fa
Feedback
Hamse Ducaale

Hamse Ducaale

رفتن به کانال در Telegram

I'm Hamse Ahmed Suleiman, I'm The CEO and founder of Ducaale International Book-shop (DIBS)."My Vision is to promote Islamic Religion and be beneficial to the community " Raad Reeb Inta Aanad Dhiman " اترك أثرا قبل الرحيل- Leave an impact before you "die

نمایش بیشتر
334
مشترکین
اطلاعاتی وجود ندارد24 ساعت
اطلاعاتی وجود ندارد7 روز
اطلاعاتی وجود ندارد30 روز
آرشیو پست ها
In the beginning ============= Wax kasta oo kugu cusub ... luuqad cusub oo aad baranaysid, shaqo hor leh oo aad bilaabaysid,
In the beginning ============= Wax kasta oo kugu cusub ... luuqad cusub oo aad baranaysid, shaqo hor leh oo aad bilaabaysid, Gym iyo jir dhis, salaatu layl ... wax kasta oo kugu cusub marka hore waa culus yihiin, waxay leeyihiin cabsi ... laakiin haddii aad xoogaa adkaysatid, sabirtid, joogtaysid waxaad arkaysaa ugu dambaynta iyadooba caado aadan dareemin kuu noqotay (regular habit). Wax kasta oo kugu cusub waxay u baahan yihiin in aad ku bilowdo si yar yar iyo qaddar aad qaban kartid ... haddii aad isku waashid bilowga hore waxaa suurtagal ah in ay keento natiijo caksi ah iyo jiyad jab.

Marka qofku qaado tallaabada ugu horaysa haba yaraato/gaabato oo uu fadhiga ka kaco, waxay ku bixinaysaa in ay geliso "Momemtum" ku takhantakheeya in uu sii socdo. Waxay abuuraysaa "Domino effect" ... mar haddaad tallaabada koobaad ku dhaqaaqdid, inta hartayna iyadaa iswadaysa ... waa ka fududaanaysaa, walaacii iyo hubanti la'aantii qofka qallajiyayna meesha waa ka baxayaa ama waa yaraanaa. Ficil qaadida waxay qofka ku bixinaysaa in uu yeesho caado "Habit" togan, in uu noqdo qof firfircoon, lehna wax qabad. Tallaabo qaadidu waxay ku baraysaa waxa aad ku fiican tahay iyo meesha aad ka jilicsan tahay. Waxay ku siinaysaa khibrad ... waxayna kuu furaysaa wadada go'aamada mustaqbalka aad qaadan lahayd. Haddaad wax kala garan waydo ... haddii taladu kaa baahdo ...haddii walaac ku galo ... meel uun ku dhufo ... tallaabso oo ka dhaqaaq meesha aad taagnayd ... dhaqaaqa ayaa waddo kuu furaya ... "Action breeds clarity". Dr. Mohamoud A Mohamoud

In aad tallaabo qaadid, halkii aad meeshaada ku engagi lahayd, waxay kuu furaysaa albaabo markii hore kaa xirnaa ... waxay kuu suurtagelinaysaa in aad fahamtid naftaada iyo waxa aad qaban kartid (Capabilities), waxa mudan in aad qabatid (Priorities) iyo wadda aad qaadi lahayd. Qaadida tallaabo ficil ah waxay jebinaysaa "Inertia"-da qofka dib u haysa ee u diidaysa in uu ficil qaado, waxay jebinaysaa wahsiga iyo dib u dhigashada in uu u istaago dantiisa iyo waxa maslaxaddu ugu jirto.

Action breeds clarity ================= Marar badan waxaa dhib kugu ah in aad qaadatid go'aan ... jihadee aadaa, maxaad barat
Action breeds clarity ================= Marar badan waxaa dhib kugu ah in aad qaadatid go'aan ... jihadee aadaa, maxaad barataa, shaqo noocee ah samaysaa, howshaas ma ku dhaqaaqdaa ... "Lack of clarity & brain fogginess". Hubanti la'aanta (Uncertainty) iyo in qofka aysan u caddayn jihada iyo go'aanka uu qaadan lahaa oo inta badan ay ka dambayso cabsi qofku ka qabo in uu fashilmo waxay qofka ku bixisaa in uu meeshiisa ku qalalo, wax tallaabo ahna qaadi waayo sidaasna ay ku dhaafaan fursado badan oo laga yaabo in ay naftiisa wax wayn ka bedeli lahaayeen. Qofku in uu ku dhiirado in uu tallabo iyo ficil qaado, marka uu daraaseeyo fursadaha iyo "Options"-ka uu haysto haddib waxay u furaysaa waddo iyo in uu caddaado mowqifka uu qaadan lahaa.

Repost from Hamse Ducaale
Ogaysiis Muhiim Ah Waxaa Dhamaan Walaaha Khayrka Jecel La Ogaysiinayaa In Muxaadiro Qiimo Badan Oo Ciwaankeedu Yahay *Wakhtig
Ogaysiis Muhiim Ah Waxaa Dhamaan Walaaha Khayrka Jecel La Ogaysiinayaa In Muxaadiro Qiimo Badan Oo Ciwaankeedu Yahay *Wakhtigu Waa Noloshaadii Ee Ha Dayicin* Ay Inooga Qabsoomi Doonto Masjidka Abuu Bakar Sadiiq Ee Xaafada Masalaha . Waxaana In Soo Jeedin Doona *Sheekh Xamse Axmed Sulaymaan Abuu Isxaaq* Muxaadiradu waa habeenka Sabtidu Soo Galayso .

