین و مذهبی6 805
پست‌های تبلیغاتی
13 418
مشترکین
+424 ساعت
+77 روز
-730 روز

در حال بارگیری داده...

معدل نمو المشتركين

در حال بارگیری داده...

Photo unavailableShow in Telegram
Rabbi waxaa ka doontaa inuu dhibic ku deeqaaye Isna wuxuu doonayaa inoo hogol da’siiyaaye Yoolashoo badan degmay niyaddu doontaaye Isna dunida oo idil ayuu kuu dadabdhigaa’e Dheef aan dalqada dhaafin baa kula doc waynaane Isna dahab intuu kuu furaad farax dillaacdaaye Dadaal iyo kadlaad waddaa waadna damacdaaye Ciddii mahadnaqdaa Daa’iinkay duunyo badiyaaye WQ// Macehtt @M4chett
نمایش همه...
Photo unavailableShow in Telegram
Akhyaarta cawa waa habeenkii “10”ee muxaram Oo ah caashuraa marar badan suubanuhu [N.N.K.H] nagu booriyey marka hala soomo cawa insha Allah si faafi wll 📌
نمایش همه...
4
Photo unavailableShow in Telegram
Si daacad ah uga Jawaab ? ❤️ (1)
نمایش همه...
🥰 5 3
Photo unavailableShow in Telegram
Si daacad ah uga Jawaab ? ❤️ (1)
نمایش همه...
Photo unavailableShow in Telegram
Jawiga quruxda badan ee waaberiga. Waa qayb-yar oo kamid ah Turjumaada(Af-naqidda) mid ka mid ah buugta qiimiga badan ee walaalkeen Cabdixakiin Obsiiye ❤️
نمایش همه...
3🔥 1🥰 1
Photo unavailableShow in Telegram
Markii Sakariyas, nabad galyo dushiisa ha ahaatee, wuxuu ku ducaystay: “Rabbiyow, ha iga tegin keligay”. Wuxuu ku daray, "Adiguna waxaad tahay kuwa ugu wanaagsan dhaxalka." Waxaad mooddaa inuu yidhi: Haddaadan i siin wiil i dhaxli doona Adigu waxaad tahay dhaxalka ugu wanaagsan, markaa adigaa igu filan Macne fiican ayay u leedahay suugaanta ducada. Haddii aad i siin weydo wixii aan dalbaday, markaas arrinta adigaa iska leh, aniga Adiga ayaa igu filan, waxaana heli doonaa mag-dhaw qurux badan. Dr..Mustafe Maxamuud
نمایش همه...
🥰 5 1
Photo unavailableShow in Telegram
#Fermat's_Ust_Theorem: Mid ka mid ah mashaakilaadka xisaabta ee ugu caansan...Waxay socotay 358 sano, waxaana lagu xaliyay 15,000 oo bog in ka badan 100 xisaabyahan ayaa ka qaybqaatay xalinteeda waxay bilaabatay 1637 waxayna dhammaatay 1995 iyadoo saynisyahanku kormeeray. Andrew Wales", oo boqolkiiba 170 loo tixgaliyo mid ka mid ah garaadka adduunka! 😨
نمایش همه...
🔥 7
Afartanleydii Ibnu Khalduun Kuwani waa 40 xikmadood, oo uu Ibnu Khalduun, aabbihii cilmiga bulshadu, ku xusay buuggiisa "al-Muqadima." 1. Haddii ay awooodda qabiilku xoogaysato, waxa yaraata awoodda dawladda; haddii ay awoodda dawladdu xoogaysatana waxa yaraata awoodda qabiilka. 2. Kelitalisku wuxuu afgenbiyaa halbeegga akhlaaqda: wanaagii ayuu ka dhigaa xumaan, xumaantiina wuxuu ka dhigaa wanaag. 3. Seefta iyo qalinku waa agab ku jira gacanta hoggaanka oo uu arrimihiisa u kaashado. Baahida ay dawladdu u qabto seefta—marka ay abuurmayso iyo marka ay gabowdo—ayaana ka badan baahida ay u qabto qalinka. 4. Dulmigu wuxuu keenaa kharaabka dhismaha guud (العمران). 