Abdi'rizaak ALI🦁
رفتن به کانال در Telegram
6 920
مشترکین
+324 ساعت
+287 روز
+20630 روز
آرشیو پست ها
6 920
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur oo maanta kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing iyo Wakiilka UNICEF Wafaa Siciid ayaa adkeeyay muhiimadda ay dowladda Soomaaliya siineyso ka hortagga tacaddiyada caruurta gaar ahaan askaraynta iyo xadgudubyada kale ee soo wajihi kara.
Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo Wakiilka hay’adda UNICEF ayaa dhankooda bogaadiyay dadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira ilaalinta xuquuqda caruurta.
6 920
Wafdi saraakiil ah oo uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ayaa safar isu Jira kormeer iyo dhiiri gelin ku tegay Xerada Arbacow oo gobalka shabelada hoose.
Xeradaan ayaa fariisin u ah cutubya ka tirsan Xogga dalka waxaana halkaa saraakiisha ku Soo dhameeyay Taliyaha guutada 14 Oct ee Ciidankan Xogga dalka G/le dhexe Nuur Maxamed Gaabow (Nuur-farey).
Taliyaha ayaa qudbad u jeediyay guutada 14 Oct Oo maalmihii la Soo dhaafay howlgallo lagu baacsanayo ka weday qaybta ka tirsan shabelada hoose.
Taliyaha ayaa Ciidanka u sheeegay in la doonayo in kaalin mugleh ay ka qaataan ladagaalanka argagixiso waxa uuna faray Ciidankan iyo saraakiishoda in la dedejiyo dagaalka lagu baacsanayo argagixisada ee ka socda shabelada hoose.
Safarkan waxaa qayb ka ahaa taliyaha howl gelinta ee Ciidanka Xogga dalka.
6 920
Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle iyo Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir G/Sare Macalin Mahdi ayaa maanta gaaray deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo ciidamada qaranka ku amaanay sida ay ugu jilib dhigeen cadowga Khawaarijta ah.
Saraakiishaan ayaa soo kormeeray goobihii saakay cashirka loogu dhigay Khawaarijta, waxayna saraakiisha iyo ciidanka sii baacsanaya Khawaarijta naf la caariga ah ku dhiirigeliyeen jihaadka xaqa ah oo ay ku jiraan.
6 920
Sawirada caawa laga soo qaaday Masaajidka ugu weyn Somaliya ee Cali Jimcaale
📸 Abdinasir Mohamed Salah
6 920
#Degdeg:- Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Hay'adda NISA ayaa ku guuleysatay in ay gacanta ku soo dhigto shabakaddii ka dambeysay Weerarkii Hotelka SYL
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa ku guulaysatay in ay soo qabato Abdinasir Daahir Nuur oo ahaa shaqsigii suurta-galiyay in magaalada ay soo galaan Gawaarida falka argagixiso lagu gaystay.
Sidoo kale dadka la qabtay waxaa ka mid ah ilaa iyo Afar eedeysane oo ku diiwaan gashan milkiyadda labada Gaari ee Khawaarijtu u adeegsatay weerarka Hotelka SYL.
Waxaa kale oo baaris ay ku socotaa Shan xubnood oo ka tirsan ciidanka ammaanka dowladda kuwaas oo ka shaqaynayay baraha baaris ee Khawaarijtu ay ka soo gudbeen.
6 920
Maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa weerar fulaynimo ah ku qaaday deegaanada Dhanaane iyo Aw-maki oo hoostaga Magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.
Geesiyaasha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed gaar ahaan guutada 22-aad eeBolisya milatare oo u diyaarsanaa weerarka khawaarijta ayaa a iska Caabiyay maleeshiyaadkii weerarka Nafla-caarinimada ah ku soo qaaday deegaanada Dhanaane iyo Aw-maki ee hoostaga gobolka shabeellada hoosse .
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/ gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa warbaahinta ciidamada qalabka sida uxaqiijiyay in weerarka ay Khawaarijta soo qaadeen lagu gaarsiiyay jab xooggan maadaama Ciidanka ay udiyaarsanaayeen fashilinta damaca Argagixisada.
Sidoo kale Taliyaha ciidanka xoogga dalka soomalaiyeed ayaa xaqiijiyay in khaasaaraha gaaray cadwga khawaarijta uu yahay mid tira beel ah dhawaana la wado soo bandhigidda qasaaraha rasmiga ah ee gaaray cadwaga khawaarijta ee u nool dhibaataynta shacabjka soomaaliyeed.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dhawaan Khawaarijtii gabbaad-saneysay ka saaray deegaanada dhinaca Xeebta dhaca ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ka soo maleegi jireen dhagarta Shacabka Caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan Shabeellaha Hoose.
6 920
Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow iyo Wafdi saraakiil ah oo uu Hogaaminayay ayaa gaaray degmada qadiimiga ah ee xarardheere.
Waxaa uu Taliyihu ku dhiiragaliyay inay u diyaar garoobaan baacsiga haraadiga kooxda Argagixisada ah ciidanka ku sugan Xarardheere.
