fa
Feedback
🌹𝗧𝗘𝗔𝗠___𝗘𝗡𝗧𝗘𝗥𝗧𝗔𝗜𝗡𝗠𝗘𝗡𝗧🌹🇦🇪☜︎︎︎

🌹𝗧𝗘𝗔𝗠___𝗘𝗡𝗧𝗘𝗥𝗧𝗔𝗜𝗡𝗠𝗘𝗡𝗧🌹🇦🇪☜︎︎︎

رفتن به کانال در Telegram

Chanel kan waxan ku so gudbin doonah barnaamijyo ku xiiso galiyo iyo sawiradah dhalin yaradah t.e sida sawirka jimcah iyo wixi kalo lamid ah.💯✊ Dag Dag Ku Hel barnamij Cusub 📝 Gacmo Furan Ku Soo Dhawow 🤷‍♂️ Nagu Soo Biir Oo nala qosal🙏              

نمایش بیشتر
4 545
مشترکین
اطلاعاتی وجود ندارد24 ساعت
-227 روز
-14030 روز
آرشیو پست ها
Waxa jiro Ubaxyo qurux badan balse aan lahahyn wax udgoon ah, sidaasi si lamida waxa jiro Qalbiyo wanaagsan balse aan lahayn
Waxa jiro Ubaxyo qurux badan balse aan lahahyn wax udgoon ah, sidaasi si lamida waxa jiro Qalbiyo wanaagsan balse aan lahayn nasiib wanagsan.💔😪 Qof kastaa wuu ku Rabi karaa balse Jaceylku wuu ka Duwan Yahay Goortii uu Qof Si Dhab Ah Kuu Qiimeeynaayo🥰❤️ Mar kasta oo aan raaco talada qalbigeyga ❣️ waxay igu hogaamiyaa adiga sidii aan kuugu heli lahaa   kadibna adiga gacanta kugu dhigi lahaa si aan shumis xamaasad ku jirto kuugu hadiyadeeyo 🤍🖤

https://t.me/JOKER_DRAMA KIᑎᘜ Oᖇᗴ ᑫᑌᗴᗴᑎ Տ᙭ᗷ. ᒍIOᑎ II ᗪᕼᗴᕼ. 1ᵏ 500 ᶜᵒᵐⁱⁿᵍ ˢᵒⁿ ᵖˡᶻ 😭✍🙏

1: caan cabsan 2: xamraawi 3: king mooha Waxaa jiray saddex wiil oo saaxiibo ah, maalin maalmaha kamid ah ayay go'aansadeen i
1: caan cabsan 2: xamraawi 3: king mooha Waxaa jiray saddex wiil oo saaxiibo ah, maalin maalmaha kamid ah ayay go'aansadeen inuu qofkasta oo iyaga kamid ah uu hal arrin joogteeyo 10ka sano ee soo socota, si ay natiijada u arkaan mar dambe. Kii koowaad baa yiri: "anigu waxaan joogtaynayaa hal xabbo oo doolshe ah oo aan cunayo". Kii kalena wuxuu yiri: "aniguna 15 push-up (aalamiito) ayaan joogtaynayaa 10ka sano ee soo socota". Kii seddexaadna: "aniguna 10 daqiiqo ayaan wax aqrinayaa". Wuxuu waqtigu socdaba... waxaa soo wareegatay 10kii sano, waana waqtigii la sugayay natiijada. Kii koowaad waxaa u kordhay hilib (wuu cayilay). Kii labaadna wuxuu noqday qof dhisan jir-ahaan. Kii saddexaadna wuxuu noqday aqoonyahan cilmi seynis (scientist). Bal adiguna arrin dooro oo joogtey sanadka soo socda, kadibna natiijada eeg. @Bakaal18