5. Haddii ay madaxda iyo amiirradu soo galaan suuqa ganacsiga iyo beeraha, taasi waxay dhib degdeg ah ku keentaa dadweynaha; waxaanay dhantaashaa hannaanka cashuuraha iyo dhismaha guud 6. Taliska waxa lagu dhisaa ciidan, ciidankana waxa lagu dhisaa hanti, hantida waxa laga keenaa cashuur, cashuurtuna waxay ka timaaddaa dhismaha guud (cammirnaanta), cammirnaantana waxa lagu keenaa caddaaladda, caddaaladdana waxa lagu keenaa hagaajinta shaqaalaha, hagaajinta shaqaaluhuna waxay ku timaaddaa toosnaanta wasiirrada. 7. Haybta qabiil ee ku dhisan badawnimadu, waxay carqaladaysaa deggenaanta dawladda. 8. Haddii ay dadku ka baqdaan inuu dulmigu ka duudsiyo xuquuqdooda, waxay jeclaadaan caddaaladda, waxaanay ku hadaaqaan wanaageedda. Marka ay ka nabadgalaan, ee ay iyagu gacanta ku dhigaan awooddii dulmigana, way iska hilmaamaan caddaaladda. 9. Cabsidu waxay soonoolaysaa abtirsiimooyinka qabiil, kuwa goboleed iyo kuwa kooxeed; caddaaladuna way aastaa. 10. Barwaaqada, horumarka iyo amnigu waxay ka qaybqaatan yaraynta tolnimada; halka dagaallada, cabsida iyo faqrigu (shaqala'aantu) ay kiciyaan tolnimada. 11. Marka caddaaladda la waayo dhismaha guud wuu burburaa, waxsoosaarkuna wuu joogsadaa. Markaasna dadka ayaa sabool noqda, waxaana bilaabma taxane dhaadhac ah, illaa uu talisku ka burburayo. 12. Caddaaladu dhismaha dawladda way waarisaa, dulmiguna wuu burburiyaa. 13. Dadweynaha xaalkoodu ma dego, gaalo ha ahaadaan ama muslimiine, haddii aanay caddaaladi jirin, ama aan arrimaha loo habayn si caddaalad u eg. 14. Madaxda iyo amiirradu qof kasta oo hodan ah, oo dalka ku nool, waxay ku qabsadaan lacagtiisa iyo hantidiisa, iyaga oo gabbaad ka dhiganaya talis dulmi ah, oo ay iyagu samaysteen. 15. Mar kasta oo ay dadku lumiyaan kalsoonida ay ku qabaan garsoorka, waxa bilaabanta qas (fawdo); qaskuna waa astaanta koowaad ee wax hagaajinta. 16. Garsoorkuna waa garaadka bulshada, haddii ay waayaanna waxay waayaan caqligooda. 17. Haddii uu musuqu ku baaho dawladda, tallaabada koowaad ee hagaajinteedu waa fawdada. 18. Dulmiga waxa sameeya dadka awoodda iyo taliska gacanta ku haya. 19. Shuruudda ugu horreeya ee dawlad lagu dhisaa waa in la daboolo baahida cuntada iyo ta ammaanka. [Ilaahay ayaa ka quudiyay gaajo, kana amnigeliyay cabsi] {أطعمهم من جوع وآمنهم من خوف}. 20. Yoolka dhismaha dawladuhu waa ilbaxnimo iyo tadhahaad in la helo. Marka yoolkaas ay gaadhaan dawladuhuna waxay isu rogaan hallow (musuq), waanay gaboobaan, sida cimriga xayaawanka ee caadiga ah. 21. Musuqu marka uu baaho, dadka wuxuu ku ridaa godadka faqriga, oo noloshana way tahli waayaan. Tani waa bilowga dildillaac gunaanadka keena burburka dawladaha. 22. Maalmaha nabadgelyada iyo dheraggu degdeg ayay u baxaan, maalmaha gaajada, dagaallada iyo fidnooyinkuna aad bay u dheeraadaan. 23. Arrin kasta oo guud waa in loo helo tolnimo (qabiil iyo gargaarayaal). Xadiis ayaa ah: "Ilaahay nebi kasta oo uu soo diray, tolkiisa ayuu gabbaad uga dhigay." 24. Haddii aad aragto dawladaha oo cidhifyada ka soo yaraanaya, madaxdooduna ay xoolaha kaydsanayaan, jalaskii halista ayaa tunmaya. 25. Haddii uu Ilaahay doono ummad inuu taliska ka xayuubiyo, wuxu ku jeediyaa samaynta foolxumooyinka iyo ku dhaqanka waxyaabaha liita. Tani waa wixii ka dhacay Undulus, ee keenay inay lunto.
نمایش همه...
1 1🥰 1🎉 1