6 920
Taliyaha Ciidanka XDS ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow ayaa maanta gaaray Degmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud, waxuuna kulama kala duwan la qaatay saaraakiisha Ciidamada Milateriga ee ceeldheer ku sugan in mudda ahna difaacayay.
S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa ciidamada faray inay diyaar garoobaan iskuna diyaariyaan Howlgalka dagaal ee ka dhanka ah Maleeshiyada Argagixisada ah.
Waan hubaa inaad tihiin geesiyaal u dhaartay Qaranka Soomaaliyeed kana guul keeni kara dagaalka cadawga, waxaana la idinka doonayaa inaad dadkiina ka xureysaan cadawga ayuu yiri ‘’ Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ibraahim Sheikh Muxudiin.
6 920
Taliyaha Guutada 18-aad ee Gorgor CXDS G/Le Xasan Aadan Maxamed Xasan Ciraaqi ayaa maanta Gaaray Degaanka Qahar oo 6Km Kaga Beegan Dhanka Waqooyi Deegaanka Jambaluul ee Degmada Afgooye.
Kormeerka Taliyaha guutada 18-aad waxaa ku wehliyey madaxa hoggaanka howlgalinta ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed Cornel Cali Aadan.
Deegaanadan waxaa ka socdo howlgalo lagu baacsanaayo maleyshiyaadka khawaarinta , iyadoona howlgalka iska kaa shanayaan Ciidankan sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor iyo Nisa.
6 920
Taliye ku xigeenka ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta kormeer ku tagay xerada qaybta 21-aad ee degmada Cadaado.
6 920
Taliyaha ururka 3-aad ee Gorgor Dhamme Cali Axmed Cagey oo ku sugan Xarardheere ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallada ka socda gobolka Mudug, isagoo 48-saac u qabtay shacabka ku nool dhulka ay Khawaarijtu ka joogto koonfurta gobolka Mudug.
6 920
Xukunka Sarkaal Danab ahaa oo loo haystay Falal Argagixisanimo.
Labo Xidigle Mucaawiye Cumar Cusmaan Waasuge ayaa loo soo xiray ka mid ahaanshaha Khawaarijta Alshabaab iyo Jaajuusida Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.
Mucaawiye ayaa hoggaamiyay dhowr horimood oo Ciidanka gaarka ah ee Danab kamid ah, isaggoo kaga faa’iideystay in uu xogaha ciidanka iyo howlgalada uu u dusiyo Maleeshiyada, uuna wakiil kaga ahaa Cabdullaahi Cabdi Cumar (Cabdullaahi Hiiraan) iyo Muxudiin Maxamuud Cabdi (Muxudiin Turki).
Waxaa lagu eedeeyey in uu si gaar ah u dusiyey xogaha ciidanka ee dagaaladii Galcad ee uu ku Shahiiday Abaanduullihii Danab Gaashaanle Xasan Maxamed Cusmaan (Xasan Tuurre), sidoo kale waxa uu gudbiyay xogaha difaacyadda ciidanka iyo in aysan hawada ku jirin Diyaaradaha saxiibada Danab (Drones), dagaaladii Budbud, Cali Yabaal, Alkowsar iyo Daaru-nimca.
Waxa uu dhabar jabin ku sameeyay ciidanka, gaar ahaan dagaalkii Budbud ka dib markii uu difaaca ka saaray horintii uu xukumayey.
Sidoo kale waxa uu sahmiyay Saldhigyadda Military ee Beli-doogle iyo Xero Nac-Nac, isaggoo la wadaagay Cabdullahi Hiiraan xogta ciidanka ku jira iyo koolba waardiyaasha xerooyinkaasi.
Mucaawiye Waxa uu adeegsanayey ereyo afgarasho ah oo ay isla yaqaaneen Cabdullahi Hiiraan, ayna ka mid yihiin, Adeer (Saaxibada Danab Mareykanka), Ilmaha Adeer (Speacial Danab), Abaayo (Beli-doogle), Hooyo (Muqdisho), Meeshii hore (Howlgalkii hore) iyo ereyo kale.
Waxa loo adeegsaday soo iibinta Drone, Ookiyaalaha aragga habeenkii (Night Vision) iyo agabyo kale oo ciidan oo aan u suura gelin.
Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudeynta kiiskan, waxaana laga ogolaaday Afar iyo Tobankii bishaan, iyaggoo maxkamadda horkeenay cadeymo ku saabsan kiiskaan oo ay ka mid yihiin marag-fur iyo saraakiishii ka sarreysay Mucaawiye oo marqaati ahaan maxkamaddu ay u dhageystay.
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku Xukuntay, Ex- Labo Xidigle Mucaawiye Cumar Cusmaan Waasuge Toban sano oo xabsi ciidan ah, Waxaana laga xayuubiyey darajada labo xidigle iyo xubinnimada ciidanka xoogga dalka.
Sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamdda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xassan Cali Nuur Shuute