    Mid kala kq qisooday sheeko iyo taariikh dheer oo ku saabsab qaabka uu ku yimid Yurub iyo jahawareerka ka haysta, "Waddan hebel ayaa sidaa ah iyo waddan hebel ayaa waddankaan ka wanaagsan", sidii ay sheekada dheer u wadeen, wuxuu Fu'aad la ashqaraaray gabar magaceeda ku sheegtay Fowsiyo oo ahayd gabar uur Sideed bilood ah lahayd, waxayna sheegtay in xilligii ay soo tahriibaysay ay wiil isku soo barteen tahriibka is mehersadeen iyadoo sheegtay inay arrinkaas uga dan lahayd inay xijaab ka dhigato ama muxrim maadaama Diinta Islaamku ogolayn in gabar kaliged safarto, walow gabadhaas ay ahayd gabadha kaliya ee sidaa ku fakarto waayo gabdho badan oo kaligood safrayay ayaa isma soo tahriiba iyagoo aan sharciga Islaamka u hogaansamin.   Si kastaba Fowsiyo waxay sheegtay in xitaa iyadoo ninkeeda la socdo la fara xumeeyayoo Magafe ay u gacan gashay kaligeed ma ahayne gabdho badan oo kaligood socday iyo kuwo nimankoodu la socdeen ayaa hartooda lagu kufsanayay cid ka hadli kartayna ma jirin, "Ilaahay ceeb haa asturo" ayay tiri iyadoo aan waxba qarineyn. Waxa ay sheegtay in ninkii qabay uu ka mid noqday dhowr qof oo Doonida ka daatay, Baddana ay liqday, nolol iyo geerina aysan ogeyn, walow dhimasho uun loo badinayo ayay tiri, waxayna Fowsiyo sheegtay in Talyaaniga faro looga so qaaday balse ay tawakal calalaah ku socoto, haddii la aqbalo iyo haddii kaleba.      Lasoco qeybta 9-aad

Sheekadii: Nasiibka Iyo Nolosha Qurbaha.       Qore::: mr jestoole ✍                Q: 8-aad Qaato y ayaa waxaa u yimid gaarigii ay sugayeen, waxaana la geeyay Kaamkii qaxootiga Looran oo ku yaalay meel magaalada Senter-keeda waxoogaa ka yara baxsan, waxaana mid waliba oo iyaga ka mid ah lagu sameeyay baaris caafimaad, taasoo ah shaqada koowaad ee loo qabto dadka ku cusub Norway si qofkii xanuuno qaba ama lagu arko loo siiyo dawooyin iyo xanaano gaar ah.   Markii baarista caafimaad u dhammaatay ayaa isaga iyo intii la socotay waxa mid waliba la siiyay Kabk, Buste, Jakad, Surwal iyo Koob cad midka shaaha iyo biyaha lagu cabo ah, waxaana loo soo kaxeeyay halkii ay dagi lahaayeen oo ah qolal la seexdo afar afar oo ay yaalaan sariiro labo labo isu dul saaran. Intii aanan loo gudbin qolkii uu dagi lahaa ayaa waxaa halkii ay ku sugnaayeen soo gaaray qaar ka mid ah dadkii xiradaa kaga soo harreeyay si ay u eegaan dadka ku soo biiray, markiiba laba gabdhood iyo wiil Soomaali ah ayaa ayaa ku soo dhawaaday oo ku yiri "Soomaali inaad tahay baan filaynaa?" Kolkaasuy