cookie

ما از کوکی‌ها برای بهبود تجربه مرور شما استفاده می‌کنیم. با کلیک کردن بر روی «پذیرش همه»، شما با استفاده از کوکی‌ها موافقت می‌کنید.

avatar

Hamda_ Nourツ‍

اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.  🤍

نمایش بیشتر
فنلندة1 145زبان مشخص نشده استدین و مذهبی17 072
پست‌های تبلیغاتی
5 484
مشترکین
+324 ساعت
+1217 روز
+44030 روز

در حال بارگیری داده...

معدل نمو المشتركين

در حال بارگیری داده...

Kadib dabadaa!! Kolka aad dhib iyo diif badan daris wadaag tihiin waxa aad hiyiga ka karhaysaa waqtiga, haahey "miyaanuu dhaqaaqaynba" ayaad in badan ku hadraysaa. Anigu dabadaa nolol la sheego maahaane nolol la noolaadu ma arag. Niyadii iyo hannkii aan lahaan jireyba adigay ku raaceen oo ma wax aanay ku raacin baa dayaxa ayaaba ku salaamee. Horta ruuxii aad iga raacday makuu daryeelaa sidaydii oo kale mayee mayga raysatay? Dushaada dahab ma sudhaa oo taash dheeman ah makuugu lebisaa. Maku geeyaa geedkii jacaylka ee aynu gacanteena ku abqaalnay, koley kuma geynayo oo geedkaas anaa gacantayda ku biyeeyeye. Ubaxii casaa ee ka bixi jirrey ma kaaga soo gooyaa ileen mid la caraf ahi dunida guudkeeda ma saarnee. Waxa igu oggaal ah in asrooskiinu yahay asbuucan inagu soo aadan! Waan ku farxaanahay in aad adiga iyo gacalliyahaagu yegleelaysaan qoys kamid noqon doonaa maalaayiinka qoys ee jacaylka ka alkuman. Waxa la igu biiriyey in aad jeclaan lahayd in aan kasoo qayb galo xafladaas quruxda badan nasiib xumo se habeenkii aad ii sheegtay in aanad waligaa dareen ii qaadin ina qaadi doonin ayaan magaaladii ka baxay. Ma haysan ikhtiyaar aan kusii joogo halka aad ku nooshahay maxaayeelay ma doonayn in aan farxadaada burburiyo, Oo sideen u burburiyaa si aad u faraxdo ayaanba wax walba u samaynayee. Waaqayba amminta aad faraxsan tahay ayaan farxi jirrey. Anigu dabadaa naag ma hawaysan mana hawaysan doono.. -Hadduu wada jirkii lumay, -Waqtigiyo dharaaruhu -Kala weecad keeneen -Wiilku calafku dabaday -Wehel kaaga dhigay runa -Weligaa la noolow -Wadar ubad ah kala hela. -Oct, 2022. Degane✍
نمایش همه...
4🕊 1
Qof walba magaca uu jecel yahay ugu yeedh, sida uu isu arako u arag, sida uu ku qanacsan yahay ula dhaqan, heerka ula isla taagan yahay la taagnow, cidda uu jecel yahay la jeclow, waxyaabaha uu neceb yahayna ka ilaali. Dhamaan dhaqadani waxay keenayaan inay ilaashamaan dareemada khaaska ah ee dadka noloshaada ku hareeraysan, ayna noqdaan kuwa dareema dhamaystirrnaan, maadaama oo ay dadku innaga isku keen daawadaan.
نمایش همه...
4👍 1🕊 1
اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد. 🤍
نمایش همه...
7🕊 1
Go'doomin. Mararka qaar ma muquurataa xaalad aanad garanayn wax aad ku sifayso, indhahaaga yaab maka buuxsamaa amakaag dartii ma arki kariwaydaa waxa hareerahaaga ka.dhacaya? Naftaada ma eersataa oo iyada hoos ma ula shuurtaa adiga oo ku leh waxaas oo dhan adiga ayaa u sabab ah? Maxay sabab u tahay ma qeexi kari waydaa wax walba hadda waa dareen kasta oo gudaha ah? Mararka qaar waxaynu ku go'doonaa afkaarteena, ficiladeena iyo.xataa go'aamdeena iyaga ayaa wakhtiyada qaar inaga dhiga kuwo howl gab ah oo aan far nuuxin karin hadana isla.iyaga uunbaa inoo shida nuurka rejada iyo shamaca riyaaqa, waa cajiib noloshu waa mid tacajab badan markasta oo.aad si hoose u dhugato ulana.falgasho waxay sii noqon mid cajiib ah.
نمایش همه...
5🕊 2
اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد. 🤍
نمایش همه...
7🕊 1
Haddii uu qofi ku soo dhaweeyo, ku maamuuso, wanaag badan kuu sameeyo, aadna kuu daneeyo, macnuhu keliya ma ahaan karo inuu dan ama ujeedo gaar ah kaa leeyahay. Dadyowga qaarkood dhaqan toosnaanta, akhlaaqda suuban iyo wanaaga bilaa shuruuda ah waxa ku bar-baariyey waalidkood.
نمایش همه...
12🕊 2
Nin diidey inaad run tahay Ku dooday inaanad jirin Rabbow dunidaada bilan Amaan kuma daaqi karo. DABAHUWAN| 1995
نمایش همه...
11🕊 1
اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد. 🤍
نمایش همه...
7🕊 1
dabacsanaan iyo is diidooyin, hubsiimo la'aan iyo rabitaan ayaa kasheeda ku dhex hirdamaya, jacayl aan looga fiirsan iyo aaminaad qaldantay ayaa niyadeeda buuxdhaafiyay inay baxdo ayay rabtaa haddana waxaad moodaa inay cagaheedu ay dhulka hoos u galeen si' ay u dhaqaaqdana way garan la'adahay humaagyadan oo dhan inay ka dhex baxdo ayay rabtaa balse dhawr jiho ayaa furan mana taqaano jiho ay raacdo, albaabada oo dhani way isku eegyihiin keebaan ka baxaa ayay si hoose isku waydiisay se' sidii caadada ahayd wax jawaab ah may helin, aayar ayay iska dhaqaaqday iyada oo hoos u leh waa caadi waan la qabsaday sidan, hadana way isku jawaabtay oo tidhi maya marmar baan ka damqadaa sidan, hadana waataa isku hal celisay ee tidhi iska soco oo bal mar kale tijaabi dhamaadka wadada cusub. Suusaan.
نمایش همه...
4🕊 1
Photo unavailableShow in Telegram
Si amuurahaaga aduun kuugu hagaagaan oo aad barwaaqo u gaartid waxaad u baahan tahay inaad maalin walba lambarkaan bilaashka ah garaacdid. waa lambar barakeysan oo lagu wada liibaanay. Hadii aad fahantay lambarkaan waxa uu yahay, si ay walaalaha kale uga faaideystaan hoos inoogu soo qor waxa laga wado.
نمایش همه...
14👍 1🕊 1