Hadaad tahay Qof Raba Inuu Barto Luuqadaha Programinka gaar ahaan software Engineering-ka Waxa labilaabaya Casharo ku Saabsan Arinkaas ee Ka Faa'iidayso Fursadan Oo Soo gal Groupkan 👇👇👇👇👇 https://chat.whatsapp.com/CuERH9iQ3SDBuL4hYsOc8S

Qofkuu marka u horaysa oo uu kufo, waxaa ku dhaca "Shock" iyo dawakhaad laga yaabo in uu la wareero isbedelka xaaladiisa uusan filayn. Laakiin in uu markiiba naftiisa dib u eego (Self-reflection) oo qiimayn ku sameeyo, fahmo meesha looga yimi iyo waxa ku dhacay waxa ay yihiin ... waxay ku saacidaysaa in uu dib u miyirsado, isgarto, meesha uu ku dhacayna ka boodo. Ogow in aad kuftid waa qaddar iyo wax aadan kantarooli karin ... laakiim in aad kici waydo waa "Choice"-kaag iyo adiga doorashadaada. "Falling down is an accident ... staying down is a choice".

Kartida in aad boodid markiiba marka aad kuftid, kasoo noqotid khaladka iyo gafka, dib markale isugu daydid ... waxaa la yiraahdaa "Resilience". Waa karti asaas u ah qofku in uu noloshiisa ku najaxo, xaqiijiyo natiijadii uu hiigsanayey, gaaro ahdaaftiisa. Waa sifo ka mid ah sifooyinka ugu muhiimsan ee 'Qur'aanku' ku ammaanay dadka mu'muniinta ah ee sida dhabta ah u rumaysan Ilaahay. Waxaa cajiib ah in Rabbi ku amaanayo in ay yihiin kuwo dambi gala, kuwa gafa oo khaldama ... laakiin aan khaladkii, gafkii iyo dambigii kusii socon oo marka ay is gartaan in ay khaldameen ama gafeen dib uga soo noqda (Resilients). "والذين إذا فعلوا فاحشة أو ظلموا أنفسهم ذكروا الله واستغفروا لذنوبهم - ومن يغفر الذنوب إلا الله - ولم يصرّوا علي ما فعلوا وهم يعلمون"

Falling Down vs. Staying Down ========================= Noloshu kama marna mashaqo iyo xaalado adag oo kusoo mara. Dhacdooyin
Falling Down vs. Staying Down ========================= Noloshu kama marna mashaqo iyo xaalado adag oo kusoo mara. Dhacdooyinka nolosha ma ahan wax si buuxda loo sii odorosi karo. Waxay kugu kallifaysaa in aad kuftid, turunturootid ama aad dhacdid. Dhibaatooyinkaas aad la kulmaysid waa wax u dhaca ku talogal la'aan (Accidents), waxa ayna ka mid yihiin nolosha iyo daalaa dhaceeda. Dhibaatadu ma ahan in aad dhacdid (part of your life) ... dhibaatadu waa in aad marka aad kuftid, kici waydid ... marka khalad kaa dhaco, ka noqon waydid ... marka aad danbi gashid, towbad keeni waydid ... markii dariiq kaasoo oodmo, dariiq kale qaadi waydid ... in ku qanacid fashilka iyo kufitaanta.

Ogaysiis Muhiim Ah Waxaa Dhamaan Walaaha Khayrka Jecel La Ogaysiinayaa In Muxaadiro Qiimo Badan Oo Ciwaankeedu Yahay *Wakhtig
Ogaysiis Muhiim Ah Waxaa Dhamaan Walaaha Khayrka Jecel La Ogaysiinayaa In Muxaadiro Qiimo Badan Oo Ciwaankeedu Yahay *Wakhtigu Waa Noloshaadii Ee Ha Dayicin* Ay Inooga Qabsoomi Doonto Masjidka Abuu Bakar Sadiiq Ee Xaafada Masalaha . Waxaana In Soo Jeedin Doona *Sheekh Xamse Axmed Sulaymaan Abuu Isxaaq* Muxaadiradu waa habeenka Sabtidu Soo Galayso .

photo content

photo content
+5

#FADLIGA_MAALINKA_CAASHUURAA #SHEEKH_BARBARAAWI #FADLAN_SII_GUDBI

photo content
+3

‏(البرنامج اليومي للحياة الطيبة والنعيم المعجل) ١-متابعة المؤذن. ٢-أذكار الصباح والمساء. ٣-التزام الفرائض في وقتها. ٤-المحافظة على الرواتب. ٥-الأذكار بعد الصلاة. ٦-التهليل والاستغفار مئة مرة. ٧-تلاوة جزء أو ما تيسر. ٨-الصلة وبذل الإحسان. ٩-الوتر ولو بثلاث. ١٠-تحري الدعاء في أوقات الإجابة اليومية: عند الأذان، بين الأذان والإقامة، السجود، جوف الليل.

photo content
+3