ugu jawaabay "Haa, Somaali baana ahay" Boorso yar uu gacanta ku laalaadinayay iyo alaabadii kale ee la siiyey ayay ka qaadeen waxay eegeen kaarka la siiyey oo qolka lambarkiisu ku qornaa, "Haa, anigaaba dagan qolkan, waa ii farxad inaan helo wehel Soomaali ah intii qof kale oo aanan af aqoon la ii keeno lahaa, haddeyba ila degan yihiin labo aan isku jinsiyad ahayne" ayuu yiri wiilkii Soomaaliga ahaa, waxayna u soo galbiyeen qolkii.      Xilli qado loo diyaar garoobayay ayay ahayde waxaa la keenay koobta lagu cunteeyo oo ay kuwada kulmaan dhammaan asxaabta, waxaana loo wada fariisanayay hadba inta istaqaana ama is sheego fahmaysa.   Daal hayay awgiis Fu'aad inta uu biyo isku soo shubay ayuu isku kala bixiyay sariirtiisii, hurdo kama soo dhacaynin, waxaana mar waliba u imaanayay Soomaalida xeradaas ku jirta si ay u bartaan wiilkan cusub, laakiin layaabka ki yimid ayaa waxa uu ahaa marka sheekadu cabaar socotay ayaa waxa la weydiiyay heybtiisa iyo halka uu ka soo jeedo, wax uu ki jawaabo ayuu garan waayay, "Soomaali baanu nahay, waddan qurbo ahna waanu joognaa, maxay tahay qabiil qabiilka la is weydiinayo?" Ayuu asxaabtii su'aalay,   Gabadh baa la soo booday "Maya in la is heyb aqoonsado ama la is bar garto way iska fiican tahay, anaga qabiil kuma dhaqmaynee in la iski aqoonsado ayaa nala faray kaliya waa in lagu aqoonsadaa" ayay la soo booday.   Hadalkii ayuu ku mergaday wax uu sheegana garan waayay, indhaha ayuu mirig mirig ka siiyay, candhuuf weyn oo afkiisu soo buux dhaafisay ayuuna si dirqi ah ku liqay, mid ka mid ah wiilashii qolka ugu yimid ayaa u iljabiyay, uguna baaqay inuu ka aamuso jawaabtaas, isagana baaqaas wuu gartay oo sheekada dhan kale u rogay. Ka dib waxaa la guda galay sheeko ku saabsan tahriibka, faraha Dublanka iyo dhibaatada ay la kulmaan dadka aqoonsiga loo diido, ereyga dublan ayaa ahaa mid ku cusub, laakiin sheekada oo meel macaan maraysay ayuu ka maagay inuu qaso, wuxuuna qalbiga isaga guntay inuu si gaar ereygaas uga wareysan doono wiilka qolka la dagan.   Mid ka mid ah dhalinyarada oo sheekadiisa loo wada dheg taagay ayuu u riyaaqay, xitaa dalal Yurub ka mid ah oo aan Soomaalida iska dhiibin uu magangelyo ka codsaday si uu sharci u helo, ilaa iyo Sideed sanadood ayuuna daydayay inuu aqoonsi ka helo dalalkaas Yurubta ah ee uu tagay, isagoo sheegay in ilaa iyo haatan uu wax sharci ah helin meel masta uu tagana laga soo diiday, dalkan Norway-na ay tahay markii ugu horeysay ee uu yimaado.