26. Hoggaanka daalimka ah dadku waxay u muujiyaan taageero dusha ah, waxaanay u qariyaan nacayb iyo colaad. Sidaa darteed, marka ay balaayo ku habsato, way dhiibaan iyaga oo aan dan ka lahayn. 27. Bulshooyinka jabay akhlaaqdooda ayaa xumaata. 28. Marka uu ku dabbaalanayo hoggaanku nimco iyo tadhahaad, arrimahaasi waxay u soo jiidaan koox calooshood-u-shaqaystayaal iyo danaystayaal ah, oo ka qariya shacabkiisa, wararka beenta ahna u keena. 29. Reer miyiga ayaa ka geesisan reer magaalka. Sababtuna waa inay dadka magaaladu ku jiifsadeen gogosha raaxada iyo daacdaaca, oo ay muquurteen nimcada iyo tadhahaadda; arrinka ilaalintooda iyo difaacoodana ay u xilsaareen madaxdooda. 30. Marka ay dawladuhu burburaan waxa bata xiddigiyayaasha, beenawaasyada, kitaabgaabyada iyo danaystayaasha. Waxa baaha ku-tidhi-ku-teenta iyo doodaha, waxaana yaraata aragtida fog iyo fikirka miyirka qaba. 31. Haddii ay dawladdu gasho da'da gabowga (quusta), mar kale kuma soo laabato dhallinyaranimadeeddii. 32. Xilli kastaa wuxuu leeyahay dawlad iyo rag gooniya. 33. Dawladda gabowday waxa laga yaabaa inay muujiso xoogaa awood iyo murqo ah, balse taasi waa holac u dhow damitaan. Waa sida ilayska faynuuska marka ay gaastu ka dhammaato, wuu ifayaa laakiin waa ifitaan degdeg u damaya. 34. Dadku xilliga xasilloonida waa isku wada mid, balse marka ay masiibooyinku dhacaan ayay kala caddaadaan. 35. Cidda jabtay waxay ku falan tahay kudayashada cidda guulaysatay, waayo guuldarrada ayaa u tilmaamaysa in ise-ekaysiinta guulaystuhu ay tahay awoood uu iskaga biin karo ceebta liidnimada ee uu ka dhaxlay jabka. 36. In dagaalka lagu kala guulaystaa badanka waxay ku timaadda arrimo nafsadeed oo dhalanteed ah, in kasta oo ay dirirta iyo hubku kaalin ku leeyihiin. Taasi waxay keentay in dagitaanku uu noqdo waxyaabaha ugu badan, ee lagu kala guulaysto. 37. Loollanka siyaasadeed waa lamahuraan inuu yeesho hiil qabiil iyo mid diineed. Waa si ay madaxdu ugu dhiirrigeliyaan taageerayaashooda dagaalka iyo dhimashada; iyaga oo moodaya inay u dhimanayaan diin iyo reernimo. 38. Habaynta nolosha bulsho, iyo socodsiinta arrimaha maamulku, wuxuu u baahan yahay in loo celiyo xeerar siyaasadeed oo waajib ah, oo ay dhammaan dadku u hoggaansan yihiin. 39. Cimilada qabowga ah iyo ta dhexdhexaadka ahi dadka way saameeyaan, waxaanay ku abuuraan shaqo jacayl, firfircooni, nolol jacayl iyo jewi (muudh) deggan. 40. Deegaanku saamayn ayuu ku leeyahay dabeecadda dadka. Mar kasta oo ay sabadu tahay mid qurxoon oo cagaaran, dadka deggani waxay noqdaan qaar dhibirsan. —Turjumid [khaalid ibraahim mohamud] Xikmaddee ayaa ku cajabisay?
نمایش همه...
🔥 6
Photo unavailableShow in Telegram
Nin reer Baadiyaha ahaa ayaa weydiiyey: Maxaan sameeyaa si aan Muslim u noqdo? Nebigu (scw) wuxuu yidhi: “ Waxaad dhahdaa ilaahay mooyee ilaah kale ma jiro, ka dibna ku toos dariiqa Dr..Mustafe Maxamuud Buug:Waddada Naarta
نمایش همه...
🔥 5🥰 1🎉 1👌 1💔 1
یک طرح متفاوت انتخاب کنید

طرح فعلی شما تنها برای 5 کانال تجزیه و تحلیل را مجاز می کند. برای بیشتر، لطفا یک طرح دیگر انتخاب کنید.