Qalbigu wuxuu dareemayaa xanuun💔😰 marka dadkii kuugu soo jawaabi jiray ilbidhiqsiyo, ay bilaabaan inay kuugu soo jawaabaan
Qalbigu wuxuu dareemayaa xanuun💔😰 marka dadkii kuugu soo jawaabi jiray ilbidhiqsiyo, ay bilaabaan inay kuugu soo jawaabaan Saacado!!😥 SUBAX WNGZN Ahpaapi🥺❤️

Sheekadii: Nasiibka Iyo Nolosha Qurbaha.     Qore:: mr jestoole✍                     Q: 7-aad      Waxay inoo joogtay Fu'aad oo Maskaxda ka daalay, wax uu sameeyana garan waayay dhibta heysatayna waxay markaasi ahayd welwel uu ka qabay sida uu ku heli lahaa xarunta Booliska oo ah meesha kaliya ee la iska diiwaan geliyo, "Tallow yaa ku geyn doona halka aad rabto....Soomaalidan wada dureerta ee aan arxanka iyo ixsaanka lahayn kuwo aan maciin ka helayo ma ehee ALLOW ii maciin oo cid ii bixi" inta yiri ayuu isagalee Aamiin isu yiri isagoo sacabadiisa kor u taagaya.   Fadhi ma jiree halkii ayuu socod ka bilaabay, dhowr isgoys markii uu dhaafay, qoraallada darbiyada ku qorana uu akhrinayo si uu u helo meel ay ku qoran tahay Boolis, ayuu arkay nin muqaalka Soomaaliga ah leh, bal midkan kolay waa Soomaaliye ku quuso intaasoo kuwii kale uu ka naxariis badan yahe, inta uu socod boobsiis ku socday ayaa markii uu gaaray si xiriir ah isu daba dhigay;    "Walaal tahriibe cusub ayaan ahaye mq i geyn kartaa meel aan iska diiwaan galiyo?"   Ninku Soomaali ma ahayn oo wuxuu ahaa Oromo muddo 20-sano ka badan dalka Norway joogay, kolkaasu kula hadlay afka Norwejiyaanka "Beglager, jeg er ikke somalisk" oo la macno ah "Iga raali ahow aniga Soomaali ma ihj".    Fu'aad candhuuftiisii ayuu dib u liqay luqadda lagula hadlay welihiis ma maqalin, balse nin wax fahmaya ayuu ahaaye garay in luqada dalkan looga hadlo ay tahay, wuxuu miciin biday inuu luqadda ingiriiska oo uu wax yar ka yaqaanay adeegsado,   Isagoo aan weliba sixi karin jumladaha ingiriiska ayuu si jacbuur ninkii ugu yiri: "ingiriis ma taqaanaa"    "Yes" ayaana loogu jawaabay, Markaasu ku yiri: "Xarun Boolis aan iska diiwaan galiyo ma i geyn kartaa?"    "Haa" inta ku yiri ayuu naxariis u muujiyey oo geeyay.    Ninkii sidii uu u waday waxa uu gudaha ula galay albaabkii, weliba waxa uu kala hadlay ciidankii halkaas ku sugnaa uuna sheegay inuu yahay qof Soomaali wadankan ku cusub rabana inuu is dhiibo dalbadana megangeliyo qaxootinimo.   Markiiba waxa loo bilaabay diiwaangelin cusub, waxaanaa weydiiyay da'da uu jiro iyo wadanka uu u dhashay isla markiiba wuxuu u sheegay inu Soomaali yahay da'diisuna ay tahay 26-jir, warqad lambar ku qoran ayay u dhiibtay gabar askariyad ah oo ku sugnayd halka dadka magangelyada codsada ay iska dhiibaan, iyadoo ku wargelisay inuu horay u galo meel hool ah.   Waa maalin xasuus ka mudan, dhibaatooyin aad u fara badan ayuu ka soo maray inuu halka uu joogo soo gaaro, waxayna ku qaadatay 11-bilood oo tahriib ah iyo saacado badan oo dhaxan iyo qabow magaalada Oslo uu la dhex wareegayay kadib waxa uu dareemay neecoow macaan, inkastoo aanu iloobin utuntii tahriibka iyo Soomaalidii ugu horreysay ee uu Norway ku arko ee u arxami weysay.   Fu'aad ma ogayn waxa uu mustqqbalka dambe ku dambeyn doono, xilli barqo ayeyna ahayd markii ay u soo dhamaatay howlihii hore ee is diiwaangelinta qaxootinimada, su'aalo fara badan ayaana laga weydiiyay safarkiisa Muqdisho ilaa Norway, wuxuuna la sheekeeyay arrimo badan oo naxdin leh oo gabadhii wareysanaysay qudheeda ay la qushuucday.   ID–kaar aqoonsi qaxootinimo ayay gabadhii faraha ka saartay, waxayna u sheegtay in wejigii hore ee wareysiga uu u dhammaaday, mar kasta oo lpo baahdana su'aalo la weydiin karo haddii ay arrimihiisa wax ka soo noqdaan, isagana wuxuu u sheegay inuu taas diyaar u yahay.   Waxaa lagu biiriyey afar ruux kale oo ajaanib magangelyo doon ahaa kuwaasoo saacado ka hor wareysiga loo idleeyay, waxaana loo sheegay in saacad ka dib loo qaadi doono xarunta Looran oo ah Kaam KMG ah oo dadka ku cusub Norway ee qaxootiga ah la geeyo.   Afartii ajaanibta ahaa oo mid ka mid ahi ahayd dumar saddexda kalena rag ahaa ayaa labo ka mid ah oo isku waddan ka yimid waxay ku sheekeysanayeen luqaddooda, isaga, gabadhii iyo midka kalena aamusnaan ayay u kaalmeeyeen oo kuwo is luuqad yaqaanay ma ahayn.                 Lasoco Qeybta 8-aad

Doog baad utahay indhaheyga Dabiib baad utahay qalbigeyga Duni baad utahay nafteyda 🌏🖤 Ha iloobin inaad tahay riyooyinkeyga
Doog baad utahay indhaheyga Dabiib baad utahay qalbigeyga Duni baad utahay nafteyda 🌏🖤 Ha iloobin inaad tahay riyooyinkeyga aan ugu Jeclahay inaa ka mid tahay Markii aan soo xasuustane Aan aad ugu farxo, Waxaan allh weydiistaa In uu xalaasheyda kaa yeelo 🥀💖 Majiro nin guul gaari iyadoo eysan gushaasi ka danbeyn qof dumar ah Hooyo ama xaaas ninkii labadaas garab helay baa liibaanay💓❤️ Qofna kuma Daali karo sugitaanka Hal Dareen ilaa ay Ka midoowaan mooyee sida Doorashada ay u wanaagsan tahay Bey Qalbiyaduna u farxaan💕🫂❤️🤞✌️

Sabab ta kaliya aan bilaaa xiriir ka uahay waxaa kamida😭💔🥹😭🥹 ...Uma baahni jacly beena Oo ku salaysan maalmo usbuuc ama
Sabab ta kaliya aan bilaaa xiriir ka uahay waxaa kamida😭💔🥹😭🥹 ...Uma baahni jacly beena Oo ku salaysan maalmo usbuuc ama bilooyin🥹💔🥹 ...Uma baahni isku danaysi kumeel gaar iyo katagi taan🥲🧑‍🦯😢 ...Uma baahni dareen beena aaan qalbiga jirin io qalbi jogta ah😢🥹💔🥀 ...Uma baahni wakhti lumis canaan intee jirtay io mxaa isoo wici wayday🥲🥹😔😢 ...Uma baahni qayaano ku dul wadid qofkale io xanun aan laga soo kaaban karin😭💔🥹😢 ....Uma baahni isqab qabsi joogta ah what's why aan kali u ahay😭🥹😭👤 Taada lanooloow 💔🥹 Tayda lanolanaa 🥹💔 ( Afur wngsan mai fans ..☕🥖🍉) @Bakaal18

Sakaraatul mowdka sigay, dhibkii kala duwanaa ee uu soo maray iyo sida hamigiisu ahaa ayuu is barbar dhigay, kolkaasu isla hadalkii uu ku jiray ka soo baraatugay oo sidii qof riyo ku jiray hal mar soo booday, wuxuu arkay waagii oo ku dul baryay, ma seexan laakiin isagu inuu hurday ayuu isu moodaa inta uu xasuustaas dhex maquuranayay. Maskaxda ayuu ka daalay, wax uu sameeyana garan waayay dhibta heysatayna waxay markaasi ahayd welwel uu ka qabay sida uu ku heli lahaa xarunta Booliska oo ah meesha kaliya ee la iska diiwaan geliyo, "Tallow yaa ku geyn doona halka aad rabto....Soomaalidan wada dureerta ee aan arxanka iyo ixsaanka lahayn kuwo aan maciin ka helayo ma ehee ALLOW ii maciin oo cid ii bixi" inta yiri ayuu isagalee Aamiin isu yiri isagoo sacabadiisa kor u taagaya.       Lasoco Qeybta 7-aad...

Sheekadii: Nasiibka iyo Nolosha Qurbaha Qore:::: mr jestole                    Q-6-aad   Kooxdii oo Fu'aad ka mid ahaa waxaa loo geeyay telefoon meel kasta ay kala karaan si eheledooda iyo asxaabtooda uga dalbadaan lacagtaas, waxaana loo qabtay muddo Saddex todobaad ah inay lacagahaasi ku soo shubaan iyagoo loo sheegay magaca xawaalada ay soo dhigayaan iyo cidda ay ku soo hagaajinayaan. Talaa fara ka baxday, qof waliba wuxuu bilaabay in eheladiisa iyo cid kasta oo uu yaqaan isna lahaa wax baad ka helaysaa uu la xiriiro, Fu'aad cid uu wacdo ma uusan garanayn, wuxuuna ku qasbanaaday mar haddii nafta la iska jarayo jirdil arxandari ahina u sii dheer tahay in waalidkiis uu maciin bido walow uusan waxba ku ogeyn.   Beer wax dhalay waa nugul yahee, Fu'aad Hooyadiis iyo Aabihiis aad ayey u jeclaayeen, markiiba uu fariintaas naxdinta leh gaarsiiyey waxay bilaabeen or-orod iyo in ay lacaghaasi u raadiyaan wiilkooda si aan loo dilin ama loo dhibaateyn, maadaama ay heysteen warbixinta tahriibayaasha uu Magafe qabsado.   Dal iyo dibad, bad iyo baadiyo, tuulo iyo degmo meelihii ay joogeen dad ay garanayaan qaraabo iyo asxaab way la xiriireen laakiin qarashaadkii loo baahnaa kama aysan helin, kadibna waxay talo rogrogaanba waxay go'aamiyeen in Nus booska reerku degan yahay loo beeciyo Fu'aad, qiimo aan u qalmin dhulkoodii ay jeclaayeen ayayna ku iibiyeen kadibna u direen wiilkooda Magafaha uu haysto Labo bilood ayay ku qaadatay in lacagahaasi la soo diro, muddadaasina silic iyo saxariir ayay ugu ag noolaayeen Magafayaasha heystay ee daladda wada ah, waxaana muddadaasi marba kooxda lagu soo biirinayay tiro dhalinyaro kale oo rag iyo dumqr isugu jiray oo iyagana la marsiinayay intii iyaga la marsiiyay oo dhib iyo cadaab adduun ahaa, mana jirto hal gabar oo fara xumeyn ka badbaaday.   Fu'aad iyo tiro kale oo tahriibayaal ah markii la hubiyey in lacagtii laga rabay loo soo diray waxaa la saaray Dooni duug ahayd oo aad u yareyd looguna talo galay tiro dhowr iyo toban ruux, waxaase la saaray Doonidaasi ku dhawaad Boqol ruux oo sidii jawaano dhuxul ah la isu dul saaray.   Dooni loogu talo galay wax ka yar 20-ruux oo Boqolaal ruux la saaray xaalkeedu waa luufluufid iyo inay quustee, Doontii biyo ayaa soo galay oo way quustay, badi dadkii saarnaana moolka Badda ayay ku quuseen, waxayna quud u noqdeen Libaax Badeed ku naaxay dhiigga iyo hilibka dadka Baddu liqdo.   Fu'aad isaga dabaal yaqaan ayuu ahaaye in muddo ahi wuu dabaashat, laakiin dedaal badan ee uu sameeyay markan wuu daalay quusna wuxuu u yahay biyaha ku hafto oo geerida isu dhiibo, laakiin Alle badbaadiye ma dhintee nasiib wanaag waxa u soo gurmaday Markab Ciidan oo dalka Talyaaniga laga lahaa isaga iyo labo kale ayaana la badbaadiyay.   Isagoo sakaraadku saaran yahay oo miir daboolmay ayaa la geeyay Jaziirada Lambadusa ee dalka Talyaaniga, halkaasina waxaa ka sii qaaday dhakhaatiirta gurmadka degdega oo isbita geysay.   Maalmo ayuu Fu'aad miyir daboolnaa oo koomo ku jiray, wuxuuse soo baraarugay isagiyo darees cadcad xiran, hareeruhuna ka jiifaan dadkale oo iyaguna dhar cadcad xirnaa, inuu qiyaamihii joogo oo karfan loo xiray ayuuna citiqaaday, ilaa dhakhtarkii daweynayay ugu yimaado ugana warbixiyo xaaladdiisa, kolkaas oo uu yaqiinsaday iniu bukaan Alle soo badbaadiyay yahay.   Markii uu Fu'aad soo yara bogsaday waxaa loo soo qaaday xero qaxooti oo Talyaaniga ku taala, maalmo fasax iyo feesto ayay ku jireen dadyowga Talyaaniga, waxaana xigay Sabti iyo Axad oo iyagana ah maalmo aan laga shaqeynin dalalka Yurub iyo Amerika, maalmahaas ayuuna xog badan ka aruursaday xerada, loona sheegay in haddii faraha laga qaado ay adkaan doonto inuu waddan kale iska dhiibo, Talyaanigana noloshiisa ay aad u adag tahay, waxaana lagula taliyey inuu ka baxo xerada oo dal kale u haajiro iskana dhiibo.   Fu'aad waxa uu xaqiiqsaday in waxa uu ku taamayey iyo xaqiiqda uu arkay ay kala yihiin laba marxaladood oo kala fog, wuxuuna ku tallamay inuu baxo dalka Norway oo aad loogu amaanay loona sheegay in dadka megangelyo doonka ah laga soo dhaweeyo, waxaana lagu soo daray tareen geeya Norway

Haddii aad dhinaceyga joogi laheyd waxaan kuu hadiyeen lahaa habsiin, heer aad kala garan weydo garaaca wadnaheyga iyo kaaga.
Haddii aad dhinaceyga joogi laheyd waxaan kuu hadiyeen lahaa habsiin, heer aad kala garan weydo garaaca wadnaheyga iyo kaaga. 🫀❣️🥰🥹🥹 Ha i weydiin inta aan ku jeclahay, laakiin si qoto dheer indhahayga u fiirso, way kuu sheegi doontaa runta.🥰💯🧡❤️🌹 Halmar ayaan Si dhaba wax Ujecladay halkii marna adiga Nasiib uyeshay oo an si dhaba ku jecladay❤🥰❤️💋

Qalbigu wuxuu raadiyaa Ruux ay dareen wadaag yihiin kaasoo ka dhowra dhaawaca Gudaha iyo dibaddaba kaga imaan kara.❤️😍🌹 "An
Qalbigu wuxuu raadiyaa Ruux ay dareen wadaag yihiin kaasoo ka dhowra dhaawaca Gudaha iyo dibaddaba kaga imaan kara.❤️😍🌹 "Anoo nafta kuu hibeeyay Xidhiidhka hadii aan gabay Haw malaysan inaan ku nacay"❤️😍🌹 Waxaan ahay Noole Aan ka quusanin xagaaga waayo ma rabo si qiyaali ah inaad ugu fogaato Qalbigeyga🫀❤✨

saacadu isbadal badanaa oo minute ku layaab badanaa second kuna orod badanaa dad kuna kala fikir duwanaa ana layaab badaniyaa
saacadu isbadal badanaa oo minute ku layaab badanaa second kuna orod badanaa dad kuna kala fikir duwanaa ana layaab badaniyaa.😂💔🤕 Akhriste adna so tuuro kalmadada😂😂 W/Q:Hal Mar Ii Qosol

Sheekadii: Nasiibka iyo Nolosha Qurbaha 𝐐ᴏʀᴇ:: ᴍʀ ᴊᴇsᴛᴏᴏʟᴇ..✍                  Q:: 5-aad Marba muqalas dulaal ah ayay la xiriirayeen si ay u helaan mid qiimo jaban ka qaata oo ka tallaabiya xudduuda Suudaan si ay u gaaraan Liibiya, waxaana laga gudbiyay magaalo Xajar la yiraahdo oo xuduud la leh Liibiya, balse intii ay wadada sii socdeen waxaa si arxandarro ah ula dhaqmayay dulaalintii wadday oo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jiray.   21-ruux oo Soomaali, Itoobiyaan, Eretariyaan iyo Suudaanees ka kooban ayay ku safrayeen, waxaana tiradaas ka badbaaday 16 qofood ka dib markii saxaraha u dhexeeya Suudaan iyo Liibiya ay badankood ku dhinteen. Gaariga la saaray oo Landcrueser duug ahaa ayaa 21-kooda si is-dulsaar ah loogu raseeyay, gabadh oon iyo gaajo ayay u geeriyootay gaariga ayaana meydkeedii lagu tuuray, Afar wiilna buuq ayay gaariga ku dhex sameeyeen markaasaa gaariga laga dejiyey oo cidlada looga dhaqaaqay. Markii loo soo dhawaaday xuduuda Liibiya ayaa Fu'aad iyo saaxiibadiis gaarigii laga wada dejiyey, waxaana loo sheegay in xudduuda Liibiya looga gudbayo si aamusnaan oo dhuumaalaysi ah, waxaa lagu amray in shanqarta ay yareeyaan oo askarta xuduuda teetsan laga dhuumanayo.   Gaajada iyo oonka haayay dhalinta qaarkeed socodkii ayay tahli waayeen, wayna kala hareen dhalintii oo ilaa 7-ruux ayay ku soo hareen, kuwii kalana way socon waayeen oo way tacbaanoobeen.   Fu'aad iyo Afar rag ah oo ay wehliyaan 2-dumar ah waxaa la geeyay teendho dhul banaan oo saxare ah ku taala, kuleyl daran iyo habaasna ay u dheer-tahay, dabeyl xanfaf wadata oo indhaha dadka kala baxaysa, ciiddana hadba dhan u guurguurineysana way dhacaysay, way naxeen kadib markii dulaalintii wadday ay u sheegeen in ay xirran yihiin oo aysan meelba u dhaqaaqi karin, ileyn dulaaliinta ayaaba ah kuwo la shqeeya Magafe.   Daqiiqado kama soo wareegin markii hadalkaas loo sheegay iyo markii ay u yimaadeen Saddex nin oo hubeysan, markiiba waxa lagu bilaabay in baadka qoriga lagu garaaco, xabado korkooda lagu rido, karbaash adag lagu garaaco, cabsi galin iyo hanjabaadna loo geysto, waxaana loo kala saaray Rag iyo Dumar oo labadii gabdhood waa lala baxay, waxaana la geeyay teendho kale oo aan meeshaba ka fogeyn, maalinnimadii xigtay ayaa gabdhihii oo darxumo iyo diifi ka muuqato dib loogu soo celyay. Gabdhuhuu waxay u sheegeen in rag badan toban ay faro-xumeyn u geysteen, mid ka mid ah gabdhaha oo is adkaysayna si ba'an loo jir dilay, waxayna tusisay jirkeeda oo sidii karbaash loogu waday googo'ay.   Labo maalmood waxba ma aysan cunin, waxaana maalintii saddexaad loo keenay rooti qaleyl ahaa oo dhuunta aan mari karin iyo biyo jirgaan ku jiray oo kuleyl diirimaad ahaa, musqulo ma laheyn oo teendhada ay seexdaan duleedkeeda ayay isaga saxaroonayeen iyadoo aanay jirin cid cidda kale iska astureysa.   Gabdhaha hadba markii la doono ayaa la iska kaxeysanayay oola soo fara xumeynayay, qeyladooda iyo guuxoodana waxay ahaayeen kuwo aanay jirin cid uga garaabaysa oo si arxandarro ah ayaa loola dhaqmayay.   Todobaad markii ay halkaas ku saxariirsanaayeen ayaa loo kaxeeyay tuulo kale oo aan ka fogeyn, waxaana loo geeyay tahriibayaal kale oo iyaguna si baahsan lpo silic dilay, waxaana ku jiray kuwo sidii loo jir dilayay dhaawac naafo ka noqday iyo kuwo xanuunsan oo cid wax u tareysa aysan jirin, waxaana Fu'aad iyo intii la socotay la dul geeyay meydad maalin ka hor la toogtay oo loo sheegay in muddo Lix bilood ah la hayay lagana waayay lacagtii madax furashada ahayd, iyagana sidaas oo kale lagu samayn doono haddii qarashaadka laga doonayo ay bixin waayaan.   Waxaa lagu wargeliyay in mid kasta oo iyaga ka mid ah laga doonayo lacag gaaraysa 5000$ (5-kun oo doollar) oo loo sheegay in haddii ay bixiyaan Dooni geysa Jaziiradda Malta lagu darayo, haddii ay keni waayaana ay ku biirayan meydadka halkaasi tusaalaha u yaala ee aan la duugeynin.            Lasoco Qeybta 6-aad

" Qalbigu ma yaqaano eexashada oo dareen ma siiyo cid gaar ah, qalbigu waxa uu u nuglaada oo la jirra haddba ciddii uu nuglaa
" Qalbigu ma yaqaano eexashada oo dareen ma siiyo cid gaar ah, qalbigu waxa uu u nuglaada oo la jirra haddba ciddii uu nuglaansho, ixtiraam iyo kalgacal ka helo ❤️😍 Caashaq aan ciroobin iyo camal aan doorsoomin ceesh lawada quutiyo caano lawada dhamaa caadil laga baryaa 🤲🏻🥰❤️ Haddii aad dhinaceyga joogi laheyd waxaan kuu hadiyeen lahaa habsiin, heer aad kala garan weydo garaaca wadnaheyga iyo kaaga.❤️💓🌹 @Bakaal18